'Sidii Hitler oo kale, Putin cabsi ayaa haysa' maqaal laga qoray xaalka Putin

Xigashada Sawirka, Reuters
Peter Cadick-Adams waxa uu ku qoray The Telegraph, halkaas oo maqaalku uu isbarbardhig ku sameeyay qaabka maamul ee uu raacay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo qaabka nidaamyada "taariikhiga ah ee kaligii-taliska ah", gaar ahaan nidaamkii Adolf Hitler, iyadoo diiradda la saarayo walaacyada amniga ee sii kordhaya iyo cabsida dilka iyo afgambiyada.
Maqaalka wuxuu ku bilaabmayaa xasuusinta isku daygii dilka ee caanka ahaa ee Hitler Luulyo 20, 1944, markii uu ka badbaaday qarax boorso ku jiray oo la qarxiyay, isagoo iftiiminaya, sida isku daygaasi uu Hitler u horseeday go'doomin dheeraad ah, iyo tallaabooyinka amniga oo la kordhiyay.
Adams ayaa markaa u jeestay xaqiiqada Ruushka, isagoo xusay in Putin uu xoojiyay dahaarka amniga shaqsiyeed ee ku hareereysan wuxuuna kordhiyay tirada xubnaha ka tirsan ilaaladiisa amniga ee aadka ugu dhow, iyadoo ay sii kordhayaan cabsida isku dayga dilka ama afgambi, ha ahaato mid ka timid mucaaradka gudaha ama hawlgallada Ukraine.
Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in tallaabooyinkani ay muujinayaan astaamo soo noqnoqda oo ay sameeyaan nidaamyada isku midka ah, kuwaa oo "haysashada awoodda iyada oo loo marayo nidaam awood ku dhisan ay horseeddo dareen sii kordha oo joogto ah oo khatar la xiriira," kaas oo ka muuqda dhismaha hay'adaha amniga oo leh awoodo ballaaran oo ku tiirsan dabagalka, la socodka, iyo ururinta macluumaadka.
Maqaalku wuxuu si qoto dheer u eegayaa doorka Hay'adda Amniga Federaalka ee Ruushka (FSB), oo uu Putin hore ugu soo shaqeeyay, wuxuuna barbar dhigayaa hay'adaha amniga ee taariikhiga ah sida Gestapo ee Jarmalkii Nazi-ga ahaa iyo Stasi oo Bariga Jarmalka ahayd iyana.
Waqtigan xaadirka ah, Ayatollah oo xukuma Tehran wuxuu sii balaarinayaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, kuwaa oo ah hay'ad si tartiib tartiib ah isugu badlaaysa "dowlad ku dhex jirta dowlad" iyagoo ballaarinaya xakamaynta bulshada iyo daba-galka kuwa ka soo horjeeda oo u aqoonsanaya inay yihiin khatar ku soo fool leh dowladda.
Kadick-Adams sidoo kale wuxuu tilmaamayaa warbixinno muujinaya feejignaan sare oo ka jirta Kremlin-ka sababo la xiriira cabsi laga qabo shirqoollo ama weeraro diyaaradeed, iyo sidoo kale xoojinta nidaamyada amniga ee ku xeeran madaxweynaha Ruushka.
Maqaalka ayaa sidoo kale ka hadlaya warbixinnada ku saabsan Putin isaga oo adeegsanaya qaababla isku eg iyo hab maaraynta dhaqdhaqaaqyadiisa si qarsoodi ah iyada oo loo marayo xafiisyo iyo xarumo isku mid ah, taa oo lagu sii darayo la socodka iyo dabagalka lagu sameynayo kuwa u dhow isaga
Maqaalka ayaa ku soo gabagabeynaya baaritaankiisa isagoo leh "nidaamyada si isa soo taraysa ugu tiirsan haysashada hay'adaha amniga ayaa badanaa u nugul aragtiyaha shirqoolka," taasoo uu ku dhammeeyay qoraagu aragtidiisa in Putin uu raacayo waddo la mid ah tii Hitler, oo lagu garto is go'doomin sii kordheysa iyo ku tiirsanaan aad u sareysa ee hay'adaha amniga si loo ilaaliyo sii haysashada awoodda.














