22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Xigashada Sawirka, .
Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo dhowr dal oo Yurub ah, ayaa Khamiistii soo saaray bayaan wadajir ah oo ay uga digeen Iiraan inay joojiso weerarrada ka dhanka ah dadka ku sugan "dhulkooda." Waxa kale oo ay cambaareeyeen waxa ay ku tilmaameen "shirqool" ay kooxo ay Iiraan taageerto ku doonayaan inay ku weeraraan dad ku sugan dalalkooda.
Bayaankan waxaa lagu eedeeyay hay'adaha amniga ee Iiraan inay "isticmaalayaan shabakado dembiileyaal caalami ah iyo kuwo maxalli ah si ay uga fuliyaan qorshayaal Yurub, Waqooyiga Ameerika, iyo Australia."
Dalalkan ayaa bayaankooda ku xusay weerarro lala beegsaday bulshooyinka Yuhuudda, suxufiyiin Iiraaniyiin ah, iyo suxufiyiin Mareykan ah, iyagoo sheegay in mas'uuliyadda falalkan ay sheegatay kooxda lagu magacaabo Ashab al-Yamin al-Islamiya Movement, taas oo lagu sheegay inay "la safan tahay Iiraan."
Kooxdan oo aan si weyn loo aqoon ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarro dab- lagu qabadsiiyay goobo macbad ah iyo xarumo bulsho oo ku yaalla Golders Green magaalada London, halkaas oo ay ku nool yihiin mid ka mid ah bulshooyinka Yuhuudda ee ugu ballaaran London.

Xigashada Sawirka, IRIB News Agency
Dhaqdhaqaaqa Ashab al-Yamin al-Islamiya ayaa sidoo kale sheegtay mas'uuliyadda dhacdooyin kale oo ka dhacay Yurub bilihii la soo dhaafay, kuwaas oo ay ka mid yihiin weerar lagu qaaday Macbadyo ku yaalla Liège ee Belgium, iyo qaraxyo ka dhacay Netherlands oo lala beegsaday macbadyo sunagog ku yaalla Rotterdam iyo dugsi Yuhuudu leedahay oo ku yaalla Amsterdam.
Iiraan ayaa mar walba beenisa inay wax lug ah ku leedahay weerarradan. Ka dib weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday bulshooyinka Yuhuudda ee London, Safaaradda Iiraan ee London ayaa soo saartay bayaan ay ku diidday eedeymahaas
bayaanka safaarada ayaa lagu yiri:"Shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan si buuxda ayay u diiddan yihiin nooc kasta oo naceybka Yuhuudda , dowladda Ingiriiskuna kama aysan jawaabin codsiyadii Iiraan ee ahaa in la keeno caddeymo ama dukumeenti arrintan la xiriira."

Xigashada Sawirka, getty
Bayaanka ay soo saareen 22-ka dal waxaa saxiixay dalalkan: Albania, Australia, Belgium, United Kingdom, Bulgaria, Canada, Jamhuuridda Jeega, Denmark, Estonia, Fransiiska, Finland, Jarmalka, Ireland, Latvia, Lithuania, Netherlands, New Zealand, North Macedonia, Norway, Burtaqiiska, Sweden iyo Mareykanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bayaanka dalalkan ayaa lagu yiri:"Isku dayga dilka, afduubka, handadaadda, cabsi-gelinta, ama weerar kasta oo kale oo lagu qaado shakhsiyaad ku sugan dhulka dalalka kale wuxuu xadgudub ku yahay madaxbannaanida qaran iyo xeerarka caalamiga ah,falalkan waa in si degdeg ah loo joojiyaa."
Bayaanka ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kululanayso xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka.
Mareykanka iyo Iran ayaa maalmihii u dambeeyay is-waydaarsanayay weeraro culus.
Weeraradan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay Mareykanka sheegeen in la soo riday diyaarad nooca helakobtarka ah oo mareykay meel u dhaw marin biyoodka Hurmuz.
Heshiis xabbad-joojin ah oo dhexmara Mareykanka iyo Iiraan ayaa la saxiixi karaa Axadda soo socota , sida uu xog-ogaal reer Galbeed ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo wadahadalladaasna la filayo inay ka dhacaan magaalada Geneva.
Ninka xog-ogaalka ayaa sheegay, in hadda la falanqeynayo tallaabooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo Iiraan ay ku adkeysaneyso in heshiiska ay qeyb ka noqoto joojinta weerarada lagu qaado dalka Lubnaan, halkaas oo ay Israa'iil ay ka geysato weeraro ka dhan ah kooxda Xisbullah.
Heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran, kaas oo la gaaray bilowgii bishii Abriil, hadda waxa la odhan karaa waxa uu qarka u saaran yahay inuu burburo kadib silsilad weerarro ah oo ka dhacay gobolka Bariga Dhexe.















