You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Halka uu Cumar Cartan hadda ku sugan yahay iyo goorta uu Muqdisho dib ugu laabanayo
Horey waxaan u tebinnay in garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan uusan ka qeyb geli doonin Koobka Adduunka sanadkan sida ay xaqiijisay xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.
Wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga ayaa sheegtay inay si weyn uga xun tahay wax ay ku sheegtay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee hadda ka socda Dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico.
BBC-da ayaa xiriir kala duwan la sameysay xiriirka kubadda cagta iyo waaxda garsoorka, ayaa waxay labaduba xaqiijiyeen in garsoore Cumar Cartan uu hadda ku sugan yahay dalka Turkiga, isla maraakana uu magaalada Muqdisho dib ugu laaban doono maalinta berri oo ku beegan 10-ka bisha May.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
In ka badan 300 oo qof oo tahribayaal ah oo loo safriyay si kelyaha loogala baxo
In ka badan 300 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Boqortooyada Midowday (UK) xagaagii hore ayaa la afduubtay, la jirdilay, laguna handaday in xubnahooda jirka si khasab ah looga saaro, sida ay BBC-du ogaatay.
Dhallinyaradan oo dhammaantood ka soo jeeday Kurdistaan-ta Ciraaq ayaa lagu qabtay Liibiya iyaga oo ay afduubeen maleeshiyaad dalbaday madax-furasho dhan $5,000 (£3,700) qoys kasta. Waxa kale oo ay ku hanjabeen inay ka saari doonaan kelyaha maxaabiista haddii lacagta si degdeg ah loo bixin waayo.
Waxaan la hadalnay qaar ka mid ah dadkii la haystay ee markii dambe la sii daayay, waxaana aragnay caddaymo sawirro ah oo muujinaya in qalliimo khasab ah ay dhaceen.
Dadkii hore loo haystay waxay na tusayeen caddaymo muujinaya jirdilkii loo geystay, waxayna sheegeen in lagu hayay xaalado aad u ciriiri ah, iyadoo ku dhowaad 180 qof ay wadaagayeen hal qol oo xabsi ah.
Sababta uu Mareykanka Cumar Cartan ugu diiday inuu galo dalkiisa
Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa seegaya ka qaybgalka Koobka Adduunka ee sanadkan kadib markii loo diiday gelitaanka Maraykanka, sida ay xaqiijisay FIFA.
Cumar Cabdiqaadir Cartan oo sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee ragga, ayaa ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay inay dhex dhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka dhacaya Maraykanka, Canada iyo Mexico. Hase yeeshee markii uu kasoo degay magaalada Miami kadib safar uu kaga yimid Istanbul, ciidamada ilaalada xudduudaha Maraykanka ayaa baadhitaan dheeraad ah ku sameeyay, ugu dambayna u diiday inuu dalka galo.
Sarkaal ka tirsan Hay'adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Maraykanka (CBP) oo u warramay warbaahinta CNN ayaa sheegay in Cumar Cartan loo arkay "inuu uusan u qalmin gelitaanka USA" kadib baadhitaan amni, balse ma aysan faahfaahin sababta rasmiga ah ee go'aankaasi.
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay arrinta garsoore Cumar Cartan
Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cartan ee loo diiday inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka ee sanadkan.
Waxay wasaaraddu sheegtay inay si weyn uga xun tahay wax ay ku sheegtay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee ja dhacaya dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico.
“Kadib markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira ogolaanshaha gelida dalka Mareykanka (Entry Denied), Wasaaraddu iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay sameysay dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood ballaaran oo lala yeeshay Dowladda Mareykanka iyo hay'adda FIFA si xal degdeg ah loogu helo arrintan. Nasiib darro, inkastoo dadaalladaas xooggan la sameeyay, ma suuragelin in xal laga gaaro”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.
Waxay intaas ku dartay in garsoore Cumar Cartan uu tusaale muuqda u yahay kartida, adkeysiga, iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed.
“Guulihiisa caalamiga ahaa waxay sharaf iyo sumcad u yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna caddeynaysaa in caqabadaha iyo duruufaha adag ee dalka ka jira aysan hor istaagin in dhalinyarada Soomaaliyeed ay gaaraan heerar sare oo caalami ah. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, waxayna sii wadi doontaa taageerada horumarintiisa xirfadeed iyo ka qeybgalka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka”, ayaa lagu yiri.
Halkan hoose ka akhri war-saxaafadeedka oo dhameystiran
'Bixi madaxfurasho ama killidaada ka samir': Tahriibayaal sharci-darro ah oo ku socday UK oo lagu afduubay Liibiya
Maxaa ka jira inay wax ka khaldanaayeen dukumentiyada uu sitay Cumar Cartan?
Hore waxaan tebinnay in sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi,uu BBC-da u sheegay, in Cartan uu sitay baasaboorka diblomaasiyadeed, taas oo looga gol lahaa in la fududeeyo safaradiisa, ka dib markii ay hore u wajahay caqabado ama dhibaatooyin la xiriira arrimaha fiisaha.
Isagoo la hadlayay BBC World Service, Andrew Giuliani, oo ah madaxa Guddiga Hawl-galka Aqalka Cad ee Koobka Adduunka, ayaa yiri: "In kasta oo aanan geli karin [macluumaadka gudaha ah] waxaan sheegi karaa inay ahayd go'aankii saxda ahaa ee ay gaareen kastamka iyo ilaalada xuduudaha, waana taageersanahay go'aankaas."
Dhanka kale, sarkaal ka tirsan Hay'adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Maraykanka (CBP) oo u warramay warbaahinta CNN ayaa sheegay in Cumar Cartan loo arkay "inuu uusan u qalmin gelitaanka USA" kadib baadhitaan amni, balse ma aysan faahfaahin sababta rasmiga ah ee go'aankaasi.
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya (SFF) ayaa si degdeg ah ula xiriiray FIFA si ay u weydiistaan faahfaahin dheeri ah iyo jawaab degdeh ah.
Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa seegaya ka qaybgalka Koobka Adduunka ee sanadkan kadib markii loo diiday gelitaanka Maraykanka, sida ay xaqiijisay FIFA.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
Waxa uu Xassan Cali Kheyre ka yiri arrinta garsoore Cumar
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay arrinta taagan ee la xirriirta garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cartan oo loo diiday inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka sanadkan.
Kheyre oo qoraal soo dhigay barahiisa bulshada ee Facebook iyo X ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay wararka la xiriira in Cartan loo diiday dal-ku galka Mareykanka.
“Waxaan ka xumahay warka dhiillada leh ee sheegaya in garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan loo diidayo gelitaanka dalka Mareykanka, isaga oo ka mid ah garsoorayaasha ay FIFA u xulatay Koobka Adduunka ee toddobaadkan ka furmaya Waqooyiga Ameerika, ayuu yiri.
Waxaa uu sheegay in garsoore Cumar Cartan uu kaalintan ku muteystay kartidiisa, xirfaddiisa, dadaalkiisa iyo hufnaantiisa. Wuxuuna intaa ku daray inuu tusaale iyo astaan u yahay dhallinyarada Soomaaliya iyo Afrika ee ku taamaysa in hibadooda, hal-abuurkooda iyo xirfaddooda laga qaddariyo masraxyada caalamka.
“Kubaddu waa luqad mideysa bulshooyinka caalamka, isla markaana dhiirrigelisa qiyamka caddaaladda, mudnaanta iyo tartanka fursadaha loo siman yahay. Waxaana rajaynayaa in xal degdeg ah laga gaaro arrintan, si aanay caqabad ugu noqon hiigsiga garsoore Cumar, iyo rajada malaayiinta dhallinyarada ah ee ku haminaya in ay hibooyinkooda ku soo bandhigaan fagaarayaasha caalamka”, ayuu yiri.
“Waxaan garsoore Cumar ku bogaadinayaa horumarkiisa iyo guulaha taariikhiga ah ee uu qarankeenna uga soo hooyay caalamka. Soomaaliya, Afrika, iyo dhammaan dadka aaminsan qiimaha kartida, dadaalka, mudnaanta, iyo caddaaladda ayaa ku garabtaagan. Guuleyso Garsoore”, ayuu intaas raaciyay.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
Sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya oo BBC-da uga waramay nooca baasaboorka uu sitay Cumar Cartan
Sida aan horey idinkugu soo tebinnay, garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, ayaa seegaya ka qaybgalka Koobka Adduunka ee sanadkan, kadib markii loo diiday gelitaanka Maraykanka.
Xirriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa xaqiijisay in garsoore Cumar Cartan uusan ka qeyg geli doonin Koobka Adduunka sanadkan oo laga bilaabo 11-ka Bishan June ka qabsoomi doona Mareykanka, Mexico iyo Canada.
Garsoore Cumar Cartan ayaa lagu waday in uu noqdo garsoorihii ugu horeeyay ee ka socda dalkiisa ee dhex dhexaadiya finanaalka Koobka Adduunka sanadkan 2026.
La-taliye sare oo ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Cartan loo diiday iuu galo Mareykanka, wuxuuna sheegay in Cumar Cartan uu sitay dukumeentiyo sax ah.
Sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ayaaisna dhankiisa BBC-da u sheegay, in Cartan uu sitay baasaboorka diblomaasiyadeed, taas oo looga gol lahaa in la fududeeyo safaradiisa, ka dib markii ay hore u wajahay caqabado ama dhibaatooyin la xiriira arrimaha fiisaha.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
Iiraan iyo Israa'iil oo sheegay inay joojin doonaan duqeymaha balse ka digay aargoosi
Iiraan iyo Israa'iil ayaa sheegay inay joojiyeen weerarradii ay isku qaadayeen, ka dib markii labada dal ay is rasaaseeyeen markii ugu horreysay tan iyo markii la gaaray xabad joojintii bishii Abriil.
Fariin codeed lagu daabacay wakaaladaha wararka rasmiga ah Isniintii, Mohammed Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamanka Iiraan ayaa ku tilmaamay weerarkii habeenimadii Axada ee duqaymaha ay iyagu gaysteen gabi ahaanba kuwo lagu qiimeeyay inay ahaayeen lagama maarmaa oo ay guulaysteen.
Farriinta codka oo qoraal ahaan ay daabacday wakaalada wararka IRNA ayuu ku yiri Qalibaf, ‘’Haddii aynu ku tixgalino diblomaasiayada wadahadalada kali ah ee qolalka xiran iyo diblomaasiyada qosolka, weeynu ku guul daraysan lahayn bilowgiiba, haddii aynu ku tiirsanaan lahayn dagaal iyo howlgalo militari oo kali ah, ma aynaan awoodneen in aynu si buuxda u difaacno xuquuqdeena’’.
Qalibaf oo hoggaaminayay wafdiga wadahadalada Iiraan iyo Maraykanka ee Pakistan iyo safarkiisii u dambeeyay ee Qatar uu u raacay Abbas Araqchi, ayuu ku yiri fikradiisa: ‘’Dhacdadii Lubnaan waxay muujinaysaa in fagaaraha diblomaasiyada oo uu la socda midka milatari ay dhinac u riixi karaan Israa’iil iyo cadowyada. Diblomaasiyada kama hortagto howlgalada milatari, sidoo kalana howlgalada milatari kama hortagaan diblomaasiyada.
Sidoo kale akhri
Mareykanka oo ka hadlay sababta Cumar Cartan loogu diiday inuu galo dalkaas
FIFA oo war ka soo saartay arrinta garsoore Cumar Cartan
Garsooraha kubbada cagta Soomaaliyeed Cumar Abduqaadir Cartan ayaan ka qayb gali doonin xaggaagan koobka Kubbada cagta Adduunka, kadib markii loo diiday dalku galka Maraykanka, sida ay xaqiijisay xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA.
Soomaaliya ayaa kamid ah 39 dal oo ay saamaysay xayiraada fiisaha ee maamulka Trump, waxaana muwaadiniinta dalalkaasi ay maraan baaritaano dheeraad ah.
‘’FIFA ma faragashato dalka martigalinaya nidaamkiisa socdaalka, oo ay ku jirto go’aanada fiisaha, waana lagu wargaliyay masuuliyiinta in xaalada Artan aan waxba laga beddeli karin wakhtiga,’’ ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka FIFA.
Garsoore Cumar Cartan oo Soomaali ah oo lagu waday in uu noqdo garsoorihii ugu horeeyay ee ka socda dalkiisa ee dhex dhexaadiya fianaalka Koobka Adduunka ayaa loo diiday inuu galo dalka Mareykanka.
Cartan oo ah garsooraha sanadka 2025 ee xiriirka kubadda cagta Afrika ayaa laga mamnuucay inuu dalka soo galo isaga oo ka dagay garoonka diyaaradaha Miami International Airport, waxaana uu hadda ku sugan yahay dalka Turkiga.
Ma jirto sabab oo ku saabsan dib u celinta Cartan oo ay sheegtay laanta socdaalka Mareykanka, balse Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ku jira liiska wadamo laga mamnuucay socdaalka Maraykanka kaa oo uu soo saaray maamulka madaxweyne Donald Trump.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:
Weerarradii u dambeeyay ee Iiraan ku qaadday Israa'iil waxay muujinayaan dareenka awoodda sii kordhaysa ee Tehran
War deg deg ah, Trump: Netanyahu ma jabin amarkayga
Madaxweyne Trump ayaa ku adkaystay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uusan jebin amarkiisa oo ahaa in uu dib u dhigo weerar ka dhan ah Iran Isniintii.
Trump ayaa BBC u sheegay in gantaallada ay horayba usii socdeen markii uu Benjamin Netanyahu ku amray inuusan ka jawaabin weerarrada Tehran.
Iran iyo Israa’iil ayaa hadda joojiyay weerarrada ay is weydaarsanayeen, balse mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil ay dileen toddoba qof.
SII AKHRI WARBIXINO KALE
War deg deg ah, Dal uu kusii kordhayo afduubka oo 37 qof ay ugu dambeeysay dadka la qafaashay
Booliska Waqooyi-Galbeed ee Nigeria ayaa sheegay ugu yaraan soddon iyo sagaal qof oo ka qayb galayay wadahadal ay lahaayeen qoyska hoggaamiye burcad ah oo deegaanka ah iyaga oo kala hadlay kororka afduubka.
Saraakiisha gobolka Zamfara ayaa sheegay dadku ay isugu soo baxeen la kulanka waalild hoggaamiye burcad, laakiinse iyagii ay qabsadeen kooxo hubaysan, uuna hadda socdo howlgal.
Afduubyada loo gaysanayo madax-furashada ayaa dhibaato sii kordhaysa ku ahaa muddooyinkii u dambeeyay qaybo badan oo kamid ah Waqooyiga iyo Bartamaha Nigeria.
SII AKHRI WARBIXINO KALE
War deg deg ah, FIFA oo xaqiijisay Cumar Cartan uusan ka qayb galayn Koobka Adduunka
Garsooraha kubbada cagta Soomaaliyeed Cumar Abduqaadir Cartan ayaan ka qayb gali doonin xaggaagan koobka Kubbada cagta Adduunka, kadib markii loo diiday dalku galka Maraykanka, sida ay xaqiijisay xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA.
Soomaaliya ayaa kamid ah 39 dal oo ay saamaysay xayiraada fiisaha ee maamulka Trump, waxaana muwaadiniinta dalalkaasi ay maraan baaritaano dheeraad ah.
‘’FIFA ma faragashato dalka martigalinaya nidaamkiisa socdaalka, oo ay ku jirto go’aanada fiisaha, waana lagu wargaliyay masuuliyiinta in xaalada Artan aan waxba laga beddeli karin wakhtiga,’’ ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka FIFA.
SII AKHRI WARBIXINO KALE
War deg deg ah, Ghalibaf : Diblomaasiyada goobta dagaalka ayaa dhinac u riixday cadowga
Fariin codeed lagu daabacay wakaaladaha wararka rasmiga ah Isniintii, Mohammed Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamanka Iiraan ayaa ku tilmaamay weerarkii habeenimadii Axada ee duqaymaha ay iyagu gaysteen gabi ahaanba kuwo lagu qiimeeyay inay ahaayeen lagama maarmaa oo ay guulaysteen.
Farriinta codka oo qoraal ahaan ay daabacday wakaalada wararka IRNA ayuu ku yiri Qalibaf, ‘’Haddii aynu ku tixgalino diblomaasiayada wadahadalada kali ah ee qolalka xiran iyo diblomaasiyada qosolka, weeynu ku guul daraysan lahayn bilowgiiba, haddii aynu ku tiirsanaan lahayn dagaal iyo howlgalo militari oo kali ah, ma aynaan awoodneen in aynu si buuxda u difaacno xuquuqdeena’’.
Qalibaf oo hoggaaminayay wafdiga wadahadalada Iiraan iyo Maraykanka ee Pakistan iyo safarkiisii u dambeeyay ee Qatar uu u raacay Abbas Araqchi, ayuu ku yiri fikradiisa: ‘’Dhacdadii Lubnaan waxay muujinaysaa in fagaaraha diblomaasiyada oo uu la socda midka milatari ay dhinac u riixi karaan Israa’iil iyo cadowyada. Diblomaasiyada kama hortagto howlgalada milatari, sidoo kalana howlgalada milatari kama hortagaan diblomaasiyada.
SII AKHRI WARBIXINO KALE
War deg deg ah, Israa’iil: Waxaan qabanay diyaarad drone oo laga soo tuuray Yemen
Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa sheegay habeenkii labaad,Talaado ay qabteen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo looga soo riday dhanka Yemen, uusana gaysan wax waxyeelo ah sida ay tabisay wakaalada wararka AFP.
Waxa ay intaa ku dareen inay ku qabteen hawada, diyaaradan looga soo riday dhanka Yemen,ayna dhacdadaasi halkaas ku ekayd.
Weerarka ayaa ka dhacay aagga deegaanka Eliat.
SII AKHRI WARBIXINO KALE
Laanta Sirdoonka Maraykanka ''Tehran waxa ay usii adkaysan kartaa cunaqabataynada Afar-bilood''
Iyada oo ay socdaan dadaalada lagu dhammayo dagaalka u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan, waxaa weli socda iskudhacyda aan ballaarnayn ee labada dhinac. Waxayna ahayd tii ugu dambaysay ee ay rasaasta isku weydaarsadeen marinka Hormuz Jimcihii.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in cunaqabataynada saaran Tehran ay tahay mid daciifin doonta Maraykanka.
Laanta sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa iyaga oo taxliilinaya arrintan sheegay in Tehran ay weli awood u leedahay inay sii adkaysato muddo bilooyin ah cunaqabaynada ciidamada badda ee saaran dalkaasi.
SII AKHRI WARBIXINO KALE
War deg deg ah, Gharibabadi: Cunaqabateenada Midowga Yurub wax qiimo ah nooguma fadhiyo
Kazem Gharibabadi, ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda jamhuuriyada Islaamiga ee Iiraan ayaa cambaareeyay cunaqabateenada cusub ee Midowga Yurub ee ka dhanka ah tiro shakhsiyaad Iiraaniyiin ah iyo hay’ado, isaga oo ku qeexay cadaadisyadan been abuur iyo xoog sheegasho.
Waxa uu ku qoray barta shabakada bulshada ee X: ‘’Maanta, golaha Midowga Yurub, talaabo been abuur ah, waxa ay ku meel mariyeen wax loogu yeeray cunaqabateeno ka dhan ah hay’ado iyo shakhsiyaad Iiraaniyiin ah oo lala xiriirinayo marinka Hormuz. Iyaga midowga Yurub ayaa ah kuwa ugu weyn ee ku xadgudbaya xuquuqda shacabka Iiraan, midowguna uu si kas ah uga aamusnaa xiritaanka ciidamada badda Maraykanku ku sameeyeen Iiraan, taasi oo loo tixgalinayo ficil dagaal’’
Waxa uu intaa ku daray Iiraan in ‘’aysan qayb ka ahayn heshiiska Sharciga Badda. Rajiimka sharciga ee Iiraan ee marinka Hormuz waa ‘’gudbid dambi la’aan’’ marka loo eego si guud sharciga caalamiga ah iyo korjoogteynta badbaadada badda iyo tixgalinada ammaanka ee dowlad xeeb leh’’
Waxa uu ugu yeeray talaabo siyaasadeed, isaga oo sheegay in uusan ka arkin ‘’wax qiimo ah’’ oo talaabadan siyaasadeed ay u leedahay Iiraan.
SII AKHRI WARBIXINO KALE