You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Waa Kuma Aadan Madoobe, huggaamiyaha cusub ee Koonfur-galbeed?

  2. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Cumar Cartan

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysal wasaare Xamsa Cabdi Bare ayaa ku soo dhaweeyay Madaxtooyada Soomaaliya, seedhiwale Cumar Cartan.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muujiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u garab taagan yihiin dadaalkiisa, kartidiisa iyo xirfadiisa ee uu ku muteystay in uu noqdo Garsoore Caalami ah.

    Cumar Cabdiqaadir Cartan oo sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee ragga, ayaa ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay in ay dhex dhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka dhacaya Maraykanka, Canada iyo Mexico. Hase yeeshee markii uu kasoo degay magaalada Miami kadib safar uu kaga yimid Istanbul, ciidamada ilaalada xudduudaha Maraykanka ayaa baadhitaan dheeraad ah ku sameeyay, ugu dambayna u diiday inuu dalka galo.

    Sii akhri:

  3. Sheekh Aadan Madoobe ayaa loo doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya

    Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo saakay ka dhacday baydhabo.

    Qaabka ay doorashada u dhacday iyo faahfaahinta warkan waxaad ku heli doontaan wararkeena dambe

  4. Trump: Iran waxay ka caga-jiiday wadaxaajoodyada, hadana waa in ay wajahdaa cawaaqibka

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay ka caga-jiiday wadaxaajoodyada, hadana ay tahay in ay wajahdo cawaaqibka ka dhashay.

    “Militeriga Iran waxay ku jiraan jahawareer buuxa. Intooda badan sida ciidamada badda iyo kuwa cirka waa la burburiyay, si buuxda ayey u guuldareysteen”, ayuu madaxeyne Trump ku qoray bartiisa bulsho ee Truth Social.

    Wuxuu kaloo sheegay madaxweyne Trump, “Iran hadal un hayso ee aysan hayn wax ficil ah. Cabsigeliyihii Bariga Dhexe waa ku daayay”.

    Trump wuxuu dhammaadka qoraalkiisa raaciyay fariin u qoran sidan, “Waqti dheer ayey qaateen si loo gaaro heshiis, hadda waxay wajahayaan cawaqibka”.

    Hadalladan waxay soo baxeen maalin kaddib markii Mareykanka iyo Iran is-weydaarsadeen weeraro kaddib markii la soo riday diyaarada nooca helikobtarka ah uu Mareykanku leeyahay.

    Sii akhri:

  5. Iran waxay sheegtay in ay dib u eegi doonto sii wadista wadahadallada kaddib weerarada Mareykanka

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in dalkiisa uu dib u eegi doono sii wadista wadahadallada iyadoo la eegayo weerarrada cusub ee Maraykanka.

    Esmail Baghaei, oo hadlay kaddib weerarada ayaa sidan yiri, “Habka diblomaasiyadeed kuma yimaado sidan, hannaan diblomaasiyadeed kasta inta uusan dhicin waxaa loo baahan yahay ugu yaraan jawi ku filan oo shaqada lagu sii wadi karo.”

    Baghaei wuxuu ku eedeeyay Maraykanka in uu “waxyeello u geystay geeddi-socodka wadaxaajoodka, wuxuuna dirayaa farriimo is-khilaafsan, si joogto ah uyuu u beddelayaa mowqifyadiisa iyo dalabaadkiisa, isla markaana marar badan wuxuu jabiyay xabbad-joojinta.”

    Mareykanka wuxuu saakay qaaday weerar cirka ah oo lagu beegsaday goobo ku yaalla koonfurta Iran, taas oo jawaab u ahayd ridistii mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee uu lahaa Maraykanka oo ku dhacday Badda Cumaan.

    Saldhigga Khatam al-Anbiya wuxuu sheegay in weeraro jawaab ah ay qaadeen ciidamada ilaalada kacaanka.

    Dhanka kale, Mareykana wuxuu ku dhawaaqay in la soo afjaray howgalka looga jawaaabyay diyaaradii laga soo riday.

    Sii Akhri:

  6. Caanaha dhirta laga sameeyo kuwee ugu fiican?

  7. ‘Carruurteyda in ay nabad helaan oo kaliya ayaan doonayaa’

    Anselme Shima wuxuu ku nolaa bariga magaalada Belfast muddo 13 sano ah, hal waddo ayuuna deganaa ku dhawaad 10 sano.

    Shima wuxuu saakay BBC-da u sheegay in uu dareemayo “xaalad murugo leh”

    Wuxuu sheegay in falka ka dhacay waqooyiga Belfast ee mindiyeynta uu ahaa “mid aad u argagax badan”, isaga oo intaas ku daray in “qofna uusan taageeri doonin, qofna uusan u dulqaadan doonin arrintaas”.

    “Wax kasta oo dhacay ee rabshado ah, waa wax laga xumaado”

    Shima oo ah aabo saddex carruur ah haysta ayaa sheegay in qiiqa baskii la gubay uu soo gaaray gurigiisa.

    Wuxuu sheegay in saakay uu soo aaday wadada si uu arko hadii la furay, ayna ammaan tahay in carruurta la geeyo iskuulka.

    Shima wuxuu BBC-da u sheegay in ay "adag tahay” in uu u sharaxo carruurtiisa sababta ay waxaan u dhacayaan markii ay weydiiyeen iyo hadii ay la xiriirto midabkooda.

    Wuxuu kaloo sheegay in xaaladda ay ka sii dartay, isagoo sheegay in uu doonayo ammaan.

    Sii akhri:

  8. Pakistaan oo weerar ku qaaday Afqaanistan

    Maamulka Taliban ee Afghanistan ayaa sheegay in Pakistan ay duqeymo cirka ah ka fulisay saddex gobol, kuwaas oo lagu dilay 13 qof, halka 14 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Afhayeen u hadlay Taliban ayaa weerarradaas ku tilmaamay “dembi bani’aadantinimo.”

    Duqeymaha la sheegay ayaa yimid kadib markii kooxda Pakistani Taliban ay weerar ku qaadday bar-koontarool oo ay leeyihiin ciidamada ammaanka oo ku dhow magaalada Peshawar, halkaas oo ugu yaraan lix askari oo ka tirsan ciidamada paramilitary-ga lagu dilay.

    Pakistan ayaa dhankeeda xaqiijisay weeraro lagu qaaday goobaha sharci darada ah ee Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP) ee ku yaala deegaanada xuduuda ah ee ku dhagan Afgaanistaan, iyadoo sheegtay in 26 mintidiin ah lagu dilay weeraro “si sax ah”.

    Pakistan ayaa muddo dheer ku eedeynaysay Afghanistan inay hoy siiso dagaalyahanno hubeysan, taasoo Afghanistan ay beenisay.

    Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday bilihii ugu dambeeyay, iyadoo ay ka dhaceen isku dhacyo dhimasho sababay oo ka dhacay xadka labada waddan.

  9. Cumar Cartan oo baaqa u diray dhalinyarada Soomaaliyeed iyo waxa xiga ee u qorsheysan

  10. Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in qarax laga maqlay magaalada Qeshm

    Wakaaladda Wararka ee Iran ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo maxalli ah, sheegtay in qarax laga maqlay agagaarka magaalada Qeshm.

    Wakaaladda Mehr News Agency ayaa qortay: “Inkasta oo aan weli si cad loo garanayn nooca saxda ah ee codadkan, marka la eego xoogga codka,waxay u badan tahay inay ka fog yihiin magaalada Qeshm ama ay la xiriiraan dhaqdhaqaaqyada ka socda Hormuz, ” Faahfaahin dheeraad ah lama bixin.

    Subaxnimadii Arbacada, Maraykanka ayaa qaaday duqeymo cirka ah oo dhowr ah oo lagu beegsaday meelo ku yaalla koonfurta Iran, taasoo lagu sheegay inay jawaab u ahayd soo ridista mid ka mid ah Helockotarada oo ku dhacday Badda Cuman.

    Sidoo kale, xarunta Khatam al-Anbiya ayaa ku dhawaaqday in ilaalada Kacaanka Iran iyo ciidanka Iran ay qaadeen weerarro jawaab celin ah oo lagu beegsaday saldhigyo Maraykan ah oo ku yaalla Baxrain, Kuwait, iyo Urdun.

    Sii akhri:

  11. Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka: Heshiiska Iran wuxuu dhici karaa bilaha soo socda

    Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka J. D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku aad ugu dhow yahay inuu gaaro heshiis si “waqti dheer” u xallin doona barnaamijka nukliyeerka Iran, balse heshiiskaasi uu suuragal noqon karo toddobaadyada ama bilaha soo socda.

    “Waqtigan, waxaan dareemayaa inaan ku jirno xaalad aan ku gaari karno heshiis u wanaagsan Maraykanka dhinaca dhaqaalaha, isla markaana si dhab ah u xallinaya barnaamijka nukliyeerka Iran," .

    Waxaa uu xusay in mustaqbalka ay Mareykanka faa'ido ugu jirto heshiiska lala gaari doono Iran.

    "ma aha kaliya hadda ama inta Donald Trump uu xilka hayo, balse mustaqbalka fog, ilaa heer carruurtaydu marka ay weynaadaan ay dhihi karaan: Iran ma yeelan doonto hub nukliyeer ah,” ayuu ku sheegay wareysi uu siiyay CBS.

    “Taasi waa ujeeddada siyaasadda noocaas ah,” ayuu raaciyay. “Waxaan aaminsanahay inaan aad ugu dhow nahay gaarista yoolkaas. Laakiin weli shaqo badan ayaa naga hortaagan, waana sii wadeynaa.”

    Mr. Vance wuxuu sheegay in heshiiska uu “si dhab ah” u dhici karo ka hor doorashooyinka bartamaha xilliga ee bisha November.

    Sii akhri:

  12. Warbaahinta Iran oo baahisay muuqaalo lagu sheegay weeraradii Iran ay ku qaaday saldhigyada Mareykanka

    Wakaaladaha wararka ee Tasnim News Agency iyo Fars News Agency, oo loo arko inay xiriir dhow la leeyihiin ilaalada Kacaanka Iran, iyo warbaahinta dowladda, ayaa subaxnimadii Arbacada daabacay muuqaallo badan oo ay sheegeen inay muujinayaan xilliyadii saldhigyada Maraykanka la beegsanayay iyo gantaallo marayay hawada Urdun.

    Si kastaba ha ahaatee,BBC Uma suuragalin inay si madax-bannaan u xaqiijiso saxnaanta muuqaalladan.

    Mid ka mid ah muuqaalladaas, oo laga arkayo wax u eg qarax meel fog ka dhacay, ayay wakaaladahan wararku ku sheegeen inuu la xiriiray weerar lagu qaaday saldhigga ciidamada badda ee shanaad ee Maraykanka ee Baxreyn.

    Muuqaal kale ayaa muujinaya raadad ka muuqda cirka oo ay reebeen walxo duulaya. Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in muuqaalkaasi laga duubay hawada Urdun isla markaana uu muujinayo raadadka gantaallo ay Iran ridday.

  13. UK: Doon yar ayaa rasaas is weydaarsaday markab xamuul oo marayay xeebaha Yemen

    Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Britain ayaa sheegtay in Arbacadii doon yar oo ay saarnaayeen lix nin oo hubeysan ay u soo dhawaatay markab xamuul ah oo ku sugnaa qiyaastii 88 mayl-badeed koonfur-galbeed kaga beegan Balhaf, dalka Yemen.

    Hay’addu waxay sheegtay in rasaas la isweydaarsaday doonta yar iyo kooxda ammaanka ee hubeysan ee saarnayd markabka. Intaas kadib, doontii weerarka soo qaaday ayaa dib uga laabatay goobta.

  14. Isbahaysiga Eritrea iyo Masar – iyo saameynta uu ku yeelan karo Geeska Afrika

  15. Iran oo si kulul uga jawaatay weerarada Mareykanka

    Kadib weerarradii dhawaan ay Maraykanku fuliyeen, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa ku tilmaantay weerarradaas “xadgudub cad oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay.”

    Bayaan ay soo saartay wasaaraddu ayay ku sheegtay in weerarrada Maraykanka ee lagu qaaday deegaannada koonfurta dalka ay yihiin “jebin weyn oo lagu sameeyay United Nations Charter-ka, gaar ahaan Qodobka 2-aad, faqraddiisa 4-aad, iyo mabda’a aasaasiga ah ee mamnuucaya adeegsiga xoogga ee xiriirka caalamiga ah.”

    Bayaankaas, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran waxay sidoo kale ku xustay soo ridista diyaarad qumaatiga u kacda oo Maraykan leeyahay oo ka dhacday marin-biyoodka Strait of Hormuz, balse ma aysan aqbalin mas’uuliyadda weerarkaas.

    Bayaanku wuxuu saldhigyada iyo hantida Maraykanka ee gobolka ku tilmaamay “isha gardarrada,” halka weerarrada Iran lagu sheegay inay yihiin “xuquuq difaac oo dabiici ah.”

    Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa ugu baaqday dalalka gobolka, gaar ahaan kuwa ku yaalla xeebaha koonfureed ee Gacanka Faaris, inay ka hortagaan ciidamada Maraykanka iyo Israa’iil inay isticmaalaan “dhulkooda iyo xarumahooda si loo qorsheeyo, loo abaabulo, loo fuliyo, loona taageero falal gardarro ah oo ka dhan ah Iran.”

    Mowjaddii ugu dambeysay ee weerarrada Maraykanka ee ka dhanka ah Iran ayaa la sheegay in lagu fuliyay jawaab ahaan soo ridista helicopter-ka nooca Apache ee Maraykanka oo ku sugnaa biyaha Gulf of Oman.

  16. Garsoore Cumar Cartan oo si wayn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho si wayn loogu soo dhaweeyay garsoore Cumar cartan oo ka soo kicitimay Turkiga.

    Cumar Cabdiqaadir Cartan oo sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee ragga, ayaa ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay inay dhex dhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka dhacaya Maraykanka, Canada iyo Mexico. Hase yeeshee markii uu kasoo degay magaalada Miami kadib safar uu kaga yimid Istanbul, ciidamada ilaalada xudduudaha Maraykanka ayaa baadhitaan dheeraad ah ku sameeyay, ugu dambayna u diiday inuu dalka galo.

    Hoos ka daawo sawirada soo dhaweynta

  17. Garsoore Cartan oo bbc uga warbixiyay dhacdadi ugu xanuunka badnayd ee soo marta

    Waxaa warbaahinta Caalamka oo dhan si wayn loo hadal hayaa dhacdadii garsoore Cumar Cartan loogu diiday galitaanka Mareykanka , halkaasi oo lagu wday in uu dhexdhexaadiye ka noqdo ciyaaraha Koobka Duunka.

    Cumar ayaa wareysi uu siiyya BBC laanta afka Soomaaliga waxaa uu kaga warbixiyay sida u u ku noqday garsoore isaga oo sheegay in si lama filaan ah uu howshan ku bilaabay.

    “Dhacdooyiinkii ugu horeeyay ee garsoor aan ku noqday waxay ahayd, aniga oo koox la jiro lugta ayaa waxyar iga soo gaaray ciyaarti ayaan ka fariistay markaan ka fariistay qoladii aan u baxaynay waxay tiri ninkan ciyaarta noo qabanaya oo garsoor noo noqonaya ka dib-na wana u qabtay , sidaa ayay ku bilaabatay in aan xafadaha ciyaaraha ka qabyo”. Ayuu yiri Cartan.

    Garsoore cumar Cartan ayaa dhanka kale BBC u sheegay in intii uu garsoorka ku jiray ay soo martay dhacdo aad u xanuun badan oo ah dilkii maclinkii isaga soo baray xirfadda garsoorannimada.

    “Cusmaan Jaamac Diraac oo ah aabaheyga garsoorka ah oo la’aantiis aanan halkan soo gareen, waxaa la dilay August 2017, waxay ahayd mid igu adag, anoo markaas waxaa ka dhinayd inaan calami noqdo saddex bilood laba bilood waxaana jeclaan lahaa inuu maanta arko meehsana soo gaaray” ayuu intaa ku daray.

  18. Maxaan ka ognahay diyaaradda helikobtar ee Mareykanka looga soo riday Marinka Hormuz?

  19. Kuwait oo soo riday gantaallo dalkeeda lagu garaacay

    Taliska Guud ee Ciidanka Kuwait ayaa ku dhawaaqay in nidaamyada difaaca cirka ee dalka ay qabteen oo ay ka hortageen “gantaalo uu cadowka soo riday.”

    Qoraal lagu daabacay barta bulshada ee X, ciidamada Kuwait waxay dadka deggan dalka ku boorriyeen inay “raacaan tilmaamaha amniga iyo badbaadada ee ay soo saareen hay’adaha ay khusayso, isla markaana xogta ka helaan ilo rasmi ah oo la oggolaaday.”

    Saacadihii la soo dhaafay, warbaahinno ka tirsan Iran ayaa sheegayay in weerarro lagu qaaday “saldhigyada Mareykanka ee Kuwait iyo Bahrain.”

  20. Iran oo duqeysay saldhigyo uu Mareykanka ku leeyahay sadex dal

    Ila wareedyo Mareykanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 gantaalaha ballistic-ga ah iyo dhowr diyaaradood lagu weeraray saldhigyada Mareykanka ee Baxrayn, Kuwait iyo Jordan.

    Wariyaha warbaahinta Axios Brack Rawid ayaa kasoo xigtay saraakiil Mareykan ah in ugu yaraan afar gantaal oo ballistic ah iyo dhowr diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn lagu garaacay saldhigyada Mareykanka ee Baxrain, Kuwait, iyo Jordan.