Diyaaradaha Isra’iil oo garaacay bartilmaameedyo ku yaala Suuriya.

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Xaalad adag oo laga soo sheegayo degmada Buurdhuubo

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Nin ayaa lagu toogtay gobolka Bauchi ee waqooyi bari dalka Nigeria, xilli uu ku jiray waxa loogu yeero "bullet-proof charm" ama "quraafat la sheegay inay kaa difaaci karaan xabadda", afhayeenka bilayska Axmed Wakil ayaa sidaas yiri.

    Ninka qofka toogtay oo dhakhtar dhaqameed ah ayaa la xiray, isaga iyo laba tuhmane, halka tuhmane kale ay baxsad ku jiraan, ayuu raaciyay.

    Tijaabada ku saabsan waxtarka "daawada ka hortaga xabadda" ayaa lagu sameeyay 43-jir tuulada Muhammadu Ali sida uu yiriSupt Wakil ayaa yiri.

    Booliska ayaa isla markii ay maqleen toogashada goobta soo gaaray, waxayna isbitaalka u qaadeen Mudane Cali , balse markii uu goobta gaaray ayaa la sheegay inuu dhintay, ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka booliska.

    Shacabka ayuu arrintan uga digay.

    Sida ay tiri Supt Wakil, tuhmanayaasha waxaa lagu soo oogi doonaa maxkamad ka dib marka baaritaanada la soo gabagabeeyo.

  2. Madaxweynaha Faransiiska oo baaq ka soo saaray dagaalka Gaza isagoo balanqaad sameeyay

    BBC

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo furay shirka Gaza ee lagu qabanayo magaalada Paris ayaa hadda ku baaqay in la joojiyo dagaalka Gaza.

    Kooxda G7 oo ay ku jirto Faransiiska - ayaa isla shalayto sidaas ka sheegay shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ku yeesheen Tokyo.

    Macron waxa kale oo uu sheegay in kaalmada Faransiiska ay siiyaan Falastiiniyiinta ay kordhi doonto shan laab sanadka soo socda, halka 20m euros (£17.4m) ee sanadkan la gaarsiin doono 100m euros (£87m) sanadka 2024.

  3. Isgoysyada Rafah oo xiran maanta

    bbc

    Xigashada Sawirka, AFP

    Waxaan hadda maqalnay in xadka Rafah uu wali xiran yahay . Xamaas ayaa sheegtay in ay doonayaan in dad badan oo dhaawac ah loo ogolaado in Gaza looga saaro marinka ka hor inta aan loo ogolaan in muwaadiniin badan oo ajnabi ah ay ka baxaan.

    Waddada u dhaxaysa Qaza iyo Masar - oo kolonyada gargaarka ay ka soo galayeen iyo muwaadiniinta ajnabiga ah iyo dadka dhaawacmay - ayaa sidoo kale la xiray shalay, sida ay sheegtay hay'adaha Qaramada Midoobay.

    Waxay sheegeen in loo xiray sababo aan la ogeyn.

  4. Maxay tahay arrinta ku cusub qaadasahada sharciga Kenya ee carada laga muujiyay?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dowladda Kenya ayaa qiimo cusub ku soo rogtay kaararka aqoonsiga waddanka, taas oo ay caro badan ka muujiyeen shacabka Kenya.

    Muwaadiniinta Kenya ee da'adoodu gaartay 18 sano jir ayaa markii hore si bilaash ah ku qaadan jiray kaarka aqoonsiga dalka, balse wixi hadda ka dambeeya waxay bixin doonaan lacag dhan 1,000 shilin oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta ilaa 7 doolar.

    Waxaa sidoo kale la kordhiyay lacagta uu qofku bixinayo marka uu ka dhumo ama uu ka guubto, iyadoo laga dhigay 2,000 oo shilin oo u dhiganta 13 doolar, taas oo markii hore ahayd 100 shilin (66 cent)

    Arrintan ayaa siyaabo kala duwan loogu hadal hayaa baraha bulshada. Qaadashada warqadda dhimashada ayaa ah 200 oo shilin ( 1.5 doolar)

    Waxaa saddex jibaarmay qiimaha lagu qaadanayo warqadda guurka, waxaana laga dhigay 100,000 oo shilin ( in ka badan 700) oo doolar.

    Qaadashada baasaboorka marka la cusboonaysiinayo ayaa waxaa ku kordhay qiimo gaaraya boqolkiiba 50.

  5. Waxa ka dhacay Qubuuraha Gaalkacyo ee sababay in meydadka lala baxo

  6. injineerkii Xamaas oo la dilay isagoo ku howlan sameynta gujisyo casri ah

    Al-Zawari ayaa lagu dilay rasaas oodda looga qaaday isagoo ku sugan gurigiisa hortiisa oo ku yaal magaalada Isfax, galabnimadii Oktoobar 15, 2016. Xamaas ayaa dilkiisa shirqoolka ku eedeysay sirdoonka Israa'iil ee Mossad.

    Intii aan la dilin waxaa cadayd inuu diyaarinayey shahaaddada saddexaad jaamacada isagoo doonayey inuu hindiso gujisyo lagu hago meelaha fog fog.

    Howlgalka lagu qaarajiyey Maxamed Al-Zawari waxa la ogaaday inay fuliyeen rag u dhashay dalka Bosnia. balse Boosniya waa ay diiday in tuhmanaha dilka Al-Zawari lagu wareejiyo Tunuusiya.

  7. Sawiradi ugu dambeeyay ee laga soo qaaday Qasa kadib duqeymihii xalay dhacay

    Weli waxaa sii soconaya dagaalka Qasa iyadoo xalay ay halkaas ka dhaceen duqeymo. Sawirada qaar ee laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya dadkooda ka baadi goobaya haraadiga burburka.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Nin reer Falastiin ah oo ay ilinta ka qulquleyso kadib markii meydad laga daad gureeyay dhismaha.
    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Khan Younis: Dadka oo wax ka baaraya haraadiga burburka
    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Khan Younis
    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .
  8. Kooxda ka awoodda badan Xamaas ee ay Israa'iil ka cabsato

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ay beegsadeen fariisimo ay ciidamada Israa’iil ku lahaayeen beeraleyda lagu muransan yahay ee Shebaa, iyagoo sheegay in ay si wadajir ah u garab taaganyihiin shacabka Falastiin kadib weerarkii aan hore loo arag oo Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil.

    Xilligaasi Israa'iil ayaa ku jawaabtay madaafiic ay ku garaacday koonfurta Lubnaan. Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

  9. Dalalka Israa'iil ku taageray dagaalka Xamaas iyo kuwa cambaareeyay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Israa'iil iyo Xamaas ayaa galay bishii labaad, kaas oo qarxay 7-dii bishii Oktoobar.

    Dagaalka kadib, waddamada caalamka ayaa ku kala aragti duwanaa dagaalka, kuwa ayaa taageerayay halka kuwa kalena ay cambaareynayeen.

    27-kii bishii Oktoobar, golaha ammaanka ee QM ayaa soo bandhigay qaraar lagu joojinayo dagaalka si gargaar loo gaarsiiyo Qasa.

    Reer galbeedka

    Dalal badan oo reer galbeed ah ayaa taageeradooda u muujiyay Israa'iil, waxaana kamid ah Mareykanka, Canada iyo UK. Tobanaan kun oo qof oo taageersan Falastiin ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dibedbaxyo ka dhigayay waddooyinka London.

    Jarmalka Iyo Talyaaniga ayaa taageersan in Israel 'is difaacdo'. Fransiiska ayaa isna markii dambe bedelay go'aankiisa kadib markii la dilay dad badan oo rayid ah.

    Bariga Dhexe

    26-kii bishii Oktoobar, wasiirrada arrimaha dibedda ee Imaaraadka Carabta, Jordan, Baxreyn, Saudi Arabia, Cumaan, Qadar, Kuwait, Masar, iyo Morocco ayaa cambaareeyay tallaabada Israel. Iiraan iyo Turkiga ayaa sidoo kale taageero u muujiyay Xamaas.

    Ku dhowaad dhamaan waddamada ku yaalla Asia ayaa taageeray xabad joojinta

    Africa

    Midowga Africa ayaa 7-dii Oktoobar soo saaray bayaan ay ku taageerayaan Falastiin.

    Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xamaas aysan ahayn urur argagaxiso.

    Si lamid ah, madaxweynaha Jabuti waxaa uu sheegay inay dhaqaale ku taageri doonaan Xamaas.

    Koonfur Afrika waxay sheegtay inay u yeeraneyso dhamaan diblumaasiyiinteeda ku sugan Israa;iil.

    Tunisia ayaanan u codeyn in xabad joojin lagu dhawaaqo.

    Dalalka kale ee ka gaabsaday xabad joojinta aya kala ah Cameroon, Itoobiya, South Sudan iyo Zambia.

  10. Faahfaahin ka soo baxeysa dagaalkii u dhaxeeyay Khaatumo iyo Somaliland

    Wararka ka imaanaya deegaanka Buuq-dharkeyn oo ka tirsan gobolka Sool ayaa sheegaya in xaaladdu maanta degan tahay kadib markii halkaas uu shalay dagaal ku dhex maray ciidamo kala taageersan maamulka Khaatumo iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland.

    Dagaalkaas ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay ilaa 20 qof,

    Wuxuu salka ku hayaa dagaalkaas shilal iyo aanooyin qabiil, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay dhex marayey labada dhinac.

  11. Xuutiyiinta Yemen oo soo riday diyaarad wax basaasta oo Mareykanku leeyahay

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, .

    Fallaagada xuutiyiinta Yemen oo taageero ka hela Iiraan ayaa soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo uu Mareykanku leeyahay, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah iyo xuutiyiinta.

    Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Xuutiyiinta ay diyaaradda nooca MQ9 ku soo rideen xeebaha Yemen.

    Tallaabadan waxaa xaqiijiyay afhayeenka milateriga Xuutiyiinta dalka Yemen.

    Tani ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo Washington ay ka feejigan tahay dhaqdhaqaaqyada kooxaha ay Iran taageerto ee Bariga Dhexe, iyadoo xulafadeeda dhow ee Israa'iil oo si weyn uga soo horjeeda Tehraan ay ururka Xamas kula dagaalameyso Qasa.

    Fallaagada Xuutiyiint Yemen, waxay taageero buuxda ka heystaan Iiraan.

  12. Taageera lulaya calanka Falastiin oo xoog ku soo galay garoonka uu ka socday kulankii Man United iyo Copenhagen

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Nin taageera ah oo lulaya calanka Falastiin ayaa si xoog leh ku soo galay garoonka uu ka socday kulankii xalay ee ay Manchester United marti ugu ahayd FC Copenhagen, kulankaas oo ka tirsanaa tartanka Champions League-a.

    Ninkan ayaa soo galay garoonka qeybtii hore ee nasiinada cayaarta, isagoo lulaya calanka oo ku qornaa eryadan ah 'joojiya dilka carruurta Qasa oo aan midoowno', ereyadaas oo ku qornaa afka Ingiriiska.

    Kooxaha suga amniga garoonka Parken Stadium ayaa ninkaasi ka saaray garoonka oo uu ku sugnaa ilaa afartan il biriqsi.

  13. Maxay tahay sababta Israa'iil ay u hubaynayso kumanaan dadkeeda ah

  14. Dagaal ka dhacay Qasa oo dhimasho iyo dhaawac ay kala kulmeen ciidamada Israel iyo Falastiiniyiin ka baxay magaalada

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay in nin sarkaal boolis ah la dilay halka shan kalena lagu dhaawacay dagaal Arbacadii shalay ahayd ka dhacay Qasa.

    Isla ciidamadaas waxay sheegen in 50,000 oo qof oo Fastiiniyiin ah ay maanta ka baxeen waqooyiga magaalada Qasa, iyadoo ciiidamadeeda ay mar kale muddo saacado ah ay fureen waddoweyn oo nabdoon oo idadkaas geynaya koonfurta dhulkaas lagu hareereysanyahay.

    Askarta Israa'iil ayaa dadka reer Qasa ee ku nool waqooyiga magaalada ka codsaday iay aadan dhanka Koonfurta. Milateriga ayaa sheegay, in hakinta dagaalka la hakiyay aysan ahayn xabad joojin.

    Dhanka kale, waxaa weli isa soo taraya cabaareynta Qaramda Midoobay, iyadoo Israel iyo Xamaasba ku eedeysay inay geysanayan dembiyo dagaal.

  15. Haweeney Koonfur Afrikan ah oo aheyd markhaati ka dhan booliska oo toogasho lagu dilay

    BBC

    Xigashada Sawirka, SOCIAL

    Qof dumar ah ayaa lagu toogtay bannaanka hore ee maxkamad ku taal Koonfur Afrika, wax yar uun ka hor xilligii ay ahayd in ay bixiso cadaymo ka dhan ah askar booliis ah oo loo haysto jirdil, sida uu ku warramay mareegaha maxalliga ah ee News24.

    Baabuur ayaa soo baxay markii ay ku soo dhawaatay maxkamadda ka hor inta aan la toogan – iyada iyo nin kale oo sidoo kale ahaa markhaatiga dawladda ee kiiska, sida uu sheegay wargaysku.

    Afhayeen u hadlay booliska ayaa laga soo xigtay in aan ilaa hadda la garanayn sababta loo dilay.

  16. Maxkamad sare oo ogolaatay dammaanad in lagu sii daayo gudoomiyihii hore ee bangiga Nigeria

    bbc

    Xigashada Sawirka, Mansur Ibrahim

    Maxkamad ku taal dalka Nigeria ayaa amartay in damiin lagu sii daayo gudoomiyihii hore ee bangiga dhexe Godwin Emefiele, kaas oo xabsiga ku jiray tan iyo bishii June.

    "Waa in la soo afjaraa xariga maxkamad la'aanta ah ," ayuu yiri garsoore Olukayode Adeniyi, oo fadhiya maxkamadda sare ee caasimadda, Abuja.

    Mr Emefiele ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu si sharci darro ah u lahaan jiray bastoolad ka dib markii ay xireen ciidamada sirta ah ee laga cabsado, ee sida rasmiga ah loo yaqaano Waaxda Adeegga Dowladda (DSS).

    Wuu diiday eedaymahaas loo soo jeediyay.

    Si kastaba ha ahaatee, maxkamadeyntiisa ayaa istaagtay tan iyo bishii Agoosto markaasoo laamaha ammaanku ay ku guuldareysteen inay horgeeyaan maxkamadda si loo dhageysto kiiskiisa , sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Mr Emefiele ayaa lagu dammaanad qaaday shuruud ah in uu dhiibo baasaboorkiisa, qareennadiisuna ay maxkamadda horkeenaan 15-kii November. Wax lacag ah oo dhamaanad ah laguma xirin.

  17. Faafaahin ku saabsan dagaal ka dhacay degmada Oog oo qiyaastii ilaa 100 KM u jirta magaalada Laascaanood

    bbc

    Xigashada Sawirka, social

    Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo kala taageersan maamulka Khaatumo iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland uu iska hor imaad ku dhex maray meel u dhow degmada Oog oo qiyaastii ilaa 100 KM u jirta magaalada Laascaanood.

    Dagaalkan ayaa daba socday mid saaka labada dhinac ku dhex maray Buq-dharkayn oo ku taal duleedka tuulada Yeyle oo 120 KM ku dhowaad waqooyi galbeed laascaanood kaga quman.

    Dagaalkaas saaka ayey wararku sheegayaan in labada dhinac ay uga dhinteen in ka badan 6 qof, tiro intaa ka bandanna ay kaga dhaawacmeen.

    Ciidankaas uu saaka dagaalku dhex maray ayaa wararka ay sheegayaan in ay ahaayeen sahan labada dhinac ka tirsan oo isku dhacay.

    Galabnimadii ayey wararku sheegayaan in dagaal kii hore ka xoog badan uu labada dhinac ku dhex maray, laakinse uu istaagay.

    Dagaalka ayaa salka ku haya shilal iyo aanooyin qabiil, kuwaasoo maalmihiila soo dhaafay dhex marayey labada dhinac. Khasaaraha dhimashada ayaa lagu sheegay in ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo labada dhinac ah.

  18. Dagaal culus oo ka dhacay magaalo taariikhi ah oo ku taalla Itoobiya

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidamada dawladda Itoobiya iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa ku dagaalamay magaalada taariikhiga ah ee Lalibela ee gobolka Axmaarada ee qalalaasaha ka taagan yahay, sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.

    Dagaalka ayaa waxa ay ku tilmaameen mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka cul culus.

    Diyaarad lagu waday in ay ku degto garoonka subaxnimadii Arbacada ayaa ku guuldareystay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

    Lalibela waxa ay hoy u tahay kaniisado dhagaxyo la qoray ka sameysan oo la dhisay Qarnigii 13-aad waxana ay ka diiwaan gashan yihiin goobaha Dhaxalka Adduunka ee Unesco, taas oo ka dhigaysa goob loo dalxiis tago oo caan ah.

    Bishii Agoosto, maleeshiyaad ayaa muddo kooban la wareegay garoonka diyaaradaha ee magaalada.

    Isku day BBC-da ee ay ku doonaysay in ay ku gaarto mas’uuliyiinta Axmaarada ayaan lagu guulaysan, dawladduna wax war ah kama soo saarin

  19. Milatariga Israel oo ka hadlay talaabooyinka ay ka qaadeen Wadooyinka dhulka hoostooda mara ee Xamaas

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin bartamaha magaalada Qaza ayna burburiyeen in ka badan boqol albaab oo laga soo galo waddooyinka dhulka hoostooda mara oo aad u ballaaran oo Xamaas leedahay.

    Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in Israa'iil ay sidoo kale qabatay ilaa afar kun oo hub ah - oo ay ku jiraan gantaallo lagu qariyay kaabayaasha rayidka - ayna burburiyeen shirkad weyn oo hubka soo saarta oo ay Xamaas leedahay.

    Saraakiisha caafimaadka ee Xamaas ayaa sheegay in in ka badan toban iyo shan-kun oo qof la dilay tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadka Gaza, iyadoo ku dhawaad ​​kala barna ay yihiin carruur.

  20. Muxuu ninkan xubinta ah Xisbullah ka yiri weerarkii lagu qaaday Israel?

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xubin ka tirsan kooxda Xisbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa bogaadiyay weerarka Xamaas ee ay ku dhinteen kun iyo afar boqol qof ee Israa’iil kuna tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay qadiyadda Falastiin.

    Ku xigeenka madaxa ururka Xisbullah, Sheekh Naciim Qaasim, ayaa BBC u sheegay in weerarkan uu ahaa mid iska caabin iyo difaac ah oo laga fursan kari wayaay.

    Wuxuu sheegay in aargoosiga Israa’iil oo ay dad badan oo dad lagu qiyaasay toban kun oo qof lagu dilay uu mideeyay dadka falastiin.

    Waxa uu sheegay in ay jirto khatar dhab ah oo ku aadan in colaadaasi ay ku faafto gobolka oo dhan.