Diyaaradaha Isra’iil oo garaacay bartilmaameedyo ku yaala Suuriya.

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Turjumaanada ciidamada Qaramada Midoobay ee Jarmalka ee jooga Mali waxay ka baqayaan masiirka qaabkii Taliban oo kale

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Turjubaano u shaqeeya ciidamada Germany ee nabad ilaalinta u jooga Mali ayaa BBC-da u sheegay in ay u baqayaan naftooda xilli howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka ku yaalla Galbeedka Afrika uu si dhamaanayo.

    Turjubaanada 19-ka ah ayaa 7dii Agoosto warqad u qoray dowladda Jarmalka iyagoo codsanaya in la ilaaliyo maadaama kooxaha jihaad doonka ah ee ka howlgala waqooyiga Mali ay u arkaan kuwa la shaqeeya UN-ka inay yihiin khaa'inul waddan.

    "Argagixisadu waxay si cad u sheegeen in qof kasta oo u shaqeeya ciidamada caalamiga ah loo aqoonsan yahay cadow," ayuu BBC-da u sheegay tarjumaan ka tirsan ciidamada Jarmalka ee Qaramada Midoobay oo magaciisa loo qariyay.

    Dhawr todobaad ka dib markii turjubaanadu ay direen warqadooda, waxaa online ka soo muuqday sawiro muujinaya saaxiibkood Hachimi Dicko oo ay dileen rag hubaysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee IS.

    32-jirka reer Mali waxa uu qandaraasle hoose uga soo shaqeeyay Camp Castor, oo ah saldhigga ay maamulaan askarta Jarmalka ee Qaramada Midoobay ee Gao, oo ah magaalada ugu dadka badan waqooyiga Mali.

  2. DAAWO; Waxa sababay in Iceland lagaliyo xaalad degdeg ah

    Qoraalka Muuqaalka, Iceland: Volcano ayaa qaraxday ka dib dhulgariir xooggan
  3. Iceland oo xaalad degdeg ah la galiyay

    Iceland ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah kadib markii dhowr dhul gariir ay sare u qaadeen cabsida laga qabo in foolkaanada uu qarxo.

    Maamulka ayaa ku amray kumanaanka qof ee ku nool magaalada Grindavík ee koonfur-galbeed inay isaga guuraan si taxadar leh.

    Xafiiska IMO Iceland ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaddi badan oo magma ama dhagaxa dhalaalay - oo ku faafaya dhulka hoostiisa oo laga yaabo in ay ku soo baxaan.

    Toddobaadyadii la soo dhaafay, in kabadan kumanaan jeer oo gariir ayaa laga diiwaan giiyay agagaarka foolkaanaha Fagradalsfjall ee u dhow.

    Hay'adda Ilaalinta Madaniga ah ee Iceland ayaa sheegtay in go'aanka daad-gureynta uu yimid ka dib markii IMO ay meesha ka saari kari weyday "Dagxaa dhalaaya oo hadda isku uruuraya uu gaari karo magaalada Grindavík".

    Bayaan ay soo saartay Jimcihii, ayay hay'addu ku sheegtay in dadku ay ka baxaan magaalada, laakiin sidoo kale waxay ku nuuxnuuxsatay inaysan ahayn "daad-gureyn degdegga ah" - iyadoo ugu baaqday dadka inay " is dejiyaan, sababtoo ah waxaan haysanaa waqti fiican oo aan kaga falcelinno".

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  4. DAAWO: Sida uu dhacay weerar uu Maerykanka ku qaaday Suuriya

    Maraykanka ayaa isticmaalay laba dayuuradood oo F-15 ah si ay u qaadaan weerar is-difaac ah oo ka dhacay Maysulun ee bariga Suuriya 8dii Nofembar. Weerarkan ayaa lagu bartilmaameedsaday waxa ay Pentagon-ka ugu yeertay qeyb lagu keydiyo hubka oo ay adeegsadaan ilaalada kacaanka Iran iyo xulafadooda.

    Saraakiisha ayaa sheegay in tani ay jawaab u tahay weerarrada lagu qaaday shaqaalaha Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya.

    Bayaan uu soo saaray, sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga ayuu ku yiri, 'Ficilladayada militari ma muujinayaan isbeddel ku yimi qaabkii aan u wajaheynay colaadda Israa'iil iyo Xamaas, mana nihin wax ujeedo ah oo aan ku sii kordhineyno colaadda gobolka.'

    Qoraalka Muuqaalka, Maraykanka oo weerar 'is-difaac ah' ku qaaday goob hubka lagu keydiyo oo ku taal Suuriya
  5. Waa maxay rajada Soomaaliya ee inay bishan ku biirto Ururka Bariga Afrika?

  6. Madaxweynaha Soomaaliya oo si ka duwan qabkii Raysul wasaare Xamza uga hadlay dagaalka Gaza

    bbc

    Xigashada Sawirka, Warbaahinta dowlada Soomaaliya

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka hadlay fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga Falastiin iyo joojinta duqeymaha ka socoda Qasa.

    “Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah xaban joojin loo sameeyo, iyo imaatinka gargaar bini'aadanimo si loo caawiyo kuwo nugul. Waxaan sidoo kale xaqiijineynaa muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo xalka labo-wadan sidii loo gaari lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay sida dowladda ay ula fal-galayso gobolka iyo Qaaradda, iyadoo ay barbar socdaan dib u dhiska Soomaaliya, In Al-shabaab lagala wareego deegaannada ay haystaan iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay mustaqbal fiican.

    “Laga billaabo hadda, waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno caalamka dhanka beeraha, kheyraadka xoolaha, tan kheyraadka cagaaran, isgaarsiinta, fududeynta ganacsiga, kheyraadka badda iyo hal abuurka tignoolajiyadda.”. Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

  7. Maxay tahay arrinta qasabka ah ee madaxweynaha Fransiiska sheegay inay Israel joojiso?

    BBC

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa BBC u sheegay inay qasab tahay in Israa’iil ay joojisaa dilka dhallaanka iyo haweenka Gaza.

    Wareysi gaar ah oo uu ku siiyay Qasriga Elysée ayuu ku sheegay in aysan jirin “wax sabab ah” Gaza loo duqeeyo, isaga oo sheegay in xabad joojin ay faa’iido u leedahay Israa’iil.

    Anagoo aqoonsan xaqa ay Israel u leedahay inay is difaacdo, "waxaan ku boorinaynaa inay joojiyaan duqeyntan" Gaza, ayuu yiri.

    Laakiin waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Faransiisku "si cad u cambaareynayo" falalka "argagixisada" ee Xamaas.

    Faransiiska - sida Israa'iil, Maraykanka, UK, iyo wadamada kale ee reer galbeedka - waxay Xamaas u arkaan urur argagixiso.

    Mar la weydiiyay inuu doonayo in hoggaamiyeyaasha kale - oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK - ay ku biiraan baaqyadiisa xabbad-joojinta, wuxuu ku jawaabay: "Waxaan rajeynayaa inay sidaas yeeli doonaan."

    Israa’iil ayaa sheegtay in ay weerarto bartilmaameedyada militariga si waafaqsan sharciga caalamiga ah ayna qaadayso tillaabooyin lagu dhimayo khasaaraha dadka rayidka ah, sida digniinta ka hor inta aan la qaadin duqeymaha iyo ugu baaqday dadka in ay goobahaas ka guuraan.

  8. Wakaaladaha wararka ayaa beeniyay sheegashada Israel ee ah in saxafiyiinta madaxa banaan ay wax ka ogaayeen weerarka Xamaas

    BBC

    Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

    Tiro ka mid ah wakaaladaha wararka ayaa si adag u diiday eedeymaha Israel ee ah in afar sawirqaade oo madax banaan oo ay kala soo shaqeeyeen Gaza ay horey wax uga ogaayeen weeraradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.

    Wasiirka Israel Shlomo Karhi ayaa sheegay in "shaqsiyaad gaar ah" oo u soo shaqeeyay Reuters, AP, CNN iyo New York Times "ay wax ka sii ogayaan weerarka".

    Dhammaan afarta xarumood waa ay diideen arrimahaas.

    NYT waxay sheegtay in eedeymaha ay yihiin "wax laga xumaado" halisna geliyaan hawl-wadeennada madaxa-bannaan.

    Xamaas ayaa weerar ba’an oo aan hore loo arag ku qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dishay in ka badan 1,400 oo rayid ah iyo askar Israa’iiliyiin ah, waxayna afduubteen in ka badan 240.

  9. Madaxweynaha Falastin oo sheegay in ay hadda diyaar u yihiin la wareegida mas’uuliyadda marinka Gaza

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in maamulka Falastiin uu diyaar u yahay inuu la wareego mas’uuliyadda marinka Gaza taasoo qeyb ka ah xal siyaasadeed oo dhameystiran oo loo helo Daanta Galbeed ee la haysto, Bariga Quddus iyo Gaza.

    Iyadoo ay socdaan dadaallada lagu dhexdhexaadinayo Israa'iil iyo Xamaas, Amiirka Qatar Tamim bin Hamas al-Thani ayaa Qaahira kula kulmaya Madaxweynaha Masar Cabdul Fattah al-Sisi - maalin kaddib markii ra'iisul wasaaraha Qatar uu martigeliyay madaxda CIA-da iyo Mossad si ay ugala hadlaan dhaqdhaqaaqyada lagu xaqiijinayo sii deynta la haystayaal badan (oo lagu haysto Gaza.

  10. Nadia oo shaacisay nolosheedii qaxootinimo ee ay ku tagtay ilaa Maraykan

  11. DAAWO:Xayawaan loo maleynayay in uu dabar go'ay oo markii ugu horeysay muqaal laga soo duubay

    Saynis yahanadu waxa ay muuqaal ka duubeen naasley qadiimi ah oo ukun samaysa, taas oo laga cabsi qabay in ay dabar go’een markii ugu horeysay.

    Noocan gaarka ah ee xayaawankan loo yaqaan echidna garka dheer waxaa loogu magac daray baahinta Sir David Attenborough waxaana loo malaynayaa inay ku nool yihiin buuraha fogfog ee Indonesia.

    Qoraalka Muuqaalka, DAAWO:Xayawaan loo maleynayay in uu dabar go'ay oo markii ugu horeysay muqaal laga soo duubay
  12. DAAWO:Sida ninkan dambiilaha loo soo xiray

    Nin ayaa la qabtay isaga oo looga shakisan yahay in uu horay dambiyo kala duduwan oo ay kamid yihiin in uu si xawali ah u waday baabuur iyo dambiyo daroogo kadib markii uu si xawli ah loogu eryaday wadada M6 ee magaalada Cheshire ee dalka UK.

    Ninkan oo 34 jir ah oo u ku dhashay magaalada Manchester ayaa lagu soo edeeyay oo loo xiray dhowr dambi oo ay ka mid yihiin tuhunka in uu si xawli ah u ka xeeyay gaariga , inuu u istaagi waayay booliska, taargo uu isticmaalay, iyo in uu kaxeeyay baabuur isagoo cabsan daroogo iyo khamri.

    Qoraalka Muuqaalka, DAAWO:Sida ninkan dambiilaha loo soo xiray
  13. Boqollaal qof oo lagu dilay gobolka Galbeedka Darfur ee Sudan

    bbc

    Xigashada Sawirka, AFP

    Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​toddobo boqol oo qof lagu dilay gobolka Galbeedka Darfur ee dalka Suudaan ka dib isku dhacyo dhawaan dhexmaray ciidamada iyo xoogaga taageerada degdega ah ee RSF.

    Laakiin urur maxalli ah oo bulshada rayidka ah ayaa sheegay in ilaa 1300 oo qof lagu dilay tan iyo Jimcihii la soo dhaafay agagaarka magaalada El Geneina, waxayna ku eedeeyeen RSF-ta gabood-falladaas.

    Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo RSF ay u muuqato in ay ku sii xoogaysanayso Darfur.

    Goob joogayaal ayaa RSF ku eedeeyay in ay duulaan ku qaadeen xerooyinka barakaca ayna bilaabeen weeraro ka dhan ah dadka aan Carabta ahayn.

  14. Caruuskii isaga iyo walaalkiis ka yar lagu dhex dilay tukaankii ay waalidkood ka biili jireen

  15. Xisbullah oo sheegtay in dhwor ka mid ah dagaalyahanadeeda la dilay

    bbc

    Xigashada Sawirka, AFP

    Ururka Xisbullah ayaa sheegay in todobo ka mid ah dagaalyahanadooda ay ku dhinteen rasaas ay ridayeen ciidamada Israel rabshadihii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay maleeshiyaadka awooda badan ee fadhigeedu yahay Lubnaan iyo ciidamada Israel. Hezbollah ma aysan sheegin halka lagu dilay xubnahooda - waxay ka howlgalaan Lubnaan iyo Israa'iil.

    Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay talaabo qaadeen ka dib markii gantaalka lidka taangiga ah laga soo riday Lubnaan oo lala beegsaday mid ka mid ah fariisimaha ciidamada Israa'iil, balse ma cadda in dhacdadani ay xiriir la leedahay dhimashada askrataas.

  16. DAAWO: Khiyaanada ay haweeneydan sameysay si ay cunto bilaash ah u hesho

    Qoraalka Muuqaalka, Caro ka dhalatay fal ay haweeneydan sameysay oo ay CCTV duubtay

    Tom Croft, oo ah milkiilaha baar ku yaal Lancashire, ayaa BBC-da la hadlay ka dib markii uu ogaaday in mid ka mid ah dadkii halkaa ka cunteynayay, oo loo soo celiyay qarashkii cuntadooda, uu u muuqtay inay si ula kac ah timo ugu rideysa saxanka cuntada oo ay qabatay Kaamarada CCTV.

    Waxa uu sheegay in haweenayda la hadal hayo ay wax ka cuntay xarunta Observatory ee Blackburn ka hor inta aysan ku buuqin shaqaalaha goobta ka shaqeynayay.

    Mr Croft ayaa daaha ka qaaday inuu ogaaday khiyaanada lagu eedeeyay inay sameeyeen ka dib markii uu dib u eegay muuqaalka CCTV si uu u hubiyo in shaqaalaha baarka ay wax qalad ah samayeen.

  17. Hadii uu dhaqan galo go'aankaan ma awoodi doontid inaad waxaad doonto ka qortid Xamaas

  18. Dad goob joogayaal ah oo sheegay ciidamada Israa’iil oo daad gureynaya cisbitaalka carruurta

    bbc

    Wax yar ka hor, waxaan soo bandhignay xaaladda ama meel u dhow saddex isbitaal oo ku yaal waqooyiga Marinka Gaza: Al-Shifa, Al-Qudus iyo Isbitaalka Indonesia. Waxaan sidoo kale hadda maqalnay wax ku saabsan xoogaa dhaqdhaqaaq ah oo ka baxsan Isbitaalka Carruurta ee Al-Rantisi ee Gaza.

    Goob jooge ayaa BBC u sheegay in ciidamada Israa’iil ay isticmaalayaan cod-bixiyeyaal si ay ugu amraan qof kasta oo ku ku jira isbitaalka carruurta, oo aan ahayn shaqaale caafimaad ama bukaan, inuu baxo.

    Israa'iil ayaa marar badan sheegtay in ay beegsanayso godad ay Xamaas ku leedahay marinka Qaza ee laga dhisay marinka Qaza - kuwaas oo qaarkood, sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israa'iil, ay hoos maraan isbitaallada.

  19. Faa'iidooyinka aadan ogeyn ee uu leeyahay qajaarka

    Qajaarku waa geed jirka u leh faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin, Waxaa ka buuxo fiitamiinada K, C, iyo A, waxaa kaloo laga helaa fiber iyo macdanaha potassium iyo calcium. Qajaarku 95% waa biyo sidaas darteed waxa uu jirka ka ilaaliyaa engaga.

    Cabbista cabitaanka qajaarku waxay hoos u dhigtaa halista cudurka kansarka ee haweenka ku dhaca gaar ahaan kansarka afaafka ilmo galeenka iyo kansarka sambabada. Qajaarku wuxuu ka hortagaa cudurro badan, waxaana uu la dagaalamaa cayilka. Sida laga soo Dr Prachi Garg oo ku daabacday bogga PhramaEasy.

    Caafimaadka Faa’idooyinka uu u uleeyahay qajaarka waxaa ka mid ah:

    1. Wuxu yareeya Xanuunada kudhaca kalagoysyada/Isgoysyada ama lafaha:Lafa beelka (osteoporosis) waa xanuun ku dhaca lafaha, waxuu sababaa in awooda lafahu ay daciifaan ama ay khafiifaan taasoo keeni karta in laftu ay jabto xataa hadii inyar la qaloociyo. Qajaarka waxaa laga helaa macdanaha calcium, copper, magnesium, iyo potassium kuwaas oo xoojiya caafimaadka lafaha. Cabitaanka qajaarka waxa uu ka hortagaa lafo beelka iyo cilladaha lafaha ee da’da la xiriira. Sida laga soo xigtay bogga Cleveland Clinic. Daraasad ka soo baxday joornaalka PLos Medicine ayaa lagu ogaaday in ka dib marka haweenka dhalma gooyaan uu caawiyo isticmaalka qajaarka.

    2: Wxuuu ka hortagaa kansarka:Walxaha loo yaqaanno “cucurbitacins” iyo “lignans” ee ku jira qajaarka waxay ka hortagaan noocyo ka mid ah cudurka kansarka sida kan ku dhaca qanjirka manida ee borosteytka. Sida laga soo xigtay Journal of edging research and lifestyle.

    3: Wuxuu dhimaa miisaanka:Qajaarku wuxuu si weyn gacan uga geystaa miisaan dhimista, waa khudaar uu qofka isku caateyn karto isagoo nafaqooyin badan oo muhiim ah ka helaya.

    4. Wuxu qajaarka kaalin mug leh ka qaataa qurxina:Timaha, Maqaarka iyo Ciddiyaha.

    5.Wuxu yareeya: Dhiigkarka, Kolistaroolka iyo macaanka Macaanka.Sii akhri

  20. Meydka ninkii dadka uga digijiray halista daadadka oo laga baadigoobayo fatahaada