Diyaaradaha Isra’iil oo garaacay bartilmaameedyo ku yaala Suuriya.
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Dagaal xooggan oo ka qarxay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya
Qoraalka sawirka, .
Waxaa lagu soo waramayaa inuu socdo dagaal culus oo u
dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo malayshiyaadka deegaanka ee kusugan gobolka
Amxaarada.
Dagaalamaayaasha kooxda Fano ayaa sheegay in ay ka hortageen
weeraro ay soo qaadayeen ciidamada dowladda ayna qabsadeen magaalooyin.
Daawo: Sida diyaaradaha Israa'iil ay xalay duqeyn ugu burburiyeen Qasa
Qasa xalay waxay u ahayd mid ka mid ah habeennada ugu daran oo diyaaradaha Israa'iil ayaa si ba'an u duqeyay, waxaana sawirradaan ay muujinayaan xajmiga duqeynta iyo saameynta ka dhalatay.
Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeyntaan oo waliba ay sii xoojinayaan iyadoo tirada dhimashada Falastiiniyiinta ay sare u sii kacday oo gaartay ku dhawaad toban kun oo qof.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Qasa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Xaaladda Qasa oo cakiran
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, Reuters
Laba dal oo ku kala aragti duwan Xamaas waxa ay tahay oo xaalka Qasa ka wada hadlaya
Xigashada Sawirka, Reuters
Xoghayaha
arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa gaaray dalka Turkiga, waxaana
safarkiisaani uu qayb ka yahay socdaal ku saabsan arrimo diblumaasiyadeed oo
gobolka bariga dhexe uu ku marayo.
Blinken ayaa
hore kulamo ula soo qaatay hoggaamiyaal iyo wasiirro ku sugan Israa’iil, daanta
galbeed, Jorden iyo Ciraaq.
Magaalada
Ankara ayuu hadda kulan albaabadu u xiranyihiin kula leeyahay Blinken dhiggiisa Turkiga
Hakan Fidan.
Turkigu
waxaa uu Xamaas u aqoonsanyahay urur xorriyad doon ah waxaana madaxweyne Erdogan
uu sheegay in xalku ku jiro laba dowladood oo Falastiin iyo Israa’iil ah, halka Mareykanku uu garab siiyay Israa'iil isla markaana ku tilmaamay Xamaas koox dhibka oo dhan iyadu mas'uul ka ah.
Khasaare ka dhashay daadad ku rogmaday Baydhabo
Xigashada Sawirka, BARAHA BULSHADA
Wararka ka imaanaya
magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in roobab mahiigaan ah ay halka
ka da’een saacaidihii la soo dhaafay kuwaas oo saameyn ba’an ku yeeshay dadka
gaarahaan kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha ee duleedka magaalada.
Inkastoon tiro dhabta ah
ee khasaaraha roobabka ka dhashay aan la xaqiijin, haddana waxaa lagu soo
waramayaa in lix ruux oo ay carruur ku
jiraan ay ku dhinteen daadadka iyo biyaha ku soo rogmaday xeryaha iyo guudahaan
magaalada.
Qaybo badan oo ka mid ah
Soomaaliya waxaa ka da’aya roobab xooggan oo dhaliyay khasaare dhimasho, burbur
iyo barakac.
Miltariga Israa'iil': "Waxaan Xamaas ka qabsanay godad iyo goobo kale"
Xigashada Sawirka, Reuters
Milatariga Israa’iil ayaa
sheegay in ciidamadoodu ay “la wareegeen xalay fariíssimo ay Xamaas ku
leeyihiin Qasa,”.
Hadalkaan ayaa lagu
sheegay qoraal ciidamadu ku baahiyeen barta X, oo horey loo dhihi jiray Twitter.
Goobaha ay sheegteen in
ciidamada Israa’iil ay Xamaas kala wareegeen waxaa ka mid ah xarumaha lagu
tababaro hawl-wadeennada Xamaas iyo godad ay adeegsadaan.
“Waxaan ku dilnay
howgalka tiro ka mid ah argagixisad”, ayaa lagu yiri qoraalka milatariga Israa’iil.
Miltariga Israa’iil ayaa
sheegay sidoo kale in diyaaradahoodu ay weerar ku qaadeen "ilaa 450
bartilmaameed... oo ay ku jiraan xeryo ciidan, goobo indho-indhayn loogu tala
galay, saldhigyada taangiyada" iyo kuwo kale.
Hay'adaha Qaramada Midoobay oo qaylo dhaan ka soo saaray xaaladda cakiran ee Qasa
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxda dhammaan hay’adaha waaweyn ee Qaramada Midoobay
ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku baaqayaan “xabad joojin degdeg ah oo
bini’aadantinimo” iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay arrintaan ah in xabadda la joojiyo.
“Ku dhawaad hal bil, dunidu waxa ay isha ku haysay
xaaladda ka soo cusboonaatay Israa’iil iyo dhulka falastiiniyiinta ee la haysto
iyaga oo argagax ka muujinaya tirada is-daba jooga ah ee ku dhintay colaadda,”
ayay ku yiraahdeen madaxda Qaramada Midoobay qoraalka ay soo saareen.
Madaxda hay'adaha ay ka mid yihiin UNICEF, WHO,
Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP - iyo sidoo kale hay'adaha samafalka sida Save the
Children - ayaa ku tilmaamay "wax aad looga naxo" khasaaraha nafeed
ee soo kala gaaray labada dhinac, waxayna dalbadeen in si shuruud la'aan ah
lagu sii daayo la haystayaashii ay Xamaas afduubatay tan iyo 7-da bishii Oktoobar.
Warkan qaylo-dhaanta ah ayaa intaa ku daraya in dad badan
oo rayid ah lagu dilay Qasa, taasi oo hay’adahu ku sheegeen in ay tahay wax aad
looga xumaado, sidoo kale waxaa laga jaray 2.2 milyan oo Falastiiniyiin ah
cunto, biyo, daawo, koronto iyo shidaal.".
Gantaallo Xamaas ku ridday dhanka Israa'iil oo argagax ku abuuray malaayiin Israa'iiliyiin ah
Iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha dhanka cirka ah ee
ay ku hayso Marinka Qaza, ayaa militariga Israa’iil waxa ay sheegeen in hawada
sare ee bartamaha dhulka Israa’iil laga maqlay codka gantaallada laga soo
ganay dhanka Qasa.
"Malaayiin Israa'iiliyiin ah ayaa ka ordaya sidii ay
uga gamban lahaayeen bambooyinka," ayaa lagu yiro qoraal la soo dhigay barta X, oo horey
loo oran jiray twitter isla markaana ay leeyihiin milatariga Israa'iil.
Milatariga Israa’iil ayaa dhawaan sheegay in 8,000 oo
gantaal lagu soo riday Israa'iil tan iyo 7-dii Oktoobar.
Israa'iil oo sheegtay in laba qaybood u kala gooysay Qasa iyo Xamaas oo ka hadashay inta dhimashadu gaartay
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Qasa
Israa’iil ayaa sheegtay in ay bilowday duqeyn ay ku
qaadday waqooyiga Qasa, iyadoo wararka la helayo ay sheegayaan in dhawaqa
qaraxyo xooggan laga maqlayo aagagga ay milatariga Israa’iil weerareen.
Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa sheegay in magaalada
Qasa ay “hareereeyeen” isla markaana ay laba u gala gooyeen.
Waxay intaas ku dareen in ciidamadu kaabiga ku hayaan xeebaha
dhulka Falastiiniyiinta.
Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay
sii wadayaan weerarada iyo howgallada dhulka ah ee Marinka Qasa iyo aaggaga ku dhow
oo dhan.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay mamausho
ayaa sheegtay in dhimashada Falastiiniyiinta ay hadda gaaraysoku dhawaad10,000 oo qof.