Saddex Soomaali ah oo xuddun u ahaa seddax doorasho oo Kenya ka dhacday

Xigashada Sawirka, Ahmed Isaaq/Kenya Police/Daily Nation
Kenya waxaa marar badan ka dhacay doorashooyin ay hareeyeen muran iyo khilaaf, waxaana ugu darneyd rabshadihii doorashada ay dadka badan ku dhinteen ee dhacay sanadkii 2007.
Doorashooyinka madaxtinnimada Kenya ayaa inta badan waxaa ka dhasha muranno mararka qaar isu rogo gacan ka hadal.
Waxaa xilliyadaas doorashada saameyn ku lahaa haddii ay ahaato xaqiijinta amniga iyo arrimo kaleba saraakiil Soomaali ah.
Waxaan halkan ku eegeynaa saddexda qof ee Soomaalida ahaa ee udub dhexdaadka u ahaa doorashooyinkii dhacay dowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.
Axmed Isaaq Xasan

Xigashada Sawirka, Axmed Xasan/Twitter
Axmed Isaaq wuxuu ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada Kenya sandkii 2013-kii kadib markii lagu murmay natiijada doorashada.
Xilliggaas, guddiga uu hoggaaminayay Axmed Isaaq waxaa hareeyay cilado farsamo oo ku yimid qalabkii doorashada.
Axmed oo ah qareen ayaa markii hore si kumeel gaar ah loogu dhiibay guddoomiyaha guddiga kadib rabshadihii doorashada inkasta markii dambe si rasmi ah loogu dhawaaqay in uu yahay guddoomiyaha 2011.
Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga ayaa dacwad ka gudbiyay natiijada doorashadii kadib markii lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta, maxkamadda ayaa markii dambe ayidday guusha Uhuru Kenyatta, Raila Odinga sidaas ayuu ku aqbalay go’aanka maxkamadda.
Major- Maxamed Xuseen Cali

Xigashada Sawirka, Daily Nation
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu ahaa taliyihii booliska Kenya xilliggii ay ka dhaceen rabshadihii doorashada sanadkii 2007-dii, waxaana xilka laga qaaday sanadkii 2009-kii kadib muddo lix sano ah uu xilka hayay.
Waxaana xilliggaas kadib loo magacaabay agaasimaha waaxda Boostada iyo is-gaarsiinta.
Waxaa xilliggaas socday cadaadis Kenya lagu saarayay in xilka ay ka qaaddo Maxamed Xuseen Cali kadib rabshadihii doorashada.
Booliska, ayaa waxa si kulul lagu eedeeyay in si sharci daro ah ay u laayeen in ka badan 400 qof xilligii ay socdeen rabshadihii ka dhashay natiijadii lagu murmay doorashadii la qabtay decembartii 2007-da.
Sidoo kale sarkaal sare oo Qaramada Midoobey ugu qaabilsan dhinaca xuquuqul aadaha, oo la yiraahdo Philip Alston, ayaa bishii labaad ee sannadkii 2009-kii ku baaqay in xilka laga qaado taliyahii Booliska iyo xeer ilaaliyahii guud ee Kenya.
Intii uu ahaa taliyaha booliska, waxa uu ku tallaabsaday oo uu meel mariyey isbaddalo dhowr ah, inkastoo haddana booliska si aad ah loogu eedeyey in ay ku lug lahayeen rabshadihii hareeyey dalka Kenya kadib doorashadii natiijadeeda lagu murmay.
Nuur Gaabow

Xigashada Sawirka, ADMINISTRATION POLICE SERVICE
Baraha bulshada Kenya waxaa harreeeyay hadal heyn ku aadan taliye ku xigeenka booliiska Kenya, Nuur Gaaboow oo ah sarkaal Soomaali ah oo ay shacabka ugu hambaleynayaan kadib tallaabada ay ku tilmaameen in uu ka hortagay in qalalaaso uu ka dhaco xaruntii lagu tirinayey codbixintii doorashadii guud ee Kenya ee Bomas ee markii damabana looga dhawaaqay natiijada.
Dadka qaar waxay Nuur Gaabow ugu yeereen ‘halyeey’ daacad ah oo aan wax cabsi ah muujin si uu dalkiisa u badbaadiyo.
Waxaa la sheegay in Nuur Gaabow uu shaley amar siiyay ciidamadiisa xaqiijinayay amniga xarunta looga dhawaayay natiijiada si ay sugaan amniga kadib markii uu buuq iyo jahwreer uu hareeyay Bomas xilli la sugayay in lagu dhawaaqo natiijada doorashada madaxtinimada.
Nuur Gaabow wuxuu xilal kasoo qabtay booliska Kenya oo uu ku biiray sanadkii 1989-kii.
Ka hor inta uusan noqon taliye ku xigeenka guud ee booliska wuxuu ka tirsanaa taliska maamulka kuleejka booliska.
















