Diyaaradaha Isra’iil oo garaacay bartilmaameedyo ku yaala Suuriya.
Tebin toos ah
Tebin toos ah
War deg deg ah, Ciidamada Israa'iil oo sheegay inay gudaha u galeen magaalada Qaza
Wasiirka
difaaca Israa'iil Yoav Gallant ayaa sheegay in ciidamada Israa'iil ay "ku
sugan yihiin wadnaha magaalada Qaza".
"Waxay
ka kala yimaadeen waqooyiga iyo koonfurta, waxay ku soo duuleen iyaga oo si
buuxda u wada shaqaynaya ciidamada dhulka, cirka iyo badda," Gallant ayaa
ku sheegay shir jaraa'id oo uu qabtay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee
Reuters.
"Waxay
ku wareegayaan lug, gawaari gaashaaman iyo taangiyo, iyadoo ay weheliyaan
injineero militari oo dhan walba ah waxayna leeyihiin hal bartilmaameed -
argagixisada Xamaas ee Qaza, kaabayaasha dhaqaalaha, taliyayaashooda,
bakhaarro, qolalka isgaarsiinta."
Saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya ayaa la weeraray 38 jeer – Pentagon-ka
Saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya ayaa la weeraray 38 jeer tan iyo markii mowjadaha weerarradu ay bilowdeen 17-kii October, sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay Pentagon-ka horaantii Talaadada.
Inta badan kuwan ayaa ahaa weerarro gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana la rumeysan yahay in ay fuliyeen kooxo xiriir la leh Iran, sida uu sheegay afhayeenka Pentagon-ka Brig General Pat Ryder. Iran waxay taageertaa Xamaas-ta Qaza iyo ururka Xisbullah ee Lubnaan ka dhisan.
Ugu yaraan 45 askari oo Maraykan ah ayaa ku dhaawacmay weerarradaas, oo ay ku jiraan 24 ka mid ah kuwaas oo la sheegay in ay soo gaadheen dhaawacyo maskaxeed oo argagaxa ka dhashay.
Maraykanku hadda wuxuu leeyahay afar yool oo waaweyn oo Bariga Dhexe ah, ayuu Ryder ku daray.
Waxayna tahay: in la ilaaliyo ciidamada Maraykanka iyo dadka rayidka ah ee gobolka; siinta "caawin amni oo muhiim ah" difaaca Israel ee ka dhanka ah Xamaas, caawin Israa'iil si loo sii daayo la haystayaasha, oo ay xoojiso "mawqifkeeda awoodda" ee gobolka si looga hortago in colaaddu ay ka sii darto Qaza.
Soomaali badan oo u tartamaysa kuraasta kala duwan ee doorashada Maraykanka
Qoraalka Codka, Doorashada Maraykanka
Dalka Maraykanka waxaa ka socda doorasha hoosaad lagu dooranayo qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka iyo kuraas kale.
Soomaali badan ayaa ka sharraxan gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu ku badan tahay, Siyaad siciid ayaa Xasan sheekh Cumar u faahfaahinaya doorashadan.
Koonfurta Kuuriya oo kutaan/dhiqle u maara La'
Xigashada Sawirka, SPL
Maamulka
Kuuriyada Koonfureed ayaa si hagar la'aan ah uga shaqaynaya sidii ay u xakameyn
lahaayeen kutaan ka dilaacay dilaacay halkaas oo walaac ka abuuray guud ahaan
dalka.
Cayayaankan
dhiigga jaqaya ayaa laga helay 17 qaybood oo caasimadda Seoul ka mid ah, iyo
magaalooyinka Busan iyo Incheon ilaa 5-tii Noofambar, sida ay sheegtay warbaahinta
dalkaasi.
Magaalada
Seoul ayaa u qoondeysay 500 oo milyan oo lacagta dalkaas ah, una dhiganta ku
dhawaad $400,000 oo doolar, si wax looga qabto aafadan, waxaana la sameeyay
guddi ka shaqeeya wax ka qabashada dhilqaha.
Cayayaankan
ayaa sidoo kale noqday arrin walaac dadweyne maalmihii la soo dhaafay gudaha
Faransiiska iyo Ingiriiska.
Tan iyo
bishii Sebtembar, waxaa la sheegay in kutaanka lagu arkay Kuuriyada Koonfureed
ee dalkaasi.
Qaar ka mid
ah dadka Kuuriyada Koonfureed ayaa ka fogaan jiray in ay tagaan shineemooyinka
iyo gaadiidka dadweynaha iyaga oo ka cabsi qaba in uu soo raaco kutaan.
Maxaa ka jira in jilcisada timaha ee Soomaalidu isticmaasho ay kansar sababto?
Bishii laga
joogo tan iyo markii Xamaas ay weerartay Israa’iil, QM ayaa si isdaba joog ah u
cambaareysay rabshadaha arxan darada ah, waxayna dalbatay in la sii daayo la
haystayaasha. Maanta ayay mar kale ku celisay sidan.
Laakiin
saraakiil sarsare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo uu ku jiro xoghayaha guud
ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sidoo kale ka cadhooday Israa’iil
iyagoo ka digay dambiyada dagaal ee Qaza.
In dadka
rayidka ah laga joojiyo biyaha, cunnada, iyo korontada waa xad gudub sharciga
caalamiga ah, ayay tiri Qaramada Midoobay. Sidoo kale weerarrada isbitaallada -
xitaa haddii Israa'iil ay tuhunsan tahay in dagaalyahannada Xamaas ay ku
dhuumaaleysanayaan halkaas, waa sharci darro.
Qaramada
Midoobay waxay doonaysaa dhammaan dhinacyada, dagaalamaya inay raacaan sharciga
caalamiga ah. Laakiin waxa ugu badan ee ay hay’addeeda gargaarku ka hadlayso
hadda waa marinka Gaza, halkaas oo kumannaan rayid ah ay gaajo, haraad iyo hoy
la’aan yihiin – iyo halka WHO ay maanta sheegtay, in maalin kasta lagu dilo 160
carruur ah.
Laakiin
iyada oo qaar ka mid ah dublamaasiyiinta Israa’iil ay xitaa ku baaqeen in
Guterres uu is casilo, ma cadda in Qaramada Midoobay ay wax wada hadal macno
leh la leedahay xukuumadda Benjamin Netanyahu.
Sida aan
wararkeena hore ku sheegnay madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay
Volker Turk ayaa booqasho shan maalmood ah ku jooga bariga dhexe. Laakiin
xafiiskiisa ayaa sheegaya oo kaliya in uu codsaday in uu booqdo Israa’iil iyo
Qasa – lama hubo in loo oggolaan doono inuu sidaas sameeyo.
Xisbullaah oo wacad ku martay inay laba jibaari doonto jawaabaha ay ka bixinayso weerarrada Israa'iil
Hezbollah
ayaa ballan qaadday inay "laba jibaari doonto" tirada dhimashada Israa’iiliyiinta
mar kasta oo ay ku qaado dadka rayidka ah ka dib markii weerar lagu dilay
saddex carruur ah iyo ayeeydood uu ka dhacay koonfurta Lubnaan.
"Iska
caabintu waxay laba jibaar uga jawaabi doontaa gardaro kasta oo lagu bar
tilmaameedsado dadka rayidka ah," ayuu yiri xildhibaan Ali Fayyad oo ka
hadlayay tacsida afartii Lubnaani ee la dilay Axaddii. "Weli ma aanaan
muujin awoodayada oo dhan."
Hadalkan
ayaa ka tarjumaya xaaladda kacsan ee ka jirta xadka Israa’iil iyo Lubnaan oo
isku dhacyo dhimasho iyo dhaawac sababay oo u dhexeeya ciidamada Israa’iil iyo
dagaalyahannada Xisbullah ay sii hurinayaan cabsida laga qabo dagaal kale oo
bariga dhexe ka qarxa.
Rabshadaha
soohdinta ayaa ah kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo dagaalkii Israel iyo
Xisbullah ee 2006. In ka badan 60 dagaalyahan oo Xisbullah ka tirsan iyo 10
rayid ah ayaa ku dhintay. Ugu yaraan 7 askari oo Israa’iili ah iyo hal qof oo
rayid ahna way ku dhinteen dhanka Israa’iil.
Yaa ka dambeeyay iska hor imaadka Garowe ee khasaaraha dhaliyay?
Wadartii ugu dambeysay ee dadka ku dhintay duqeymaha Israa'iil ay ka fulinayso Qaza oo la shaaciyey
Wasaaradda
caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Qaza ayaa sheegtay in 10,328 qof lagu
dilay dhulkaas – oo ay ku jiraan in ka badan 4,100 carruur ah – tan iyo markii
Israa’iil ay billowday ololaheeda aargoosiga ah.
Waxaa kusoo
biiray in ka badan 300 oo qof dhimashadii shalay. Siyaasiyiinta qaar ayaa
su’aal galiyay sax ahaanshiyaha tirooyinka wasaaradda caafimaadka Qaza, laakiin
Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in tiradu ay
tahay mid lagu kalsoonaan karo.
Daawo wiil yar oo adeegga degdegga ah ee 911 u wacday si askari uu laabta u galiyo
Qoraalka Muuqaalka, Daawo wiil yar oo adeegga degdegga ah ee 911 u wacday si askari uu laabta u galiyo
Muuqaalkani wuxuu muujinayaa wakhtiga uu taliye ku-xigeenka boolisku ka jawaabay taleefoon 911 ah oo ka yimid wiil yar oo doonayey habsiin (laabta in la galiyo).
Askarigii ayaa isku duubay wiilka balse waxa uu sidoo kale uga faaiideystay fursaddan in uu ku baro wiilka yar muhiimada khadka degdega ah.
dad careeysan oo wacada ku maray in Ra,iisul wasaaraha Israa’iil ay xafiskiisa ugu tagayaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Qoysaska ay ka soo jeedaan dadkii ku dhintay dagaalkii kooxda Xamaas, ay ku qadeen Israa'iil, kuwa la
afduubtay iyo dadka ,la la’yahay ee Israa’iil ayaa qorsheeynay in ay ka dhigaan mudaaharaad
bannaanka Knesset ee magaalada Quddus,si
ay u muujiyaan carada ay u qabaan Ra,iisul
wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo xukuumaddiisa.
maanta waxaa hal bil laga joogaa weerarradii Xamaas ee lagu dilay 1,400 oo Irsaa’iiliyiin ah ,sidoo kalna lagu
afduubtay in ka badan 200 oo qof.
madal WhatsApp ah oo ay ku mideeysan yihiin qoyseska eheladooda
lagu dilay ayaa lasoo dhigay "Netanyahu kama uusan qeybgalin aaska dadkii
dhintay, ma sameeyna wax baroordiiq),
umana yeerin qoysaska dadkooda la afduubay,
isga ayan ugu tagaynaa halka uu jogo”
Sida ay tuugadu u dhacday wasiirkan iyo ilaaladeedii oo hubaysan
Xigashada Sawirka, WMU
Booliska
Koonfur Afrika ayaa sheegay in wasiir ka tirsan dowladda dalkaasi la dhacay, isla
markaana ilaaladeeda laga qatay qoryo ay wateen, xilli ay marayeen waddo ka
baxsan magaalada Johannesburg.
Sida ay ku warameen warbaahinta maxaliga ah,
weerarka ayaa dhacay Isniintii markii baabuur ay la socctay wasiirka gaadiidka,
Sindisiwe Chikunga, uu istaagay si lug ka banjartay looga badalo.
Booliska ayaa
sheegay in baaritaan la bilaabay kadib waxa ay ugu yeereen dhacdo aan horay loo
arag.
Dowladihii kala dambeeyay ee Koonfur Afrika ayaa lagu eedeeyay in ay wax
ka qaban waayeen heerka dambiyada oo aad u sarreeya. Dalka waxaa mudooyinkan
dambe aad ugu soo badanayay afduubyada.
Wiilkiisa oo 13 sano jira ah ayaa sidoo kale waxaa soo
garay dhaawac culus.
Dhimashada Sargaalkan ayaa qeyb ka jab weyn oo soo gaaray Ciidanka militariga
Ukraine,kadib markii weerar Gantaalo ah oo ay qaadeen Ruushku lagu dilay 19 askar, xili ay ku
suganaayeen xaflad abaal marino lagu gudoonsiinayay meel u dhaw jiidda hore ee gobolka dagaalku ka socado ee Zaporizhzhia ee koonfurta dalkaasi.
Dagaal ka dhacay xadka Israa'iil ay la wadaagto Lubnaan
Wararka qaar
ayaa hadda naga soo gaadhaya dagaal ka socda xuduudda waqooyiga Israa’iil.
Milatariga
Israa’iil ayaa sheegay in wax yar ka hor taangiyada militariga Israa’iil “ay
weerar ku qaadeen koox argagixiso ah” xadka Lubnaan, kooxdan oo sida ay Israa’iil
sheeganayso“isku dayday in ay soo riddo gantaalaha lidka taangiyada” kuna
wajahan deegaanka Shatula.
Afhayeenka
militariga Daniel Hagari ayaa ku sheegay baraha bulshada: "Goor sii
horeysay maanta ciidamada IDF waxay weerareen goob ay ku sugnaayeen ururka
argagixisada ah ee Xisbullah, si ay meesha uga saaraan khatarta."
Iswaydaarsiga
rasasta u dhexeeya waqooyiga Israa'iil iyo koonfurta Lubnaan ayaa soo noqnoqatay
ilaa 7dii Oktoobar. Xamaas iyo Xisbullah labaduba waxay sheegeen inay Israa’iil
ka soo weerarayaan dhanka Lubnaan.
Saameynta daadadkii ku soo rogmaday Gaalkacyo
Israel oo sheegtay in tobaneeyo kolonyo gargaar sida ay gaareen Qasa
Xigashada Sawirka, Cogat
Qoraalka sawirka, .
Ilaa 70 kolonyo oo sida gargaar caalami ah ayaa maanta gudaha u galay Qasa iyagoo soo maray xadka Rafax, sida laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhigga ee Israel.
Baabuurta oo sida dawooyin, cunto iyo biyo ayay wasaaraddu sheegtay in la baaray ka hor inta aysan ka soo galin Masar.
Ku dhowaad 500 oo kolonyo gargaar sida ayaa gaaray Qasa ka hor intuusan dagaalku bilaabmin.
Dad gaaraya 1.2 milyan oo qof oo ku nool dhulkaas ayaa ku tiirsan gargaar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Qaraxyo ka dhacay Khan Younis iyo Rafax oo ay tiro dad ah ku dhinteen iyo sawirro laga soo qaaday goobta
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, mas'uuliyiinta caafimaadka Qasa ayaa sheegay in ugu yaraan 23 qof lagu dilay weerarro kala duwan oo xaga cirka ah oo ay Israel ka geysatay magaalooyinka Rafax iyo Khan Younis ee koonfurta Qasa.
Ciidamada amaanka Israel weli ma xaqiijin duqeymahaas.
Halkan hoose ka eeg sawirro laga soo qaaday magaalada Khan Younis.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Dhowr iyo toban qof oo ku geeriyooday roobabkii ka da'ay gobolka Gedo halka tobanaan kun ay ku barakaceen
Maamulka Juballand ayaa sheegay in dhowr iyo toban qof ay dhinteen halka ku dhowaad 60,000 qof ay ka barakaceen guryahooda kadib roobab mahiigaan ah oo todobaadkii la soo dhaafay ka da’ay deegaanno ka tirsan maamulkaas.
Webiga Juba ayaa ku fatahay qeybo badan oo kamid ah magaalooyinka Luuq, Baardheere, Doolow iyo Buurdhuubo ee gobolka Gedo.
Faahfaahinta khasaraha ka dhashay roobabkaas, ayaa waxaan ka wareysannay wasiirka arrimaha gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq.
Qoraalka Codka, khasaaraha roobabkii ka da'ay gobalka Gedo
Kenya oo doonaysa inay qaadkeeda u iibgeyso Israa'iil
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Beeraleyda qaadka ama Miraa ee kenya ayaa suuq cusub oo qaadka ay geeyaan ka helay bariga dhexe ka dib markii ay waayeen mid ka mid ah labadii suuq ee ugu weynaa baayac cmushtarkooda.
Ganacsatada qaadka ayaa bilaayiin Shilin ka heli jiray UK iyo Soomaaliya oo ahaa labadii suuq ee ugu weynaa. UK ayaa dalkeeda ka joojisay qaadka iyadoo ku dartay 2014-kii in uu ka mid yahay maandooriyayaasha, halka Soomaaliyana ay xayiraad saartay inkastoo hadda la qaaday.
Beeraleyda, ganacsatada iyo hoggaamiyayaasha Meru ayaa hadda si weyn u raadinaya suuqyo hor leh ka dib markii ay sheegeen in ay casharo ka barteen markii ay joojisay Soomaaliya oo ay si weyn ugu tiirsanaayeen.
Dal Afrika ah oo dhamaan diblumaasiyiintiisa kala soo baxaya Israa'iil
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Koonfur Afrika ayaa sheegtay, inay u yeereyso dhamaan diblumaasiyiinteeda ku sugan magaalada Tel Aviv, kadib weerraradii xaga cirka ahaa oo ay Axadi Israel ku qaaday qasa.
Duqeyntaas ayaa ahayd mid kamid ah weraradii ugu cuslaa ee ay Isarel fuliso tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka muddo bil ah ka hor.
Sida laga soo xigtay isbitaalka Al-Shifa ee Qasa, ku dhowaad laba boqol oo qof ayaa ku dhintay duqeyntaasi.
Dowladda Koonfur Afrika, oo in muddo ah taageereysay Falastiiniyiinta ayaa si adag u cambaareysay Israel.
Koonfur Afrika ma aha dalka keliya ee u yeertay diblumaasiyiintooda ku sugan Israel, balse waxaa tallaabo taa la mid ah hore u qaaday dalalka kala ah Chad, Chile iyo Colombia.
Halka hoose ka aqriso warar kale oo la xiriira Koonfur Afrika.