Magacaabidda Mukhtaar Roobow saameyn ma ku yeelan kartaa la dagaallanka Al-Shabaab?

Xigashada Sawirka, Twitter
Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur ayaa maalintii shalay ahayd loo magacaabay wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Golahaasi oo ka kooban 75, oo isugu jira wasiirro, wasiiru dowlayaal iyo ku xigeenno.
Warka in lagu darayo golaha wasiiradda Sheekh Mukhtaar Rooboow, ayaa in dhawaalaba la isla dhax marayey iyadoo su’aalo la iska weydiinayay sida ninkan oo muddo afar sana xabsi guri ku jiray, oo horay uga mid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab uu dowladda uga mid noqon karo.
Magacaabidda Abu-Mansuur waxaa ka dhalatay hadal hayn ah iney gacan ka geysan karto la dagaallanka Al-Shabaab oo ay dowladda Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud ay dhawaan ka dhawaajisay.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii dib loo doortay wuxuu sheegay in ahmiyad gaar ah uu siinayo amniga, iyo la dagaalanka Alshabaab.
"Waxaan dalka u dajinaynaa siyaasad cusub, taasoo ah in Alshabaab in la tirtiro. Siyaasadihii hore waxey ku saleysnaayeen ciidan duullaan oo dagaal la galaya Alshabaab, haatan waxaan keenay siyaasad cusub, oo ah dhanka fikirka ah," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, mar uu la hadlayey ciidanka Soomaaliya ee tababarka u joogga dalka Turkiga.
Waxay u muuqataa in xukkumadda xamsa ay u aragtay in Robow uu arrintaasi door weyn ka qaadan kara.
Halka ay dadka qaarna aaminsan yihiin xubnaha Al-Shabaab ka mid ahaan jiray in xil loo magacabo iska daaye iney ahayd in maxkamad la soo taago.
“Dadbaa qaba ay ila tahay qofki Shabaab ka tirsanaan jiray inuu mas’uuliyad qabto iska daaye uu mudan yahay in la maxkamadeeyo… laakiin waxaan hadda ku kalsoonnahay go’anka Raysal wasaaraha inuu yahay mid dhinacya badan uu tixgeliyey waxaana laga yaabaa iney magacaabiddiisa soo dedejiso insha allah dhammaadka dhibaatada Shabaab dad badan oo Al-Shabaab hoggaamiyeyaal ka ahna ay ku daydaan ayaan rajeyneynaa,” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo BBC u warramay.
Rashid cabdi oo ka faalooada arrimaha geeska Afrika ayaa ku tilmaamay tallaabo loo qaaday dhinaca hormarka in Robow laga dhigay wasiirka arrimaha diinta.
"Dagaalka dhinaca fikirka ah ee uu Xasan Shekh ku dhawaaqay ee ka dhanka ah Al Shabaab waa muhiim si la mid ah kan milatariga", ayuu yiri Rashid Cabdi.

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Beycada Al-Qaacida iyo Al-Shabaab ay wada galeen
Ururka Al-Shabaab ayaa 2012-kii sheegay in ay si rasmi ah ugu biireen Ururka Al-Qaacida. Warkaasi oo lagu sheegay muuqaal ay soo saartay Al-Shabaab, oo uu ka hadlay hoggaamiyaha Al-Qaacida oo dhawaan la dilay Ayman Al-Zawahiri.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintani aysan ahayn mid cusub labada ururna ay horayba xiriir u lahaayeen, laakin ay hadda un si rasmi u shaaciyeen.
Al-Shabaab ayaa 2009-kii soo saartay muuqaal ay ku sheegeen in ay daacad u yihiin hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Usaama Bin Laadin, hasa ahaatee, tani ayaa ah markii ugu horeysay oo ay Al-Qaacida sheegeen in ay aqbaleen xubinnimada Al-Shabaab.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Al-shabaab ma ka hadleen magacaabidda Abu Mansuur
Ururka Al-Shabaab uu horay uga tirsanaan jiray Shekh Muktaar Robow (Abu-Mansuur) ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xilka ay dowladda dhex u magacaawday Abu-Mansuur.
Mukhtaar Roobow, ayaa xabsiga loo taxaabay bishii Disembar ee sanadkii 2018-kii, xilli uu waqti kooban ka harsanayd doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ka mid ahaa murashaxiinta ugu cadcad.
Xarigiisa ayaa sababey in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo lasoo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay dad rayid ah, iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Rooboow.














