Iiraan ayaa sidan ku hanjabtay haddii ciidankeeda lagu daro liiska argagixisada

Ciidammo fuulaya gaadiidka ciidanka

Xigashada Sawirka, Reuters

Published

Dawladda Iran ayaa ku hanjabtay inay “tallaabo lamida” qaadeyso hadii ay midowga Yurub liiska aragagixisada ku daraan ciidamada ilaalada kacaanka Iran.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amir Abdollahian, ayaa sheegay in uu jiro qorshe la doonayo in xubno ka tirsan ciidamada dalalka Yurub lagu daro liiska uu dalka Iran u aqoonsanyahay argagixisada.

"Baarlamaanka (Iraan) wuxuu ka shaqeynayaa sidii xubnaha ciidamada dalalka Yurub loogu dari lahaa liiska argagixisada," ayuu C/llaahian ku daray qormada bartiisa Twitter-ka.

Arbacadii la soo dhaafay, baarlamaanka Yurub ayaa u codeeyay in Ilaalada Kacaanka Iran lagu daro liiska argagixisada Midowga Yurub, sababo la xiriira xakamaynta ay ku hayaan dadka mudaaharaadaya iyo inay siiyaan Ruushka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn awgeed.

Ilaalada Kacaanka ayaa dusha kala socda ciidamada Maleeshiyada Basij, kuwaas oo loo adeegsaday in lagu damiyo Mudaaharaadyadii looga soo horjeeday Dowladda ee hor seeday dhimashadii Mahsa Amini oo sibteembartii lasoo dhaafay dalkaas ku dhimatay.

In kasta oo codka baarlamaanka Yurub aanu ahayn mid ku xiran dalalkooda, haddana waxa uu ku soo beegmayaa kulanka ay yeelanayaan wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, kuwaas oo lagu wado in ay si dhab ah maalmo gudahood uga wadahadlaan xoojinta cunaqabataynta ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Amir Abdollahian iyo Madaxa Ilaalada Kacaanka, Sarreeye Gaas Xuseen Salaami, ayaa ka qayb galay fadhi albaabadu u xidhnaayeen oo ka dhacay Baarlamaanka Iran, subaxnimadii Axadda, kaas oo looga hadlayay tallaabada uu qaaday Baarlamaanka Yurub.

"Baarlamaanka Yurub wuu is toogtay," ayuu Abdollahian ku yiri bartiisa Twitter-ka, isaga oo intaa ku daray in jawaabtu ay noqon doodnto "jawaab u qalanyta".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

 Axadii, afhayeenka baarlamaanka Iran Mohammad Baqer Qalibaf ayaa ku dhawaaqay in sharci-dejintu "si degdeg ah oo go'aan leh uga aargudan doonaan tallaabo kasta oo macnaheedu noqon karo in Ilaalada Kacaanka lagu daro liiska cunaqabataynta ama liiska kooxaha argagixisada."

Qalibaf, oo horay u soo noqday taliyaha ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka, ayaa intaa ku daray in baarlamaanku "u uku dari doono ciidamada dalalka Yurub... kooxaha argagixisada."

Ilaalada Kacaanka ayaa dusha kala socda ciidamada Basij, kuwaas oo loo daabulay mudaharaadyo ka dhashay dilka Aamini, oo 22 jir ah, ka dib markii lagu eedeeyay in ay ku xad-gudbeen nidaamka asturaadda dumarka.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa qirtay dilka iyo xariga boqolaal qof oo ka dhacay bannaanbaxyada, balse waxay sheegeen in xubno ka tirsan ciidamada ammaanka ay sidoo kale dileen dibadbaxayaashu.

Ilaalada Kacaanka waxa la aas aasay wax yar ka dib Kacaankii Islaamiga ahaa 1979. Waxa ay si toos ah u hoos tagaan Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatullah Ali Khamenei. Waxay leeyihiin ciidammo dhul, kuwa bad iyo kuwa circa oo u gaar ah.

Maraykanku waxa uu horeba ugu daray Ilaalada Kacaanka iyo cududdiisa shisheeye ee Quds Force, liiska “ururada argagixisada shisheeyaha ah.