Sidee ayey hay'adaha Mareykanka dib ugu hagaajin karaan dhaawicii uu Trump u geystay dimuqraadiyadda? - maqaal lagu daabacay Foreign Policy

Siyaasadda Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Wargeysyada waxay maanta dib u eegayaan awoodda iyo xuduudaheeda, laga soo bilaabo raadkii uu ku reebay maamulka Trump dimuqraadiyadda Mareykanka, ilaa iyo dhaqdhaqaaqyadii dhallinyaro ee ku khasbay dowladda India in ay dib uga noqoto go'aan ay qaadatay, iyo muranka u dhexeeya Infantino iyo xiriirrada kubadda cagta.

Waxaan ku billaabeynaa wargeyska Foreign Policy iyo maqaal uu qoray qoraaga Howard W. French, kaas oo ku doodaya in su'aasha ugu muhiimsan ee hortaalla Maraykanka aysan ahayn oo kaliya natiijooyinka doorashooyinka dhexe ama cidda beddeli doonta Donald Trump, balse ay tahay inta ay le'eg yihiin awoodda ay u leeyihiin hay'adaha Maraykanku in ay dib u hagaajiyaan dhaawaca uu sheegay in Trump u geystay dimuqraadiyadda iyo sumcadda dalka.

French wuxuu aaminsan yahay in taariikhyahannadu ay Trump ku dari karaan madaxda Maraykanka ee ugu saamaynta badnaa, balse wuxuu xusay in "taasi aysan khasab ka dhigayn in saamayntaasi noqoto mid wanaagsan." French aragtidiisa waxay tahay, qofka beddeli doona Trump wuxuu wajahaya caqabado ay ka mid yihiin hoos u dhaca isbahaysiyada Maraykanka ee Yurub iyo Baasifigga, iyo hay'adaha cilmi-baarista oo hoos u dhacay.

Qoraagu wuxuu intaas ku darayaa in Trump uusan "kaliya" weerarin warbaahinta iyo qiyamka la xiriira xuquuqda aadanaha, ku dhaqanka sharciga iyo habraacyada caddaaladda, balse wuxuu sidoo kale "muuqaal ahaan u muujiyay bogaadin qaabka hoggaamineed ee ay adeegsadaan dhowr hoggaamiye oo kali-talis ah." Si kastaba ha ahaatee, French wuxuu rumaysan yahay in dhaxalka ugu khatarta badan uu noqon karo wax uu ku tilmaamay "musuqmaasuqa shaqsiyadeed iyo kan hay'adeed" ee uu sheegay in maamulka Trump uu sii ballaariyay.

French wuxuu sidoo kale ka hadlay isku day lagu doonayay in $1.8 bilyan oo lacagta canshuur-bixiyeyaasha ah magdhow ahaan loo siiyo dad sheegtay in si caddaalad-darro ah loogu soo oogay dacwado federaal ah, kuwaas oo ay ku jiraan dadka lagu eedeeyay dambiyada la xiriira weerarkii lagu qaaday dhismaha Capitol, 6-dii Janaayo 2021-kii.

Weerarkii taageerayaasha Trump ee Capitol

Xigashada Sawirka, Getty Images

Isku daygan ayaa Trump iyo saraakiil hadda joogta iyo kuwii hore u ogalaan lahaa in ay dalbadaan magdhow. Qorshahaasi wuxuu sidoo kale ka koobnaa xannibaado ballaaran oo lagu hor istaagayo baaritaannada canshuuraha ee la xiriira Trump, xubnaha qoyskiisa iyo shirkadihiisa. Wuxuu French tilmaamay in mashruucan uu weli hakad ku jiro sababo la xiriira dacwooyin sharci iyo diidmada xubno ka tirsan Senate-ka.

Qoraagu wuxuu dhaliilay xubno ka tirsan qoyska Trump, isaga oo tilmaamay in Melania Trump ay Amazon ka heshay ugu yaraan $28 milyan taas oo uga timid xuquuqda rukhsadda dokumentari laga sameeyay nolosheeda. Sidoo kale wuxuu xusay faa'iidooyinka uu Donald Trump Jr. ka helay maalgashiyada lacagaha dijitaalka ah.

Qoraagu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Jared Kushner in uu isku daray hawlihii diblomaasiyadeed ee uu u fulinayay madaxweynaha, inkastoo uusan haynin xil rasmi ah oo dowladeed, iyo heshiisyo maalgashi oo waaweyn oo uu ka sameeyay Bariga Dhexe, Yurub iyo gobollo kale.

Wuxuu qoraaga ku doodayaa in dhaqamadan ay sawir ka bixinayaan sida awoodda siyaasadeed loogu beddelay il dhaqaale oo faa'iido laga helo.

Qoraagu wuxuu sheegayaa in caqabadda ugu weyn ee horytaal mustaqbalka dimuqraadiyadda Maraykanka aanan jawaab loo hayn. Musuqmaasuqa baahsan ee lagu eedeeyo maamulka Trump ma si joogto ah ayuu u beddelay hab-dhaqanka siyaasadda Maraykanka, mise hay'adaha dalka, labada xisbi ee waaweyn iyo garsoorku waxay dib u soo ceshan karaan awooddoodii?

Guusha Abhijit Deepki

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Warbixin uu qoray Michael Stott oo lagu daabacay Financial Times ayaa sawir ka bixinaysa Abhijit Deepki, oo ah aasaasaha dhaqdhaqaaqa dhallinyarada ee loo yaqaan "Xisbiga Baranbarada". Olole si kaftan loogu dhaliilay cilladaha nidaamka waxbarashada India ayaa isu beddelay dhaqdhaqaaq mudaaharaad oo ballaaran.

Deepki oo 30 jir ah ayaa dib ugu laabtay magaalada uu ku dhashay ee Chhatrapati Sambhajinagar, halkaas oo ay taageerayaashiisa iyo qoyskiisu ubax ku soo dhaweeyeen. Ardaygan xiriirka bulshada ka barta magaalada Boston, oo dhowr bilood ka hor shaqo raadinayay, ayaa maanta noqday qof si weyn looga yaqaan guud ahaan India, kadib markii ololihiisii internetka uu rajo iyo dhiirrigelin u noqday malaayiin dhallinyaro ah oo ka niyad jabay helitaanka shaqooyin mushaar wanaagsan leh.

Deepki wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqu uusan hore u qorshaysnayn, balse uu bilowday kadib markii uu akhriyay hadal uu jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, kaas oo uu dhallinyarada la barbar dhigay baranbaro ama cayayaan, sababta oo ah waxay muujiyeen aragtidooda.

Dibadbaxyada India

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markii taageeradu sii korodhay, taageerayaashiisu waxay ku dhiirrigeliyeen in uu ololaha internetka u beddelo dhaqdhaqaaq dhab ah. Sidaas darteed ayuu dib ugu soo laabtay India.

Wargeysku wuxuu xusay in dowladdu filaysay in dhaqdhaqaaqu si degdeg ah u baaba'i doono, balse Deepki, oo kasoo jeeda qoys ka tirsan bulshada Dalit, oo taariikh ahaan la takoori jiray, uu sii watay ololihiisa isaga oo ka duulaya mabda'a Mahatma Gandhi iyo B.R. Ambedkar, oo ka mid ahaa qorayaashii ugu muhiimsanaa dastuurka India kaddib xornimada.

Dhanka kale, dowladda Narendra Modi waxay ku rajo weyn tahay in tallaabooyin degdeg ah oo lagu hagaajinayo arrimo ay ka mid yihiin nidaamka imtixaannada ay yareyn doonaan taageerada iyo xamaasadda uu dhaqdhaqaaqu kasbaday.

Miyuusan Infantino ogeyn inta ay awoodiisa la egtahay?

Trump iyo Infantino

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maqaal ay ku qortay wargeyska The Guardian Marina Hyde, waxay si kaftan iyo dhaleeceyn isugu jirta uga hadashay qorshihii Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ee ahaa in saamiyo ka mid ah Koobka Adduunka laga iibiyo maalgashato. Waxay sheegtay in qorshahaasi uu dhaliyay diidmo ballaaran oo uga timid xiriirrada kubadda cagta.

Qorshahan, oo FIFA markii dambe dib uga laabatay, wuxuu soo jeedinayay in la dhiso shirkad ganacsi oo hoos timaadda FIFA si ay u maamusho tartamada waaweyn, oo uu ku jiro Koobka Adduunka, iyadoo maalgeliyayaal dibadeed loo oggolaanayo in ay ka iibsadaan saamiyo shirkaddaas.

Hyde waxay tilmaantay in dhammaan 55-ka xiriir ee xubnaha ka ah UEFA ay si aqlabiyad buuxda ugu codeeyeen inay qaadacaan tartamada FIFA, oo uu ku jiro Koobka Adduunka, haddii Infantino uu hirgeliyo qorshihiisa. Sida ay qoraagu sheegtay, taasi waxay ka dhigan tahay in xitaa Spain iyo Portugal, oo martigelinaya koobka soo socda, ay qaadici karaan tartanka, taas oo noqoneysa in Madaxweynaha FIFA uu isku dayayo in uu iibiyo saamiyo tartan laga yaabo in ay ka maqnaadaan inta badan xulalka ugu awoodda badan dunida.

Qoraagu waxay aaminsan tahay in Infantino uu si xad-dhaaf ah u qiyaasay awooddiisa, Infantino waxaa saameeyay xiriirka dhow ee uu labadii sano ee la soo dhaafay la lahaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Qaraagu waxay sheegtay in madaxweynaha FIFA uu u qaatay sida Trump uu u jabiyo xeerarka siyaasadeed I uu isna u dhaqmi karo.

Fashilka Infantino ee arrintan ayaa ah calaamad muujinaysa in maalmahiisa hoggaaminta FIFA ay sii dhammaanayaan.