Caanaha dhirta laga sameeyo kuwee ugu fiican?

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Ma qabtaa xasaasiyadda caanaha? Ma doonaysaa in aad dhinto isticmaalkaaga walxaha ka yimaada xoolaha? Ama ma karahday dhadhanka caanaha?

Waxaa jira noocyo badan oo dhir ah oo aad ka dhigan karto caano.

Haddaba, caanaha dhirta ku salaysan nuucee ka dooranaysaa marka loo eego dhadhanka, qiimaha nafaqada, iyo saamaynta deegaanka?

Day Radley, cunto kariyaha iyo aasaasaha Dugsiga Vegan Chef, ayaa yiri su'aashan way adagtahay in laga jawaabo:

"Xitaa haddii ay isticmaalaan maaddooyinka aasaasiga ah ee isku midka ah, waxaa jiri kara farqi weyn oo u dhexeeya noocyada."

Jawaab degdeg ah: Caanaha dhirta ku salaysan kuwee ugu fiican?

Ilaha ugu fiican ee borotiinka: Digir cagaar ama jaale.

Kuwa ugu fiican Kafeega: Qamadi

Kuwa ugu fiican marka loo eego saamaynta cimilada: Digirta jaalaha ah, iyo qamadiga

Kuwa ugu hooseeya Kaloriiska: Almonds

Caanaha laga sameeyo dhirta kuwee u fiican deegaanka?

Sarah Bridle, oo ah qoraaga buugga Cunnada iyo Isbeddelka Cimilada ee Jaamacadda York, ayaa leh, "Marka laga eego isbeddelka cimilada, waxaan dhihi lahaa caano kasta oo ku salaysan dhirta ayaa ka fiican caanaha lo'da."

Si kastaba ha ahaatee, saamaynta deegaanku way kala duwanaan kartaa iyadoo ku xiran nidaamka beeraha, gaadiidka, iyo hababka loo sameeyo.

Daraasad la sameeyay 2022 oo lagu ogaado saamaynta deegaanka ee cuntada, ayaa la xisaabiyay in caanaha lo'du ay soo saaraan 3.7 kiiloogaraam oo gaaska uu siidaayo greenhouse ka ah litirkiiba, halka tiradani ay ahayd 0.98 kiiloogaraam caanaha digirta jaalaha ah, halka 0.66 kiiloogaraam ay yihiin caanaha yicibta, iyo 0.45 kiiloogaraam caanaha boorashka.

Isbarbardhigga caanaha dhirta ee ugu caansan.

Caanaha digirta-jaalaha

Sida laga soo xigtay Radcliffe, caanahan oo leh dhadhan dhexdhexaad ah oo ka kooban xaddi borotiin ah, ayaa ah midka ugu wanaagsan ee lagu beddeli karo caanaha lo'da marka loo eego xaddiga nafaqada.

Waxaa ku yar dufanka culus iyo waxaana ay dhanka kale leeyihiin dufan caafimaad leh oo aan cuslayn.

In kasta oo digirta jaalaha ay sumcad xumo ku leedahay in ay xaalufiso dhirta Amazon, haddana waxa la sheegay in 77% digirta laga beero adduunka oo dhan loo isticmaalo quudka xoolaha halka 7% keliyana loo isticmaalo cuntooyinka bani'aadamka.

Caano qamadiga

Aad bay u mug u leeyihiin, taasoo ka dhigaysa mid aad ugu fiican cabitaannada kulul sida kafeega.

Waxaa ku yar borotiinka guud ahaanna waxaaba ku badan tamarta marka loo eego beddelka kuwa u noqon kara.

Intaa waxaa dheer, miraha waxaa ku jira sonkor badan oo ay soo saarto mirtu marka la jajabiyo. Khubarada caafimaadku waxay ku talinayaan in la xaddido isticmaalka noocyadan sonkorta leh.

Caanaha qamadigu waxaa aad ugu yar saamaynta deegaanka ee ciidda, biyaha, iyo gaaska uu sii daayo greenhouse-ku marka loo eego caanaha lo'da.

Caanaha almond

Waxay u dhadhamaan sida lawska, laakiin xooggeedu wuu kala duwanaan karaa waxayna ku xiran tahay boqolleyda hazelnuts-ka uu ka kooban yahay.

Radcliffe wuxuu sheegay in caanahani ay ku yar yihiin tamarta kalooriska loo yaqaan, dufanka, iyo borotiinka.

Inkasta oo caanahaan ay leeyihiin gaaska greenhouse-ka oo hooseeya, waxay u baahan yihiin biyo badan si ay u koraan marka loo eego lawska.

Caanaha bariiska

Radley wuxuu yiri, "Caanaha bariiska waxay noqon karaan kuwo aad u macaan oo khafiif ah."

Caanahani ma aha kuwo aad u sareeya marka loo eego qiimaha nafaqada. Waxaa ku yar dufanka iyo borotiinka, guud ahaan waxay ka kooban yihiin tamar badan iyo sonkor bilaash ah marka loo eego kuwa baddalka u noqon kara.

Radley waxa kale oo uu yiri, "Cabitaannada bariiska lagulama talinayo carruurta da'doodu ka yar tahay shan sano sababtoo ah maadada arsenic-ka ah ee ku jirta," wuxuuna ka digay, " Maadada Arsenic waxay si dabiici ah ugu dhacdaa deegaankeena waxaana nuugi kara dhirta. Bariiska ayaa la og yahay inuu nuugo arsenic ka badan dalagyada kale ee badarka."

Caanaha bariiska waxay leeyihiin gaaska aqalka dhirta lagu sii daayo oo ka sarreeya soy, yicib, iyo caano boorash, bariiskana waa dalagga biyaha badan.

caanaha digir-cagaarta

Waxaa lagu sameeyay borotiin ka yimid digirta cagaarka ah waxayna leedahay kareem iyo dhadhan yar oo macaan.

Waxay ka kooban tahay xaddi borotiin ah oo la mid ah caanaha lo'da oo ay ku yar tahay dufanku, taas oo ka dhigaysa doorasho wanaagsan qof kasta oo leh xasaasiyada digirta jaalaha ah oo raba inuu iska ilaaliyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo.

Sababtoo ah waxay leedahay mid ka mid ah gaaska greenhouse-ka ee ugu hooseeya iyo biyaha ay rabto oo hooseeya, raadkeeda deegaan sidoo kale waa hooseeyaa.