You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Garsoore Cumar Cartan oo ku laabanaya Muqdisho kadib diidmadii Maraykanka
Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa dib ugu laabanaya dalkiisa, kadib markii loo diiday fursaddii uu kaga qayb gali lahaa koobka adduunka, iyada oo ay u ahayd markiisii ugu horaysay xilli dowladda Maraykanka ay kahor istaagtay inuu dalkeeda galo isaga oo haysta fiisihii uu kaga qayb gali lahaa ciyaaraha adduunka ee dalkaasi ka dhacaya.
Taageerayaashiisa ayaa kasoo sagootiyay garoonka diyaaradaha Istanbul.
Cartan ayaa rajaynayay inuu noqdo Soomaaligii ugu horeeyay ee dhexdhexaadiya ciyaar ka tirsan koobka adduunka.
Waxa uu u mahad celiyay FIFA, CAF iyo dhammaan Soomaalida, xilligii uu isu diyaarinayay ku laabashada dalkiisa.
Isaga oo kula hadlayay garoonka diyaaradaha Istanbul wakaalada wararka ee Reuters ayuu u sheegay inuu aad u niyad fiican yahay.
''Waxaan dareemayaa wanaag. Waxaana u mahadcelinayaa FIFA sida ay ii caawisay iyo umadda Soomaaliyeed sidoo kale. Sidaa darteed waan ku mahadinayaa FIFA iyo CAF sidoo kale. Intaas ayaan dhihi lahaa,'' ayuu yiri Cartan.
Afhayeenka FIFA ayaa sheegay in Cumar uusan awoodin xilligan tababar iyo dhexdhexaadin ciyaar, kadib markii dowladda Maraykanka ay dhammaadkii todobaadka u diiday galitaanka dalkaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay samaysay iskuday aan guulaysan si ay ula xaajooto Maraykanka iyo FIFA si Cartan loogu oggolaado inuu galo Maraykanka, iyaguna ay aad uga niyad Jabeen wixii dhacay.
''Guulihiisa caalamiga ayaa ah ilaha abaalmarinada iyo faraxada dadka Soomaaliyeed,'' ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaarada ciyaaraha Soomaaliya.
Xiriirka kubbada cagta Soomaaliya ayaa sheegay in aysan helin sharaxaad rasmi ah oo la xiriirta sababta Cartan loogu diiday galitaanka Maraykanka, ayna kala shaqaynayaan FIFA iyo masuuliyiinta xiriirka la leh arrintan si ay u fahmaan waxa sababta u ahaa dhacdada.
Afhayeenka FIFA ayaa sheegay ururka ''in aysan faragashan nidaamka socdaalka dalka martigaliyaha ah oo ay kamid tahay go'aanada fiisaha ayna kusoo wargaliyeen masuuliyiinta in xaalada Cartan aan wax laga beddeli karin wakhtigan la joogo''.
Cartan ayaan sidoo kale awoodin inuu dhexdhexaadiyo ciyaaraha ka dhacaya Mexico iyo Canada.
Madaxa garsoorayaasha ciyaata FIFA, Pierluigi Collina ayaa ka sameeyay xarun tababar Miami oo loogu talagalay ilaa 140 garsoore iyo kaaliyaal garsoore oo ka qayb galaya tartanka.
Garsoorayaashan ayaa laga doonayaa inay ku nagaadaan goobta tababarka sababo la xiriira farsami iyo ammaan, sidaas darteed Cartann suurtagal uma aha inuu dhexdhexaadiyo ciyaaraha Mexico iyo Canada isaga oo aan lug soo dhigin Maraykanka.
Laanta difaaca xuduuda iyo kastamyada Maraykanka ayaa sheegtay iyaga oo aan soo qaadan magaciisa in muwaadin Soomaaliyeed oo tagay garoonka caalamiga ah ee Miami isaga oo ka yimid Istanbul, Sabtidii aan la oggolaan sabab la xiriirta arrimo baaritaan.
Laanta kama aysan bixin wax sharaxaad ah, laakiin garsooraha ayaa maray baaritaan siyaada ah kahor intaa aan loo diiday galitaanka Maraykanka. Maamulka Trump ayaa sannadkii ayno soo dhaafnay kusoo rogay xayiraad socdaalka ah ilaa 12 dal oo ay Soomaaliya kamid tahay.
Dad badan oo magac ku leh caalamka ayaa ka hadlay kiiska garsoore Cumar Cartan ee Maraykanku ugu diiday dalkiisa, iyaga oo aad u dhaliilay in garsooraha Sooaaliga laga hor istaago hammigiisii ahaa inuu markiisii ugu horaysay dhexdhexaadiyo ciyaar kamid ah kubbada cagta adduunka.
Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa loo magacaabay garsoorihii ugu wanaagsanaa Raga ee Afrika (CAF) 2025, waxaana uu haystay fiise sharci ah, sida ay warbaahintu sheegtay.