Trump oo lagu oriyay kadib markii uu booqday goob ciyaar lagu qabanayay

    • Author, Sakshi Venkatram
    • Reporting from, New York City
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Donald Trump ayaa lagu oriyay ciyaar kubbadda koleyga ah oo ka dhacaysay magaalada New York isagoo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo xilka haya ee ka qeyb gala tartanka NBA-da.

Oriska ayaa yimid ka dib markii dad tikidho goostay oo jahawareersan ay saacado ku sugayeen banaanka hore iyaga oo ku jira safaf dhaadheer in ka badan laba baloog oo ka baxsan xarunta Madison Square Isniintii sababtuna tahay xannibaadaha amniga ee xooggan ee uu la yimid madaxweynaha Mareykanka.

New York Knicks ayaa guuldarro 111-115 ka soo gaartay San Antonio Spurs ciyaartii seddex ka mid ah toddobada final ee NBA-da ugu wanaagsaneed, taasoo ka dhigtay hoggaanka Knicks ee taxanaha 2-1.

Ciyaarta ka dib, Trump ayaa u sheegay warfidiyeenka: "Waxaan u malaynayaa, in ahayd inta badan farxad, waxay ahayd mid qaylo ah, aadna u xamaasad badan."

Oriska ayaa dhacay fiidnimadii isniinta markii kaamiradu soo bandhigtay Trump oo shaashado waaweyn ka soo muuqanaya, isagoo salaamaya fanaanada qaaday heesta calanka.

Madaxweynaha ayaa waxaa la socday gabadhiisa Kai Trump iyo milkiilaha Knicks James Dolan, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan maamulkiisa oo ay ku jiraan Xoghayaha Gaadiidka Sean Duffy, Xoghayaha Arrimaha Gudaha Doug Burgum, maamulaha EPA Lee Zeldin iyo ergeyga gaarka ah Steve Witkoff.

Madaxweynaha Jamhuuriga, oo ku dhashay degmada New York ee Queens, ayaa xiriir adag la lahaa magaalada uu ka soo jeedo ee Dimuqraadigu ku xoogan yahay.

Trump, oo subaxnimadii hore ku sugnaa Golf-ka naadigiisa cusub ee New Jersey, ayaa u duulay bartamaha magaalada Manhattan isagoo qaatay helikobterka Marine One. Ka dib waxa uu ku safray mooto ilaa goobta.

Imaatinka Trump waxa ay la macno tahay in waddooyinka ku xeeran Madison Square laga xiray dadka lugaynaya iyo gaadiidka. Kumanaan ka mid ah Saraakiisha Booliska New York iyo boqollaal sarkaal oo sirdoonka ah ayaa la howlgeliyay.

Biro ayaa xiray meel kasta iyadoo taageerayaasha isboortiga ay la kulmeen jahaweerar amni.

Taageerayaasha Knicks ee niyad jabsan iyo sidoo kale wadada marayay ayaa ku dhibtooday inay dhex maraan aagga.

Mid ka mid ah dadka reer New York ayaa BBC-da u sheegay in hwosha ammaanka ee la adkeeyay ay "dishay dareenka Knicks".

Dadka caanka ah oo ay ku jiraan Tracy Morgan, Tina Fey, Christine Taylor, Ben Stiller iyo Timothée Chalamet ayaa buuxiyay kuraasta.

Duqa magaalada New York Zohran Mamdani ayaa halkaas joogay.

Manhattan waxaa soo buux dhaafiyay taageerayaasha Knicks oo wata midabo oronji iyo buluug ah, dad badan ayaa ciyaarta ku daawanayay waddooyinka.

Wadooyinka ku hareeraysan Park-ka caanka ah ee Bryant ayaa buux dhaafay iyadoo taageerayaashu ay isugu soo baxeen goob ay bulshadu ku daawanaysay oo ka baxsan Madison Square Garden, halkaas oo ay ciyaartu ka dhacaysay.

Dadku waxay kor iyo hoos u socdeen dariiqyada u dhow Bryant Park, iyagoo dabaaldegaya oo faraxsan mar kasta oo Knicks ay dhaliyaan gool. Markii ay ciyaartu bilaabatay, qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa la arkayay iyagoo kor u fuulaya saqafyo ku dheggan dhismayaal.

Mid ka mid ah taageerayaasha oo 44-sano jir ah, oo daawaday ciyaarta Bryant Park, ayaa sheegay inuu ahaa 17 sano jir markii ugu dambeysay ee Knicks ay finalka gaaraan, iyadoo sanadkan oo kale ay ciyaarayeen San Antonio Spurs.

Waxa uu sheegay in carqalada ka dhalatay booqashadii Trump ay tahay mid aad looga caroodo.

Laakin qof walba uma xanaaqin Trump.

Taageeraha Knicks Anthony Pulley, oo 43 jir ah, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in carqaladayntaasi ay ka caraysiisay, balse waxa uu u riyaaqay imaanshaha Trump ee ciyaarta.

"Waxay ila tahay in ay dhab ahaantii xoojisay dhammaan dhinacyada," ayuu yiri. "Laakiin waa wax aad u fiican inuu doonayo inuu soo muuqdo oo uu qayb ka noqdo."

Laga soo bilaabo Dhismaha Empire State ilaa Xarunta Ganacsiga Adduunka, dhismooyinka dhaadheer waxaa lagu shiday oranji iyo buluug - midabada kooxda Knicks.

Labadii habeen ee ugu dambeeyay, dad badan oo taageersan Knicks gear ayaa qabsaday waddooyinka u dhow garoonka - in kasta oo kooxdoodu ay ku ciyaaraysay fagaaraha kooxda ka soo horjeeda ee Texas - taasoo keentay in daraasiin dad ah la xirxiro iyada oo taageerayaashu ay fuuleen biraha nalalka wadooyinka.

Taageerayaal badan ayaa awoodi waayay inay iibsadaan tigidhada ciyaarta, iyadoo tigidhada dib-u-iibsiga ee ugu jaban ee online-ka laga heli karay ay ku socdeen qiimo ka badan $10,000 oo ay kor ugu kaceen in ka badan $100,000.

Ciyaaraha Knicks ee caadiga ah waxay horeyba ugu jiraan kuwa ugu qaalisan NBA-da.