Saynisyahanno ogaaday waxa keena cirrada timaha, sheegayna in xal loo heli karo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saynisyahanno Maraykan ah ayaa rumaysan in ay ogaadeen waxa dhaliya cirrada timaha.
Koox ka tirsan jaamacadda New York (NYU) ayaa muddo darsayay dooli leh unugyada timaha ee bani’aadanka oo kale, waxaana ay ogaadeen in ay jiraan unugyo sameeya midabada timaha oo hawlgab noqda.Saynisyahannada ayaa sheegay in daraasadda ay fure u noqon karto in dawo loo helo cirrada timaha.
Waxyaabaha keena cirrada
Khubarada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxa sababa in timaha ay cirro yeeshaan.
Cunno xumida, walwalka badan, iyo qaab dhaxal ah ayaa lagu sheegay sababaha ugu weyn ee keena cirrada.
Inkastoo dadka badankood aanay jeclayn cirrada timaha, haddana waxaa jira dad aanay dhib ku hayn oo ku qanacsan madaxa cad.
Khubarada ayaa ka digay in la siibo cirrada timaha, maadaama tinta soo baxda ay weli cirro ahaan doonto.
Dr Leila Asfour oo ku takhasustay maqaarka bani’aadanka ayaa BBC u sheegtay in ganacsiga midabada la mariyo timaha uu yahay mid ballaaran.
“Ganacsiga midabada timaha ee caalamka waxaa lagu qiyaasaa mid qiimo ahaan gaari doona 33.7 bilyan oo dollar sanadka 2030. Waxa ay muujinaysaa baahida loo qabo,” ayay tiri.
Qaabke ayay timaha cirro u yeeshaan?













