Sida 400 oo bisadood oo cunto ahaan loo cuni rabay ay u badbaadiyeen boolisku

Bisadaha

Xigashada Sawirka, Phuong Pham / Humane World for Animals Viet Nam

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

In ka badan 400 oo bisadood oo la doonayay in la gowraco ayaa laga soo badbaadiyay Vietnam ka dib markii ay mas'uuliyiintu ay ka war heleen dhacdooyin xatooyin ah oo waawayn, sida ay sheegeen kooxda daryeelka xoolaha.

Sagaal qof ayaa loo xiray wax ay booliisku ku tilmaameen "koox dambiilayaal ah oo ku takhasusay xatooyada iyo aruurinta bisadaha", AFP ayaa soo xigatay wargeyska rasmiga ah ee booliiska magaalada Ho Chi Minh.

Saraakiisha ayaa soo helay in ka badan 400 bisadood oo nool iyo ku dhawaad 80 kale oo dhintay oo lagu keydiyay goob baraysan intii lagu guda jiray weeraradii lagu qaaday goobo ku yaala Gobolka Tay Ninh iyo Ho Chi Minh City todobaadkii hore. 21 bisadood oo kale ayaa lagu qabtay goob gooni ah.

Cunista hilibka eeyga iyo bisadaha waa sharci gudaha Vietnam, laakiin dadka ka ganacsada waxay u baahan yihiin ruqsado muujinaya asalka xoolaha.

Booliska ayaa sheegay in ay daba socdeen kooxdan 11-kii June ka dib markii ay baaritaan ku sameeyeen xatooyo xayawaan ah oo fara badan oo ka dhacay magaalada Ho Chi Minh, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Tuhmanayaashu waxay qirteen dabista iyo ururinta bisadaha koonfurta Vietnam saddexdii sano ee la soo dhaafay, sida ay booliisku sheegeen. Sida ay sheegeen baarayaashu, tuhmanayaasha ayaa la sheegay in ay daabuli jireen bisadaha la soo xaday, ka hor inta aysan ka iibin ganacsatada, iyadoo wax kala iibsigu uu dhacayay labadii ilaa saddexdii maalmoodba mar.

Ku dhawaad 40 ka mid ah bisadaha la xaday ayaa tan iyo markaas dib ula midoobay milkiilayaashooda, Humane World for Animals ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay Talaadadii.

Dhawr ka mid ah bisadaha la badbaadiyay ayaa uur lahaa, taasoo keentay in bisado kale oo yar yar ay ku dhashaan halkii ay boolisku ku hayeen mukulaalaha la soo badbaadiyay muddo toddobaad ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hay'addu waxay ku ammaantay maamullada maxalliga ah "tallaabo adag oo badbaadisay nolosha xoolo aad u badan", laakiin waxay tiri "tiro ayaa markii dambe u dhintay dhibaatada ay la kulmeen.

Waxa ay intaa ku dartay in ay bixinayso raashin iyo agab kale oo loogu talagalay xoolaha ay wali boolisku hayaan si ay u caddeeyaan inta uu kiisku socdo.

Booliska ayaa sheegay in baaritaanku uu socdo waxayna ku booriyeen dadka deegaanka ee aaminsan in xawayaanka la xaday in ay u soo baxaan si ay gacan uga geystaan sidii ay u ogaan lahaayeen xoolaha la helay.

Chris Gindelhumer oo ka tirsan hay'adda samafalka ee Vietnam Cat Welfare, oo caawinaysa daryeelka xoolaha la badbaadiyay, ayaa sheegay in "uu arkay ilmo badan maalmihii la soo dhaafay."

"Runtii aad ayay u qurux badan tahay in la arko inta qoys ee Vietnamese ah ee socda, oo raadinaya bisadahooda," ayuu yiri. "Laakiin sidoo kale waa murugo sababtoo ah qoysas badan ayaa raadinayay bisadahooda mana helin."

Dhakhaatiir badan oo xoolaad iyo mutadawiciin ah ayaa habeen iyo maalinba u shaqaynaya bisadaha, ayuu hadalkiisa raaciyay Gindelhumer.

Qiyaastii shan milyan oo eey iyo hal milyan oo bisadood ayaa la qabtaa, la xadaa, laga ganacsadaa oo loo gowracaa hilib ahaan Vietnam sannad kasta, sida ay sheegtay Humane World for Animals.

Hay'addu waxay sheegtay in xayawaannada guryaha lagu haysto inta badan laga xado guryaha, iyadoo eeyaha inta badan lagu qabto iyadoo la isticmaalayo sed-beerado sumaysan iyo dabino bir ah, halka bisadaha lagu gaado dabinno laga sameeyo moolooyin.

Iyadoo isticmaalka hilibka eeyga iyo bisadaha uu weli aad ugu badan yahay Vietnam marka loo eego wadamada kale ee Aasiya, ololeeyaashu waxay leeyihiin dabeecadaha ayaa isbedelaya waayahaan.

Sahan 2023 la sameeyay oo ay u xilsaartay Humane World for Animals ayaa lagu ogaaday mucaaradka sii kordhaya ee dadweynaha, gaar ahaan dadka da'da yar iyo kuwa leh xayawaanka rabaayada ah, iyada oo badidoodu ay taageerayaan mamnuucista ganacsiga hilibka eey iyo bisadaha labadaba.