You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gabar Tiktok caan ka ah oo lagu xiray Dubai ka dib markii ay 'saaxibkeed dishay'
Haweeney 23 jir ah oo caan ka ah TikTok oo lagu xiray Dubai ayadoo loo haysto dilka saaxiibkeed, waxayna wajihi kartaa ciqaab dil toogasho ah, sida ay sheegtay hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda.
Sida laga soo xigtay ururka Detained in Dubai, Brooke George oo ah Tiktokerad caan ah oo ka soo jeedda Gravesend, Kent, ayaa lagu eedeeyay inay toorrey ku dishay nin ay online ka baratay.
Sida laga soo xigtay ururka, Brooke ayaa ku andacoonaysa in ay soo qaadatay mindi iyada oo is-difaacaysa, ka dib markii uu weerar ba'an ku qaaday saaxiibkeed, kaas oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.
Hay'adda xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in haweeneyda lagu sii daayo dammaanad, dhacdadana ay tahay in loo eego xaaladda colaadda qoyska.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegtay inay caawinayso haweeneyda iyo qoyskeeda oo ku xiran dalka Imaaraadka Carabta.
Brooke oo hore uga shaqayn jirtay John Lewis, ayaa la xiray subaxnimadii Juun 22, waxaana lagu soo oogay dacwad ah inay qorsheynaysay inay disho saaxiibkeed.
Haddii lagu helo dambiga, waxay wajihi karaan ciqaab dil ah marka loo eego sharciga Imaaraadka.
Sida laga soo xigtay Detained in Dubai, iyada oo ku xiran saldhigga booliska, ayaa TikTokeradaas waxaa lagu qasbay inay dharka iska siibto rag askar ah hortooda iyada oo aysan joogin sarkaal dumar ah, taas oo ay ku tilmaanty "mid aad u fool xun oo xanuun badan".
Intii ay ku guda jirtay booqashadeedii ugu horeysay ee Dubai, Brooke waxay ku tilmaantay 'waqtigii ugu fiicnaa noloshayda'.
Laakiin sida ay sheegtay Radha Sterling, madaxa fulinta ee Detained in Dubai, xiriirka iyada iyo saaxiibkeed waxa uu isu beddelay rabshad intii ay ku jirtay booqashadeedii labaad ee magaaladaas Khaliijka ku taalla.
Sterling waxa ay sheegtay in Brooke ay ku andacoonayso in hab-dhaqanka lammaaneheeda uu noqday mid si tartiib tartiib ah u koontaroolaya oo aflagaado wata iyo in Brooke ay isku dayday inay ka tagto Dubai markii lagu eedeeyay inuu feeray, oo uu ka qaatay baasaboorka kadibna uu mar kale ku weeraray gurigeeda.
Waxa uu intaa ku daray in Brooke ay sheegtay in ay u baqday nolosheeda oo ay qaaday tallaabo ay isku difaacayso iyada oo haabatay mindi jikada taallay oo u dhow.
Dhinaca kale, Brooke hooyadeed, Teresa George ayaa sheegtay in "Markii Brooke ay ku laabatay Dubai markii labaad, waxaa cad in isbedel uu ku yimid xiriirkooda".
"Maalin ka hor dhacdada, dhaqanka Brooke wuxuu u ekaa mid ka duwan sidii caadiga ahayd. Way aamusnayd oo kuma jirin dabeecadeeda farxadeed iyo rayn rayneed ee caadiga ah, laakiin iimay sheegin sababta."
Fiidkaas ayay (Brooke iyo saaxiibkeed) aadeen baar ku yaalla magaalada Dubai, markii aan la hadlay Brooke isla markiiba dhacdada ka dib, aad bay u baqday, weligay ma arag gabadheyda oo aad u cabsanaysa, waxay u ooynaysay si aan la xakamayn karin, waxaan arkay in mid ka mid ah indhaheeda uu si xun u bararay oo ku dhawaaday inuu xirmo".
Waxa ay intaa ku dartay inay aad uga walaacsan tahay wanaagga gabadheeda. "Markii aan la hadlay gabadhayda habeenkaas, aad bay u argagaxsanayd".
"Waan hubaa inay si quus ah isku dayaysay inay gurigeeda ku soo noqoto oo ay ka baxdo xaalad kasta oo ku dhacday".
Dhanka kale, Sterling ayaa tiri, "Waxaa jiray walaac sii kordhayay oo ay qabeen dadka ku dhow dhow Brooke in laga yaabo in looga yeeray Dubai iyadoo la adeegsanayo been abuur iyo ujeedo ka faa'iidaysi".
"Walaacdooda waxaa sii xoojiyay isbeddel lama filaan ah oo aan la garanayn oo ku yimid hab-dhaqanka Brooke, sida qaadashada tigidhka hal-jidka ah, diyaarinta sawir-qaadista bikini ee xirfadlaha ah inta lagu jiro booqashadii ugu horreysay oo lagu eedeeyay in baasaboorkeeda laga xayiray, Brooke ayaa u sheegtay saaxiibadeed in 'wax aan sax ahayn' iyo inay jirto cabsi sii kordhaysa ee ah inay baxaan".
Xuquuq sharci
Sida laga soo xigtay Detained in Dubai, Brooke waxaa loo diiday inay gasho safaaradda dalkeeda oo ay ku qasbanaatay inay sheegto warbixinnada ayadoo uu qareenkeedu maqan yahay.
Sida laga soo xigtay Sterling, kiisku wuxuu kor u qaadayaa "walaac halis ah oo ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah haweenka, xuquuqda isdifaaca, nidaamka cadaaladda iyo habka loola dhaqmo muwaadiniinta Britishka ee lagu xiro dibadda".
"Waxaan dalbaneynaa in Brooke lagu sii daayo dammaanad inta laga soo gabagabeynayo baaritaanka, waxaa jirta taariikh la diiwaangeliyay oo Imaaraadka ka jirta oo haweenka ka cawda xadgudubyada lagu xukumo" ayey raacisay.
Detained in Dubai ayaa dalbaday in Brooke la siiyo "ilaalin, tas-hiilaad caafimaad oo ku habboon, wakiil sharci iyo kaalmo qunsuliyadeed oo British ah" inta baaritaanku socdo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay "waxaan la xiriirnay haweeney British ah oo ku xiran Imaaraatka Carabta, waxaan caawineynaa qoyskeeda, waxaana xiriir la sameynay maamulka maxalliga ah".