You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay qaar ka mid ah dalalka Afrika u diidayaan lacagta gargaarka ee Trump?
Kadib markii ay maamulka Trump sannadkii hore uu kala diray hay'addii ugu weynayd ee Maraykanku ku bixin jiray kaalmada dibadda, waxay hadda mar kale dalalka Afrika u soo bandhigeen boqolaal milyan oo doollar si loogu taageero nidaamyadooda caafimaadka loogana caawiyo la dagaallanka cudurrada.
Hase yeeshee, heshiisyadan cusub waxay wataan shuruudo ku xidhan, taasina waxay sababtay in dowlado qaar ay ka biyo diidaan.
Markii heshiiskii ugu horreeyey lagu saxiixay magaalada Washington bishii Diseembar ee sannadkii hore, Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio sheegay inuu rejaynayo in heshiiskani noqdo kii ugu horreeyey ee kuwo badan.
Rubio wuxuu yidhi:
"Waxaan rejaynaynaa inaan saxiixno, ma aqaan, 30? 40? Immisa? 50? Laakiin kan waa kii ugu horreeyey. Mar walba waan xusuusan doonnaa heshiiskan, waxaana aaminsannahay inaan doorannay lammaanihii ugu habboonaa."
Laakiin xitaa heshiiskan taariikhiga ah ee lala galay Kenya, oo qiimihiisu yahay 2.5 bilyan oo doollar, ayaa dib u dhacay kadib markii ay miiganayaal maxkamad geeyeen si ay u hor istaagaan, inkastoo ugu dambayntii golaha wasiirradu ansixiyeen bishii hore.
Wax yar kadib markii uu xilka qabtay, Madaxweyne Donald Trump wuxuu amray in la xiro Hay'adda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga ah (USAID), isagoo ku eedeeyay inay ku kacday kharash aan loo baahnayn. Arrintaasi waxay si weyn u wiiqday barnaamijyo caafimaad oo ka jiray qaar ka mid ah dalalka Afrika kuwaas oo ku tiirsanaa maalgelinta Maraykanka.
Istaraatiijiyadda cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ee caafimaadka caalamiga ah waxay dalbanaysaa in dowladaha qaata kaalmadu ay qayb ka qaataan mas'uuliyadda iyagoo kordhinaya kharashaadka ay ku bixiyaan caafimaadka, si loo dhiso nidaamyo waara oo mustaqbalka isku filnaan kara.
Tusaale ahaan, Maraykanku wuxuu bixinayaa 1.6 bilyan oo doollar oo ka mid ah heshiiska guud ee Kenya, halka Kenya ay ballanqaadday inay shan sano gudahood ku darsanayso 850 milyan oo doollar.
Maamulka Trump wuxuu rejaynayaa in wada-shaqaynta tooska ah ee lala yeesho dowladaha ay ka fiicnaan doonto nidaamkii hore ee deeq-bixiyeyaasha iyo ururrada aan dowliga ahayn, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay abuureen ku-tiirsanaan, sameeyeen hannaan adeeg oo is barbar socda, isla markaana qayb badan oo lacagta gargaarka ahi ku baxday kharashaadka maamulka.
Rubio wuxuu bishii hore u sheegay guddi ka tirsan Kongareeska:
"Kaalmadeennu ma noqon doonto oo keliya lacag loo dhiibo NGO kadibna dalka gala si uu u hirgeliyo barnaamijyo uu isagu dejiyey."
Wuxuu intaas ku daray:
"Ma aha oo keliya inaan daaweynayno dadka hadda xanuunsan, balse waxaan ka caawinaynaa inay dhistaan awood iyo karti ay mustaqbalka iyagu isku maareeyaan."
Hase yeeshee, tani waxay ka dhigan tahay in laga guurayo nidaamkii iskaashiga caafimaadka adduunka ee saldhiggiisu ahaa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), loona wareegayo heshiisyo toos ah oo lala galo dowlad kasta, kuwaas oo ku xiran danaha istaraatiijiyadeed iyo ganacsi ee Maraykanka.
Maraykanku wuxuu horraantii sannadkan ka baxay WHO, isagoo ku dooday in Washington ay bixiso dhaqaale aad uga badan kan dalalka kale, isla markaana ururku uu si liidata u maareeyey cudurkii Covid-19, uuna ka maqnaa hufnaan isla markaana uu u nuglaa saamayn siyaasadeed.
Waxaa muran dhaliyey in heshiisyada labada dhinac ee Maraykanku ay si cad u ballanqaadayaan in mudnaan la siin doono shirkadaha dawooyinka iyo qalabka caafimaadka ee Maraykanka si ay u horumariyaan una gaarsiiyaan daaweynta.
Qoraalka siyaasadda ayaa lagu sheegay:
"Barnaamijkeenna kaalmada caafimaadka dibadda ma aha gargaar oo keliya; waa hannaan istaraatiiji ah oo lagu hormarinayo danaha labada dhinac ee Maraykanka dunida oo dhan."
Bartamihii bishii May, 32 dal oo ku kala yaalla Laatiin Ameerika, Kariibiyaanka iyo ugu yaraan 20 waddan oo Afrika ah ayaa aqbalay Heshiisyada Is-afgaradka Caafimaadka (MOU). Hase yeeshee, dalal ay ka mid yihiin Ghana, Zimbabwe iyo Zambia ayaa diiday inay saxiixaan, iyagoo sababo kala duwan soo bandhigay.
Dalka Zambia, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mulambo Haimbe wuxuu dhaleeceeyey waxa uu ku tilmaamay isku day Maraykanku doonayo inuu maalgelinta caafimaadka ku xidho danihiisa dhaqaale, isagoo heshiiska caafimaadka la xidhiidhiyay heshiis kale oo Washington siinaya marin ay ku hesho macdanta muhiimka ah ee Zambia.
Wuxuu BBC-da u sheegay:
"Saaxiibbadeenna Maraykanku waxay u arkayeen in labada heshiis laga wada gorgortamo lana soo gabagabeeyo hal mar."
Wuxuu intaas ku daray in dowladda Zambia ay doonayso in labada heshiis mid walba si gooni ah loogu qiimeeyo loogana wada hadlo.
Sidoo kale wuxuu yidhi:
"Maraykanku wuxuu doonayey in loo sameeyo mudnaan gaar ah oo ku saabsan isticmaalka macdanta muhiimka ah, waxaana la rabay in qodobada heshiisku taas ka tarjumaan."
Markii BBC-du arrintan wax ka weydiisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, si cad ugamay jawaabin in labada heshiis ay isku xiran yihiin, balse waxay bixisay jawaab ku salaysan siyaasadda 'Mudnaanta Maraykanka' (America First).
Afhayeen u hadlay wasaaraddu wuxuu yidhi:
"Maamulka Trump wuxuu caddeeyey in kaalmada dibadda ee Maraykanku aysan ahayn sadaqo, balse ay tahay maalgelin istaraatiiji ah oo si xikmad leh loogu adeegsanayo horumarinta danaha Maraykanka. Sidaas darteed waxaan filaynaa in xulafadayada iyo dalalka kaalmada qaata ay si dhab ah u tixgeliyaan mudnaanta istaraatiijiyadeed iyo ganacsi ee Maraykanka."
Bishii hore waxaa soo baxay caddeyn kale oo muujinaysa in Maraykanku diyaar u yahay inuu maalgelinta caafimaadka ku xiro danihiisa. Wuxuu ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba joojinayo maalgelinta barnaamijyada HIV/AIDS ee dalka Koonfur Afrika.
Sarkaal ka tirsan maamulka Trump ayaa tallaabadan ku sababeeyey waxa uu ku tilmaamay "guul-darro ay dowladda Pretoria ka gaadhay fulinta codsiyo siyaasadeed oo Maraykanku soo jeediyey," kuwaas oo ay ku jireen arrimo la xidhiidha sida loola dhaqmo bulshada caddaanka ah ee Afrikaner.
Sheegashada Maraykanka ee ah in Koonfur Afrika uu ka socdo "xasuuq lagu hayo dadka caddaanka ah" ayaa si weyn loo beeniyey.
Dalal Afrikaan ah oo wadahadallada heshiisyadan ku jiray waxay walaac weyn ka muujiyeen in Maraykanku helo xogta caafimaadka ee muwaadiniintooda.
Xogtan waxaa ka mid ah macluumaadka bukaannada iyo sidoo kale agabka bayoolojiyeed ee loo yaqaan pathogens, kuwaas oo ah nooleyaasha cudurrada keena sida fayrasyada, bakteeriyada iyo dulinnada.
Maxkamad ku taalla Kenya ayaa markii hore hakisay heshiiska dalkaas kadib dacwad sharci ah oo lagu dalbanayey in la ilaaliyo sirta iyo xogta caafimaadka ee bukaannada.
Arnold Kavaarpuo, oo ah Agaasimaha Guud ee Guddiga Ilaalinta Xogta ee Ghana, ayaa BBC-da u sheegay in dowladda Ghana ay iyaduna arrimo la mid ah awgood uga biyo diidday heshiiskii loo soo bandhigay.
Wuxuu yidhi:
"Waxaan ka walaacsanayn baaxadda xogta nalaga dalbanayey."
Wuxuu sii raaciyey:
"Waxay ahayd annaga oo xogta soo ururinayna kadibna u gudbinayna hay'adaha Maraykanka, iyadoo aanay jirin wax dammaanad ama tallaabooyin isu dheellitiran oo lagu ilaalinayo xogta Ghana iyo madax-bannaanideeda."
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:
"Marka xogtu ka baxdo xuduudaha Ghana, annagu wax xakameyn ah kuma lihin waxa lagu samayn doono."
Dalka Zimbabwe isaguna wuxuu sheegay in codsiga xogta caafimaadka uu ka mid ahaa sababihii uu u diiday heshiiska.
Dowladdu waxay sheegtay inaanay jirin wax dammaanad ah oo xaqiijinaya in dawooyinka ama tallaallada laga sameeyo cudur-sideyaasha laga qaado dalka ay dib ugu soo laaban doonaan shacabka Zimbabwe.
Waxay sidoo kale tilmaantay in Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) hore u lahaa hannaan ay dalalka xubnaha ahi xogta ugu wadaagaan isla markaana uga wada faa'iidaystaan daawooyinka ama tallaallada la sameeyo marka cudurro waaweyn oo mustaqbalka dillaaca ay dhacaan.
Dalalka Afrika hore ayay xog caafimaad ugu gudbin jireen barnaamijyo jiray sida USAID iyo PEPFAR, oo ah barnaamijka ugu weyn ee Maraykanku kula dagaallamo HIV/AIDS.
Maraykanku wuxuu ku adkaysanayaa in wadaagista xogta iyo muunadaha caafimaadku ay muhiim u tahay horumarinta cilmi-baarista iyo sii wadidda iskaashiga labada dhinac.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in xogta la codsanayaa ay tahay xog guud oo aan lagu aqoonsan karin qof gaar ah, isla noocaas oo sannado badan loo adeegsanayey la dagaallanka cudurrada faafa.
Waxa is beddelay waa duruufaha ku xeeran arrintan, sida uu qabo Nelson Aghogho Evaborhene, oo ah cilmi-baare heerka PhD ka diyaarinaya maamulka caafimaadka caalamiga ah ee Jaamacadda Roskilde ee Denmark.
Wuxuu yidhi:
"Xidhiidhku markii hore sinnaan ma ahayn, balse dhinaca siyaasadda waa la aqbali karayey, maxaa yeelay dowladuhu waxay dadkooda u sheegi kareen in ujeeddadu ahayd wanaajinta adeegyada caafimaadka oo keliya."
Laakiin wuxuu intaas ku daray:
"Hadda xaaladdu si weyn ayay isu beddeshay, sababtoo ah waxay u muuqataa mid ku salaysan is-weydaarsi dano iyo awood lagu kala faa'iidaysto."
Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa sidoo kale casharro ka bartay cudurkii Covid-19. Tartankii loogu jiray helitaanka tallaalka ayaa muujiyey qiimaha weyn ee xogta cudur-sideyaasha, hase yeeshee Afrika waxay ku dhibtootay inay hesho tallaal ku filan shacabka dalalkeeda.
Aggrey Aluso, Agaasimaha Fulinta ee Resilience Action Network Africa (RANA), ayaa yidhi:
"Waxaan u malaynayaa in mid ka mid ah fursadaha ugu waaweyn ee Afrika ay tahay inaan haysanno xog muhiim ah oo gacan ka geysan karta dhismaha nidaamka amniga caafimaadka ee dunida."
Ururka RANA wuxuu ka mid ahaa in ka badan 50 urur oo bulshada rayidka ah oo saxiixay warqad furan oo looga digayey hoggaamiyeyaasha Afrika in shuruudaha Maraykanku aysan ku salaysnayn danaha qaran ama kuwa gobolka Afrika.
Aragtidan waxaa la qabta dowladda Koonfur Afrika.
Wasiirka Caafimaadka ee dalkaas, Dr. Aaron Motsoaledi, ayaa BBC-da u sheegay:
"Run ahaantii, dal kasta oo is-ixtiraama ma aqbali karo labadaas dalab."
Wuxuu sharaxay in Maraykanku doonayo:
"In haddii cudur faafa ama safmar ka dillaaco waddankaas, loo gudbiyo dhammaan cudur-sideyaasha la helay."
Isagoo sii wata ayuu yiri:
"Waxaa intaa dheer in sidoo kale loo gudbiyo xogta hidde-sideyaasha (genome) ee la xiriirta cudurradaas muddo dheer, halka beddelkeedana Maraykanku uu bixinayo lacag muddo shan sano ah."
Doodda ku saabsan doorka diblomaasiyadda caafimaadka ayaa sii xoogaysatay toddobaadyadii u dambeeyey kadib markii uu cudurka Ebola mar kale ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo).
Dadka dhaliila go'aankii lagu kala diray USAID waxay ku tilmaameen tallaabadaas inay hoos u dhigtay xawaaraha lagu ogaaday cudurka Ebola iyo baaxadda jawaabtii laga bixiyey.
Waxay sheegeen in USAID door muhiim ah ka qaadan jirtay isku dubbaridka gaadiidka, sahayda caafimaadka iyo wacyigelinta bulshada deegaanka.
Jeremy Konyndyk, oo hoggaaminayey jawaabtii USAID ee cudurkii Ebola ee Galbeedka Afrika sannadkii 2014, ayaa yiri:
"Way igu adag tahay inaan qiyaaso in haddii weli ay sii shaqaynayeen dhammaan barnaamijyadii caafimaadka ee Maraykanku maalgelin jiray Congo, aan la ogaan lahayn in qandho dhiig-baxeed oo fayras ah oo aan la aqoonsan ay faafaysay."
Maamulka Maraykanku wuu diiday eedahaas, isagoo ku dooday in dhimista gargaarku aysan waxyeello u geysan dadaallada lagula dagaallamayo Ebola.
Waxay sheegeen in nidaamka cusub uu yahay mid waxtar badan oo si fiican isku dubbaridan, isla markaana Maraykanku uu bixiyey 270 milyan oo doollar si wax looga qabto cudurka Ebola ee hadda ka dillaacay DR Congo.
Hase yeeshee, dad kale ayaa ka digaya in dillaaca cudurka Ebola uu muujiyey khatarta ku jirta in caafimaadka caalamka lagu maareeyo heshiisyo laba geesood ah.
Dr. Kevin DeCock, oo hore u soo noqday agaasime ka tirsan Xarumaha Maraykanka ee Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada (CDC), isla markaana sannado badan safka hore kaga jiray la dagaallanka cudurrada faafa, ayaa yidhi:
"Xidhiidhada laba geesoodka ahi waxay iska indhatiraan caqabadaha wadajirka ah. Caafimaadka caalamiga ahi, asal ahaan, waa arrin ka gudubta xuduudaha dalalka, mana quseyso hal waddan oo keliya. Dhibaatooyinka caafimaadka adduunku waxay u baahan yihiin xalal caalami ah, mana jiro dal kaligiis wax walba ka qaban kara."
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah khubarada caafimaadka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ayaa qaba in istaraatiijiyadda cusub ee maamulka Trump la siiyo fursad ay ku hirgasho.
Maqaal ay u qoreen machadka cilmi-baarista muxaafidka ah ee American Enterprise Institute, Brett Schaefer iyo Roger Bate waxay ku qireen in ay jirto khatar ka dhalan karta ka fogaanshaha nidaamka iskaashiga dhinacyo badan leh, gaar ahaan ka bixitaankii Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).
Hase yeeshee, waxay qoreen:
"Tani ma aha dhammaadka hoggaaminta Maraykanka ee caafimaadka caalamiga ah. Waa bilowga tijaabo lagu ogaanayo in saamaynta lagu gaadhi karo si ka wanaagsan iskaashi shuruudo ku xiran, hay'ado barbar socda iyo wada-shaqayn ku dhisan natiijooyin, halkii lagu tiirsanaan lahaa urur ku adkaaday inuu wax ka barto khaladaadkiisii hore."
Caddeymaha ilaa hadda la arkay waxay muujinayaan in inkasta oo ay bilo ka soo wareegeen markii Marco Rubio si farxad leh u saxiixay heshiiskii is-afgarad ee ugu horreeyey, haddana hirgelinta heshiisyada laba geesoodka ah ee Afrika ay weli tahay mid aan si isku mid ah uga hirgelin dalalka oo dhan, isla markaana muran badan dhalisay.
Tansaaniya ayaa dhowaan ku biirtay iskaashigan, balse iyadoo dalal badan oo Afrikaan ahi ay si cad u diideen heshiisyadaas, weli lama oga inta uu gaarsiisnaan doono qorshaha Maraykanku dib ugu habaynayo istaraatiijiyaddiisa caafimaadka caalamiga ah.