You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Britain oo sheegtay inay diyaar u tahay inay is difaacdo 24 saac ah kadib hanjabaaddii Iran
Dowladda Britain ayaa sheegtay inay "24 saac maalintii, toddobada maalmood ee usbuuca ay diyaar u tahay inay is difaacdo", kadib markii Iran ay sheegtay in saldhigyada Britain ee uu Mareykanku u adeegsado ay yihiin "bartilmaameedyo sharci ah."
Britain ayaa u oggolaatay Mareykanka inuu ka fuliyo hawlgallo difaac saldhigyada Britain ee ay ku sugan yihiin ciidamada iyo diyaaradaha Mareykanka, balse waxay diidday inay ka qayb qaadato weerarro toos ah oo ka dhan ah Iran.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa ku eedeysay Britain inay tahay "la-shaqeeye" ama "gacan-yare" dagaalka uu Mareykanku kula jiro Iran.
Dhanka kale, Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa sheegtay in waddan kasta oo si militari u taageera Mareykanka "uu mas'uul ka noqon doono cawaaqibta iyo natiijooyinka ka dhasha."
Hadalkan ayaa yimid iyadoo Mareykanku habeenkii 13-aad oo xiriir ah uu duqeymo ka fuliyay bartilmaameedyo ku yaalla Iran.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa marar badan dhaliilay dowladda Britain iyo Ra'iisul Wasaarihii hore Sir Keir Starmer, isagoo ku eedeeyay inay muujiyeen taageero la'aan ku aaddan dagaalka uu kula jiro Iran.
Dhanka Iran, hadalladii ay soo saartay 23-kii July ayaa isku dayay inay Britain u muujiso inay qayb ka tahay ololaha milatari.
Bishii March, maalmo kadib markii uu billowday dagaalka ay hoggaaminayeen Mareykanka iyo Israa'iil, Britain ayaa siisay Mareykanka oggolaansho uu ku isticmaalo saldhigyo ay ka mid yihiin RAF Fairford ee gobolka Gloucestershire iyo Diego Garcia ee Badweynta Hindiya, si loogu weeraro kaabeyaasha militari ee Iran ee loo adeegsado weerarrada ka dhanka ah dalalka Khaliijka iyo maraakiibta maraya Marinka Hormuz.
Siyaasaddaas wax isbeddel ah kuma iman markii uu xilka la wareegay Ra'iisul Wasaaraha cusub Andy Burnham, kaas oo toddobaadkii hore lagu wargeliyay in la go'aamiyay in la kordhiyo heshiiska iskaashiga ee Britain iyo Mareykanka.
Bayaan ay 23-kii July daabacday wakaaladda wararka Tasnim, oo xiriir la leh IRGC, ayaa lagu sheegay in laba maalmood ka hor ay diyaaradaha Mareykanka ee fuliyay duqeymaha ay ka duuleen saldhigga RAF Fairford.
Wasaaradda Difaaca Britain ayaan wax faallo ah ka bixin in saldhiggaasi uu Mareykanku toddobaadkan u adeegsaday hawlgallo ka dhan ah Iran.
Iyadoo ka jawaabaysa hanjabaadaha Iran, afhayeen u hadlay dowladda Britain ayaa yiri:"Ciidamadeennu waxay diyaar u yihiin inay UK ka difaacaan nooc kasta oo weerar ah, ha ka yimaado gudaha dalka ama dibaddiisa. Britain waxay 24 saac maalintii iyo toddobada maalmood ee usbuuca diyaar u tahay inay is difaacdo."
Wuxuu intaas ku daray:"Taas waxaa ka mid ah nidaam difaac oo isdaba-joog ah oo lagaga hortago weerarrada cirka iyo gantaallada, kaas oo ay bixiyaan Ciidanka Badda ee Royal Navy, Ciidanka Dhulka iyo Ciidanka Cirka ee Royal Air Force, kuwaas oo ku qalabeysan awoodo casri ah isla markaana si dhow ula shaqeeya xulafadeenna NATO."
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay:"Mowqifka Britain ee dagaalka isma beddelin. Waxaa naga go'an inaan difaacno dadkeenna, danahayaga iyo xulafadeenna, annagoo ku dhaqmeyna sharciga caalamiga ah isla markaana ka fogaanayna inaan ku lug yeelanno dagaal ballaaran."
Maalmo kadib markii uu dagaalku billowday 28-kii Febraayo, safiirka Iran ee London, Seyed Ali Mousavi, ayaa sheegay in Iran ay yeelan doonto "xaq ay isku difaacdo" haddii Britain ay ku biirto dagaalka, wuxuuna uga digay London inay si taxaddar leh uga fiirsato ka qaybgalka colaadda.
19-kii March, Iran ayaa laba gantaal oo ballistic ah ku ridday saldhigga Diego Garcia ee Britain ku leedahay Jasiiradaha Chagos. Sida wararku sheegayaan, mid ka mid ah gantaallada ayaa hawada ku fashilmay, halka kan kalena uu soo riday markab dagaal oo Mareykan ah.
Xilligaas waxaa jiray shaki ku saabsan in Iran ay haysato gantaallo awood u leh inay gaaraan jasiiradahaas, oo qiyaastii 3,600 kiiloomitir u jira Iran.
Isla bishaas, Israa'iil ayaa sheegtay in Iran ay haysato gantaallo gaari kara ilaa 4,000 kiiloomitir, taas oo aragti ahaan ka dhigan inay gaari karaan Britain iyo dalalka ku yaalla dhul weynaha Yurub.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirkii hore ee Guriyeynta Britain, Steve Reed, ayaa xilligaas u sheegay BBC News inaysan jirin "qiimeyn gaar ah oo muujinaysa in Iran ay beegsanayso Britain, ama xitaa ay awood u leedahay haddii ay doonayso."
Falanqeeyayaal ayaa sidoo kale shaki geliyay isku halaynta iyo saxnaanta gantaallada Iran, kuwaas oo Mareykanku sheegay in awooddooda si weyn loo wiiqay kadib duqeymihii uu ku qaaday.
Bilihii la soo dhaafay, Iran ayaa weerarro ku qaaday dhowr dal oo Khaliijka ah oo ay ku yaallaan saldhigyo militari oo Mareykanku leeyahay, halka weerarrada lagu qaaday maraakiibta rayidka ah ee maraya Marinka Hormuz ay si wax ku ool ah u carqaladeeyeen isu socodka marin-biyoodkaas muhiimka ah.
Fiidnimadii Khamiista, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu dhammaystiray habeenkii 13-aad oo xiriir ah oo uu duqeymo ka fuliyay Iran.
CENTCOM ayaa sheegay in duqeymahaas loogu talagalay "in sii loo wiiqo awoodda Iran ee ay halista ku galinayso maraakiibta rayidka ah iyo maraakiibta ganacsiga ee maraya biyaha gobolka."
Waxa uu sidoo kale sheegay in Marinka Hormuz uu weli u furan yahay isu socodka maraakiibta inkastoo ay jiraan weerarradii ugu dambeeyay, isagoo xusay in maraakiibta ganacsigu ay "si xor ah ugu sii socdaan" marin-biyoodkaas iyadoo ay taageerayaan ciidamada Mareykanka.