You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
"Marka maqalku lumo, dib uma soo noqdo." Waxyaabahan samee si aad uga badbaado in aad dhego-beesho
- Author, Par Elizabeth Anne Brown
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Khubaradu waxay sheegayaan in maqalku yahay wax aan dib loo soo celin karin marka uu qofku mar beelo; ma aha sida muruqyada oo kale oo jimicsi lagu soo celin karo. Valérie Pavlovich Ruff oo iyadu ah aqoonyahanad dhanka maqalka ah oo ka hawlgasha Cleveland Clinic waxay sheegtay in markaad maqalka weydo uu wax kasta la tago.
Inkasta oo la ogaa in maqalku hoos u dhaco marka uu qofku gaboobo, haddana dhakhaatiirtu waxay hadda calaamadaha maqal-la'aanta ku arkaan bukaanno aad u da' yar oo ay ku jiraan carruur ka hoosaysa 10 sano.
Jamie Bogle oo ka tirsan Mayo Clinic ayaa xustay in waxyaabaha yar yar ee aan samaynno marka aan dhallinyarada nahay ay isu ururaan oo ay saamayn mustaqbalka yeelan karaan. Haddaba, hawlgallada maalinlaha ah waxay leeyihiin saamayn weyn oo muddo dheer ah.
Sidee ayuu maqalku u shaqeeyaa?
Dhegta gudaheeda waxaa ku yaalla god dareere ka buuxo oo loo yaqaanno cochlée. Waxaa ku teedsan kumannaan unugyo yaryar oo timo u eeg kuwaas oo leh neerfo u gudbiya ishaarooyinka korontada ee maskaxda. Marka dhawaaqyo cadaadis ah soo galaan dhegta, timahaas yaryar ayaa u gilgisha sida geedaha. Gilgilashadaas ayaa loo beddelaa darandoorri koronto oo maskaxdu u fasirto dhawaaq.
Marka la joogo meelaha riwaayadaha oo dhawaaqoodu sarreeyo, dhegta gudaha waxaa gaari kara dhib 10 illaa 15 daqiiqo haddii uu qofku joogo.
Cawaaqibta dhego-beelka
Marka uu qofku gaboobo, maqal-la'aantu waxay keeni kartaa go'doon bulsho, sababtoo ah dadku waxay ka cabsadaan in ay wax aan habboonayn yiraahdaan maaddaama aynan si fiican wax u maqlayn. Sidoo kale, baadhitaanno ayaa tilmaamay in maqal-la'aanta liidataa ay xidhiidh la leedahay hoos u dhaca garaadka ama kala xasuusta.
Si kastaba ha ahaatee, xogta inta la hayo ma caddaynayso inay keento xasuusta oo lunta; waxaa hubaal ah labadaasiba yihiin calaamado ka dhashay geedi-socod maqalka oo hooseeya.
Dhawaaqa aadka u dheer oo muddo dheer la joogteeyo waxa uu u dhigmaa sida u dabeylo xooggan oo kale, kuwaas oo dhaawaca ama jejebiya timahaas yaryar ee dhegta ku yaalla.
Tani waa mid aan dib looga soo kaban karin maaddaama dhegta aadamuhu leedahay unugyo cayiman marka uu qofku dhasho kuwaas oo aan mar kale samaysmin. Cilmi-baadhayaashu waxay ku guda-jiraan tijaabinta daawaynta hiddosidaha oo la mid ah sida xayawaanka qaar oo uu ka mid yahay kalluunka dameer-farowga iyo digaaggu ay dib ugu soo laabtaan timahaas, laakiin hadda difaaca ugu fiican waa uun ka hortag la sameeyo.
Riwaayadaha iyo dhegaysiga muusigga iyo sameecadaha
Ciyaaraha muusigga toos-ka ah intooda badan waa kuwo lagu dhagaysto cod aad loo dallacay oo aad u dheer. Haddii aad doonayso inaad ilaa dhammaadka joogto, waa inaad gashataa qalabaka dhegaha lagu xidho. Laaiin qalabkaast noociisa cudbiga ka samaysan waxay beddelaan muusigga ciyaartiisa; sidaas darteed waxa maanta lagu talinayaa kuwa loo yaqaan "bouchons haute fidélité" oo hoos u dhiga codka iyadoona muusigga waxba loo dhimin. Kuwaas waxaa lagu helaa $25 ama ka yar, halka kuwa gaarka ah ee musikiistayaasha ay ku kacayaan ku dhawaad $175.
Sidoo kale, dhacdooyinka isboortiga oo garoommada laga qaylyo waxay khatar ku yihiin dhegaha. Ruff waxay xustay in ay aragto ilmuhu in ay xidhaan qalabka lagu ilaaliyo dhegaha halka waalidku aanu xidhan.
Si kastaba, isha ugu weyn ee codka dheer nooga yimaaddo waa dhegaha la gashado. Carruurta yar yar iyo dhallinyarada ayaa maanta la daalaa-dhacaya maqal-la'aan ka dhalatay Isticmaalka dhagaha la gashado.
Ruff waxay sheegtay gabadh 6 jir ah oo calaamado noocaas ah laga helay sababtoo ah kombuyuutarka iskuulka oo codkiisa ugu sarreeya lagu dhagaystay. Cilmi-baadhis ka dhacday Suweetan oo lagu sameeyay carruur 9 jir ah waxay muujisay farqi dhanka maqalka ah oo u dhexeeya kuwii isticmaali jiray dhagaha la gashado iyo kuwii aan isticmaalin. Waxaa lagu ogaaday in ilaa 1.35 bilyan oo dad ah oo ka yar 35 sano ay khatar ugu jiraan maqal-la'aan ka dhalatay aaladaha shaqsiga ah.
Si looga hortago, aalado badan waxay leeyihiin qalab lagu xaddido codka. Ruff waxay ku talinaysaa: "Haddii aad dhegaha la gashado wadatid aadna la hadli kartid qof kuu dhow, waa caadi. Laakiin haddii ay noqoto in aad kor u qaylido oo aanad si fiican qofka kula jooga ula hadli karin, waxa hubaal ah in codku yahay mid aad u dheer."
Farsamada gacanta iyo gaadiidka
Hawlaha beeraha laga qabto iyo farsamada beeraha, sida qalabka cawska lagu gooyo, miishaarta korontada waxay noqon karaan kuwo aad u dhawaaq badan. Inta badan maanta magaalooyinku waxay u guurayaan qalabka korontada ku shaqeeya oo ka cod yar kuwa shidaalka ku shaqayn jiray.
Waa in la xidho qalabka dhegaha lagu ilaaliyo. Waxaa wanaagsan in loo kuurgalo tilmaamaha dhimista buuqqa oo loo yaqaan NRR; mar kasta oo NRR uu dhexdhexaad yahay waaba ka sii fiican tahay. Markaad hawlahaas waddo, xidho qalabkaas halka aad ku dhagaysan lahayd muusig adigoo buuq ku dhex jira.
Sidoo kale, daaqadda gaadhiga oo dhinaca ku haysa jidka weyn waxay dhib u geysan kartaa dhegaha u dhow daaqadda maaddaama saxawaxka dabayshu uu xooggan yahay.
Waxaa kale oo dhibka sii kordhiya idaacadda oo dadku ka dhigaan cod dheer si ay dhawaqa dabaysha uga nastaan. Sidoo kale dadka mootada wada waa inay xidhaan koofiyad u saamaxaya in ay yarayso guuxa baabuurta kale iyo dawanka ciidammada dabdemiska.
Isticmaalka xad-dhaafka ah ee qalabka dhegaha lagu xidho
Dalka Mareykanka, iskuullada waxay baadhitaan u sameeyaan carruurta, laakiin marka la gaboobo ma jiraan baadhitaanno caadi ah ilaa qofku dhib la kulmo. Talooyinkii hore waxay ahaayeen in la is-baadho marka 60 sano la gaadho, laakiin maanta maqal-la'aantu waxay ku dhici kartaa dadka 30-jirka ah ama ka yar.
Dr. Pavlovich Ruff waxay ku talinaysaa in baadhitaan tijaabo ah la sameeyo marka ugu horraysa ee laga arko calaamado. Inta badan maqal-la'aanta ka timaada buuqa waxaa ka horreeya calaamado la garan karo oo maqalka dhegaha yeera. Haddii aad buuq dheer ka dib calaamad ku aragto dhegtaada, waa inaad degdeg u samaysaa baadhitaanka maqalka.