TOOS, Maraykanka oo qorshaynaya weerar ballaadhan oo dhan ah Iiraan iyo Tehraan oo xidhitaanka Marinka Hormuz sii adkaynaysa

Madaxweyneha Maraykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu Iiraan ku qaadi doono weerarro uu ku tilmaamay "kuwo aad u daran" iyo Iiraan oo dhankeeda ka jawaabtay.

Kooban

  • Ciidamada Israa'iil oo gudaha u galay magaalada Asira al-Shamaliyah oo dhacda waqooyiga Nablus.
  • Xuutiyiinta oo beeniyay in ay lacag ka qaadayaan Maraakiibta maraysa Badda Cas
  • Israa'iil ayaa sheegtay in aanay ciidammadeeda kala bixi doonin Gaza ilaa ay Xamaas "si buuxda hubka u dhigto."

Tebin toos ah

  1. Doonn laga leeyahay Iran oo ku luntay badda Cumaan

    Wakaaladda wararka ee IRNA ayaa sheegtay in tan iyo 7-dii May, maalmihii ugu horreeyay ee xabbad joojinta Iran iyo Mareykanka, la waayay doon kalluumeysi oo ay la socdeen toddoba iyo toban shaqaale ah.

    Sida warbixinta lagu sheegay, ma jiro wax war ah oo ku saabsan doontaan kalluumeysiga ah tan iyo markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ay rasaas ku fureen maraakiibta badda Cumaan xilligaasi, iyagoo doonayay inay kala eryaan maraakiibta.

    IRNA ayaa ku warantay in magaca doonida lagu magacaabo Shahin 2, dadka la socdana ay yihiin kalluumaysato kasoo jeeda deegaanka Konarak ee gobolka Hormozgan.

    Sida laga soo xigtay warbixintan, xiriirkii ugu dambeeyay ee doontaan wuxuu ahaa daqiiqo subaxnimadii May 7, oo ay 70 mayl u jirtay xeebta Cumaan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  2. Sarkaal Israa'iil u dhashay oo ku dhawaacmay dagaal dhexmaray ciidamada Xisbullah iyo Israas'iil

    Ciidamada Israa'iil ayaa shaaciyay in mid ka mid ah askartooda uu ku dhaawacmay xalay intii lagu guda jiray "isku-dhac fool-ka-fool ah" oo dhexmaray iyaga iyo xoogagga Xisbullah ee koonfurta Lubnaan, inkastoo uu jiro heshiis xabbad-joojin ah.

    Ciidamada Israa'iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in askariga dhaawacmay uu ahaa sarkaal ciidan.

    Wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan Beirut ayaa sheegtay inay la xiriirtay Xisbullah si ay u hesho jawaabtooda ku aaddan warkaas, balse kooxdu kama aysan hadlin arrintaas.

    Xisbullah ayaan wax mas'uuliyad ah ka sheegan wax weerarro ah muddo ku dhow hal bil iyo bar.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  3. Mareykanku wuxuu gobolka ku riixaya dagaal baahsan, sida uu sheegay taliye Irani ah.

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ali Abdullahi, oo ah taliyaha Xarunta Taliska Khatam al-Anbiya — oo ah hay'adda masuulka ka ah maamulka dagaalka Iran — ayaa bayaan laga sii daayay telefishinka qaranka ku sheegay in "Mareykanku uu si xawli ah ugu sii socdo dagaal heer gobol ah, sababo la xiriira istiraatiijiyad khatar ah oo ujeeddadeedu tahay ballaarinta iyo helitaanka awood-sheegasho sharci-darro ah oo ka jirta guud ahaan gobolka."

    Ali Abdullahi ayaa intaas ku daray in Mareykanku uu dagaalkiisii ​​ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Iran ku caddeeyay inuusan "ka waabanayn inuu waxyeelleeyo ama xitaa burburiyo danaha iyo kheyraadka Muslimiinta si uu u gaaro ujeeddooyinkiisa gurracan."

    Sida ay sheegtay BBC-da Carabiga, Taliye Ali Abdullahi ayaa uga digay waddamada gobolka inay la shaqeeyaan Washington inta lagu guda jiro khilaafka, isagoo yiri: "Waddan kasta oo Mareykanka u adeegsada gaashaan difaac ah, waxaa gubi doona dabka dagaalka."

    Wuxuu ku boorriyay waddamada Islaamka inay dib u eegis ku sameeyaan xiriirka ay la leeyihiin Mareykanka, wuxuuna sheegay inay tahay inay garwaaqsadaan in Washington ay ka faa'iidaysanayso raasamaalkooda, hantidooda, kaabayaasha muhiimka ah iyo kheyraadka istiraatiijiga ah, isla markaana ay u adeegsanayso "gaashaan difaac u ah ciidankeeda, iyadoo isla markaasna xoojinaysa amniga 'dawladda sahyuuniga '."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  4. Waxaan burburinnay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee cadowga: Ciidamada Kuwait ayaa sidaas sheegay.

    Ciidamada milatariga Kuwait ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inay ogaadeen oo ay burburiyeen "diyaarado aan duuliye lahayn oo cadawga leeyahay" kuwaas oo soo galay hawada dalka tan iyo subaxnimadii maanta.

    Sida ay sheegeen ciidamada Kuwait, 'weerar ay Iiraan qaadday' ayaa sidoo kale lagu beegsaday goobo muhiim ah oo dalka ku yaalla.

    Milatarigu waxay sheegeen in la beegsaday xarun dowladeed oo ku taal waqooyiga Kuwait iyo goobo rayid ah oo xiriir la leh shirkad ka hawlgasha jasiiradda Bubiyan.

    Sida lagu sheegay bayaanka, burbur ayaa ka dhashay haraadiga iyo qaybo ka mid ah walxaha weerarka loo adeegsaday oo soo dhacay, balse lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  5. Qatar oo sheegtay inaysan waxba ka ogeyn saddex duuliye oo u dhashay Iran: Afhayeenka ciidamada Iran.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afhayeenka ciidamada Iran, Amir Mohammad Akramian, ayaa sheegay in "Qatar ay sheeganayso inaysan waxba ka ogeyn saddexdii duuliye ee Iran u dhashay ee la waayay ka dib markii ay soo rideen nidaamyada difaaca cirka ee Qatar bishii Maarso ee sanadkan."

    Isagoo ka hadlayay barnaamij laga baahiyay telefishinka dowladda, ayuu Amir Mohammad Akramian yiri, "Baaritaankeenii weli wuu socdaa, balse Qatar waxay sheeganaysaa inay waxba ka ogeyn saddexdan duuliye," sida ay ku warrantay BBC Persian.

    Sida ay sheegeen warbaahinta Iran, 11-kii Maarso 2026, laba diyaaradood oo dagaal oo noocoodu yahay Sukhoi-24 kana tirsan Ciidanka Cirka ee Iran ayaa weeraray saldhigga cirka ee Al-Udeid ee dalka Qatar, balse waxaa soo riday nidaamyada difaaca cirka ee Qatar xilli ay ku soo laabanayeen dhanka Gacanka Carabta (Persian Gulf).

    Sida ay wararku sheegayaan, meydka Major Majid Kazemi, oo ahaa duuliyihii mid ka mid ah diyaaradahaas, ayaa dhawaan dib loogu celiyay Iran, iyadoo aan weli la helin wax xog ah oo la hubo oo ku saabsan saddexda duuliye ee kale ee Iran u dhashay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  6. Ciidamada Israa'iil oo gudaha u galay magaalada Asira al-Shamaliyah oo dhacda waqooyiga Nablus

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa, ciidamada Israa'iil waxay weerareen tobanaan guri oo ku yaal magaalada Asira al-Shamalia, oo ku taal waqooyiga magaalada Nablus ee Daanta Galbeed ee la haysto, subaxnimadii hore ee Sabtida.

    Iyada oo soo xiganaysa ilo amni, Wafa ayaa tiri, "Ciidanka Israa'iil waxay galeen meelo kala duwan oo magaalada ah waxayna baareen dhowr guri."

    Sida laga soo xigtay warbixinta, saraakiisha Israa'iil waxay guri ku ururiyeen dhowr muwaadin oo Falastiiniyiin ah waxayna ka dhigeen xarun su'aalo weydiin oo ku meel gaar ah, halkaas oo lagu wareystay.

    Warbixinta Wafa isla markiiba ma soo sheegin wax xarig ah ama khasaare ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  7. Xuutiyiinta oo beeniyay in ay lacag ka qaadayaan Maraakiibta maraysa Badda Cas

    Markab

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Hay’adda Isku-xidhka Arrimaha Badda ee ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen ayaa beenisay wararka sheegaya in kooxdu qorsheynayso in ay canshuur ama khidmad ka qaaddo maraakiibta ganacsiga ee mara Marinka Baab al-Mandab.

    Hay’addu waxay bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay in “aan wax go’aan ah laga gaadhin arrintan, isla markaana maritaanka maraakiibta ee marin-biyoodkan muhiimka ah uu weli yahay mid xor ah.”

    Jawaabtan ayaa timid kaddib markii wakaaladda wararka ee Reuters ay Arbacadii sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan gobolka, in dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Iiraan taageerto uu qorshaynayo in uu lacag ka qaado maraakiibta ganacsiga ee mara koonfurta Badda Cas, kaddib markii Sacuudi Carabiya ay ku dhawaaqday xannibaad badeed.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  8. Israa’iil ayaa sheegtay in aanay ciidammadeeda kala bixi doonin Gaza ilaa ay Xamaas “si buuxda hubka u dhigto.”

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mas’uul sare oo Israa’iili ah ayaa sheegay in ciidammada Israa’iil anay ka bixi doonin goobta ay hadda kaga sugan yihiin Gaza ilaa kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas ay “si dhab ah hubka u dhigto.” Dhanka kale, Xamaas ayaa sheegtay in ay wareejin doonto hubkeeda culus oo keliya haddii Israa’iil ay joojiso “dhammaan noocyada gardarrada ah” ee Gaza isla markaana ay ciidammadeeda oo dhan kala baxdo. Arrintan ayaa timid kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Guddiga Nabadda uu gaadhay heshiis ku saabsan “hub ka dhigis buuxda” oo lagu sameeyo Xamaas iyo kooxaha kale ee hubaysan ee Gaza.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  9. Caddaymo cusub oo muujinaya in khasaare uu soo gaadhay saldhigyada Maraykanka xidhiidhka la leh ee Bariga Dhexe

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sida lagu sheegay baaritaan ay samaysay BBC Verify, weerarrada Iiraan ayaa sababay burbur dheeraad ah oo soo gaadhay saldhigyo millitari oo xiriir la leh Maraykanka iyo xarumo rayid ah oo ku yaalla dalal Carbeed oo dhowr ah, inkastoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu hore u sheegay in awoodaha millitari ee Tehraan la burburiyay.Kooxda baaritaanka ee BBC Verify ayaa heshay caddaymo muujinaya waxyeello ka soo gaadhay ugu yaraan sagaal saldhig millitari iyo xarumo muhiim ah oo ku yaalla Kuwait, Baxrayn, Ciraaq iyo Urdun, kaddib markii xiisadaha cusub ay billowdeen 12-ka July 2026.

    Falanqaynta sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaysa in caddaymo cusub oo ku saabsan burburka goobahan oo soo baxay tan iyo 12-ka July, halka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu bishii Juun 2026 sheegay in awoodaha millitari ee Iiraan ay ahaayeen “kuwo la burburiyay.”

  10. Trump oo ka hadlay cidda gaysatay weerar internet-ka ah oo ka dhacay Minnesota

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanu rumaysnayn in Iiraan ay ka dambeysay weerarkii dhowaan lagu qaaday nidaamyada biyaha ee gobolka Minnesota, inkastoo warbixinno ay tilmaamayaan in qaar ka mid ah saraakiisha Maraykanka ay tuhunsan yihiin doorka ay Tehran ku leedahay arrintan.

    "Waxaan maqalnay in uu jiray weerar dhanka internetka ah oo ka dhacay Minnesota, waxaana lagu eedeynayaa Iiraan," ayuu Trump ka sheegay kulan golaha wasiirrada ah, sida ay sheegtay Reuters. "Anigu sidaas uma malaynayo," ayuu yidhi, isagoo eedda dusha ka saaray mas'uuliyiinta gobolka iyo Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota Tim Walz, isaga oo aan soo bandhigin wax caddayn ah.

    Mr. Walz ayaa kaga jawaabay oo sheegay in Donald Trump uu og yahay cidda ka dambeysay weerarka, isla markaana gobollo kale oo Maraykan ahna la beegsaday.

  11. Walax aan la aqoonsan oo ku dhacday Markab shidaal marayay meel u dhow Cummaan

    Hay’adda UK ugu qaybsan Hawlgalka Gancsiga Bahdaha ayaa ku sheegtay in markab shidaal sid ay ku habsatay walax aan weli la aqoonsan, xilli uu marayay qiyaastii meel 20 km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Liwa ee Cummaan.

    Sida uu sheegay mas’uulka amniga ee shirkadda leh markabka, walaxda ku dhacday waxay waxyeello u gaysatay qolka matoorka, taasi oo sababtay in markabku aanu mar dambe awoodin in uu iskiis u sii wato safarkiisa.

    Ciidanka ilaalada xeebaha ee deegaanka ayaa lagu wargeliyey dhacdada, waxaana ay mas’uuliyiintu bilaabeen baaritaan ku saabsan weerarka.

  12. Iiraan ma waxay nabadda ka doorbixdaysaa dagaal xaddidan oo ay la gasho Maraykanka?, Amir Azimi, BBC Persian

    Sida ay falanqeeyayaashu qabaan, weerarkii lama filaanka ahaa ee Iiraan ay dhowaan ku qaadday saldhig Maraykan ah oo ku yaalla Urdun wuxuu u ekaa mid aan si fudud loo fahmi karin. Weerarkaas wuxuu soo afjaray hakad dhowr maalmood socday oo ku yimid iska horimaadka tooska ah ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan, wuxuuna sababay in Washington ay dib u bilowdo duqeymaha gudaha Iiraan.

    Weerarkaas wuxuu sii adkaanayaa in la sharxo haddii mudnaanta Tehran ay ahayd in la gaaro xabbad-joojin. Hase yeeshee, haddii hoggaamiyeyaasha Iiraan ay rumaysan yihiin in iska horimaad xaddidan oo la xakamayn karo uu siin karo awood dheeraad ah oo gorgortan ah, markaas go'aankaasi wuxuu noqon karaa mid la fahmi karo.

    Mid ka mid ah sharraxaadaha suurtagalka ah ayaa ah in Tehran ay aaminsan tahay in inkastoo uu halis leeyahay, dagaal xaddidan ay dani ugu jirto marka loo eego nabadda.

    Waqtigan xaadirka ah, labada dhinac midkoodna uma muuqdo in uu diyaar u yahay dagaal buuxa. Washington waxay muujisay dano yar oo ay u qabto dagaal ballaaran oo gobolka ka dhaca, kaas oo khatar gelin kara kaabayaasha tamarta, soo jiidan kara dalal kale, sare u qaadi kara qiimaha shidaalka, isla markaana culays dheeraad ah saari kara ciidammada Maraykanka.

    Dhanka kale, Iiraan sidoo kale waxay u muuqataa in ay isku dayayso in ay ka fogaato dagaal buuxa, maaddaama nidaamyadeeda difaaca cirku ay daciifeen, kaabayaasheeda warshaduhu ay nugul yihiin, dhaqaaluhuna uu wajahayo cunaqabateyn adag, taas oo sii adkaynaysa isla markaana qaali ka dhigaysa dib u dhiska dalkaasi.

    .

    Xigashada Sawirka, .

  13. Maraykanka oo ku hanjabay in uu weerari doono Iiraan iyo jawaabta ay Terhaan ka bixisay

    Warbaahinta The Wall Street Journal iyo CBS News ayaa sheegay in Maraykanku isku diyaarinayo weerar ballaadhan oo lagu beegsanayo kaabayaasha tamarta ee Iiraan, kaas oo la sheegay invuu bilaaban karo maanta ama berri, islamarkaana ay suurtagal tahay in Israa'iil ay qayb ka noqoto.

    The Wall Street Journal waxay sheegtay in Madaxweyne Donald Trump uu amar ku bixiyay weerarradaas, halka CBS News ay werisay in amarka kama dambaysta ah aan weli la soo saarin.

    Iyagoo ka jawaabaya arrintaas, ayaa mas'uuliyiinta Iiraan waxa ka digeen in weerar kasta oo hor leh oo lagu qaado dalkooda lagaga jawaabi doono falcelin ballaadhan, waxayna sheegeen in sii socoshada weerarrada Maraykanku ay “sii adkayn doonto xanibaadda Marinka Hormuz.”

  14. Subax Wanaagsan!

    Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC-da. Halkan waxa aan idiinku soo gudbin doonnaa wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda Bariga Dhexe, Soomaalida iyo adduunyada inteeda kale.