Diyaaradaha Isra’iil oo garaacay bartilmaameedyo ku yaala Suuriya.

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Ma run baa inuu baadarigan aadaanka ku dhawaaqi doono haddii Falastiiniyiintu ay addimi waayaan

  2. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Qasa saacadihii la soo dhaafay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah TV-yada Mareykanka ku sheegay in uu filayo in Israa'iil ay la wareegto "mas'uuliyadda amniga guud" ee Qaza ka dib marka la soo af-jaro dagaalka Qasa.

    Netanyahu ayaa meesha ka saaray xabbad joojin haddii aanay Xamaas sii deyn dadka ay afduubatay ee ay gacanta ku hayso.

    Dhanka kale, safiirka Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay xabbad-joojin bini'aadantinimo oo degdeg ah.

    Wasaaradda caafimaadka Xamaas ee Marinka Qaza ayaa sheegtay, in dhimashadu ay kor u dhaaftay 10,000 oo qof, oo ay ku jiraan in ka badan 4,000 oo carruur ah.

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ka digay in Marinka Qaza uu isku bedelo "xabaalaha carruurta".

    Guterres ayaa sidoo kale shaaciyay hindise lagu aruurinayo 1.2 bilyan oo doolar si loo caawiyo malaayiinta rayidka ah ee Falastiin.

  3. Fannaanka Maxamed Xassan Barrow oo Nairobi ku geeriyooday

    Allaha u naxariistee waxaa magalaada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Maxamed Xassan Barrow oo ahaa fannaan iyo maareeye ku xigeenkii Golaha Murtida iyo Wacyi galinta Qaranka, kaas oo muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanayay. Faarax Lamaane ayaa faahfaahinaya wararka la xiriira geerida fannaanka.

    Qoraalka Codka, Barroow wuxuu ahaa maareeye ku xigeenkii Golaha Murtida iyo Wacyi galinta Qaranka
  4. Dalalka ka gaabsaday baaqyada ah in heshiis xabad joojin laga gaaro dagaalka Qasa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Qaramada Midoobay iyo dalal dhowr ah oo carbeed ayaa ku baaqay xabad joojin, iyadoo uu si xoogeysanayo dagaalka Xamaas iyo Israel, kaas oo socday muddo bil ah.

    Balse dalal kale sida Mareykanka, Britain, Canada iyo Midowga Yurub ayaa ka gaabsaday baaqyada isa soo taraya, iyagoo sheegay inay xabad joojintaas ay keliya dan ugu jirto Xamaas, ururkaas oo Mareykanka iyo dowlado kale oo reer galbeed ah ay u arkaan urur argagaxiso.

    Taa bedelkeed, Mareykanka wuxuu ku baaqay heshiis ku meel gaar ah, kaas oo mararka qaar soconaya saacado kooban.

    Qaramada Midoobaya yaa heshiiskaas uu Mareykanku doonayo ku tilmaamtay mid looga gol leeyahay taageero bini'aadanimo oo keliya halkii la gaari lahaa xalal siyaasadeed oo mustaqbalka fog ah.

  5. Hogaamiyaha ugu sarreeya ururka Xamaas oo markii ugu horeysay BBC-da la hadlay

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Hogaamiyaha ugu sarreeya Xamaas ayaa beeniyay in kooxdiisu ay dishay dad rayid ah oo reer Israa'iil ah balse ay keliya bartilmaameedsadeen ciidamada.

    Moussa Abu Marzouk, aya BBC-da u sheegay in 'carruurta, haweenka, iyo rayidka ay ka baxsanyihiin weerarrada ay geeysaneyso Xamaas.

    Israel waxay sheegtay in in kabadan 1,400 oo qof ay Xamaas ku dileen weerarkii 7-dii Oktoobar, kuwaas oo badankood ahaa dad rayid ah.

    Mr Marzouk, waa hogaamiyiha ugu sarreeya ee ururka Xamaas oo BBC-da la hadlay tan iyo weerarkii bishii Oktoobar.

    Mar wax laga weydiiyay waxa ay ka yeelayaan dadkii ay ka qafaasheen Israel, ayaa waxaa uu sheegay in dadkaas aan la siidayn doonin inta ay Israel ay duqeymo ka geysaneyso Qasa.

    "Waan siidayn doonnaa dadkaas, balse waa in dagaalku joogsado," ayuu yiri.

  6. Qaramada Midoobay oo Qasa ku tilmaamtay "qabuuraha carruurta"

    .

    Xigashada Sawirka, MAJDI FATHI/NURPHOTO VIA GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka, .

    Muddo bil ah ayaa maanta ka soo wareegatay markii ururka Xamaas ay weerar ku qaadeen Israel, 7-dii bishii Oktoobar ee sanadkan.

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guteres, ayaa ka digay in Qasa ay noqotay 'qabuuraha carruurta', iyadoo Israel ay weli waddo duqeymaha ay ka geysaneyso Qasa.

    Waxaa uu sidookale sheegay, in dhibaato bini'adantinimo ay ka taagantahay Qasa.

    Goor sii horreysay ayaa danjiraha faransiiska ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku baaqay heshiis bani'aadminimo oo ka dhaca Qasa.

    Saffiirka, Nicolas De Riviere, wuxuu sheegay in taasi ay horseedi doonto xababd joojin. Laakin saaxiibada faransiiska, maraykanka iyo UK waxay sheegeen in xabbad joojinta ay faa’iido u leedahay xamas oo kaliya.

  7. Intaas waxaa inoogu eg tebinteenii toska ahayd ee saaka ilaa caawa fiidkii. Wararka aan maanta tabinay wixii kasoo kordha iyo tebinteena tooska ah ee Talaadada, halkan ayey inoogasii socon doontaa.

    Hoos u deg si aad uga bogato wararkii ku dhaafay 24-kii saac ee u dambeeyay.

  8. Qaza: “Ama waan wada baxaynaa, ama waanu wada joogaynaa”

    Icel Chumlukh

    Sida aan soo sheegnay, waxaa jira kumanaan dad ah oo ku xayiran Qaza kuwaas oo isku dayaya inay ka baxaan. Tan waxa ku jira tobanaan muwaadiniin Ingiriis ah - sida qoyska Icel Chumlukh.

    Isagoo u warramayay kanaalka BBC-da ee Qaahira, wuxuu sheegay in xaaskiisa, wiil hal sano jir ah, iyo inan uu adeer u yahay oo 13 jir ah ay ka mid yihiin kuwa ku xanniban oo u halgamaya sidii ay uga bixi lahaayeen.

    Xafiiska arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in xaaskiisa iyo wiilkiisa "la ogolaaday lagana aqbalay inay Qaza uga baxaan dhanka Masar", ayuu yidhi Chumlukh, laakiin weli maysan soo saarin.

    Markii hore waxay ku sugayeen isgoyska Rafax, ka hor inta aan laga hor istaagin inay baxaan ka dibna lagu amray inay dib u laabtaan. "Ma fududa in la tago isgoyska ama lagu noqdo dugsiga Qaramada Midoobay ee ay degan yihiin," Chumlukh ayaa yidhi.

    Dhibaato kale ayaa ah in gabadhii uu adeerka u ahaa, Dana, aysan ku jirin liiska dadka loo oggol yahay inay ka baxaan deegaanka, ayuu yidhi.

    Waxay joogeen isgoyska markii Chumlukh uu la hadlay goor hore oo maanta ah - xaaskiisa ayaa diiday inay ka baxdo deegaanka Dana la'aanteed.

    “Waxay tidhi ama waanu wada baxaynaa, ama waanu joognaa. Xaaladda aan ku suganahay waa noocan”.

  9. Ciidamsada Soomaaliya oo deegaan kala wareegay Al shabaab

    Ciidamada Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Sida lagasoo xigtay warbaahinta dawladda, ciidamada Soomaaliya Qaybta 21aad oo gacan ka helaya Dadka deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa maanta la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa'uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug.

    “Howlgalkaan waxaa horkacaayey Taliyaha Qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas” ayey baahisay warbaahinta dawladdu.

  10. War deg deg ah, Israsaasayn dad lagu laayey oo ka dhacday magaalada Guriceel

    Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la gaarsiiyay isbitaalka Al-shifa.

    Xigashada Sawirka, Farxaan A. Cabdi

    Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la gaarsiiyay isbitaalka Al-shifa.

    Wararka nagasoo gaaraya magaalada Guriceel ee maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen inta la xaqiijiyey ilaa 4 kalena ay ku dhaawacmeen is rasaasayn la sheegay inay dhex martay ciidamada amniga iyo kooxo budhcad ah.

    Iska hor imaadka ayaa ciidanka booliska iyo kuwa nabad sugidda oo dhinac ah wuxuu dhex maray kooxdan lagu tilmaamay dabley hubaysan, kadib markii ay ciidamada amnigu bilaabeen hawl gal ay doonayeen inay ku sameeyaan hub ka dhigis.

    Mid ka mid ah labada dhimasho ayaa la xaqiijiyey inuu yahay askari ka tirsan booliska halka kan kale uu yahay qof shacab ah, inkasta oo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaraha, waxay wararku nagusoo gaarayaan in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin shacab halka laba kale ay yihiin askartii hawlgalka ku jirtay.

    Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la gaarsiiyay isbitaalka Al-shifa.

    Ciidamada amniga ayaa hadda wada hawl gal lagu baadi goobayo raggan.

    Wixii warar ah ee kasoo kordha waan idinla socodsiin doonnaa.

  11. Xagay ku taal daanta galbeed yaana deggan?

    Haddi aad tix raacayso qoraalkayagii u dambeeyay - iyo haddii aad u baahan tahay xusuusin - Daanta Galbeed waa dhul ku yaal daanta galbeed ee Webiga Urdun oo ay xuduud la leedahay Israa'iil xagga woqooyi, galbeed iyo koonfurta. Barigeeda waxa ka xiga Urdun.

    Waxa qabsatay Israa’iil tan iyo dagaalkii bariga dhexe ee 1967-kii, laakiin tobannaan sano oo wadahadalo adag oo billow ah oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiiniyiinta – oo labaduba xuquuqdooda ka sheeganayay halkaas – ayaa taagan heerkii u dambeeyay oo aan weli la xalin.

    Inta u dhaxaysa 2.1 milyan iyo 3 milyan Carabta Falastiin waxay ku nool yihiin Daanta Galbeed iyagoo hoos imanaya is-xukun xaddidan iyo xukunka milatariga Israa’iil.

    Daanta Galbeed – marka laga reebo Bariga Quddus – waxa kale oo ku nool ilaa 430,000 oo Yuhuud ah oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo ku nool in ka badan 130 deegaan oo laga sameeyay dhulka ay Israa’iil haysato.

    Qariiradda hoose, halka ay ku qoran tahay "West Bank" ayaa ah daanta Galbeed, halka "Jerusalem" ay ka dhigan tahay magaalada Qudus.

    Falastiin
  12. Falastiiniyiin lagu laayey daanta galbeed iyo gabadhii kusoo caan baxday askariga Israa'iiliga ee ay qaniintay iyadoo yar oo la xiray

    Ahed

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afar nin oo falastiiniyiin ah ayey ciidamada Israel maanta ku dileen daanta galbeed, sida ay sheegeen militariga Israa’’iil iyo wasaaradda caafimaadka Falastiin ee ka howlgasha dhulka la heysto.

    Afarta qof ayaa la sheegay in ay saarnaayeen gaari marayey magaalada Tulkarem, markii ay ciidamadu rasaasta fureen. Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in raggan ay ka tirsanaayeen unug Xamaas ka tirsan oo ka dambeeyay weeraro badan oo toogasho ah.

    Daanta Galbeed ee la haysto ayaa gooni u ah Marinka Qaza ee ay Xamaas maamusho. Wadarta 152 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed tan iyo 7dii Oktoobar, wasaaradda caafimaadka ee halkaas ayaa sheegtay.

    Guddi loo saaray maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa sheegay in 70 Falastiiniyiin ah la xiray habeen hore, oo ay ku jirto gabdha u dhaqdhaqaaqda Falastiiniinta ee Ahed Tamimi.

    Guddiga arrimaha maxaabiista ayaa sheegay in wax ka badan 2,000 oo falastiiniyiin ah lagu xiray Daanta Galbeed tan iyo 7-dii Oktoobar, iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha ka socda dhulkaas.

  13. Baladweyne oo laga qaxayo xilli ay biyo fadhiisteen garoonka diyaaradaha fatahaada hor lehna laga baqayo

    Qoraalka Codka, Garoonka Baladweyne oo aybiyo fadhiisteen

    Muddo ka badan todobaad waxa xiran garoonka diyaaraddaha ee magaalada Beledweyne kaddib markii ay biyo fariisteen dhabbaha diyaaraduhu ka kacaan ama ay caga dhigtaan.

    Roobbab maahigaan ah oo ka da’ayay magaalada iyo buurraha ku teedsan ayaa keenay in ay biyo ku soo rogmadaan garoonka, oo markii horeba aan lahayn dhabbe laami ah.

    Dad kii ka dhoofi jiray ama ka soo dagi jiray garoonka ayaa u wareegay garoonka diyaaraddaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

    Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa taleefanka Beledweyne ku waraystay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdillaahi Axmed Maalin (Sufuroow), isagoo wax ka waydiiyay xaaladda xirnaanshiyaha garoonka, balse waxa uu marka hore ka hadlayaa xaaladda roobbabka iyo barakaca ka dhashay.

  14. Daawo dhalin yaro rash la dhacaysa booliska Scotland

    Qoraalka Muuqaalka, Dalin yaro rash la dhacaysa booliska Scotland

    Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada oo lagu duubay Drone ayaa muujinaya rash/baaruud lagu tuurayo booliiska rabshadaha ka hortaga ee xaafadda Niddrie ee Edinburgh (xarunta ismaamulka Scotland ee Ingiriiska).

    Ilaa 50 dhalinyaro ah ayey isku dhaceen saraakiisha intii lagu jiray Habeenimadii dabaal deg dhaqameedka Bone fire.

  15. Daawo: Sida ay daadadka u biyo-dhigeen magaalada Baydhabo

  16. Daawo ciidamada cirka ee Urdun oo hawada sare Qaza ugasoo ridaya gargaar caafimaad

    Qoraalka Muuqaalka, Boqor Cabdallaha Urdun ayaa sheegay inay diyaar u yihiin caawinta walaalahooda Falastiin

    Urdun ayaa hawada kasoo daadisay gargaar daawo iyo qalabka caafimaaka degdegga ah isbitaalka beerta Jordan ee marinka Qaza.

    Boqor Cabdallaha Urdun ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray "waxaan mar walba halkaas u joogi doonnaa walaalaheen Falastiin."

    Waxaa jiray baaqyo ballaaran oo ku aaddan xabbad-joojin bini'aadantinimo si loogu oggolaado gargaar dheeraad ah oo la soo geliyo marinka Qaza. Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in dadka reer Qaza ay si degdeg ah ugu baahan yihiin sahay cunto, biyo iyo daawo ah.

  17. War deg deg ah, Wadarta tiradii ugu dambeysay ee dhimashada Qaza oo soo baxday

    Tirada dadka lagu dilay Qaza tan iyo markii Israa’iil ay duqaymo ka bilowday dhulkaasi ayaa hadda gaartay 10,022 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Qaza.

    Tirakoobkan ayaa yimid kadib markii habeen hore ay dhaceen weeraro xooggan oo ay Israa’iil fulisay, iyadoo militariga Israa’iil ay sheegeen in ay duqeeyeen boqollaal bartilmaameed oo ay ku jirto xarun ay leeyihiin ciidamada Xamaas.

    Agaasimaha isbitaalka ugu weyn magaalada Qaza ayaa mar sii horeysay BBC u sheegay in ilaa 200 oo qof ay dhinteen.

    Koox ka kooban hay'adaha samafalka iyo kuwa gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in "dilalka naxdinta leh" ee dadka rayidka ah ee Qaza ay yihiin "wax laga xumaado". Kumanaan caruur ah ayaa la rumeysan yahay inay ku jiraan dadka dhintay.

    Qaar ka mid ah siyaasiyiinta, oo uu ku jiro madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa su’aal galiyay saxnaanta tirooyinka wasaaradda caafimaadka ee Qaza.

    Mar wax laga weydiiyay arrintan, Ururka Caafimaadka Adduunka wuxuu sheegay inay rumeysan yihiin in tirada lagu kalsoonaan karo. Sida wakaaladaha kale ee dawladda ee Qaza, wasaaradda caafimaadka waxaa gacanta ku haya Xamaas, oo ay argagixiso u aqoonsan yihiin Maraykanka, Ingiriiska iyo midowga Yurub.

  18. Ukraine oo sheegtay in bambooyinkii ugu badnaa tan iyo bilowgii dagaalka lagu garaacay gobolka Kherson

    Ukrain ayaa sheegtay in Ruushku uu weerarro waaweyn ka fuliyay koonfurta dalkaasi, oo ay ku jiraan tiradii ugu badneyd ee bambaanooyin lala beegsado gobolka Kherson tan iyo markii uu dagaalka billowday.

    Wasiirka arrimaha gudaha, Ihor Klymenko ayaa sheegay in habeen hore, Ruushku uu 87 bam ku tuuray magaalooyinka iyo tuulooyinka Kherson.

    Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in weerar cirka ah oo Ruushku ku qaaday dekedda Odesa ee Badda Madow ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 5 qof, isla markaana ay ku burbureen gawaadhi siday qamadi, waxaana sidoo kale ku burbray mid ka mid ah goobaha farshaxanka ee ugu muhiimsan magaalada.

  19. Waa kuma ninka aan la aqoon ee ay Israa'iil ugu cabsida badan tahay?

  20. Dibadbaxyo lagusoo dhaweeyay Blinken iyo Turkiga oo shuruudo hor dhigay

    Turkey

    Xigashada Sawirka, AA

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo booqasho ku tagay dalka Turkiga si uu ugala hadlo dagaalka Israa'iil iyo Xamaas ayaa dibad baxyo lagu diidan yahay lagusoo dhaweeyay.

    Tobanaan qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga halkaas oo ay wadahadal ku yeesheen wasirka arrimaha dibadda dalkaas Hakan Fidan iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.

    Dibad-baxayaasha ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu gacan ka geystay dhimashada rayidka Falastiiniyiinta ee Qaza.

    Dhinaca Maraykanka ayaa isku dayay inay ku qanciyaan saraakiisha Turkiga inay cadaadis dheeraad ah saaraan Xamaas oo ay sii daayaan maxaabiista. Balse Turkiga mawqifkiisu aadbuu u cad yahay. Waxay sheegeen in maxaabiista lagusii deyn karo oo kaliya is waydaarsi, halkaas oo Xamaas ay sii deyso maxaabiista, Israa’iilna ay sii deyso maxaabiista Falastiiniyiinta ah.

    Turkiga ayaa sidoo kale codsaday xabbad joojin shuruud la'aan ah, wuxuuna sheegay in ay tahay in la helo hannaan caalami ah oo lagu ilaalinayo xabbad joojinta, taasoo Ankara ay dammaanad ka noqon doonto.