Waa kuwee dalalka haysta dayaaradda F-35, maxayse muhiim u tahay

Xigashada Sawirka, F35
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Ankara ka hor kulanka uu la qaatay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in laga qaadi doono cunaqabateynta saaran Turkiga ee ah in ay helaan hubka difaaca cirka.
Mareykanka ayaa cunaqabateyntan ku soo rogay Turkiga bishii Diseembar 2020 ka dib markii Turkigu uu go'aansaday inuu nidaamka difaaca hawada S-400 ka iibsado Ruushka.
Trump ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameyn doonaan helista Turkiga ee diyaaradaha dagaalka F-35.
Turkiga ayaa ka mid ahaa bahwadaagta aasaaska u ah mashruuca diyaaradda F-35.
Si kastaba ha ahaatee, isla sababtaas awgeed, Turkiga ayaa sidoo kale laga saaray barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Taas darteed, Turkigu wuxuu faraha ka qaaday hanaanka S-400 si uu dib ugu laabto barnaamijka dayaaradaha dagaalka ee F-35.
Qaabka farsamo ee F-35

Xigashada Sawirka, AP
F-35 waa dayaarado casri ah, kaalimo kala duwan cayaara, ahna jiilka 5aad ee dayaaradaha dagaalka ayagoo ku qalabaysan tiknolojiyad horumarsan oo uu ku jiro garaadka macmalka (AI), iyo awoodda ay u leeyihiin in ay xogta helaan wakhtiga saxda ah.
Dayaaradan waxay ku duuli kartaa xawaare sare oo ah ugu badnaan 1,900 saacadiiba, laakinse taa ma aha arrinta ugu weyn ee lagu yaqaano.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
F-35 waxay ogaan kartaa oo weerari kartaa bartilmaameedyada iyada oo adeegsanaysa nidaamyadeeda una diraysa diyaaradaha kale ama nidaamyada kale ee dagaalka.
Awooddan waxaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu qaadayo hawlgallada dagaalka cirka ee casriga ah. Joogitaanka F-35 ee hawlgalka khuseeya ayaa si weyn u kordhinaysa awoodda diyaaradaha duugoobay ee ka qayb qaadanaya hawlgalka.
Waxaa loogu talagalay tignoolajiyada si looga fogaado ogaanshaha iyo raadraaca radar-ka, diyaaraddan waxaa lagu tilmaamay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee ugu horumarsan adduunka.
Diyaaraddan waxaa lagu iibiyaa qiyaastii 80 milyan oo doolarka Mareykanka ah, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee ugu qaalisan adduunka.
Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa sheegaya in nooca F-35A uu awood u leeyahay inuu u adkeysto cuf is jiidadka 9g.
Taas macnaheedu waa in duuliyuhu uu u adkeysan karo cuf-isjiidadka ilaa sagaal jeer oo ka badan xoogga caadiga ah ee cuf-isjiidadka marka uu sameynayo wareegyo ama dhaqdhaqaaqyo xawaare sare leh oo hawada sare ah.
Hadda, F-35 waa barnaamijka hubka militariga ugu weyn uguna qaalisan adduunka.
Barnaamijka waxaa la filayaa inuu sii socdo qiyaastii 30 ilaa 40 sano. Laakiin qorshahaasi wuxuu sidoo kale wajahay caqabado.
Warbixin Pentagon laga soo saaray bishii Nofeembar 2024 ayaa lagu sheegay walaacyada ku saabsan dib u dhaca ku yimid horumarinta diyaaradaha, saxnaanta hubka la sameynayo, iyo awoodda nidaamku u leeyahay inuu iska difaaco weerarrada internetka.
Waa kuwee dalalka haysta F-35?

Xigashada Sawirka, F35
Sida uu qabo barnaamijka F-35, waxaa la filayaa in in ka badan 550 diyaaradood oo nooca F-35 ah ay Yurub ku sugnaan doonaan marka la gaaro sannadka 2030-ka.
Marka laga soo tago Mareykanka, diyaaradaha F-35 waxaa adeegsada ama dalbaday 19 waddan oo kale.
Waddamada ka qayb-qaadanaya barnaamijka F-35 waa Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Talyaaniga, Netherlands, Kanada, Australia, Denmark iyo Norway.
Ilaa hadda dalalka haysta dayaaradaha F-35 ayaa kala ah
Mareykanka
Ingiriiska
Talyaaniga
Netherlands
Norway
Australia
Japan
Kuuriyada koofureed
Israa'iil
Denmark
Biljam
Poland
Dalalka heshiiska saxiixay oo sugaya in ay dayaaradahaas helaan sannadaha soo socda ayaa kala ah:
Jarmalka
Kanada
Finland
Switzerland
Singapore
Giriigga
Jamhuuriyadda Czech
Romania
Maxaa Turkiga looga saaray barnaamijka F-35?

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Turkiga ayaa ku biiray mashruuca F-35A Lightning II, oo ah diyaarad dagaal oo jiil shanaad ah oo ay samaysay Lockheed Martin, oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee hubka soo saara adduunka, iyadoo la raacayo Barnaamijka Joint Strike Fighter (JSF) sanadkii 2002.
Dalalka ka qayb qaadanaya barnaamijka waxaa ka mid ah Turkiga, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Talyaaniga, Netherlands, Australia, Denmark, Kanada iyo Norway.
Turkiga wuxuu dalbaday 100 diyaaradood oo F-35 ah si loo xoojiyo ciidankiisa cirka, isagoo sidoo kale ka qayb qaadanaya soo saarista qaar ka mid ah qaybaha dayactirka ee diyaaradaha.
Wasiirkii hore ee Difaaca Turkiga İsmet Yılmaz ayaa sheegay sanadkii 2014 in wadarta guud ee $25 bilyan lagu bixin doono iibsashada diyaaradda.
Sannadkii 2018, lahaanshaha afar diyaaradood oo F-35 ah ayaa loo wareejiyay Turkiga. Si kastaba ha ahaatee, diyaaraddu waxay sii wadday inay ku sii nagaato Mareykanka barnaamijyada tababarka, kuwaas oo duuliyeyaasha Turkiga ay sidoo kale ka qayb qaateen.
Markii dambe, lahaanshaha laba diyaaradood oo kale oo F-35 ah ayaa sidoo kale loo wareejiyay Turkiga.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah xubnaha Kongareeska Mareykanka ayaa sameeyay dadaallo lagu hor istaagayo iibinta diyaaradaha F-35 iyo qalabka militariga guud ahaan Turkiga.
Sababaha la bixiyay waxaa ka mid ahaa hoos u dhaca dimuqraadiyadda Turkiga, xarigga qaar ka mid ah muwaadiniinta Mareykanka, iyo sidoo kale iibsashada nidaamka difaaca hawada ee S-400 ee Ruushka.
Ugu dambeyntii, Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Donald Trump ayaa saxiixay sharci bishii Agoosto 2018 kaas oo si ku meel gaar ah u hakiyay keenista diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee Turkiga.
Lixda diyaaradood waligood lama geyn Turkiga, dalkana ugu dambeyntii waa laga saaray barnaamijka F-35.
Ka dib markii Turkiga laga saaray barnaamijka F-35, diyaaradihii uu dalbaday oo uu lahaa Turkiga waxay ku sii jireen Mareykanka mana loo geyn Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga.
Turkiga ayaa Mareykanka siiyay $1.7 bilyan oo doollar si uu u iibsado lix diyaaradood oo nooca F-35A ah.














