Qoys gabadhooda nolosh ku gubayay oo laga badbaadiyay

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Digniin: Warbixintan waxaa kujira xog laga yaabo inaad dhibsato.

Booliiska Gujranwala, gobolka Punjab ee dalka Pakistan, ayaa xiray haweeney iyo saddex carruur ah oo ay dhashay iyagoo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay nolosha ku gubaan gabadheeda oo afar jir ah si ay uga bogsadaan cudur.

Booliiska ayaa waxaa ku wargeliyay arrintaan qof degan aagga ka ag dhawaaa oo sheegay inay maqli karaan qaylada ilmo yar oo guri u dhow ka soo yeeraysa, isagoo ilmuhu leh, "Ha i gubin."

Booliiska ayaa sheegay in ninku uu isku dayay inuu galo guriga laakiin uusan ku guuleysan balse arrinta uu ku wargeliyay booliiska roondada.

Sarkaalka baaraya kiiska, Cali Akbar, ayaa BBC-da u sheegay in koox roondo ah ay tageen guriga, albaabka garaaceen, laakiin aysan jirin cid furtay, sidaas darteedna ay booliisku jabiyeen albaabka kadbina ay gudaha sidaas ugu galeen.

Shaqaalaha amniga maxalliga ah ayaa sheegaya in markii ay galeen guriga ay arkeen gabadha yar oo gacmo iyo lugah xarig looga xiray. Afar qof, oo ay ku jiraan laba dumar ah, ayaa gacmaha iyo lugaha hayay iyaga oo dab ku qabadsiiyay meel ka mid ah barxadda guriga ay degan yihiin.

"Jinnka gabadha ku jira ayaa guriga cudur u horseeda"

Sarkaal Cali Akbar ayaa sheegay in dadkii gabadha lugaha iyo gacmaha ka hayay ay ahaayeen hooyadeed, walaasheed, iyo laba walaalaheed ah.

Maamulka FIR waxay sheegtay in markii boolisku isku dayeen inay badbaadiyaan gabadha ay rag guriga joogay ku weerareen ulo, mid ka mid ah askarta ayaa weerarkaas dhaawac ka soo gaaray.

Sarkaalka kiiska baaraya, Cali Akbar, ayaa sheegay in qofka ugu weyn ee kiiskan looga shakisan yahay ay tahay hooyada gabadha, taas oo leh afar carruur ah — oo ay ku jirto gabadha la gubayay — isla markaana uu ninkeedu dhintay waqti hore.

Sida ay booliisku sheegeen, haweeneyda iyo labadeeda wiilba aad bay u xanuunsanaayeen, waxayna ka walaacsanaayeen xanuunkooda.

Cali Akbar wuxuu sheegay in qof faaliya uu haweeneyda u sheegay in haddii ay gubto gabadheeda afar jirka ah, jinniyadu ay ka tagi doonaan, laakiin dabku uusan wax u dhimi doonin gabadha sinaba.

Sida laga soo xigtay sarkaalka baaritaanka sameeyay, hooyada gabadha, walaasheed, iyo walaalaheed ayaa marka hore geeyey qol, halkaas oo ay kunshideen shumacyo iyagoo rajeynaya in jinnigu ka tago gabadha. Waxay ku celceliyeen qaabkaas laba saacadood, laakiin markii ay u maleeyeen in jinnigu uusan ka tagin gabadha, waxay go'aansadeen inay gubaan iyada si ay u fuliyaan hadallada faalalowga.

Booliska maxalliga ah ayaa sheegaya in hooyadu ay saddexdeeda carruur ah ku qancisay inay sidaas sameeyaan, waxayna wadajir u qaadeen gaaska cuntada lagu kariyo hoolka ama barxadda guriga, dab ayay ka shideen, kadibna gabadha yar ayay dusha ka saareen.

Sida laga soo xigtay booliisku, markii ay yimaadeen guriga, waxay arkeen in raggu mararka qaarkood wejiga gabadha ku hayeen ololka oo mararka qaarna ay dhabarka u rogayeenn, taasoo keentay gubasho daran oo jirkeeda ku dhacay.

Booliska ayaa sheegay in markii ay galeen guriga, tuhmanayaashu ay ilmaha ku tuureen sariir u dhow oo ay ku weerareen ulo barxadda yaalay.

Waxay sheegeen in gabadha hadda la dhigay isbitaal maxalli ah xaaladdeeda caafimaadna aysan wanaagsanayn.

Booliisku waxay maxkamadda hor keeneen afarta eedaysane, intii ay socotayna hooyada iyo walalaaha gabadha ayaa loo diray xabsiga, labadeeda walaaladoodna waxaa lagu xiray xabsiga booliiska muddo afar maalmood ah.

Kiiska hadda waxaa loo gudbiyay Waaxda Baarista Dambiyada.