You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. 15-ka magaalo ee Afrika ee ugu nolol qaalisan

    Iyadoo qiimihii badeecadaha iyo macaamiishadda ay sare u sii kacayaan guud ahaan Afrika, qof kasta wuu dareemayaa saamaynta. Laakiin, sida had iyo jeer dhacda, dadka qaar ayaa saameynta ugu badan dareemi doona marka loo barbardhigo kuwa kale.

    Si fudud haddii loo qeexo, waxaa la eegayaa asal ahaan qiimaha ay ku kaceyso inaad ku noolaato hal magaalo marka loo eego kuwa kale. Waxaa la tixgalinayaa qiimaha badeecadaha, qiimaha kirada, kharashka daryeelka caafimaadka iyo kharashyada kale. Qeexidda hoose ee ay soo saartay shirkadda daraaseysa arrimaha suuqyada iyo dhaqaalaha ee Statista ayaa u qeexday sidan hoose:

    "Qiimaha maciishadda waa lacagta loo baahan yahay in lagu daboolo kharashaadka aasaasiga ah sida guryaha, cuntada, canshuuraha, iyo daryeelka caafimaadka ee meel gaar ah iyo waqti cayiman. Qiimaha maciishadda waxaa badanaa loo isticmaalaa in la barbardhigo qiimaha qaaliga ah ee ku noolaanshaha hal mid. Magaalada iyo mid kale. Qiimaha maciishadda wuxuu ku xiran yahay mushaarka, haddii uu badan yahay kharashka nolosha, sida New York, tusaale ahaan, heerarka mushaarka waa in la kordhiyaa si ay dadku u awoodaan inay ku noolaadaan magaaladaas."

  2. Sidee buu "Xisbiga baranbarada" caan uga noqday Hindiya

  3. Qorshaha ay Soomaaliya koronto uga soo iibsaneyso Itoobiya iyo saddexda magaalo ee laga soo gelin doona

    Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay qorsheynayso inay koronto ka soo iibsato Itoobiya.

    Wasiir Cabdulaahi Bidhaan Warsame oo wareysi siiyay warbaahinta Dawan, ayaa sheegay inay tani qayb ka tahay dadaallada lagu ballaarinayo helitaanka tamarta iyo dhimista qiimaha korontada dalka.

    Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorsheyaal la xiriira soo dhoofinta koronto laga keeno Itoobiya.

    Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladda ay qorsheyneyso in korontada Itoobiya laga soo geliyo saddex meelood, kuwaas oo kala ah Doolow, Wajaale iyo Goldogob, ka hor inta aan loo sii gudbin magaalooyinka kale ee dalka.

    Mashruucan uu taageerayo Bangiga Adduunka, ayuu sheegay in qorshihiisu marayo hore lmeel wanaagsan.

    “Dowladda waxay rajeyneysaa in qiimaha korontada Itoobiya laga keenayo uu gaaro qiyaastii 5 senti halkii kilowatt-saac (kWh), taas oo aad uga hooseysa qiimaha hadda ka jira Soomaaliya”, ayuu yiri wasiirku.

    Sidoo kale akhri

  4. Haweenay guurka u diiday arrin la yaab leh

    Gabadha lagu magacaabo Selverani Kanagarasu oo u dhalatay dalka Hindiya, ahna 48 jir waligeed ma aysan guursanin, waxayna guurka ka xulatay daryeelka dibbi ka qeybqaata tartanka hardida ee ka dhaca gobolka ay ku nooshahay ee Tamil Nadu.

    Gobolkan waxaa ka jira caaddo qarniyo jirsatay oo lagu tartamayo dibbiyada, kuwaas oo rag badan ay ku loolamaan in ay gacanta ku dhigaan abaalmarin qaali ah oo lagu xiray geesaha dibbiga.

    Caado dhaqameedkan waxaa lagu magacaabaa Jallikattu, waxaana dhacday in mar lagu joojiyay amar maxkamadeed kadib markii dadka u dooda xuquuqda xayawaanka ay dacwo geeyeen, balse go'aankaas waxaa ka dhashay mudaaharaadyo waaweyn oo rabshado wata, taas oo dowladda ku qasabtay in ay fasaxdo.

    Selverani waxa ay dhaqashada dibbiyada tartanka gala ka dhaxashay aabaheed iyo awoowgeed oo ay sheegtay in ay u xanaanayn jireen sida ilmo ay dhaleen oo kale.

    Hadda waxa ay xanaanaysaa dibbi 18 jir ah , waxaa lagu magacaabaa Ramu, waxa uu ku guuleystay illaa 5 biladood, isaga oo ka qeybgalay 7 tartan guud ahaan.

    "Ramu waa wiilkeyga oo kale, billado ayuu ku guuleystay, waxaase intaas ka muhiimsan in uu yahay mid sharaf badan u soo jiiday qoyskeena," ayay tiri haweenaydan oo diidan in ay nin guursato.

  5. Trump oo shaaciyay dalka xiga ee bartilmaameedka u ah Iran kadib

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ka digay in hoggaamiyeyaasha Cuba aysan awoodi doonin inay ka baaqsadaan khilaafka kala dhexeeya Washington.

    Mr Rubio wuxuu Cuba ku tilmaamay dal khatar ku ah amniga qaranka Mareykanka, wuxuuna sheegay in suuragalnimada heshiis nabadeed oo wadaxaajood lagu gaaro aysan muuqan.

    Arbacadii, Washington waxay Raul Castro, hoggaamiyihii hore ee Cuba, ku soo oogtay dacwado la xiriira shirqool lagu dilayo muwaadiniin Mareykan ah — taas oo la xiriirta weerar dhacay soddon sano ka hor.

    Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay ridistii laba diyaaradood sanadkii 1996.

    Mr Rubio wuxuu sidoo kale shaaciyay xarigga gabar la dhalatay madaxa shirkad ay maamusho militariga Cuba.

    Wuxuu sheegay in Adys Lastres Morera — oo ku nool gobolka Florida — laga laalay sharcigeedii deganaanshaha joogtada ah, islamarkaana hadda ay ku jirto gacanta hay’adda socdaalka iyo kastamka Mareykanka ee ICE.

    Muddo bil ah kahor markii Cuba ay curyaamisay shaqo joojin 24-saac ah oo kale ah oo dalka oo dhan ah, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkaas uu yahay bartilmaameedka xiga ee maamulkiisa, wuxuuna sheegay inuu rumeysan yahay in ha dhowaato ama ha dheeraato, isbeddello ka dhici doonaan jasiiradda.

    Sidoo kale akhriso:

  6. Nin u xirnaa laaluush 8 doollar ah oo la sii daayay 39 sano ka dib

    Jidadka cidhiidhiga ah ee qalqalloocan ee magaalada Raipur ee Hindiya waxa ku yaalla guri duug ah oo burbursan. Waa hoyga 84-jirka lagu magacaabo Jageshwar Prasad Avadhiya, oo dhawaan la sii daayay iyadoo loo haystay dacwad musuqmaasuq ah oo socotay 39 sano.

    Mr. Avadhiya, oo ka shaqeyn jiray shirkadda gaadiidka ee gobolka Madhya Pradesh isagoo ahaa kuliye (clerk), ayaa la xiray sanadkii 1986, waxaana lagu eedeeyay inuu qaatay laaluush 100 rupee ah (ku dhowaad $8 ayay u dhigantay waqtigaas).

    In kasta oo lacagtu u muuqato mid aan badneyn, haddana waxay saameyn ba'an ku yeelatay Mr. Avadhiya. Sanado badan oo uu ku noolaa cabsi ku saabsan xabsiga kaddib, waxa ugu dambeyn la sii daayay bishii Oktoobar sanadkan, balse weligiis ma dareemin farxad.

    Wuxuu yidhi:

    "Go'aankani maanta wax qiimo ah ima laha. Shaqadaydii waan waayay. Bulshadu way iga jeesatay. Caruurtaydii ma aanan awoodin inaan waxbaro. Umaana guurin. Ehelkii way iga go'een. Xaaskaygiina waxay u dhimatay daawo la'aan. Ma la ii soo celi karaa waqtiyadii lumay?"

    Nidaamka garsoorka ee Hindiya waa mid caan ku ah ku ilaawidda iyo dib-u-dhacyada kiisaska dadka xabsiyada ku jira. Wasiirka cadaaladda ayaa hore ugu sheegay baarlamaanka in in ka badan 52 milyan oo kiis ay weli yaalliin maxkamadaha dalka oo dhan.

  7. Is-af-garanwaaga u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan oo weli sii socda iyo arrimaha ay isku mari la' yihiin

  8. Mareykanka oo diyara 5,000 oo askari oo dheeri ah

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku uu 5,000 oo askari oo dheeraad ah u diri doono Poland, toddobaad ka dib markii Pentagon-ka uu joojiyay qorshe uu dalkaas ugu diri lahaa 4,000 oo askari.

    Isagoo qoraal soo dhigay bartiisa Truth Social, Trump wuxuu sheegay in go'aanka uu ku salaysan yahay xiriirka Mareykanka uu la leeyahay Madaxweynaha Poland Karol Nawrocki, kaasoo uu taageeray xilligii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii hore.

    Madaxweynaha Mareykanka ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan in ciidamada dheeraadka ah ay qayb ka ahaayeen howlgalkii hore ee la qorsheeyay ama hawlgal ka duwan.

    Aqalka Cad ayaa toddobaadyadii u dambeeyay tilmaamayay inuu damacsan yahay, inay yareyso tirada guud ee ciidamada ka jooga Yurub, taasoo qayb ka ah ajandaheeda "America First".

    Horraantii bishan, Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu 5,000 oo askari ka soo saari doono Jarmalka, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Trump iyo raysal wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, oo ku saabsan dagaalkii Iiraan.

    Wasiirada arrimaha dibadda ee ka socda wadamada Nato ayaa Jimcaha ku kulmi doona Sweden, waxaana shirkaas ka qeyb geli doona Xoghayaha Arrimaha Dibadda. ee Mareykanka, Marco Rubio.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  9. Mararka qaar xusuuta ma kaa luntaa? hadaba cun cuntooyinkan iyo cabitaannadan

    Marka laga fekero xusuusaha iyo cunnada waxaa kugu soo dhaceysa buuggii ahaa "Baadigoobka Waqtiga Lumay" ee uu qoray qoraaga u dhashay Faransiiska ee Marcel Proust, oo geeriyooday qarni ka hor, taariikhdu markii ay ahayd November 18, 1922.

    Waxyaabaha xusuustiisa carruurnimo soo kiciya waxaa ka mid ah doolsho la tiimbiyay shaah.

    Xusuusahaas lala xiriiriyo cunnada "waxay sameysmaan iyadoo aan wax ka beddel lagu sameyn," sida ay BBC Travel u sheegtay Susan Krauss Whitbourne, oo cilmu-nafsiga ka dhigtay Jaamacadda Massachusetts Amherst.

    "Waxay ku lug leeyihiin meelaha caadiga ah, ee aan hadalka lahayn ee maskaxda taasoo u gudbi karta iska warqabkaaga," ayay tiri.

    "Taasi waa sababta aad u bixin karto falcelinno qiireysan oo xooggan marka aad cunto cunno soo kicinaysa xusuusahaas qotada dheer.

    "Xitaa inkastoo aadan xusuusahaas erayo ahaan u beddeli karin, waad ogtahay inuu jiro 'shey' wax tegay ah oo ay cuntadaas soo kiciso. Xusuusta wax ka qoto dheer tahay cunnada qudheeda, waxyaabaha xiriirka la leh xusuustaas muddada dheer, sida goob amaba qof".

    Balse, xiriirkan ka dhexeeya cunnada iyo xusuusta, suurtogal ma tahay inay jiraan waxyaabo gacan ka geysta?

  10. Saddex waxyaabood ka ogoow gaariga mucjisada ah ee Trump

    Marka madaxweynuhu keligiis yimaado oo uu safar galo, waxaa lagu galbiyaa gaari nooca raaxada ah oo ammaankiisu aad loo xaqiijiyey oo la yiraahdo Cadillac One.

    Gaarigan oo ah mid si gaar ah loonaqshadeeyay ama loo sameeyo waxaa loo yaqaan "Z Beast".

    Baabuurtan magacan looma siinin sabab la'aan. Hubka iyo qalabka difaaca ee ku jira ayaa sababay in magacaas loo bixiyo.

    Inta uu madaxweynuhu ku safrayo mid ka mid ah gawaaridan raaxada leh, gawaar kale ayaa ku hareereysan si aan loo garan gaariga uuuu madaxweynuhu saaran yahay.

    Labada gaari waxay isticmaalaan taargooyinka Washington DC — 800-0.

    Laanta sida gaarka ah ugu qaabilsan amniga amadaxwaynaha ee loo yaqaano Secret Service iyo shirkadda sameysa gawaaridan oo ah General Motors ma bixiyaan wax faahfaahin ah oo ku saabsan gawaaridan.

    Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah astaamaha ammaanka ee gawaaridan waa kuwa la yaqaan.

  11. Sahan cusub oo lagu ogaaday in mid ka mid ah 3dii jawaab bixiye ay xarumaha warbaahinta kala kulmaan dhibaato galmo

  12. Iiraan oo sheegtay in ay ballaarineyso aagga ay maamusho ee marin biyoodka Hormuz

  13. Mojtaba Khamanei oo soo saaray amar ka xanaajin kara Trump

    Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa laba sarkaal oo sare oo Iiraan ah oo aan la shaacin magacyadooda, ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, uu amray in aan dalka laga dhoofin Yuraaniyamka uu dalku hodan ku yahay.

    Tallaabadan ayaa ka dhigaysa Tehran mid xoojinaysa mowqifkeeda ku aaddan mid ka mid ah dalabaadka ugu muhiimsan ee Mareykanka ee wadahadallada nabadda.

    Amarka Mojtaba Khamenei ayaa sidoo kale ka xanaajin kara Donald Trump sababo la xiriira caqabado markii horeba ka taagnaa wadahadalladii iyo dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa'iil iyo Iiraan.

    Mas'uuliyiinta Israa'iil ayaa u sheegay Reuters, in Donald Trump uu Israa'iil u xaqiijiyay in kaydka Yuraaniyamka ee aadka loo tayeeyay ee Iiraan, oo u dhow heerka loo isticmaali karo in lagu sameeyo hubka nukliyeerka, laga saari doono Iiraan, iyo in heshiis kasta oo nabadeed uu ku jiro qodob ku saabsan arrinta Yuranimyamka.

    Ilaa hadda, ma jiro wargeys dawladeed oo Iiraan ah oo daabacay macluumaadkan.

    Sidoo kale akhri

  14. Dibi lagu naanayso "Donald Trump" oo xiddig ka noqday baraha bulshada

    Marka ay soo dhowaanayaan maalmaha Ciidul-Adxaa, suuqyada xoolaha waa la qurxiyaa waxaana sii kordha ciriiriga dadka doonaya inay iibsadaan xoolaha lagu qalo.

    Xaaladdan oo kale, xoolo badan ayaa noqda kuwo caan ah—qaarkood qiimahooda awgiis, halka kuwo kalena caan ku noqdaan cabbirkooda iyo astaamahooda jireed.

    Bangladesh, maalmahan, xoolo loo diyaariyay qurbaan ayaa si weyn u caan baxay sabab la xiriirta magaca loo bixiyay, iyadoo dad badani ay saf ugu jiraan inay sawirro la galaan.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP, dibigan albino-ga ah ee leh timo dahab ah ayaa loogu bixiyay magaca "Donald Trump" sabab la xiriirta timihiisa.

    Milkiilaha xoolahaas oo 37 jir ah, Ziauddin, ayaa sheegay in walaalkiis uu u bixiyay magaca madaxweynaha Maraykanka sababo la xiriira timaha gaarka ah ee dahabiga ah isagoo miisaankiisu yahay 700 kiiloogaraam.

    Ziauddin ayaa AFP u sheegay isagoo jooga beertiisa oo ku taalla degmada Narayanganj ee u dhow caasimadda Dhaka: "Walaalkay yar ayaa u bixiyay magacaas sabab la xiriirta timahiisa aan caadiga ahayn."

    Waxaa kale oo uu intaas ku daray in bishii May ay dad badan si joogto ah u imanayeen si ay u arkaan dibigan.

  15. Baasaboorrada ugu awoodda badan 2026

    Tusmada ugu dambeysay ee tilmaanta Baasaboorka Henley ayaa muujinaysa waxqabadka guud ee baasaboorrada, gaar ahaan baasaboorrada Afrika, marka la eego socdaalka caalamiga ah.

    Dalal badan oo ku yaal Afrika ayaa lagu kala darajeeyay heerar kala duwan, qaar ka sarreeya kuwa kale inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho dhab ah oo dhinaca dhaqaale iyo siyaasadeed ah.

    Sida lagu sheegay warbixintan, qaar ka mid ah baasaboorrada Afrika ayaa helay darajooyin wax yar ka wanaagsan marka loo eego sannadkii hore, taasoo muujinaysa horumar yar oo laga sameeyay helitaanka safarro aan fiiso lahayn ama fiiso lagu helo marka la yimaado.

    Darajooyinka baasaboorrada Afrika ayaa isbeddello waaweyn soo maray sannadihii la soo dhaafay, iyadoo qiimahooda kor u kacay 2000-meeyadii, balse si lama filaan ah hoos ugu dhacay horraantii 2020-meeyadii.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  16. Saddex arrimood ka ogow magaalada ay Somaliland ka furaneyso safaaradda

    Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa shaacisay in safaarad ay ka furaneyso magaalada Qudus oo ay isku heystaan Israa'iil iyo Falastiiniyiinta.

    Qoraal uu barta X soo dhigay safiirka ay Somaliland u magacowday Israaiil Maxamed Xaaji ayaa lagu sheegay in dhowaan ay Somaliland safaarad ka furaneyso Qudus, taas beddelkeedana ay Israa'iil ka fursaneyso magaalada Hargeysa.

    "Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland laga furi doono Quddus – safaaradda mar dhow ayaa la furi doonaa, halka sidoo kale Israa'iil ay ka furan doonto safaaraddeeda Hargeysa, taasoo ka tarjumaysa saaxiibtinnimada sii kordheysa, is-ixtiraamka, iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada shacab." Ayaa lagu yiri qoraalka.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  17. Nin ku dhawaad 20 sano dambi uusan gelin xabsi ugu jiray

    Andrew Malkinson ayaa ugu baaqay dowladda in ay soo farageliso, arrinta ku saabsan in laga codsaday inuu bixiyo lacagihii ku baxay adeegyadii qareennimo ee loo sameeyey markii ay socotay dacwaddiisii xilli uu ku xunnaa kufsi uusan gelin.

    Waxaa kale oo uu ka baqayaa in lagu soo rogo lacago gaaraya £10,000 oo loogu talagalay sharci-yaqaannadiii ka caawiyey dacwaddiisii guulaysatay ee maxkamadda, isaga oo ku tilmaamay dalabka lacag-bixintaas 'bakhaylnimo'.

    "Waxaan u malaynayaa in tani ay tahay arrin uu Xoghayaha Cadaaladda David Lammy ku xallin karo saxiix qalin oo keliya si fudud," ayuu u sheegay barnaamijka Today ee BBC Radio 4.

    Malkinson ayaa xabsi ku jiray in ka badan 17 sano, kadib markii lagu soo eedeeyey weerar arxan-darro ah oo ka dhacay 2003 gudaha Greater Manchester, taas oo noqotay mid ka mid ah gefafkii ugu xumaa ee caddaalada taariikhda Ingiriiska

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  18. War deg deg ah, Hoggaamiye mucaaradka Turkiga oo shaqo joojin lagu sameeyay

    Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa amar ku bixisay in shaqada laga joojiyo hoggaamiyaha hadda ee xisbiga mucaaradka ugu weyn dalkaasi. Tani waa go’aankii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsanayo xisbiga CHP, kaas oo wajahaya eedeymo badan oo uu xisbigu sheegay inay yihiin kuwo siyaasadaysan.

    Amarkan ayaa ka dhigan in hoggaamiyaha hadda ee xisbiga, Özgür Özel, shaqada laga joojin doono, halka hoggaamiyihii hore, Kemal Kılıçdaroğlu, uu si ku meel gaar ah xilka ula wareegi doono.

    Go’aankan wuxuu la xiriiraa dacwad sharci ah oo laga gudbiyay shirkii guud ee xisbiga ee sanadkii 2023, kaas oo lagu doortay Özel.

    Waxaa la filayaa in racfaan laga qaato go’aankaas. Özel ayaa ugu yeeray dhammaan xubnaha baarlamaanka ee xisbigiisa inay isugu yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga si loo qabto kulan degdeg ah.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  19. Gabdho uu kufsaday Sheekh Qur'aan saarayey

    Digniin: Maqaalkani waxa uu xambaarsan yahay sharraxaad ku saabsan faraxumayn, gogol-dhaaf qasab ah iyo erayo kale oo laga yaabo in dadka qaar ay dhibto

    "Aria" waxay ahayd 13 jir markii uu faraxumeeyay imaam u sheegay inuu "daawayn" u samaynayo.

    Cabdul Xaliim Khaan oo ahaa wadaad dhanka diinta aad loogu qadariyo masaajid ku yaalla Bariga London ayaa gabdhaha yaryar iyo waalidkood u sheegi jiray inay u baahan yihiin "daawayn" looga saarayo "ruuxaanta ama jinka noociisa xun".

    Gabar kasta marka uu ula dhaqmo si aan wanaagsaneyn waxa uu u sheegi jiray in aysan cidna la wadaagin, isaga usii raacin jiray laga yaabo in qaar kamid ah qoyskeeda ay waxyeello soo gaari karto.

    SII AKHRI WARBIXINO KALE

  20. Dad caraysan oo gubay isbitaal uu ku jiray maydka qof looga shakiyay inuu ku dhacay Ebola

    Dad careysan ayaa dab qabadsiiyay isbitaal ku yaalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, kadib geerida bukaan looga shakiyay inuu qabay cudurka Ebola.

    BBC-da ayaa fahamsan in qaraabada bukaanka ay xoog ku galeen xarunta caafimaadka oo ku dhow magaalada Bunia, kadib markii shaqaalaha caafimaadku ay diideen in lala baxo meydka bukaanka.

    Intii uu qalalaasuhu socday, lix bukaan ayaa baxsaday, kuwaas oo saddex kamid ah si rasmi ah looga xaqiijiyay inay qabaan Ebola.

    Shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka Rwampara ayaa hadda ku jira ilaalin militari, iyadoo boolisku isku dayayaan inay dib u soo celiyaan kala dambeynta.

    Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in cudurka dillaacay uu dilay in ka badan boqol iyo konton (150) qof, halka in ka badan lix boqol (600) oo kiis oo looga shakisan yahay lasoo sheegay.

    (Hore, kooxda fallaagada ah ee M23 ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola ee gobolka South Kivu, taas oo sare u qaaday cabsi laga qabo faafitaanka fayraska ee meelaha ay colaadaha hubeysan ka jiraan.)

    SII AKHRI WARBIXINO KALE