Geerida Eyman Al-Zawaahiri kaddib maxaa la gudboon Al-Qaacida?

Eyman al-Zawaahiri
Published

Ururka Al-Qaacida waxaa lagu tiriyaa inuu yahay urur argagaixiso oo weerro la beegsado danaha waddamada reer galbeedku ay caalamka ku leeyihiin, iyo duminta waddamada ay u arkaan iney reer galbeedka u janjeeraan oo ku yaalla qaaradaha Aasiya iyo Afrika.

Waxaana la rumeysan yahay in xadka ay wadaagaan Afghanistan iyo Pakistan lagu aasaasay 1980-kii, iyada oo dagaallamayaashii ugu horreeyey uu ururkaasi yeesho ay ahaayeen kuwa waddamada Carabta ka soo jeedo, oo xilligaasi doonayey iney la dagaallamaan dowladdii Midowgii Soofiyeeti ee qabsatay Afghanistan.

Magaca al-Qaacidda wuxuu ahaa magaca guri kasta oo dunida ku yaalla caan ka ah oo loo arkayey inuu khatar ku yahay amniga waddamada reer galbeedka.

Sababta magacaasi uu u caanbaxayna waxay ahayd weerarro waaweyn oo ay ku guuleysteen oo ay fuliyeen.

1998-kii waxay qaraxyo waaweyn ay la beegsadeen safaaradaha Mareykanka uu ku lahaa dalalka Kenya iyo Tanzania oo ay ku dhinteen dad badan oo rayad ah oo Afrikaan u badan.

Qorsho bilooyin ay si qarsoodi ah u wadeen kaddibna, waxay al-Qaacida afduubatay afar diyaaradood oo Mareykanka laga leeyahay oo hawada ku jiray laba ka mid ah waxay ku dhufteen xaruunta ganacsiga adduunka oo ku taallay magaalada New York, diyaaradda seddexaadna waxay ku dhufteen xaruunta gaashaan dhigga Mareykanka ee Pentagon, tan afaraadna waxay ku dhacday meel bannaan ah.

Weerarkaasi oo dhacay 11-kii September, 2001-dii waxaa ku dhintay dad ka badan 3,000 oo qof oo ay ka mid ahaayeen rakaabkii afarta diyaaradood saarnaa.

Weerarkaasi wuxuu noqday kii ugu dhimashada badnaa oo ka dhaca carriga Mreykanka.

Waxaana ka dhalatay muddo 20 sano ku siman Mareykanka inuu galo dagaal uu ugu magac daray la dagaallanka argagixisada oo intiisa badan ku wajahnaa dalka Afghanistan oo lagu tuhmayey xubnihi al-Qaacida oo weerarkaasi soo abaabulay iney ku dhuumaaleysanayeen.

Weerarkaasi oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid muujiyey fashilka laamaha sirdoonka Mareykanka ku yimid.

Mareykankana 10 sano oo kale ayey ku qaadatay iney dilaan hoggaamiyaha Al-Qaacida Usama bin-Laden.

Eyman al-Zawahiri iyo Usama Bin Laden

Wixi intaa ka dambeeyey maxaa ku dhacay al-Qaacida, halkeyse haatan ka jiraan?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Usama Bin Laden waxaa baddalay Dr Ayman al-Zawahiri oo Axaddii lagu dilay duqeyn ay geysatay diyaarad aan duuliyaha lahayn oo ay leeyihiin Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Afgaanistaan miyey noqotay gabbaad ammaan ah?

Ciidamadii reer galbeedka ee ku sugnaa dalka Afghanistaan markii ay sanadkii hore dalkaasi ka baxeen kaddib Afghanistaan waxay halis iyo fursad cusubba u abuurtay al-Qaacida.

Xaqiiqdana waxay tahay al-Zawaahiri inuuuu si raaxa leh ugu noolaa caasimadda Kabul weliba meel aan ka fogeyn halka ay deggan yihiin hoggaanka sare ee ururka Taalibaan.

Afghanistan marweliba waxay qiimo gaar ah u leedahay ururka al-Qaacida oo 1980-kii dalkaasi uga qayb qaatay dagaalkii lala galay ciidamadi Sofiyeeti oo dalkaasi xoogga ku qabsaday.

1996-2001-dii al-Qaacida waxay fursad u helaan iney gudaha Afghanistan dib isugu soo abaabulaan maadaamaa ay saaxibtinimo iyo gacan saar xooggan la yeesheen ururka Taalibaan oo dalkaasi ka dagaallamayey.

Eyman al-Zawahiri iyo Usama Bin Laden

Al-Qaacida Afrika ma waxay ka sameysatay goobo ay ka adagaallanto

Al-Qaacida oo haatan tabar badan aan laheyn balse meela badan oo dunida ka mid ah weli ka jirto waxay ahmiyad gaar siisaa waddamada aan dowladaha lahyen ama dowladaha ka jira ay daciif yihiin.

Dalka Soomaaliya oo kale waxaa ka dagaallama ururka Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh ururka Al-Qaacida horayna heshiis ula galay.

Sida oo kale gobolka Sahel ee ku yaalla Waqooyiga Glabeed ee qaaradda Afrika waxaa ka dhaqdhaqaaqa al-Qaacida iyo ururka Daacish.

Bariga Dhexe

Al-Qaacida ayaa ah koox argagixiso lagu tilmaamo oo Bariga Dhexe ka abuurantay. Bin Laden wuxuu u dhashay Sacuudiga halka al-Zawahirina uu u dhashay dalka Masar, tasoo ka dhigeyso hoggaanka ururkaasi ugu sarreeya iney yihiin Carab.

Waqooyiga Galbeed ee Suuriya oo inta badan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay duqeymaha ka fuliyaan al-Qaacida weli way ka dhaqdhaqaaqdaa.

Haddaba dilka al-Zawaahiri, waxay al-Qaacida ku qasbeysaa iney hoggaan cusub iyo qorshe siyaasadeed oo cusub yeeshaan.