You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Amiir William: ‘Boqoradda waxay ila joogtay wakhtiyadii ugu farxadda iyo murugada badnaa’
Amiir Wiiliam oo ammaanay Boqoradda ayaa sheegay dunida iney weyday hoggaamiye aan caadi ahayn, isagana uu waayey ayeydii aabbahii dhashay.
Amiirka cusub ee Wales wuxuu yiri: "Wey igu garab joogtay waxyaabihi farxadda lahaa ee nolosheyda soo maray, sida oo kale waxay igu garab joogtay waxyaabihi murugada lahaa ee nolosheyda soo wajahay."
Wuxuuna sheegay iney 'Sharaf' u tahay noloshi uu ayeydii la soo qaatay weligiina uu xusuusan doono "Boqorka aabbahey ahna wax walba oo aan awoodo aan ku caawinayo."
Amiir William ayaa safka hore uga jira dhaxal-sugaha boqortooyada.
Jimcihi, Boqor Charles III wuxuu ku dhawaaqay Wiiliam iyo xaaskiisa Catherine iney noqonayaan Amiirka iyo Amiiradda Wales.
War qoraal ah uu amiirka Wales uu soo saaray wuxuu ku yiri: "Khamiistii hoggaamiye aan caadi ahayn, oo ay ka go'neyd wax u qabashada dalkeeda iyo xaaladaha waddamada Barwaaqo-sooranka. Wax badan ayaa laga sheegi doonaa maalmaha soo socda macnaha ay lahayd xukunkeeda taariikhiga ah.
Anigu, waxaan waayey ayeydeey. Isaga oo hadalka sii watana wuxuu yiri: Waxay ahayd dhinacayga xilliyadayda farxadda badan. Waxayna ila joogtay maalmihii ugu murugada badnaa nolosheyda. Waan ogaa inay maalintani iman doonto, laakiin waxay xaqiiqdii nolosha ahaan doontaa mid adag ayeydeey la'aanteedna cidlo ayaanna dareemi doonaa."
"Amiirka 40 jirka ah wuxuu sheegay markasta uu 'ka murugooda' geerida Boqoradda haddana si aad ah uu ugu faano "faa'idooyinki laga dhaxlay boqoradda iyo dammaanaddeedi nolosha."
"Carruurteyda seddexda ah xilliyada fasaxa waxay la qaadan jireen ayeydeey waxayna ka dhaxleen xasuus aad u wanaagsan oo ay weligood la noolaanayaan," ayuu sii raaciyey.
Wuxuuna intaa ku daray inuu doonayo inuu 'u mahadceliyo' ayeeydii "naxariistii faraha badneyd ee ay u muujisay qoyskayga iyo anigaba," iyo sida ay tusaalaha noogu noqotay bulshada in si daacad ah loogu adeego.
Qoraalkiisana wuxuu Amiirka ku soo gabagabeeyey: "Ayeeydeey waxay caan ku ahayd in murugadu tahay qiimaha aan ku bixinno jacaylka. Dhammaan murugada aan dareemi doonno toddobaadyada soo socda waxay caddayn u noqon doonaan jacaylka aan u qabno boqoraddayada aan caadiga ahayn ee geeriyootay."
"Daqiiqado ka dib markii William uu sii daayay bayaankiisa, waxaa lagu dhawaaqay in aaska boqoradda uu dhici doono maalinta Isniinta, oo ku beegan 19-ka Sebtembar, uuna ka dhacayo Westminster Abbey.
Charles ayaa noqday Boqorka cusub kadib geeridii ku timid hooyadii Boqorad Elizabeth II. Kulan taariikhi ah oo Sabtidi dhacay ayaa Boqorka waajibaadkiisa lagu shaaciyey.
Amiir William ayaa ahaa qofki ugu horeeyay ee saxeexa ku dhawaaqista boqornimadiisa, isaga oo si taxadar leh qalin ugu soo qaatay gacantiisa bidix ka hor inta aanu saxeexin diiwaanka taariikhiga ah.
Markii ugu horreysay ayaa munaasabaddaasi taariikhiga ah oo boqorka lagu caleema saarayey telefishiinka si toos ah looga baahiyey.
Munaasabaddaasi oo ay ka soo qayb galeen 200 oo xubnood oo ka tirsan Golaha Xilwareejinta ah oo ay ka mid yihiin Rayisal wasaarayaal hore Boris Johnson, Theresa May, David Cameron, Gordon Brown, Tony Blair iyo John Major.