Qiimaha shidaalka oo ku soo laabtay halkii uu joogay dagaalka ka hor iyo maraakiibta maraysa Hormuz oo soo badatay

Shidaalka

Xigashada Sawirka, The Dallas Morning News via Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Iyada oo si tartiib tartiib ah dib loogu soo celinayo maraakiibta marinka Hormuz, ayaa qiimaha saliidda wuxuu dib ugu soo laabtay heerarkii ka horreeyey weerarada Mareykanka iyo Israel ee Iran.

Shidaalka Brent crude oo ah halbeegga caalamiga ah ee qiimaha saliidda ayaa muddo kooban hoos uga dhacay $72 fuustadii, qiyaas ahaan qiimihii uu ahaa maalin ka hor intii aanay weeraradu bilaaban February 28. Brent ayaa markaas ka dib kor u kacay $73.23.

Qiimaha tamarta ayaa sare u kacay ka dib markii Iran ay xirtay marin biyoodka Hormuz oo ah marin biyood muhiim u ah saliidda iyo gaaska, iyadoo ka jawaabaysa weerarada. Si kastaba ha ahaatee, saxiixa heshiiska is-afgaradka ee Iran iyo Mareykanka 17-kii Juun ayaa horseeday hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha saliidda.

Heshiiska ayaa dhigaya in muddo 60 maalmood ah laga wada xaajoodo barnaamijka Nukliyeerka Iran iyo tillaabooyinka la doonayo in si dhab ah loo soo afjaro dagaalka. Wakiilo ka kala socda labada dal ayaa ku kulmay Switzerland todobaadkii hore, wadahadalo ayaa horseeday in laga qaado qaar ka mid ah cunaqabateynta uu maraykanku saaray dhoofinta saliidda Iran.

Shirkadda sirdoonka badda ee Kepler ayaa sheegtay in 284 markab ay soo mareen marin biyoodka Hormuz tan iyo 18-kii June, maalin kadib markii heshiiska is-afgaradka la saxiixay. In kasta oo tiradaasi ay tahay koror weyn, haddana waxay aad uga hooseysaa celceliska dagaalka ka hor ee ilaa 138 markab maalintii.

Sida laga soo xigtay Kepler, maraakiibta soo maray marin biyoodka maalmihii la soo dhaafay waxay sideen saliid cayriin, gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah, kiimikada wax lagu bacrimiyo iyo alaabo kale.

Qatar iyo Pakistan oo ah dhexdhexaadiyeyaasha ugu weyn ee wada xaajoodka, ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Iran iyo Maraykanku ay sameeyeen khad isgaarsiin si looga hortago isfaham la'aanta iyo caawinta maraakiibta ganacsiga inay si bedqab leh u maraan marinka Hormuz.

Dimitris Maniatis, oo ah madaxa fulinta ee la talinta khatarta badda Mariskus, ayaa sheegay in "isbedel weyn" uu jiray maalmihii la soo dhaafay, iyada oo maraakiib badan ay marayeen marin biyoodkaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida uu sheegay, tiro xadidan oo maraakiib ah ayaa mara dhinaca waqooyi iyagoo ogolaansho ka haysta maamulka Iran, sidoo kale ciidamada badda ee Mareykanka ayaa bixiyay hagid lagu maro wadada koonfureed, taasoo ka fog miinooyinka iyo caqabadaha kale ee militari.

Si kastaba ha ahaatee maraakiibtu wali kuma soo laaban heerarkii dagaalka ka hor, kuwaasoo celcelis ahaan ahaa ilaa 138 markab maalintii.

Qiimaha Shidaalka ayaa sare u kacay ka dib markii uu dagaalku qarxay, su'aasha ugu weyn ee hadda taagan ayaa ah sida dhaqsaha leh ee hoos u dhaca ku yimid Shidaalka uu uga muuqan doono Kaalimaha Shidaalka.

Simon Williams oo ah madaxa siyaasadda kooxda RAC ee Britain ayaa sheegay in iyadoo qiimaha saliidda uu hoos ugu dhacayo heerarkii ugu hooseeyay tan iyo bilowgii dagaalka, celceliska qiimaha batroolka ay tahay inuu hoos uga dhaco 150p litirkiiba toddobaad gudihiis. Wuxuu sheegay in qiimaha naaftada ay tahay inuu sidoo kale hoos uga dhaco 160p.

Shidaalka

Xigashada Sawirka, Reuters

Dalka Maraykanka, celceliska qiimaha shidaalka caadiga ah ayaa hadda hoos u dhacay ilaa $3.93 galaankii ka dib markii uu gaaray $4 gallaankii bishii Abriil, waana heerkii ugu sarreeyay tan iyo 2022; si kastaba ha ahaatee, weli aad bay uga sarraysaa heerarkii dagaalka ka hor.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii amray in baaritaan lagu sameeyo shirkadaha waaweyn ee tamarta, isagoo ku eedeeyay Shell, ExxonMobil iyo dhowr kale inay ku guuldareysteen inay hoos u dhigaan qiimaha shidaalka inkastoo ay hoos u dhaceen qiimaha saliidda iyo "khiyaanada" darawallada.

"Qiimaha saliidda ayaa aad hoos ugu dhacay, laakiin hoos u dhacaas ayaan ka muuqanayn qiimaha shidaalka sidii la rabay," ayuu u sheegay saxafiyiinta Xafiiska Oval ee Aqalka Cad.

Mac-hadka American Petroleum Institute oo wakiil ka ah warshadaha shidaalka iyo gaaska ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in qiimaha shidaalka marka la eego uusan hoos u dhac ku imaanin qiimaha saliida ceyriinka ah.

Britain, shirkadaha tamarta ayaa iyaguna la kulmay eedeymo ku saabsan kororka qiimaha shidaalka. Si kastaba ha ahaatee, kooxda ilaalisa tartanka ee dalka ayaa sheegtay bishii hore inaysan helin wax caddayn ah oo la taaban karo oo lagu taageerayo sheegashada, iyo in celceliska faa'iidada shirkadaha aysan wax badan iska beddelin guud ahaan Febraayo ilaa Maarso.