You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump wuxuu $1 bilyan ka badan ka sameeyay lacagaha danabaysan sandkii koowaad ee xafiiska
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wax ka badan $1bn oo doolarka Maraykanka ah ka sameeyay sannadkii hore ganacsiyada cryptocurrency, sida ku cad warbixintiisa maaliyadeed ee 2025.
Shaacinta xogtaan ka kooban 927 bog, waxa ay ka warbixisay $635m oo lacago ah oo ka timid shirkad lagu magacaabo Celebration Coins, oo loo malaynayo in ay ka danbeyso shilinka $TRUMP meme ee lacagaha digitaalka taas oo qiimaheedu hoos u dhacay tan iyo markii la shaaciyay in ay shaqaynayso maalmo ka hor inta uusan xafiiska la wareegin Trump.
Waxa kale oo ay xogtu sheegtay in ka badan $500m dakhliga ka soo gala World Liberty Financial, shirkad cryptocurrency ah oo ay aasaaseen wiilashiisa iyo carruurta ergeyga gaarka ah, Steve Witkoff.
Malaayiin kale ayuu ka kasbaday hanti ma guurto ah iyo alaabo Trump-ku-salaysan. Balse Aqalka Cad ayaa beeniyay inuu ka macaashay madaxtooyada.
Dakhliga ka soo baxay bandhigiisii maaliyadeed ee ugu dambeeyay - oo gaaraya ugu yaraan $2.2bn - ayaa aad uga badan kuwii hore ee 2024, markii Trump uu shaaca ka qaaday in ka badan $600m oo dakhli ah.
Laakiin Aqalka Cad, oo marar badan ku nuuxnuuxsaday in Trump uu ganacsigiisa u dhiibay hay'ad ay maamulaan wiilashiisa, ayaa mar kale beeniyay inuu jiro wax ka dhan ah danaha qaranka oo ganacsigiisu ku lug leeyahay.
Ku xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Anna Kelly ayaa sheegtay in madaxweynaha uu si sharaf leh uga dhigay Mareykanka "caasimada crypto ee adduunka".
"Madaxwaynaha iyo qoyskiisu waligood iskuma hawlin - ama weligood ma geli doonaan - wax ka soo horjeeda danaha dowladda," ayay ku tiri hadal ay soo saartay.
Waxay intaas ku dartay: "Dhammaan tallaabooyinka ay qaadayaan madaxweyne Trump iyo maamulkiisa waxaa loo qaaday maslaxadda ugu wanaagsan dadka Mareykanka - wax kasta ay sheegayaan kuwa isugu yeera 'wariyeyaasha' waa sheekooyin isku mid ah oo ah beeno ooDimuqraadiyiinta iyo warbaahintu ay riixayeen muddo toban sano ah."
Madaxweynaha laftiisa ayaa sidoo kale iftiimiyay in aysan qabanayn shuruucd is-diidooyinka danaha ee federaalka.
Trump ayaa mar dhaleeceeyay cryptocurrency, gaar ahaan Bitcoin isaga oo ugu yeeray "fadeexad" 2021 iyo "musiibo sugaysa inay dhacdo".
Laakiin, intii lagu guda jiray ololihiisii madaxtinimo ee saddex sano ka dib, Trump wuxuu sheegay inuu doonayo inuu Mareykanka ka dhigo "caasimada crypto ee meeraha". Mid ka mid ah ficilladiisii ugu horreeyay markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad sannadkii hore wuxuu ahaa amar fulineed oo lagu "taageeray kobaca mas'uulka ah" ee warshadaha crypto.
Richard Painter, oo ahaan jiray qareenkii hore ee anshaxa Aqalka Cad ee George W Bush, ayaa BBC u sheegay inay tahay "wax aan caadi ahayn", in Trump uu $1bn ka sameeyay crypto.
"Dabcan waa is-diido daneed," ayuu yiri.
Will Walker-Arnott, oo ah agaasimaha macaamiisha gaarka ah ee Raymond James Wealth Management, ayaa yiri: "Habkiisa, waxaan u maleynayaa, inuu ka duwan yahay madaxweynayaashii hore marka loo eego lacag samaynta.
"Jimmy Carter waxa uu beertiisa lawska u dhiibay shirkad, George W Bush-na waxa uu iibiyey saamigii uu ku lahaa Texas Rangers ka hor intii aanu madaxweyne noqon, balse Trump waxa uu u muuqdaa mid u shaqaynaya si ka duwan sidii hore, waxana uu u muuqdaa in uu lacag badan ka samaynayo shirkaddan crypto ee qoyska.
Baybalka, saacadaha iyo uduga Trump
Shaacinta xogta ee Talaadadii waxay muujineysaa dakhligiisa crypto oo aad uga duwan yahay dakhliga ka soo gala ganacsigiisa hantida maguurtada ah, kaas oo markii ugu horeysay u horseeday inuu caan noqdo.
Trump ayaa $77m ka helay naadigiisa Mar-a-Lago halka $122m uu ka helay naadigiisa Golf-ka ee Doral, Florida.
Waxa uu sidoo kale kasbaday in ka badan $30m midkiiba naadiyada golf-ka ee Bedminster, New Jersey, iyo Jupiter, Florida, iyo Turnberry, Scotland.
Trump ayaa sidoo kale malaayiin ka kasbaday ganacsiyo kale oo, sida lagu sheegay shaacinta maaliyadeed.
Waxaa ka mid ahaa $4.7m oo ah lacago laga helay saacadaha Trump, oo ay la socdaan Bibles-ka caanka ah ee Trump, tababarayaal, udug iyo gitaarka.
Marwada koowaad, Melania Trump ayaa sido kale daaha ka qaaday dakhligeeda 2025. Waxay $10.7m ka heshay "heshiiska shatiga" ee la xiriira dukumentiga iyada ku saabsan oo la sii daayay sannadkii hore.