Madaxweynaha ugu da'da weyn dunida, isla markaana dalka ka maqnaa in ka badan 40 maalmood, ayaa oggolaaday in dowladda ay qaadato deyn lagu maalgelinayo fulinta qandaraasyo kala duwan.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo weli ay jiraan walaacyo isa soo taraya oo ku saabsan muddada dheer ee uu madaxweynahan ka maqnaa dalka isaga oo aan dib ugu soo laaban.
Go'aanno kala duwan oo la qaaday Arbacadii, hoggaamiyahan 93 jirka ah ayaa faray Wasiirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Gobolka inuu saxiixo heshiisyo deyn ah oo laga helayo Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA) iyo Deutsche Bank ee Spain.
Isla maalintaas, madaxweynuhu wuxuu sidoo kale magacaabay laba mas'uul oo ka tirsan hay'adda dalka u qaabilsan nidaaminta batroolka iyo gaaska.
Hase yeeshee, maadaama aan si muuqata loo arkin madaxweynaha tan iyo 7-dii Juun, tallaabooyinkan la sheegay inuu qaaday ayaa dhaliyay su'aalo badan.
Waa madaxweynaha dalka Cameroon, Pauk Biya.Dad badan oo reer Cameroon ah ayaa doonaya inay ogaadaan halka uu ku sugan yahay madaxweynuhu iyo xaqiiqda ku saabsan xaaladdiisa caafimaad.
Inkasta oo dadka ku dhow Biya ay safarkiisa dibadda ku tilmaameen "fasax gaaban oo Yurub ah," maqnaanshihiisa dheer ayaa weli dood xooggan ka dhex dhalinaya shacabka dalka.
Dhacdadan ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo caafimaadka madaxweynaha, arrin aan inta badan si fagaare ah looga hadlin dalka uu Biya xukumayay muddo 44 sano ah.
17-kii Juun, majaladda Jeune Afrique ayaa sheegtay in Paul Biya la dhigay isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Geneva, Switzerland, kadib markii ay qabatay qandho wax yar ka dib dabaaldegga maalinta madaxbannaanida dalka ee bishii May.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Cameroon, Rene Emmanuel Sadi, ayaa isla maalintii xigtay si degdeg ah u beeniyay warbixintaas, isagoo ku tilmaamay mid aan wax sal iyo raad ah lahayn.
Inkastoo Sadi uu xaqiijiyay in Paul Biya uu ku sugnaa Geneva, wuxuu beeniyay in madaxweynaha isbitaal la geeyay, wuxuuna sheegay inaanu jirin wax dhibaato caafimaad ah.
Afhayeenka dowladda ayaa yiri:
"Inkasta oo madaxweynuhu inta uu fasaxa ku joogo Geneva uu booqan karo dhakhtar si loogu sameeyo baaritaankiisa caafimaad ee caadiga ah, haddana wuxuu si buuxda ula socdaa arrimaha dalka, wuxuuna qaadaa go'aannada lagama maarmaanka ah marka loo baahdo."
Maqnaanshihiisa dheer ayaa dhalisay falcelin ka timid xisbiyada mucaaradka, iyadoo mid ka mid ah xubnaha baarlamaanka uu ku baaqay in Golaha Dastuuriga ah uu adeegsado awooddiisa si xilka looga qaado madaxweynaha.
Dhanka kale, xisbiga talada haya ee CPDM ayaa arrintaas meesha ka saaray, isagoo sheegay in madaxweynuhu weli si sharci ah xilka u hayo, isla markaana hadallada noocaas ahi ay ku saleysan yihiin sharci darro.
Afhayeenka dowladda ayaa Talaadadii yiri:
"Cameroon ma laha sharci ama qodob xaddidaya muddada uu madaxweynuhu dalka ka maqnaan karo."
Wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Biya uu weli shaqadiisa ka sii wato halka uu joogo.
Sida uu dhigayo sharciga Cameroon, kursiga madaxtinnimada waxa bannaan lagu dhawaaqi karaa oo keliya haddii madaxweynuhu iscasilo sababo shakhsi ah awgood, geeriyoodo, ama Golaha Dastuuriga ahi ku dhawaaqo inuusan awood u lahayn gudashada waajibaadkiisa.
Maqnaanshaha Biya ayaa sii huriyay muranka siyaasadeed, maadaama uu ku soo beegmay xilli ay taagan tahay dood ku saabsan magacaabista madaxweyne ku xigeen iyo dhismaha golaha fulinta, arrimo ay dhaliilayaashu aaminsan yihiin inay muddo dheer dib u dhaceen.
Intii uu xilka hayay oo ka bilaabatay 1982, madaxweynaha Cameroon wuxuu si joogto ah u safri jiray, isagoo waqtiyo dheer ku qaadan jiray dalalka Yurub, taas oo marar badan dhalin jirtay warar iyo xan sheegaya inuu geeriyooday.