You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Afgambigii badalay dal dhan; sida Erdogan u qaabeeyay Turkiga muddo toban sano ah
Rasaas ka dhacaysa waddooyinka, taangiyada oo dhaqaaqaya, diyaaradaha dagaalka oo joog hoose ku duulaya, iyo weerar lagu qaaday baarlamaanka ayaa si toos ah looga baahiyay telefishanka.
Waddan la kulmay saddex afgambi iyo laba faragelin oo militari, habeenkii 15 July , 2016 wuxuu ahaa habeen aan hore loo arag.
Baarlamaanka Turkiga waligiis lama weerarin, Buundada Bosphorus ee Istanbul, oo hadda si rasmi ah loogu yeero "Buundada Shuhadada 15-ka July," waligeed ma arag isku dhacyo dhiig badan ku daatay, kuwaas oo dad rayid ah ay isugu soo baxeen waddooyinka iyagoo ka jawaabaya baaq ka yimid Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si uu ula dagaallamo kuwa afgambinayay.
Baahin toos ah oo telefishin oo loo adeegsaday moobayl , wuxuu madaxweynahu taageerayaashiisa uga baaqay inay u soo baxaan waddooyinka habeenkaas. Masaajidada dalka oo dhan ayaa sidoo kale farriinta ku baahiyay sameecadohooda.
Subaxnimadii, afgambigii wuu fashilmay. Wadarta 253 qof, oo ay ku jiraan 184 qof oo rayid ah, ayaa la dilay, 34 ka mid ah dadkii looga shakisanaa inay afgambiyeen ayaa sidoo kale naftooda ku waayay.
Isku daygii afgambigu wuxuu socday dhowr saacadood oo keliya, laakiin wixii ka dambeeyay wuxuu beddelay siyaasadda Turkiga ee tobankii sano ee ku xigay, isagoo beddelay dheelitirka gudaha ee awoodda isla markaana dib u qeexay xiriirka dalka uu la leeyahay adduunka.
Nadiifin ballaaran
Dowladda Turkiga ayaa ku eedeysay shabakadda Fethullah Gulen, oo ah wadaad Islaami ah oo fadhigiisu yahay Mareykanka, inuu abaabulay afgambiga. Mr. Gulen wuxuu beeniyay inuu ku lug lahaa afgambiga ilaa uu ka geeriyooday 2024.
Dhowr maalmood ka dib afgambiga, waxaa lagu dhawaaqay xaalad degdeg ah; oo socotay ilaa 2018 oo la kordhiyay toddobo jeer.
Inta lagu jiray muddadaas, mas'uuliyiinta Turkiga waxay sameeyeen mid ka mid ah howlgalladii ugu waaweynaa ee taariikhda casriga ah ee dalka. Dowladdu waxay ku dhawaaqday in tallaabooyinkan ay lagama maarmaan u yihiin burburinta shabakadda Gulen.
Dhaqdhaqaaqa diimeed ee Fethullah Gulen, oo mar ahaa saaxiib dhow oo uu la ahaa Recep Tayyip Erdogan, ayaa saameyn weyn ku yeeshay tobanaan sano qaybo kala duwan oo ka mid ah dowladda Turkiga iyo maamulka xafiisyada.
Ka dib afgambiga, tobanaan kun oo shaqaale militari ah, oo ay ku jiraan saraakiil sare iyo jeneraalo, iyo sidoo kale garsoorayaal, dacwad oogayaal, saraakiil booliis, aqoonyahanno, iyo shaqaale rayid ah, ayaa la xiray, la eryay, ama la hakiyay.
Boqolaal iskuul iyo machadyo waxbarasho oo gaar loo leeyahay oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin shabakadda Gulen ayaa la xiray, iyo dhowr jaamacadood.
Dadka dhaliila ayaa sheegaya in baaxadda howlgalku ay aad uga fogayd dadka lagu tuhunsan yahay afgambiga iyo taageerayaasha dhaqdhaqaaqa Gulen, iyagoo bartilmaameedsanaya dad badan oo mucaarad ah.
Dadka mucaaradka ah ayaa sheegaya in ka dib markii la baabi'iyay, kooxo diimeed kale ay saameyn badan ku yeesheen hay'adaha dowladda muddo ka dib. Mas'uuliyiinta dowladdu way beeniyeen sheegashadan.
Xoojinta awoodda Erdogan
Waxaa laga yaabaa in cawaaqibka siyaasadeed ee ugu muhiimsan ee afgambiga dhicisoobay uu ahaa xoojinta awoodda Recep Tayyip Erdogan.
Sannadkii 2017, codbixiyayaashu waxay si dirqi ah u ansixiyeen isbeddello dastuuri ah oo lagu beddelayo nidaamka baarlamaaniga loona guurayo nidaam madaxtooyo oo leh awood fulineed oo ballaaran. Isbadalada ayaa hirgalay sanadkii xigay, waxayna kordhiyeen awoodaha madaxweynaha iyadoo la baabi'iyay xafiiska ra'iisul wasaaraha.
Taageerayaasha nidaamka cusub ayaa sheegaya in isbedellada ay keeneen xasillooni siyaasadeed, go'aan gaar ah oo degdeg ah, iyo dowladnimo waxtar leh.
Balse dadka dhaliila ayaa rumeysan in qaab-dhismeedkan uu awoodii ku soo ururiyey madaxtooyada, gaar ahaan gacanta hal qof.
Hay'adda cilmi-baarista ee Freedom House oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in nidaamka madaxwynaha, uu si weyn u wiiqay awoodda xildhibaannada baarlamaanka ee saameynta ku lahaa dejinta siyaasadda.
Ururku wuxuu ku qoray warbixintiisii ugu dambaysay ee Turkiga: "[Recep Tayyip Erdogan] wuxuu si isdaba joog ah u farageliyay wasaaradaha iyo hay'adaha dawladda ee madaxa-bannaan ee u dhaqmay qaab aan waafaqsanayn rabitaankiisa."
Doğan Çetinkaya, oo borofisoor ku-xigeen ka ah Jaamacadda Istanbul, ayaa sameeyay qiimeyn la mid ah middaas.
Waxa uu sheegay in nidaamka madaxtooyadu uu ku sifoobay go'aan qaadasho aan sharci ahayn iyo qaab dhismeed hay'adeed oo mugdi ku jiro.
Welwel laga qabo maamul-kalitalisnimo
Dowladda Turkiga waxaa sannado badan lagu dhaleeceyn jiray xuquuqul insaanka iyo xorriyadda madaniga ah, laakiin walaacyadani waxay sii xoogeysteen ka dib afgambigii iyo nadiifintii xigtay.
Iyada oo la eryay kumanaan garsoore iyo dacwad oogayaal ah oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin dhaqdhaqaaqa Gulen, ururada xuquuqda aadanaha iyo hay'adaha Yurub waxay muujiyeen walaac ku saabsan madaxbannaanida garsoorka Turkiga.
"Ka dib 15-kii July, hay'adaha ku jira nidaamka siyaasadeed iyo maamulka Turkiga ayaa burburay oo waayay madax-bannaanidooda," ayuu yiri Mr. Cetinkaya.
Wuxuu raaciyay: "Garsoorka iyo sharci-dejinta mar dambe uma shaqeeyaan sidii xarumo awood dhab ah leh."
Tan iyo markaas, qabashada isku soobaxyada dadweynaha ayaa sii adkaanayay, maadaama mas'uuliyiintu ay si joogto ah u soo rogeen xayiraado ku saabsan isu imaatinka waxayna hirgeliyeen tallaabooyin amni oo adag.
Xorriyadda warbaahinta ayaa sidoo kale la sii wiiqay iyadoo la kordhinayo saameynta dowladda ee lahaanshaha warbaahinta iyo dacwaynta suxufiyiinta caanka ah. Turkiga hadda wuxuu ku jiraa kaalinta 163aad ee 180 waddan ee Tusmada Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 2026 oo ay daabaceen Weriyeyaasha Aan Xuduudda Lahayn.
Xorriyadda hadalka ayaa sidoo kale weli ah arrin muran ka taagan yahay. Majaajiliiste caan ah ayaa dhawaan la xiray isagoo lagu soo oogay dacwado ah inuu aflagaadeeyay madaxweynaha, isagoo ku biiray liis dheer oo suxufiyiin, siyaasiyiin, iyo dad caan ah oo baaritaan lagu hayo.
Xarunta fikirka ee Freedom House ayaa leh: "Turkiga wuxuu noqday mid sii kordhinaya kalitalisnimo tobankii sano ee la soo dhaafay, isagoo ku tiirsan dib-u-habaynta dastuurka iyo inuu xiro dadka ka soo horjeeda siyaasadda, saxafiyiinta madaxa-bannaan, iyo xubnaha bulshada rayidka ah."
Bishii Maarso 2025, Duqa Magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu - oo loo arko inuu yahay qofka ugu halista badan ee la tartami kara Recep Tayyip Erdogan doorashada madaxtinimada ee soo socota - ayaa la xiray iyadoo lala xiray daraasiin mas'uuliyiin degmo ah oo lagu soo oogay dacwado musuqmaasuq ah, eedeymaha ayaa isaga iyo asxaabtiisu beeniyeen. Maxkamadeyntiisu ayaana socotay.
Bishii Maarso 2026, xukun maxkamadeed ayaa si wax ku ool ah u farageliyay hoggaanka xisbigiisa, Xisbiga Dadweynaha ee Jamhuuriga ee ugu weyn, isagoo hoggaamiyaha xisbiga ku beddelay mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii hore, tallaabo ay mucaaradku ku tilmaameen "afgambi garsoor."
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Turkiga ayaa beenisay eedaha ah dib-uga-noqoshada dimuqraadiyadda. Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in isbeddellada ka dhahsay afgambigii iyo nadiifinta xigtay ay xoojiyeen xasilloonida siyaasadeed, amniga qaranka iyo hay'adaha dimuqraadiyadda iyagoo meesha ka saaray kuwa dowladdu u aragto inay khatar ku yihiin dalka.
"Nidaamka hadda jira waxaan u arkaa tallaabo ay dawladdu qaadday si ay uga jawaabto khatarta jiritaanka ee soo ifbaxday xilligii afgambiga," ayuu yiri Nuri Salik, oo ah bare sare oo ka tirsan Jaamacadda Yıldırım Beyazit.
Wuxuuna ku daray: "Halkii aan u arki lahaa oo kaliya tallaabo loo qaaday dhanka keligii-talisnimada, waxaan u arkaa mid ka mid ah muujinta dareenka ku aaddan badbaadada iyo ilaalinta jiritaanka dawladda."
Yaraynta doorka ciidanka
Tobanaan sano, militariga Turkiga wuxuu isu arkayay inuu yahay ilaaliyaha jamhuuriyadda cilmaaniga ah ee uu aasaasay Mustafa Kemal Ataturk, wuxuuna si isdaba joog ah u soo galay masraxa siyaasadda xilliyadii xiisadda siyaasadeed.
Ka dib iskudaygii afgambigi 2016, isbeddello taxane ah oo qaab-dhismeed ah ayaa ciidamada qalabka sida si buuxda u hoos keenay gacanta rayidka.
Qaab-dhismeedyo cusub oo loogu talagalay qorista iyo hoggaaminta ayaa la qeexay, akadeemiyada saraakiisha iyo isbitaallada militariga ayaa dib loo habeeyay ama la xiray, waxaana bilaabmay wareejinta cutubyada militariga ee ka baxsan xarumaha magaalada.
Falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in isbeddelladani ay si wax ku ool ah u soo afjareen xilligii faragelinta militariga ee siyaasadda Turkiga.
"Taariikhda casriga ah ee Turkiga, dadku si firfircoon ayay uga hor yimaadeen faragelin milatari markii ugu horreysay July 15. Macnaha, habeenkaas wuxuu ahaa isbeddel muhiim ah," ayuu yiri Nuri Salik.
"Kani waa isbeddelka ugu muhiimsan," ayuu yiri.
Siyaasadaha ku wajahan amniga
Siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale isbeddello muhiim ah lagu sameeyay ka dib afgambigii.
Bilaha iyo sannadaha xigay, Ankara waxay saddex hawlgal oo milatari oo waaweyn ka fulisay waqooyiga Suuriya, iyadoo bartilmaameedsanaysa kooxda loogu yeero Dawladda Islaamiga ah (ISIS) iyo YPG.
Ankara waxay u aragtaa YPG inay xiriir la leedahay Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo ah koox ay Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub u aqoonsadeen urur argagixiso. Waxaa jiray dadaallo sannadihii ugu dambeeyay si loo soo nooleeyo geeddi-socodka nabadda ee PKK, laakiin masiirkeeda weli lama hubo.
Nuri Salik wuxuu aaminsan yahay in afgambigii fashilmay uu xoojiyay hab amni oo ku wajahan qaab-dhismeedka dowladda Turkiga.
"Ilaalinta dawladda ayaa noqotay mudnaanta koowaad," ayuu yiri.
Turkigu wuxuu sidoo kale raacay siyaasad arrimo dibadeed oo kala duwan, isagoo xoojiyay xiriirkiisa Ruushka isagoo weli xubin muhiim ah ka ah NATO. Iibsiga dalka ee nidaamka difaaca cirka ee S-400 ee Ruushka ayaa sababay khilaaf weyn oo ku yimid xiriirkiisa Washington, taasoo horseeday cunaqabataynta Mareykanka iyo in Turkiga laga saaro barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu qaadi doono cunaqabataynta, wuxuuna ka hadlay diyaar u ahaanshaha inuu dib u eego iibinta diyaaradaha dagaalka ee F-35, inkastoo tallaabo kasta oo arrintan la xiriirta ay u badan tahay inay la kulmi doonto mucaaradad xooggan oo ka jira Kongareeska.
Dhanka kale, dadaalladii muddada dheer socday ee Turkiga uu ku doonayay inuu ku biiro Midowga Yurub ma aysan gaarin horumar yar, wadahadalladii ku biirista Midowgana si wax ku ool ah ayaa loo joojiyay tan iyo 2018.