You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xiddigaha Koobka Adduunka ee caanka ka noqday baraha bulshada nasiib lacag ah maku heli karaan caanimadooda?
- Author, Sakshi Venkatraman
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Sagaashan daqiiqo ayay ku qaadatay Vozinha, gool-hayaha kooxda Cape Verde ee 40-jirka ah, inuu noqdo xiddig caalami ah isaga oo barta Instagram-ka ku leh taageerayaal ka badan kuwa halyeeyga NFL Tom Brady.
Vozinha wuxuu ciyaartii wareegga ahayd ee kooxaha Koobka Adduunk ee Spain ka dhigay qaab ciyaareed cajiib ah taasi oo keentay in ay ciyaartu ku Idlaatay barbar dhac 0-0 ah, waxayna kooxda ka dhigaysaa mid uu cadcad in ay ku guuleysato tartanka sanadkaan.
Natiijadii ka dhalatay qaab ciyaareedkiisa ayaa u horseedday in taageerayaashiisa ee barta Instagram-ka oo ahayd 50,000 ay gaadhay 17.4 milyan, isaga oo dhaafay ciyaartoyda dhiggiisa ee sida Tom Brady oo haysta 15.5 milyan dad oo taabcsan.
Xiddigaasi Koobka Adduunka ee lagu magacaabo Vozinha ayaa ka faa'iidaysan kara caannimadiisa cusub ee baraha bulshada wuxuuna samaysan karaa fursado dhaqaale oo faa'iido leh.
Khabiirka warbaahinta, Mike Serazio, wuxuu sheegay in fursadahaas aysan waari karin. "Waa caannimo si dhakhso ah kor ugu kici kara isla markaana si dhakhso ah ayay hoos ugu dhici kara," ayuu yiri khabiirka.
Brooke Duffy, oo ah aqoonyahannad wax ka barta Jaamacadda Cornell ee qaybta warbaahinta dhijitaalka ah iyo tan baraha bulshada ayaa sheegtay in dadka saamaynta ku leh baraha bulshada ee malaayiin taageerayaal ah haysta ay samayn karaan lacag dhan boqolaal kun oo doolar.
Isticmaalka joogtada ah ee baraha bulshada ayaa qofka uu horseedi kara in uu heshiisyo la galo shirkado, maaddaama macaamiisha wax loo daabacaayo ay lacagaha ku bixiyaan halkii shey oo uu qofka soo dhigo bartiisa.
"Taageerayaashu waa kuwa lacagta laga sameeyo hadda... Inta badan ee aad taageerayaal leedahay, waxaa sare u kaca dakhligaaga," ayay tidhi Brooke.
Baraha bulshada waxaa laga helaa jid kale oo lagu gaaro caannimada
Sida uu ku tilmaamay nin caan ka ah Argentina, nin ciyaartooy ah oo lagu magacaabo Tim Payne oo booska difaaca uga ciyaara kooxda New Zealand ayaa lagu sheegay in uu ahaa ciyaartoyga ugu caanka yaraa ka hor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka.
Nin kale oo lagu magacaabo Valen Scarsini, oo internet-ka looga yaqaanno 'elscarso', ayaa soo dhigay muuqaal oo uu malaayiin taageerayaashiisa ah uga codsaday inay soo 'folllow' gareyaan barta uu baraha bulshada ku dhex leeyahay Payne.
Payne oo ka faa'idaysanaya fursaddaasi ayaa wax badan soo dhigay bartiisa isaga oo la falgalaya saaxibkiisa ee ay baraha bulshada ku saaxibeen ee elscarso.
Dhowr maalmood gudahood, tirada taageerayaasha Payne ee barta Instagram-ka waxay ka korodhay qiyaastii 5,000 ilaa ku dhawaad lix milyan.
Sida uu sheegayana, hadda wuxuu haystaa taageerayaal ka badan tirada dadka ku nool dalkiisa ee New Zealand oo ay tiradoodu tahay wax ka yar 5.3 milyan oo qof.
Si ka duwan sidii uu caannimada ku keensaday ciyaaryahaankii hore ee Vozinha ee Cape Verde, caanimada Payne kuma iman dadaalkiisii oo uu ciyaarta gudaha garoonka ku muujiyay.
Tani waa dhacdo hadda sii fidaysa oo ka dhex jirta dunida ciyaaraha, sida uu xusay borofisoor Mike Serazio oo wax ka dhiga kolejka Boston, baarana xiriirka ka dhexeeya warbaahinta iyo ciyaaraha.
"Tobankii sano ee lasoo dhaafay waxaa soo badanaayay ciyaartoy caan noqday, balse caannimadooda ay ku egtahay keliya suuqgeyn iyo tirada taageerayaasha badan ee ay baraha bulshada ku leeyihiin," ayuu yiri Serazio.
"Caannimadooda iyo heerkooda ciyaareed si toos ah isuma simna." ayuu ku tilmaamay Serazio.
Serazio wuxuu sheegay in qof kasta oo heer sare ka gaaray xulka qaranka uu noqonaayo ciyaaryahan aad u wanaagsan. Laakiin waagii hore, ciyaartoygu waxaa lagu xiri jiray inuu noqdo kan ugu fiican si uu xayeysiis uga helo telefishinnada ama sawirkiisa lagu soo qaato xayaysiimaha caalamka.
"Hadda sidii hore camal ciyaartoydu uma baahna warbaahinta caadiga ee waxay adeegsadaan baraha bulshada, waxayna si xoog leh ugu dadaalaan si ay ku helaan taageerayaal badan oo ay xayeysiimo heshiis ugu galaan, lacago ka sameeyaan, ugana faa'iideystaan caannimadooda."
Caannimada miyay sii jiri doontaa Koobka Adduunka markuu dhammaado?
Serazio wuxuu aaminsan yahay in muuqaallada uu kala kacay ciyaartooyda qaar ay yihiin kuwa joogteeyn doona hor uu socdka daawashada ciyaaraha.
Muhiim ma aha in la daawado ciyaarta oo dhan ee muhiimadda waa in aad yeelato hal xilli oo xusid gaar ah mudan oo soo jiita indhaha caalamka, oo si weyn looga hadal haayo baraha bulshada ayuu yiri Serazio.
"Muuqaalka xiisaha gaarka ah leh oo soo jiidashada qaba ayaa ka qiimo badan ayuu leeyahay ciyaarta lafteeda." ayuu yiri.
Laakiin su'aasha jirta ayaa ah in ciyaartoydaan ka qaybgalay Koobka Adduunka oo barta bulshada ka helay malaayiin taageerayaal cusub ay caannimadaas u baddali karaan shaqo ka madax banaan tan ciyaarta kubadda cagta ah.
Waxaad haysataa muddo kooban oo aad dareenka dadka ku soo jiidato," ayuu yiri Sezario. "Gool-hayaha kooxda Cape Verde camal cidna ma garanayn koobka Aduunka ka hor mana u malaynayo inuu qof xasuusan doono Koobka Adduunka ka dib."
"Marka Messi, Ronaldo, Neymar iyo Mbappe ay ciyaaraha ka fariistaan, weli waxay sii fudud ku heli doonaan heshiisyo ganacsi leen magacooda ayay horay usoo dhiseen oo caalamka dhan ayaa laga yaqaannaa," ayuu yiri.
Sezario wuxuu intaas ku daray in ay yar yihiin "ciyaartoyda hal dhacdo caan ku noqday oo ka dib kashaqeeyay inay caannimadaas shaqo uga faa'idaysteen."
Tusaale fiican oo guul noqotay oo ka faa'idaystay taageerayaasha uu ka helay baraha bulshada waa ciyaaryahaanka Ilona Maher, ciyaaryahanka ciyaarta rugby-ga ee Maraykanka.
Caannimadeedu aad ayay u korodhay intii lagu guda jiray horyaalka Olombikada ee Paris sanadkii 2024. Hadertaan Maher waxay leedahay meel dadka lagu waraysto oo wax lagu falanqeeyo, waxay qabataa shaqada safiir, waxay sawirro u qaaddaa majaladda ama moodeellada cayaaraha, waxayna kaalinta labaad ka gashay tartanka afka qalaad loogu yaqaanno Dancing with the Stars waxaa kale oo ay kuguuleysatay Abaalmarinta Ciyaaryahanka Cusub ee 2025 ee ugu Fiican ee loo yaqaano ESPY Awards.
Sida ay sheegtay Duffy, xiddigaha cusub ee baraha bulshada ku caan baxay waxaa u furan fursado shaqo oo intaas ka badan, laakiin xisaabinta dhabta ah ee lacagta ay magacooda ku heli karaan waa mid dadaal dheeri ah uu baahan.
Duffy waxay sheegtay in lacagta laga helo xayeysiimaha baraha bulshada aysan lahayn qiimo go'an sida xayeysiinta telefishinka ee warbaahinta caadiga ah.
"Kuwani waa ciyaartoy shaqadoodu ilaa iyo hadda ku tiirsanayd kubadda cagta. Marka waa muhiim in laga fikiro sida ay u wajihi doonaan dhaqaalaha aan banaanka yaalin ee ee warbaahinta internetka laga sameeyo"
Hadda, caannimada xiddigaha Koobka Adduunka ee ay kusoo caan baxeen waxay gaartay heerkeeda ugu sarreeya. Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalkooda wuxuu ku xirnaan doonaa inay sii kobciyaan taageerayaashooda cusub tartanka Koobka Adduunka ka dib.