TOOS, Aaska Khamanei: Naxasha meydka ayaa la geeyay masjidka Tehran

Munaasabadda aaska Ayatollah Cali Khamenei iyo tiro ka mid ah qoyskiisa oo lagu dilay weerarkii Mareykanka iyo Israa'iil ee 29-kii Maarso ayaa ka bilaabatay magaalada Mosalla ee Tehran. Mas'uuliyiinta qaar ayaa gaaray halkaas, si ay uga qeyb galaan aaskiisa.

Tebin toos ah

  1. Mas’uuliyiin ka socday Sacuudiga iyo hoggaamiyeyaal kale oo ka qaybgalay aaska Cali Khamenei ee Tehran

    Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Waliid Al-Khuraiji, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay munaasabadda tacsida iyo aaska Hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Cali Khamenei, oo lagu qabtay goob salaadda lagu tukado oo ku taalla magaalada Tehran.

    Sidoo kale, hoggaamiyeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo caalami ah oo u safray Tehran si ay uga qaybgalaan munaasabadda ayaa tacsidooda u muujiyay Cali Khamenei.

    Waxaa ka mid ah Madaxweynaha Tajikistan, Emomali Rahmon; Madaxweynaha Georgia, Mikheil Kavelashvili; Madaxweynaha Ciraaq, Nizar Omeidi; Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Haibat al-Halbousi; Ra’iisul Wasaaraha Armenia, Nikol Pashinyan; Hoggaamiyaha Turkmenistan, Gurbanguly Berdimuhamedow; iyo Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Belarus, Igor Sergeenko.

    Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Cumaan iyo Qatar ayaa iyaguna hoggaaminaya wafdiyo u tegay magaalada Tehran si ay uga qaybgalaan munaasabadda.

    Sidoo kale akhriso

  2. Taliban-ka Afgaanistaan ​​oo beddelay magaca booliiska Taraafikada una bixiyay magac cusub

    Traafikada Afqanistaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Traafikada Afqanistaan

    Dowladda Taliban ee Afghanistan ayaa shaacisay inay magac cusub u bixisay booliiska taraafikada iyo kuwa ilaalinta xuduudaha, kuwaas oo hadda ka dib loogu yeeri doono “Sharta”.

    Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Taliban, go’aankan ayaa lagu dhaqangeliyay amar rasmi ah oo ka soo baxay Hoggaamiyaha Sare Mullah Haibatullah Akhundzada, kaas oo faray in la tirtiro erayada lagu tilmaamo “shisheeye ama afka qalaad” ama “aan Afgaanistaan ahayn”.

    Erayga Carabiga ah “Shurta” (شرطة) ayaa macnihiisu yahay booliis, waxaana si ballaaran looga adeegsadaa dalal badan oo Carbeed, sida Sacuudi Carabiya.

    Horay, 3-dii May, iyadoo lagu dhaqmayay amar ka yimid Akhundzada, waxaa sidoo kale la faray in laga saaro erayga Ingiriisiga ah “national” magacyada hay’adaha dowladda.

    Kadib, dhowr wasaaradood ayaa beddelay magacyadooda. Tusaale ahaan, Wasaaradda Difaaca Qaranka ayaa loo bixiyay Wasaaradda Difaaca, halka Hay’adda Qaranka ee Ilaalinta Deegaanka loo beddelay Agaasinka Guud ee Ilaalinta Deegaanka.

    Sidoo kale akhriso

  3. Sawirro dayax-gacmeed oo muujinaya burbur ka dhashay weerarro lagu qaaday Nukliyeerka Iran

    Sawir dayax-gacmeed laga qaaday dekedda Bushehr 22-kii Febraayo.

    Xigashada Sawirka, Source: Planet Labs PBC

    Qoraalka sawirka, Sawir dayax-gacmeed laga qaaday dekedda Bushehr 22-kii Febraayo.

    Shirkad bixisa sawirrada dayax-gacmeedka oo lagu magacaabo Planet Labs PBC ayaa dhowaan soo saartay in ka badan 250,000 oo sawirro heer sare ah, kuwaas oo markii ugu horreysay si cad u muujinaya baaxadda burburka ka dhashay qaar ka mid ah xarumaha militari iyo nukliyeerka Iran intii lagu jiray dagaalka.

    Planet Labs, oo ka mid ah shirkadaha hormuudka ka ah sawirrada dayax-gacmeedka, ayaa dib u soo celisay helitaanka sawirro ka kooban ku dhowaad 800 goobood oo ku yaalla Iran, kuwaas oo horey loo xaddiday 9-kii March kadib codsi ka yimid dowladda Mareykanka.

    BBC Verify ayaa falanqeeysay sawirrada dayax-gacmeedka, kuwaas oo diiradda saaray laba goobood oo muhiim ah, Isfahan iyo Bushehr.

    Sida ay sheegtay shirkadda sirdoonka militari ee Janes, sawirradu waxay muujinayaan in weerarradu ay beegsadeen xarumo kala duwan, oo ay ku jiraan kaydka rasaasta, kaabeyaasha gantaallada ballistic-ga, xarumaha nukliyeerka, goobaha difaaca hawada, iyo saldhigyada ciidamada badda.

    Warbixinno hore oo la xaqiijiyay ayaa sidoo kale muujiyay in goobahan ay hore u beegsadeen Mareykanka iyo Israa’iil, hase yeeshee sawirrada cusub ee dayax-gacmeedka ayaa bixiya faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan bartilmaameedyada iyo baaxadda burburka.

    Burbur ballaaran oo ka dhacay agagaarka Bushehr

    Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in dhowr goobood oo ku yaalla agagaarka magaalada xeebta ah ee Bushehr ay si weyn u burbureen ama gabi ahaanba u baaba’een tan iyo 9-kii March.

    Sida ay sheegtay shirkadda Janes, xarumaha ay saameeyeen waxaa ka mid ah dhismayaal militari iyo dowladeed, sida hangarro diyaaradeed, bakhaarro hub, xarumo dayactir iyo dhismo maraakiib, iyo sidoo kale goobaha laga rido gantaallada.

    Sawirradu waxay muujinayaan burbur cad oo ka muuqda goobahaas, iyadoo qaar ka mid ah aagagga lagu tilmaamay “goobo militari” oo ku yaalla khariidadaha internet-ka sida OpenStreetMap ay gebi ahaanba burbureen dhismayaashii ku yiilay.

    Sida lagu sheegay warbixinta, goobaha ay waxyeelladu gaartay waxay ka tirsan yihiin labada dhinac ee dowladda Iran iyo sidoo kale Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).

    Hoose ka eeg sawirada

    Sawir dayax-gacmeed oo laga qaaday dekedda Bushehr 29-kii Maarso.

    Xigashada Sawirka, Source: Planet Labs PBC

    Qoraalka sawirka, Sawir dayax-gacmeed oo laga qaaday dekedda Bushehr 29-kii Maarso.
    Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya nooca iyo baaxadda burburka soo gaaray xarumaha milateri ee Isfahan.

    Xigashada Sawirka, Source: Planet Labs PBC

    Qoraalka sawirka, Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya nooca iyo baaxadda burburka soo gaaray xarumaha milateri ee Isfahan.
    Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya nooca iyo baaxadda burburka soo gaaray xarumaha milateri ee Isfahan.

    Xigashada Sawirka, Source: Planet Labs PBC

    Qoraalka sawirka, Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya nooca iyo baaxadda burburka soo gaaray xarumaha milateri ee Isfahan.
  4. Madaxda Taliban iyo mucaaradkooda oo aaska Khamenei, ku wada-kulmay

    Labada dhinac ayaa muddpo dheer iska soo horjeeda

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Labada dhinac ayaa muddpo dheer iska soo horjeeda

    Munaasabadda aaska Hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Cali Khamenei, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Taliban iyo sidoo kale hoggaamiyeyaal ka tirsan mucaaradka Afghanistan.

    Warbaahinta Iiraan ayaa baahisay sawirro muujinaya Axmad Massoud, hoggaamiyaha Jabhadda Iska-caabbinta Qaranka Afghanistan, iyo Maxammad Mohaqiq, hoggaamiyaha Xisbiga Midnimada Islaamiga ah ee Shacabka Afghanistan, iyagoo u wda tacsiyaynaya Cali Khamenei iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.

    Sidoo kale, wafdi ka socday dowladda Taliban oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Abdul Ghani Baradar Akhund, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amir Khan Muttaqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda, iyagoo booqday masaajidka lagu qabtay tacsida ee magaalada Tehran.

    Madaxda Taliban iyo mucaaradkooda oo isku mar ka soo muuqday aaska Cali Khamenei ee Tehran ayaa noqotay dhacdo si weyn loo hadal hayo, maadaama labada dhinac ay muddo dheer uu u dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed iyo mid militari.

    Sidoo kale akhriso

  5. Nigeria oo xaqiijisay in inta badan ciidamadii Mareykanka ay ka baxeen dalkeeda

    Ciidamada Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Mareykanka

    Dowladda Nigeria ayaa xaqiijisay in inta badan ciidamada Mareykanka ee horraantii sanadkan loo diray dalkaasi si ay gacan uga geystaan la dagaallanka kooxaha hubeysan ee xagjirka ah laga saaray.

    Afhayeenka ciidamada Nigeria, Michael Onoja, ayaa Jimcihii u sheegay BBC in tallaabadan "aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha amniga."

    Wuxuu intaas ku daray:"Waxaan sii wadi doonnaa inaan wadaagno xogaha sirdoonka."

    Hadalka Onoja ayaa waafaqsan hadal uu Khamiistii jeediyay taliyaha Ciidamada Cirka Mareykanka ee Afrika Janaraal Dagvin Anderson, oo sheegay in iskaashiga dhinaca sirdoonka uu sii socon doono.

    Nigeria ayaa wajahaysa caqabado amni oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kooxo hubeysan oo sheegta inay yihiin jihaadiyiin, burcad hubeysan iyo kacdoonno ka billowday waqooyiga dalka, kuwaas oo ku fiday qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Nigeria.

    Xiriirka amni ee u dhexeeya Nigeria iyo Mareykanka ayaa sii xoogaystay kaddib markii Washington ay ku eedeysay dowladda Nigeria inaysan ku filnayn dadaallada ay ku ilaalinayso kooxaha xag-jirka.

    Mareykanka ayaa sidoo kale xilligaa sheegay in Masiixiyiinta dalkaasi ay la kulmayaan "rabshado u eg xasuuq," balse dowladda Nigeria ayaa arrintaas beenisay, iyadoo sheegtay in rabshaduhu yihiin kuwo adag oo saameeya dhammaan bulshooyinka dalka, iyadoo aan loo kala soocin diin ama qowmiyad.

    Labada dal ayaa sheegay in tan iyo bishii December ee sanadkii hore ay ciidamada labada dhinac si wadajir ah u fuliyeen howlgallo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada kooxaha hubeysan, si loo xoojiyo amniga Nigeria.

    Sidoo kale akhriso

  6. Jarmalka oo difaacay heerarka kharashaadka militariga isaga oo ka jawaabaya dhaleecaynta Trump

    Hogaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz iyo madaxwayne Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Hogaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz iyo madaxwayne Trump

    Hogaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa sheegay in dalkiisu uusan haysan wax sabab ah oo uu uga xishoodo heerka kharashaadka uu ku bixiyo difaaca, isagoo ka jawaabay dhaliilo uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, u jeediyay Jarmalka.

    "Jarmalku wuxuu laba jibbaari doonaa miisaaniyadda difaaciisa afarta sano ee soo socota,tani waa dadaalkii ugu weynaa ee aan abid sameyno si aan u xoojino awooddeenna difaac. Arrintaas awgeed, ma jirto sabab aan qof hortiisa ugu dareenno tabar-darro." ayuu yiri Merz.

    Merz ayaa sidoo kale sheegay in Jarmalka, oo ah dalka ugu weyn Midowga Yurub, uu leeyahay masuuliyad gaar ah oo ku aaddan sugidda amniga qaaradda Yurub, isagoo xusay inuu masuuliyaddaas u gudanayo "si xushmad iyo bina'aadannimo ku dhisan."

    Hadalkan ayaa imanaya iyadoo hoggaamiyeyaasha NATO ay isu diyaarinayaan shir madaxeed la filayo inuu qabsoomo toddobaadka soo socda, kaas oo dalalka Yurub ay rajeynayaan inay ku yareeyaan khilaafaadkii u dambeeyay ee kala dhexeeyay maamulka Mareykanka, isla markaana ay ku xoojiyaan iskaashiga dhinaca difaaca.

    Donald Trump ayaa toddobaadkan dhaleeceeyay kharashaadka difaaca ee dalalka xubnaha ka ah NATO, isagoo sheegay inaysan caddaalad ahayn in Mareykanku sii wado inuu qaado culayska ugu weyn ee difaaca isbahaysiga, maadaama dalal badan aysan gaarsiisnayn heerarkii lagu heshiiyay ee kharashaadka difaaca.

    Sidoo kale akhriso

  7. Barnaamijka AI oo cabsi ku abuuray Hollywood-ka Mareykanka

    Barnaamijkan ayaa ah mid cusub

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Barnaamijkan ayaa ah mid cusub

    Barnaamij cusub oo garaadka macamalka ah (AI) oo ay sameeysay shirkadda Shiinaha ee TikTok ayaa gilgilay Hollywood. Tani ma ahan oo keliya awoodda barnaamijkaas uu leeyahay ee sidoo kale waxa ay ka dhigan tahay qaabka hal abuur ee mustaqbalka.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose.

  8. Madaxweynaha Cuba: Waxaan diyaar u nahay inaan dalkeenna u difaacno ilaa dhibicda ugu dambeysa ee dhiiggeenna

    Madaxweynaha Cuba, Miguel Díaz-Canel

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Cuba, Miguel Díaz-Canel

    Madaxweynaha Cuba, Miguel Díaz-Canel, ayaa sheegay inuu si dhab ah u qaadanayo hanjabaadaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ee ku saabsan suuragalnimada in tallaabo milatari laga qaado Cuba.

    Wareysi gaar ah oo uu siiyay Sky News ayuu Díaz-Canel ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu u dagaallamo dalkiisa iyo qiyamka bulshada Cuba "ilaa dhibicda ugu dambeysa ee dhiiggiisa."

    Wuxuu yiri:"Dagaal ma doonayno, balse sidoo kale kama baqeyno."

    Hadalka Madaxweynaha Cuba ayaa yimid kadib hanjabaado isdaba joog ah oo uu Donald Trump u jeediyay magaalada caasimadda ah ee Havana, iyo sidoo kale warar sheegaya in Mareykanku uu kordhiyay joogitaanka ciidamadiisa ee ku sugan meelaha u dhow xuduudaha badda ee Cuba.

    Sidoo kale akhriso

  9. Iiraan oo uga digtay Maraykanka iyo Israa’iil in ay tallaabo qaadaan inta lagu gudao jiro aaska Cali Khamenei

    Iran

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Iran

    Iiraan ayaa sheegtay in haddii Maraykanka, Israa’iil ama xulafadoodu ay qaadaan tallaabo kasta inta lagu guda jiro munaasabadda aaska Hoggaamiyihii Sare ee hore ee dalka, Cali Khamenei, ay bixin doonto jawaab adag oo ku habboon.

    Sida ay sheegtay BBC Monitoring, Sarreeye Guud Cali Cabdullaahi, oo ah taliyaha Xarunta Khatam al-Anbiya ee Iiraan, ayaa uga digay Maraykanka, Israa’iil iyo xulafadooda inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo ka dhan ah Iiraan ka hor inta aan la qaban aaska Cali Khamenei.

    Cabdullaahi, oo ka mid ah saraakiisha ugu sarreeya ciidamada Iiraan, ayaa sheegay in munaasabadda aasku ay muujin doonto go’aanka shacabka Iiraan ee ah inay “u aar gudaan” hogaamiyahooda Cali Khamenei.

    Warbixintan ayaa la baahiyay 2-dii July, waxaana baahisay wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), iyada oo loo marayo akoonkeeda Telegram.

    Cabdullaahi ayaa yiri:“Waxaan uga digaynaa cadowga awoodda badan ee Iiraan, gaar ahaan Maraykanka, maamulka Israa’iil iyo xulafadooda ku sugan gobolkan iyo meelo kale, inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta isfaham la’aan ama khalad xisaabeed.”

    Sidoo kale akhriso

  10. Maraqa digaagga iyo waxyaabaha kale ee guryaha lagu sameeyo ma waxay la dagaallamaan hargabka?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Laga soo bilaabo cabitaanka oronjada iyo kaniiniga zinc, maraqa digaagga ilaa kaabsoolka toonta, waxaa jira waxyaabo badan oo guriga lagu sameeyo oo loogu talogalay hargabka. Balse ma caddeyn baa loo hayaa inay wax taraan?

    Iyadoo ay jiraan ilaa 200 oo fayras oo sababa hargabka, waxay u muuqataa inay jiraan waxyaabo badan oo guryaha lagu sameeyo si loola dagaallamo. Balse midkoodna dhab ahaan ma shaqeeyaa?

    Guri walbo oo lagu sameeyo waxyaabaha hargabka la isaga difaado waxaa saldhig u ah fekradda ah inay xoojinayaan difaaceenna jirka. Marka uu fayras galo jirkeenna, wuxuu ka hor yimaadaa labo hannaan difaac: hannaanka difaaca gudaha ee isku daya inuu ka hortago in unugyada la saameeyo, iyo hannaanka la qabsiga ee beegsada walxaha yaryar ee horeba jirka u saameeyay.

    Kan dambe ayaa sidoo kale abuura unugyo xusuuseed marka ay la kulmaan walxaha yaryar, iyadoo u oggolaaneysa jirka inay iska difaacaan haddii ay soo laabtaan. Tan waa sababta aan mar uun la xanuunsanno busbuska, halka hargabka caadiga ah uu sanadkiiba dhowr jeer nagu dhaco.

    Waxaa si fiican loo ogyahay in habka nolosha iyo cuntada ay saameeyaan awoodda hannaankeenna difaaca. Waa sababta waxyaabo badan oo guryaha lagu sameeyo oo aalaaba lagu sheego inay difaacaan hargabka sidoo kale la iskula wadaago baraha bulshada iyadoo ballan-qaadku yahay inay na ilaalinayaan xilliga xanuunka safmarka ee coronavirus. Marka waa kuwee waxyaabaha guryaha lagu sameeyo ee mudan in la isku dayo si la isaga difaaco hargabka iyo fayraska?

  11. Ismaaciil Baqaei: Dalalka Yurub ee taageeray weerarradii Maraykanka iyo Israa’iil laguma casuumin aaska

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa sheegay in dalalka Yurub ee si rasmi ah u taageeray weerarradii ay Maraykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iiraan, aan lagu casuumin ka qaybgalka aaska Hoggaamiyahii Sare ee Iiraan, Cali Khamenei.

    Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Ismaaciil Baqaa’i, ayaa sheegay in wafdi ka socda dalalka Bariga Yurub ay ka qaybgeli doonaan munaasabadda.

    Si kastaba ha ahaatee, Ismaaciil Baghaei ayaa sheegay in wafdiyo ka socda dalalka Bariga Yurub ay ka qayb geli doonaan munaasabadda.

    Waxaa uu sheegay in "Ku dhowaad 100 dal ayaa soo diri doona wafdiyo rasmi ah ama shaqsiyaad caan ah iyo kooxo kale si ay uga qaybqaataan munaasabaddan."

    "Ugu yaraan siddeed hogaamiyeyaal, kuwaas oo isugu jira madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal, iyo sidoo kale guddoomiyeyaasha baarlamaannada ee 12 dal, ayaa jooga munaasabadda. Waxaa sidoo kale ka qaybgalaya wasiirrada arrimaha dibadda, wasiirro kale iyo wakiillo gaar ah oo ka socda dalal aad u tiro badan."

    Sidoo kale akhriso

  12. Kaniini laga helo farmashiyeyaasha Soomaalida oo yareyn kara khatarta cudur halis ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Nick James, oo ah xubin ka tirsan golaha wasiirada Ingiriiska oo ku jira sano afartanaad, ayaa bilaabay inuu ka walwalo caafimaadkiisa ka dib markii hooyadii ay u dhimatay kansar kadibna walaalkiis iyo qaraabo kale uu ku dhacay kansarka mindhicirka.

    Wuxuu qaatay go'aan ah in lagu sameeyo baaritaanka hidda-sidaha, kaa oo daaha ka qaaday in uu leeyahay hidde-side cilladaysan, oo la og yahay inuu keeno xaaladda loo yaqaano Lynch syndrome, xaalad si weyn u kordhisa khatarta ah inuu ku dhaco qofka nuuca kansarkaan.

    Si kastaba ha ahaatee, James wuxuu caawimo ka helay ilo aan la filayn markii uu noqday qofkii ugu horreeyay ee iska diiwaangeliya tijaabo caafimaad oo loogu talagalay in lagu go'aamiyo in qaadashada aspirin-ka ay ka hortagi karyo kansarka.

    Qiyaastii 80% dadka qaba Lynch syndrome waxay yeelan doonaan kansarka mindhicirka inta ay nool yihiin.

    Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda arrintaan waa ay anfacday James. "Waxa uu qaadanayey asbiriin iyada oo la kor joogteynayo muddo toban sano ah hadda, ilaa hadda, kuma uusan dhicin wax kansar ah," ayuu yiri John Burn, oo ah borofisar ku takhasusay hidde-sideyaasha kiliinikada ee Jaamacadda Newcastle.

    Waxay u muuqataa wax aan la rumaysan karin, haddana waxaa muddo dheer jiray calaamado muujinaya in dawadani ay yarayn karto fursadaha kansarka mindhicirka ee fida.

    Sanadkii la soo dhaafay, tijaabooyin taxane ah iyo daraasado ayaa xoojiyay caddayntan. Dalalka qaar ayaa mar hore wax ka beddelay hab-raacooda caafimaad si loogu daro dawadan safka koowaad ee dawooyinka ilaaliya xanuunkan khatarta sare leh

  13. “Israa’iil wax door ah kuma laha gobolka” – Xassan Sheekh

    .

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale cambaareeyay xirriirka Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhaawaqday ee Somaliland iyo Israa’iil.

    Khudbad uu xalay ka jeediyay munaasabadda todobaadka xoriyadda, ayu uku sheegay in Israa'iil aysan wax door ah ku lahayn Soomaaliya iyo gobolka,

    “Soo dhoweynta Israa’iil waa ceeb, waa cibaada xumo, naga daaya nama qabato”, ayuu yiri.

    "Raggaas (Israa'iil) waa dad xun. Ma aha dad wanaagsan. Qarniyo badan ayaan ka fogaanaynay, haa nagu soo daynina,nimankaas dalkeena meel kuma laha, Soomaaliya ayaa nala yiraa, aduunyaduna way na taqaanaa," ayuu yiri Madaxweynaha.

    “Ilaahay idinkiis, Israa’iil ku guuleysan meyso inay geyigeena degto oo ay dhib la timaado, hormarna ma keento”, ayuu sii raaciyay.

    Waa mid kamid ah hadallada adag ee uu yiraahdo madaxweyne Xasan tan iyo markii ay bilowday inay aqoonsato Somaliland.

    Mucaaradka Somaliland ayaa sidoo kale arrintan si adag uga hadlay maalmihii u dambeeyay.

    Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo goor dhow shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si kulul uga falceliyay safaaradda ay Somaliland dhowaan ka furatay magaalada Qudus.

    "Xisbiga Kaah badheedhahiisa wuu caddeeyay maalin cad. Annagu ibriiq ku addimi mayno, sida qarandiidana madaxa dhulka gelin mayno," ayuu yiri.

    Dhanka kale, madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda goonni isu-taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu hadallo u soo gudbiyay, taas oo uu doonayo inuu ka jawaabo.

    "Odaygu wuxuu sheegay in aanan kabaha haleelin markii la ii sheegay in la yidhi aqoonsi caalami ah ayaa la helay, waa runtii. Haddaba, markii aan tagay madaxtooyada Somaliland hadalkii aan ka jeediyayna waa kan: "Ictiraaf waynu u baahnayn, lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn. Arrintu waxay u ek tahay maahmaahdii ahayd "Rag ciil cadaab ka dooray. Ictiraafku waa mudnaanta koowaad ee dalkeenna JSL, Iyadoo ay sidaa tahay, haddana, waxaan leeyahay arrinta dhinacyo badan halaga eego, una talo badso, si aan dhexdeenna khilaaf uga iman", ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay Facebook-ga.

    Sidoo kale akhri

  14. Aaska Kahamanei iyo wufuud hor leh oo yimid

    Wufuud ka kala socota dalal kala duwan ayaa weli ku sii qulqulaya Tehran si ay uga qeyb galaan aaska Cali Khamenei.

    Wufuudda Afghanistaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wufuudda Afghanistaan
    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .
  15. Muuse Biixi: Sida uu uga badbaaday xabsiga

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynahii hore ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sideedamaadkii ka badbaaday in xabsiga loo taxaabo xilligii ay jirtay dowladdii kacaanka.

    Amar ka yimid madaxweynihii Dawladdii Kacaanka ee Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre, ayaa ahaa in mar kale la soo xidho mid ka mid ah sarkaalladii ciidanka cirka ee xilligaas Colonel Muuse Biixi Cabdi, oo maalmo yar ka hor xilligaas oo ahayd 1983 laga soo daayey xabsiga Boolisiyo Millataare.

    Xadhigga hore, Muuse Biixi iyo nin kale oo lagu magacaabo Qamariye ayaa la xidhay 1982-83-gii iyada oo xilligaas la xidhxidhayey saraakiil ka soo jeedday gobolladii waqooyi oo loo arkeyey in ay ahaayeen Kacaan Diid. Gaar ahaan, saraakiishan ayaa lagu eedeeyey in Generaal Gaanni oo xabbado lagu ridey xilligaas isaga oo Hargeysa joogo in ay ka dambeeyeen. Afar bilood kaddib se waa la soo daayey markii ay dadaal badan sameeyeen xubno sarsare oo asxaab la ahaa, mana ay dhicin in la sii gudbiyo ama maxkamad la soo taago labadoodiiba.

    Markaa kaddib Muuse wuxuu codasaday in waxabarsho loogu diro Maraykanka, intii se hawshii uu ku jirey ayaa uu soo baxay amarka kale ee ah in mar kale la soo xidho. Waxaana halkaa bilaabatay xaalad halis ah oo ay tahay ma la xidhi doonaa? Mise Maraynka ayuu waxbarasho u doonan doonaa?

    Sidee ayuu ku ogaaday amarka xadhiggiisa?

    General Ibrahim Adam Xaal Xaal, oo ahaa xilligaa Madaxa Guud ee Hoggaanka Siyaasadda Ciidanka ayaa ogaaday warka ah in saaxiibkii Muuse Biixi uu soo baxay amar xadhig ah oo ka yimi madaxweynaha.

    "Markii amarkii soo baxay ayaa anoo xafiiska fadhiya ayuu qof muhiim ihi ii soo galay, wuxuuna ii sheegay arrinta cusub ee Muuse khuseysa, run ahaan waan naxay laakiin go'aan degdeg ah ayaan qaatay. Waxaan aaday gurigi Muuse, albaabka ayaan garaacay, waxa iga furtay xaaskiisa, markay ii aragtay wey naxday madaama aanaan weligay gurigood soo gelin!"

  16. Hogaamiyeyaasha gaaray Tehran si ay uga qeyb galaan aaska Khamanei

    .

    Xigashada Sawirka, ISNA

    Qoraalka sawirka, .

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Mohsen Naqvi, ayaa gaaray caasimadda Iiraan ee Tehran, si uu uga qayb galo aaska Cali Khamenei.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Iiraan Eskandar Momeni ayaa soo dhaweeyay dhiggiisa Pakistaan.

    Pakistan ayaa dhexdhexaadinaysa wadahadallada u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, Mr. Naqvi-na wuxuu dhowr jeer u safray Tehran toddobaadyadii u dambeeyay.

    Amir Khan Mottaki, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Taliban, ayaa sidoo kale u safray Tehran si uu uga qayb galo aaska hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, shalayna wuxuu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbas Araqchi.

    Saacad ka hor, waxaa la soo bandhigay sawirro muujinaya He Wei, oo ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Shiinaha, kaasoo gaaray Tehran si uu uga qayb galo xafladda maanta. Bilowgii safarkiisa, wuxuu sidoo kale la kulmay Mohammad Bagher Qalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iiraan.

    Ilaa hadda, mas'uuliyiin ka socda Turkmenistan, Armenia, madaxweynaha gobolka Kurdistan ee Ciraaq, iyo tiro ka mid ah dalalka kale ayaa iyaguna gaaray Tehran.

    Wafdi ka socda Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Dadweynaha ee Ciraaq ayaa sidoo kale gaaray Iiraan, iyadoo Hadi Ameri, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka iyo taliye caan ah oo kooxda ka tirsan, uu hormuud ka yahay.

    Hoggaamiyeyaasha dalalka, afhayeennada baarlamaanka, iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee ka kala socda daraasiin waddan oo kale ayaa la filayaa inay ka soo qayb galaan xafladda.

    Sida laga soo xigtay ku xigeenka afhayeenka dowladda Taliban, marka laga reebo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abdul Ghani Baradar Akhund, oo ah hoggaamiye Taliban ah ayaa sidoo kale ka qayb geli doona aaska hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    Ilo wareedyo ayaa BBC u sheegay in qunsuliyadda Iiraan ee Herat ay soo saartay in ka badan "laba kun oo fiisooyin bilaash ah" oo loogu talagalay muwaadiniinta Afgaanistaan ​​​​si ay uga soo qayb galaan xafladda.

    Sida laga soo xigtay ilo-wareedyadan, fiisayaashan bilaashka ah ee muddada gaaban waxaa inta badan la siiyay dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo dhaqanka ee Afgaanistaan, inta badan dadka qaatana waxay ka geli doonaan Iiraan iyagoo sii maraya Gobolka Herat.

    Sidoo kale akhriso

  17. Iiraan oo Mareykanka ugu digtay weerar dhaca inta uu socdo aaska Khamanei

    Iiraan ayaa sheegtay in haddii Maraykanka, Israa'iil iyo xulafadoodu ay qaadaan tallaabo kasta inta lagu jiro aaska hoggaamiyihii hore ee ugu sarreeyay ee dalka, Ayatollah Cali Khamenei, ay bixin doonto jawaab adag oo ku habboon.

    Sida ay sheegtay BBC Monitoring, Sarreeye Guud Cali Cabdullaahi, oo ah taliyaha xarunta dhexe ee Khatam al-Anbiya ee Iiraan, ayaa uga digay Maraykanka, Israa'iil iyo xulafadooda inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo ka dhan ah Iiraan ka hor aaska Cali Khamenei.

    Cabdullaahi, oo ka tirsan taliska ugu sarreeya ee ciidamada Iiraan, ayaa sheegay in munaasabadda aasku ay muujin doonto sida shacabka Iiraan uga go'an yihiin inay "u aargutaan" geerida Cali Khamenei.

    Warkan waxaa 2-dii Luulyo baahisay wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee iyada oo loo marayo barteeda Telegram.

    "Waxaan uga digaynaa cadowga awoodda leh ee Iiraan, gaar ahaan Maraykanka, maamulka Israa'iil, iyo xulafadooda gobolka iyo kuwa ka baxsan gobolka, inay ka fogaadaan wax kasta oo isfaham-darro ama xisaab khaldan dhalin kara," ayuu yiri Cabdullaahi.

    Sidoo kale akhri

  18. Waxa kala qabsaday dagaalyahankii CIA-da iyo injineerkii al-shabaab. Hoos ka akhri

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    Bishii November ee sanadkii 2020-kii gawaari kolonyo ah oo ay leedahay hay'adda sirdoonka Mareykanka ee C.I.A ayaa xilli habeennimo ah u baxay si ay usoo fuliyaan howlgal khaas ah oo lagu bartilmaameedsanayay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, balse sidii uu qorshuhu ahaa wax uma dhicin, sida lagu sharraxay maqaal uu qoray wargeyska New York Times.

    Kolonyada oo ka baxay Muqdisho ayaa sii maray waddo xeebta barbar socota oo dhanka koonfureed ah, taasoo geyneysa dhulka ay gacanta ku hayaan xoogagga al-shabaab, oo sida uu wargeyskan xusay ka mid ah ururrada mintidiinta ee ugu halista badan qaaradda Afrika.

    Tuulo badda dhinaceeda ah ayay gawaarida ku hakadeen, halkaasoo ay uga dageen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee iskaashanayay, waxayna durbadiiba weerar gaadmo ah ku qaadeen guri ay ku dileen dhowr xubnood oo mintidiinta ka mid ah, sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.

    Laakiin hal nin ayaa ka baxsaday goobtaas wuxuuna islamarkiiba soo laabtay isagoo si xowli ah u kaxeynaya gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo loogu talogalay ismiidaamin, wuuna qarxiyay.

    Qaraxaas waxaa ku dhintay saddex Soomaali ah, askari Mareykan ahna dhaawac culus ayaa kasoo gaaray. Wuxuu ahaa Michael Goodboe, oo 54 jir ahaa, ka tirsanaa saraakiisha tababarka khaaska ah leh ee C.I.A-da, horayna ugasoo mid ahaan jiray ciidamada isugu jira kuwa cirka, badda iyo dhulka ee Mareykanka.

    Waxaa diyaarad loogu qaaday isbitaal ay militariga Mareykanka ku leeyihiin Jarmalka, balse 17 maalmood kaddib ayuu u geeriyooday dhaawicii.

    Geerida Mr. Goodboe waxay ahayd mid ka mid ah kuwa dhifka ah ee Mareykanka Mareykanka kasoo gaara dagaalka dadban ee ay tobanka sano kula jiraan al-shabaab.

  19. Hadallada kulul ee ay hawada isku mariyeen Cirro, Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi

    .

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, .

    Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo goor dhow shir jaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si kulul uga falceliyay safaaradda ay Somaliland dhowaan ka furatay magaalada Qudus.

    "Xisbiga Kaah badheedhahiisa wuu caddeeyay maalin cad. Annagu ibriiq ku addimi mayno, sida qarandiidana madaxa dhulka gelin mayno," ayuu yiri.

    Guddoomiyaha oo mar kale hadlay ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro inuu marar badan kasoo horjeestay shirar hore loo galay.

    "Shalay waxay ka soo horjeedeen MOU-gii Madaxweyne Muuse galay, iyagoo leh waxaanan ogayn taageeri mayno. Waxay ka soo hor jeeddeen heshiisyadii la galay ee ay ka mid ahayd DP World, iyagoo mucaarid ah."

    Mar uu baaq ujeediyay madaxweynaha ayuu yiri: "Mudane Madaxweyne, annnaga badheedhahayagu wuu cad yahee, waxaan ku leennahay adiga iyo madaxda kugu xeerran ka badheedha inaad ka tanaasusheen ku dhaqanka dastuurka Qaranka, ka badheedh inaad ka tanaasusheen ilaalinta muqadasaadka diinta ummaddan." Ayuu yiri.

    Madaxweyne Cirro oo dhowaan ka hadlay aqoonsigii ay Israa'iil aqoonsatay Somaliland ayaa si gaar ah uga hadlay go'aanka safaaradda ay ka fureen magaalada Qudus.

    "Waxaanu ku heshiinay inaanu safaarado kala furanno, safaaraddii waanu furnay, waxaanu ka furnay Qudus, wuxuu ahaa go'aan sax ah, waa go'aan aan ka noqosho lahayn," ayuu yiri madaxwaynaha Somaliland.

  20. Beerka xoolaha oo la cuno ma daweyn karaa cudurada beerka ee ku dhaca bini'aadamka?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Inta badan dadka waxay maqlaan talo ah: "cun beer si dhiiggaagu u fiicnaado," waxaana si gaar ah loogu sheegaa haweenka uurka leh ama dadka daciifka ah.

    Taasi waa sababta ay dad badani u jecel yihiin cunista beerka ari ama digaag, balse su'aashu waxay tahay: ma run baa arrintaas? Ma caawin kartaa cunista beerka digaag ama ari in ay yarayso dhaawaca ee bini'aadamka?

    Arrintan la xiriirta, Machadka Qaranka ee Caafimaadka ee Maraykanka (NIH) wuxuu sheegay in fitamiinno, bir (iron), borotiin iyo nafaqooyin kale oo badan laga helo beerka digaagga iyo ariga, sidoo kale waxaa laga helaa beerka lo'da iyo doofaarka.

    Dhanka kale, fitamiin A badan looma tixgeliyo mid u wanaagsan haweenka uurka leh.

    Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) ayaa sheegtay in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan cunista beer badan, sababtoo ah heerarka sare ee fitamiin A ee ku jira waxay waxyeello u geysan karaan uurjiifka.

    "Beerka digaagga ama ariga oo si fudud loo heli karo waxa uu hodan ku yahay nafaqooyin. Tusaale ahaan, waxa ku jira macdanta 'heme' ah oo badan, taas oo si fudud jirku u nuugo. Waxay hagaajisaa wareegga dhiigga waxayna ka hortagtaa dhiig-yarida," ayuu yiri Dr. Prashant Arun oo ku takhasusay cudurka macaanka.

    Waxa kale oo uu sheegay in fitamiin B12 uu muhiim u yahay samayska unugyada dhiigga cas, caafimaadka ragga, horumarka maskaxda, iyo xusuusta.

    Sida uu qabo Prashant Arun, beerka xoolaha waxa ku jira borotiin tayo sare leh, kaas oo lagama maarmaan u ah dayactirka murqaha isla markaana ka caawiya soo kabashada kadib xanuun.