Ninka ka shaqeeya shaqada ugu halista badan adduunka

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Qaybta 4-aad ee warshaddii tamarta nukliyeerka ee Chernobyl ee dalka Ukraine ayaa gebi ahaanba burburtay qaraxii naxdinta lahaa ee dhacay 26-kii Abriil 1986. Hase yeeshee, qiyaastii 10 mitir oo dhulka hoostiisa ah waxaa weli ku yaalla xarumihii xakamaynta iyo kormeerka ee ka badbaaday masiibadaas.

"Waxay u eg tahay waddooyin badan oo isku dhex yaacsan oo ku hoos yaalla falceliyaha nukliyeerka," ayuu BBC-da u sheegay Anatolii Doroshenko, oo 38 jir ah, kana tirsan Machadka Daraasaadka Badbaadada Warshadaha Nukliyeerka (ISPNPP). Isagu waa saynisyahan daraaseeya heerarka shucaaca ee ku jira marinnada dhulka hoostiisa mara ee hoos yaalla falceliyaha Chernobyl.

Shaqadiisu waxay tahay inuu ugu yaraan bishiiba hal mar kormeero goobahaas. Sida ay qortay majaladda New Scientist, shaqadan waxaa lagu tilmaami karaa "mid ka mid ah shaqooyinka ugu halista badan dunida."

Marinnada iyo qolalka dhulka hoostiisa ku yaalla waxaa si buuxda u wasakheeyey shucaac. Sagxadaha, darbiyada, qalabka iyo xitaa hawada ayaa leh heerar shucaac oo halis ah.

Doroshenko wuxuu halkaas ka qabtaa hawlo ay ka mid yihiin hubinta qalabka, ururinta xogta, rakibidda aaladaha cabbira shucaaca, qaadista muunado iyo la socodka xaaladda shidaalka nukliyeerka.

Qolalka qaarkood heerka shucaaca ayaa aad u sarreeya, sidaas darteed waa inuu shaqada ku dhammeeyaa wax ka yar afar daqiiqo, dabadeedna si degdeg ah uga baxaa. Goobo kale oo uu sheegay in shucaacu aad u daran yahayna lama oggola in gebi ahaanba loo dhowaado.

Cabsi uu saaxiib ka dhigtay

Doroshenko wuxuu sheegay in shaqadiisu muhiim u tahay xaqiijinta in wax walba si ammaan ah ugu socdaan warshadda.

Wuxuu qiray in shaqadu cabsi leedahay, balse uu cabsida u adeegsado sidii digniin ka caawisa inuu taxaddar dheeraad ah yeesho.

"Cabsidu waxay kaa caawisaa inaad si adag u raacdo tilmaamaha badbaadada si aan heerka shucaacu kuu saameyn," ayuu yiri.

"Halista ugu weyn waa marka aad la qabsato xaaladda, haddii aad caadaysato deegaanka, waxaad bilaabaysaa inaad iska indho tirto xaqiiqda ah inaad ku dhex jirto shucaac. Galoofis, bir ama shay kasta ayaa wasakhaysan kara adigoon ogeyn."

Waddooyin mugdi ah oo burbur hoostiisa mara

Waddooyinka uu maro Doroshenko waxay qayb ka yihiin nidaamkii lagu shaqayn jiray warshaddii Chernobyl.

Goobtu waa mugdi. Inkastoo nalal ay ka shidan yihiin qaar ka mid ah marinnada, isaga iyo saaxiibbadiis mar walba waxay sitaan toosh.

Marinnada qaar ayaa aad u cidhiidhi ah, taas oo ku khasabta inay iyagoo foorarsan ku socdaan.

Inkasta oo qol kasta iyo marin kasta la calaamadeeyey, haddana qofku waa inuu si fiican u yaqaan jidka, si aanu ugu lumin marinnada badan ee isku dhex yaacsan.

Waxay sidoo kale haystaan khariidado muujinaya goobaha ugu shucaaca badan.

"Halkan saynisyahannadu dhammaantood way og yihiin meelaha ay geli karaan iyo meelaha aan loo dhowaan karin", ayuu yiri.

Goobta waxaa yaalla dhuumo ay ku jiraan biyo shucaac leh iyo walxo aad u khatar badan oo loo yaqaan corium. Walaxdan ayaa samaysantay markii shidaalka nukliyeerka uu ku milmay qaybaha falceliyaha, kadib kulayl aad u sarreeyay ayaa gaaray kumannaan darajo.

Sida lafaha foolkaanaha ka soo burqada, corium-ku wuxuu dhex ku daatay burburkii warshadda isagoo sameeyey qaabab aan caadi ahayn. Mid ka mid ah qaababka ugu caansan waxaa loo bixiyey "Lugta Maroodiga".

Goobo aan la gaadhi karin

Sida ay sheegtay Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA), ku dhowaad 200 tan oo shidaal nukliyeer ah ayaa weli ku jira Qaybta 4-aad ee warshadda.

Soo saarista walxahan aadka u shucaaca badan ayaa la filayaa inay qaadato ku dhowaad 40 sano.

Warshadda waxaa daboolaya dhisme weyn oo loo yaqaan sarcophagus, waxaana dusha ka sii daboolaya qubbad bir ah, taas oo ka dheer Taallada Xorriyadda. Qubbaddan ayaa loogu talagalay inay muddo 100 sano ah xirto falceliyaha burburay si ay dunida uga ilaaliso shucaaca Chernobyl.

Qayb weyn oo shidaalka nukliyeerka ah waxay ku jirtaa meelo aan Doroshenko iyo kooxdiisu gaadhi karin.

Qaraxii 1986 ka dib, falceliyaha waxaa lagu daboolay lakabyo badan oo shub ah si looga hortago inuu shucaacu dibadda u soo baxo.

"Haddii aan muunad ka qaadi lahayn falceliyaha burburay, waxaan si sax ah u ogaan lahayn heerka khatarta nukliyeerka," ayuu yiri.

"Laakiin waxaa daboolay shub, mana gaadhi karno. Sidaas darteed waxaan ku qasbanahay inaan samayno cabbirro joogto ah si aan u fahamno waxa gudaha ka socda."

Taxaddar adag

Marka uu gelayo warshadda, Doroshenko wuxuu xirtaa dhar gaar ah oo difaac ah, oo ay ka mid yihiin galoofisyo, kabo iyo maaskaro neefsashada oo nooca FFP2 ah. Goobaha aadka u cidhiidhiga ahna wuxuu xirtaa dhar caag ah oo dabacsan.

Marka uu soo baxayo wuxuu maraa dhowr goobood oo lagu baaro heerka shucaaca. Waxaa sidoo kale jira meel loogu talagalay in lagu bixiyo dharka wasakhaysan; dharka qaar waa la nadiifiyaa, halka kuwa aan shucaaca laga saari karin si toos ah loo burburiyo.

Kadib wuxuu qaataa qubays taxaddar leh si loo hubiyo inaan wax walxo shucaac ahi ku hadhin jirkiisa.

Inkasta oo shaqadu aad u halis badan tahay, Doroshenko wuxuu sheegay inuu jecel yahay.

Wuxuu sheegay in mar kasta oo uu u dego Qaybta 4-aad uu dareemo farxad uu la barbar dhigi karo dareenkii uu qabay markii uu fuulay buurta Everest.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyey in waxa ugu muhiimsan ay tahay in qofku is xakameeyo.

"Waxa ugu muhiimsan waa inaadan cabsi kuu talin, maxaa yeelay cabsida badan waxay kordhisaa khaladaadka."

"Goobtani waxay soo martay masiibooyin waaweyn, taas oo sababtay in dadka qaar ay ugu yeeraan jahannamo. Laakiin markaad gudaha gasho waxaad arkaysaa inay tahay dhisme uu bani'aadam sameeyey, oo keliya u baahan kormeer iyo xakameyn joogto ah."

"Haddii dadka nala midka ahi joojiyaan inay halkaas tagaan, waxaa bilaabanaya geeddi-socod aan cidina xakamayn karin, taasina waa halis."

"lama illaawi karo Chernoby"

Sannad kasta Doroshenko wuxuu maraa baaritaanno caafimaad oo khasab ah, xilliga fasaxana wuxuu isku dayaa inuu waqti ku qaato xeebta.

"Waxaan sii wadi doonaa inaan u dego warshadda nukliyeerka inta aan awoodo," ayuu yiri.

"Xad uma aanan samayn naftayda. Haddii aan arko jiil cusub oo shaqadan iga beddeli kara, waxaan ka fiirsan lahaa hawlgab. Laakiin hadda arrintaas kama fikirayo."

Wuxuu sheegay in waxa ugu muhiimsan ay tahay in dunidu aysan illoobin caqabadaha weli ka taagan Chernobyl, sida xakamaynta qashinka shidaalka nukliyeerka iyo ilaalinta badbaadada qalabka.

"Waa shaqo aad u adag," ayuu yiri.