War deg deg ah, Bill Gates oo ka shalaysan kulamadii uu la yeeshay Epstein

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bill Gates oo ah aasaasaha shirkada Microsoft ayaa sheegay inuu Jeffrey Epstein uu doonayay xiriir shakhsi ah.
Gates wuxuu ku adkeeyay inuusan waligiis ku xadgudbin qofna, xilli uu wajahayo su’aalo uga imaanaya guddi Kongarees ah oo baaraya xiriirka kala dhexeeyay Epstein — dambiile galmo oo geeriyooday — iyo dadka taajiriinta ah iyo kuwa awoodda leh, ee uu isagu ku jiro.
Gates wuxuu ku sheegay hadal uu hore u diyaariyay (oo uu ku daabacay boggiisa gaarka ah) inuusan waligiis tegin jasiiradda Epstein, beeraha, ama gurigiisa Florida. Isaga oo intaas ku daray inuusan wax calaamad ah ka helin in Epstein uu ku lug lahaa falal dambiyeed.
Ganacsadaha bilyaneerka ah ayaa mar kale caddeeyay inuu ka qoomameeynayo kulamadii uu la yeeshay Epstein, isaga oo ku tilmaamay khalad weyn oo xagga garashada ah. Wuxuu ku adkeeyay in kulamadoodu ay ku koobnaayeen wadahadallo ku saabsan gargaar iyo maalgelinta hay’addiisa samafalka.














