'Hal sabab oo keentay inuu guul darraysto murashax u taagnaa doorashada madaxweynaha Kenya'

Doorashada Kenya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Afhayeenka mid ka mid ah murashaxiintii ka qayb gashay doorashadii madaxweynaha Kenya ee qabsoontay 9-kii bishan August ayaa sheegay in hal sabab ay horseedday guul darradii ku dhacday.

Jaymo Ule Msee, oo wareysi siiyay idaacadda maxalliga ah ee Spice FM, ayaa sheegay in murashaxa u taagnaa xisbigiisa Roots, George Wajackoyah, uu xilka muhiimka ah ku heli waayay sabab la xiriirta ballan-qaadkii uu sameeyay xilligii ololaha doorashada oo ahaa in haddii la doorto uu "dhoofin doono hubnaha taranka ee Waraabaha."

"Ballanqaadkii xiniinyaha waraabaha ayaa saamayn wayn nagu yeeshay. Waxa uu naga hor istaagay codad badan," ayuu yiri afhayeenka lagu naanayso Jaymo, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Wilson Muirania Gathoni.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: "Markii uu Wajackoyah sharraxay qiimaha xisbiga, dad badan ayaa joojiyay inay si dhab ah u aaminaan murashaxnimadiisa."

Wajackoyah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka u ololeeya xuquuqda xayawaanka ayaa kasoo hor jeestay fikirka Wajackoyah ee ku saabsanaa in dhaqaalaha dalka Kenya uu horumar ku gaarsiin doono dhoofinta xubnaha taranka ee waraabaha.

Waxay sheegeen in haddii siyaasigan fursad loo siiyo tallaabadaas uu sabab u noqon doono in xayawaanka waraabaha uu ka dabar go'o Kenya.

Laakiin Afhayeenkiisa ayaa sheegay in qorshaha ku aaddan arrintaas si khaldan loo fasirtay.

"Hadalkaas Wajackoyah waxa uu ula jeeday in Kenya ay tahay waddan qani ah oo samayn kara wax soo saar badan kaddibna u dhoofin kara dalalka horumaray ee caalamka. Tallaabadaas waxay noo fududeyn lahayd inaan deymaha iska bixinno. Fursad nalama siin," ayuu yiri.

Ballan-qaadyo layaab leh

Muraashaxa xisbiga Roots ayaa intii uu ololaha waday hadal hayn badan ka dhaliyay shacabka dhexdiisa, kaddib markii uu sheegay dhowr wax oo uu hirgelin doono haddii loo doorto kursiga ugu sarreeya Kenya.

Waxyaabaha uu ku hamminayay waxaa ka mid ahaa in uu fasixi doono isticmaalka xashiishka oo mamnuuc ka ah waddankan ku yaalla bariga Afrika.

Sidoo kale waxa uu wacad ku maray in haddii xilka madaxweynaha loo doorto uu sunta masaska iibin doono.

Soo jiidashada Soomaalida

Waxyaabaha kale ee uu ballan qaaday waxaa ka mid ah mid uu bulshada Soomaalida taageeradooda ku raadinayay, maadaama uu codkoodu saamayn ballaaran leeyahay.

Siyaasigan ayaa sheegay in uu caasimadda Kenya, oo ah Nairobi, ka baddali doono, una weecin doono magaalo kale oo ka mid ah kuwa ku yaalla dhulka ay Soomaalidu u badan tahay.

Barfasoor Wajackoyah ayaa sheegay in Soomaalida ay Kenya ku wajahaan caqabado aysan la kulmin qowmiyadaha kale.

"Labo jeer ayaa la ciqaabaa Soomaalida, midda koowaas waa in ay Soomaali yihiin darteed, tan labaadna waa in mar walba oo ay sharciga aqoonsiga raadsanayaan ay ku khasban yihiin inay afar wax ka badan afar jibaar dadka kale ee reer Kenya caddeeyaan inay u dhasheen Kenya.

"Arrintaas way dhammaan doontaa," ayuu yiri.

Wajackoyah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isagoo hadalkiisa sii wada ayuu intaas sii raaciyay in uu abaal marin raalligelin ah siin doono Soomaalida, haddii xilka loo doorto.

"Waxaana u xaqiijin karaa bulshada Soomaalida inaysan meelna u soconin oo ay waddankan kusii noolaan doonaan, waxaana idinku abaalmarin doonnaa inaan caasimadda waddankeenna ka baddalno halkan kana dhigno magaalada Isiolo," ayuu yiri George Wajackoyah .

Waxa ay Soomaalidu ka mid yihiin qowmiyadaha Kenya dhulka ballaaran ku leh, waxayna tiradooda saamayn ku leedahay natiijada doorashada.

Waxaa la qiyaasaa in ilaa 850,000 oo Soomaali ah ay codadkooda ka dhiiban karaan doorashada guud ee Kenya oo qof iyo cod lagu soo doorto madaxda dowladda dhexe, baarlamaanka iyo madaxda maamul goboleedyada.

Wajackoyah ayaa markii ay doorashadu dhacday soo galay kaalinta saddexaad, waxa uuna farqi wayn u dhaxeeyay isaga iyo murashaxa kaalinta labaad ku jiray.

Natiijada doorashada Kenya ayaa hadda hakad ku jirta, waxaana laga dhur sugayaa go'aanka ay maxkamadda ka gaarto dacwadda uu gudbiyay Raila Odinga oo qaadday natiijada guddiga doorashada oo ku dhawaaqay in uu xilka madaxweynaha ku guulaystay William Ruto.