Mareykanka oo ka hadlay sababta Cumar Cartan loogu diiday inuu galo dalkaas

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa seegaya ka qaybgalka Koobka Adduunka ee sanadkan kadib markii loo diiday gelitaanka Maraykanka, sida ay xaqiijisay FIFA.

Cumar Cabdiqaadir Cartan oo sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee ragga, ayaa ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay inay dhex dhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka dhacaya Maraykanka, Canada iyo Mexico. Hase yeeshee markii uu kasoo degay magaalada Miami kadib safar uu kaga yimid Istanbul, ciidamada ilaalada xudduudaha Maraykanka ayaa baadhitaan dheeraad ah ku sameeyay, ugu dambayna u diiday inuu dalka galo.

Sarkaal ka tirsan Hay'adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Maraykanka (CBP) oo u warramay warbaahinta CNN ayaa sheegay in Cumar Cartan loo arkay "inuu uusan u qalmin gelitaanka USA" kadib baadhitaan amni, balse ma aysan faahfaahin sababta rasmiga ah ee go'aankaasi.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka uu saameeyay xayiraadda socdaalka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump, taas oo keentay in muwaadiniinta dalalkaas lagu sameeyo baaritaanno adag.

FIFA ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaanay wax door ah ku lahayn go'aannada socdaalka ee dalalka martigelinaya tartanka, iyadoo xustay in dowladda martida loo yahay ay go'aamiso cidda la siinayo fiisaha iyo cidda loo oggolaanayo inay dalka gasho.

Xidhiidhka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa la xidhiidhayay FIFA si loo helo sharraxaad dheeraad ah, halka mas'uuliyiin Soomaali ahi ay sheegeen in Cumar Cartan watay dukumiintiyo sax ah iyo baasaboorka diblomaasiga ah oo loogu talagalay fududeynta safarkiisa.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dalal kale oo ay ka mid tahay Iran ay sidoo kale cabasho ka muujiyeen caqabado dhinaca socdaalka ah oo la xidhiidha Koobka Adduunka. Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Iran Mehdi Taj ayaa sheegay in xulka Iran loo oggolaaday inay galaan Maraykanka hal maalin oo shalay ciyaartooda, halka qaar ka mid ah maamulka iyo warbaahinta xulka aan weli loo oggolaan Tegitaanka dalkaas.

Cumar Cartan ayaa noqday garsoore FIFA ah sanadkii 2018, wuxuuna hore uga soo shaqeeyay tartamada waaweyn ee Afrika sida Koobka Qaramada Afrika ee AFCON. Dad badan oo Soomaali ah ayaa u arkayay ka qaybgalka Koobka Adduunka guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Soomaalida iyo garsoorka Afrikaba, balse dedaalka shakhsiga ayaa u ek in uu caqabad weyn wejahay.

Xirfadda Cumar

Cumar hadda waa garsoore heer caalami ah oo u diiwaan gashan xirirka kubada cagta ee Afrika ee CAF iyo xiriirka kubada cagta ee adduunka ee FIFA.

Wuxuu sheegay in nidaamyo ay leeyihiin dhamaan xiriirrada caalamigaa ee dunida ka jira kuwaas oo hoos taga xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA, sidaas darteedna isagu uu ka mid yahay garsoorayaasha u diiwan gashan xiriirka kubada cagta qaarada Afrika ee CAF.

Wuxuu sidoo kale Cumar ka qayb galay tababarro xirfadaha garsooraha oo caalami ah oo in ka badan labaatan garsoore oo Qaaradda Afrika ka socda loogu qabtay dalka Masar.

Tartamadii ugu waaweyntaa ee Cumar Cabdiqaadir Cartan uu ka mid ahaa garsoorayaashi qabtay waxaa ka mid ahaa tartankii CAF Under20 iyo CAF under 23 ee Qaarada Afrika.

Cartan wuxuu kale oo uu garsoore ka ahaa ciyaartii finalka ee CAF under 23 oo sanadkan ka dhacday dalka Marooko una dhaxaysay dalka Masar iyo Marooko.

Sidoo kale Cumar wuxuu garsoore ka ahaa ciyaaraha Champion league ee Qaarada Afrika gaar ahan wuxuu si la yaab leh u dhexdhexaadiyey ciyaartii afar dhamaadka Koobkaas ee u dhaxay kooxaha Al-Ahli ee dalka Masar iyo Esperance ee dalka Tuniisiya.

Ciyaarihii is reebreebka koobka aduunka ee ka dhacay dalka Qadar ayuu garsoore Cumar dhexdhexaadiyey saddex ciyaarood oo ka tirsanaa kuwii loogu soo baxay koobkaas sanadkii 2021-kii oo ay ciyaareen dalalka Togo iyo Namibia, Tansania iyo Benin.

Waa kuma Garsoore Cumar?

Cumar Cabdiqaadir Cartan wuxuu sanadkii 1995-tii uu ku dhashay xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Heerkiisa waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ayuu ku qaatay isla Muqdisho isagoo heerka kowaad ee jaamacada ku qaatay daraasaadka horumarinta.

Wuxuu BBC-da u sheegay inuu heerka uu gaaray arsoorka kubadda cagta ee Qaarada Afrika ay ugu suurto gashay dadaal shakhsi ahaaneed oo muujiyey iyo kordhinta aqoontisa.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu rajaynayo inuu qaban doono kulamo waaweyn oo ka tirsan koobka aduunka.