Madaxweynaha Mareykanka, Donald
Trump, ayaa sheegay in qiimaha saliidda uusan si weyn kor ugu kicin inkastoo la
xiray Marinka Hormuz, isagoo yiri:
"Waxaan saliid badan ka
helnay iyaga. Dadku taas ma ogeyn, wax walbana waxay dhaceen muddo bil iyo bar
ah gudahood."
Wareysi laga sii daayay
telefishinka ayuu Trump ku celiyay sheegashadiisa ah in ciidamada Mareykanku ay
burburiyeen maraakiibta dagaalka ee Iran iyo dhammaan diyaaradaha Ciidanka
Cirka ee Iran.
"Ugu dambeyn waxay ogaadeen
inaysan mar dambe lahayn nidaamyadii raadaarka, sababtoo ah nidaamkoodii
raadaarka waa la curyaamiyay. Sidaas darteed waxaan weerarnay habeenkii oo
mugdi ah"
Trump ayaa sidoo kale sheegay:
"Ciidamadeenna badda ee
awoodda badan waxay soo rogeen cunaqabateyntii ugu ballaarneyd ee abid la arko,
taas oo lagu beegsaday dekedaha Iran. Muddo laba bilood ahna ma jirin wax
markab ah oo ka gudbi kara marinka. Ugu dambeyntiina waxaan gaarnay heshiis,
waxaana kala dirnay isbahaysigii. Ma garanayo, laga yaabee inaan mar kale
heshiis gaari karno."
"Si kasta ayaan ku guuleysan
doonnaa. Ama waa inay heshiis galaan."
Trump wuxuu sheegay in soo
afjaridda awoodda Iran ay tahay arrin fudud, isagoo yiri:
"Naguma adkaan
doonto inaan arrintaas soo afjarno. Laakiin dabcan, waxaan doorbidayaa heshiis,
sababtoo ah ma doonayo in 91 milyan oo qof ay wajahaan cawaaqib xun."
Isagoo ka hadlay awoodda militari
ee Mareykanka ayuu yiri:
"Waxaan hal saac gudaheed ku
burburin karnaa buundooyinkooda. Waxaan baabi'in karnaa shabakaddooda
korontada. Dhammaan xarumaha korontada ee ay dhisteen waxay ahaayeen kuwo
waaweyn, qurux badan oo casri ah. Hore lacag badan ayay u haysteen, balse hadda
lacag ma haystaan. Waxaan ka jari karnaa korontada oo aan burburin karnaa
xarumahooda koronto."
Maalmo ka hor, Trump ayaa sidoo
kale sheegay inuu Iran siiyay hal toddobaad oo kama dambeys ah si ay heshiis u
gaarto, isagoo uga digay cawaaqib haddii aysan sidaas yeelin.