Sababta maanta loogu badinayo in lagu dhawaaqo natiijada doorashada madaxweynaha Kenya

Guddiga Doorashada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Guddiga Doorashada
Published

Waqtiga ayaa ciriiri ku ah Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha ee Kenya (IEBC) oo laga sugayo ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxtinimada. Berri ayay ugu eg tahay waqtiga kama dambeysta ah ee uu dastuurku u oggolaanayo shaacinta natiijada.

Doorashadu waxay qabsoontay 9-kii bishan Agoosto oo ku beegneyd Talaadadii la soo dhaafay.

Soo-jeedimo gudaha ah iyo kuwo heer caalami ah ayaa soo baxaya, kuwaas oo ku talinaya dulqaad iyo deggenaan in lagu sugo natiijada.

Natiijooyin hordhac ah oo uu soo saaray guddiga IEBC ayaa muujinaya in ay aad isugu dhow yihiin labada murashax madaxweyne ee kala ah madaxweyne ku-xigeenka xilka dhameysanaya William Ruto iyo raysul wasaarihii hore Raila Odinga.

Labada murashax oo shalay fagaare ka hadlayay markii ugu horreysay tan iyo maalintii codeynta ayaa taageereyaashooda kula taliyay inay muujiyaan dulqaad, ayna si nabadgelyo ah u sugaan tirinta codadka ee waqtiga badan qaadatay.

Goormee la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada?

Waxaa isa soo taraya rajada laga qabo in dhowaan la ogaan doono natiijada la wada sugayo ee doorashadii madaxtinnimo ee Kenya ee qabsoontay toddobaadkii hore.

Miisaska loo isticmaalay in lagu xaqiijiyo natiijooyinka ayaa la nadiifiyay, waxaana xarunta codbixinta qaranka looga diyaar-garoobayaa in lagu dhawaaqo natiijada kama dambeysta ah.

Xarunta Bomas ee codadka lagu tirinayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xarunta Bomas ee codadka lagu tirinayo

Guddiga Doorashooyinka oo lagu dhaliilay inuu la raagay natiijada ayaa sheegay in uu si taxaddar leh u hubiyo natiijooyinka iyagoo u eegaya deegaan-doorashooyinka si ay uga fogaadaan soo noqoshada qaladaad horay u dhacay.

Sanadkii 2017, Maxkamadda ugu sarraysa Kenya ayaa laashay natiijooyinka doorashadii madaxweynaha ee la qabtay sanadkaas, iyadoo ku eedeysay guddiga IEBC inuu ku guul-darreystay inuu si wanaagsan u hubiyo natiijooyinka ka hor intii uusan ku dhawaaqin.

Shaacinta natiijada doorashada madaxweynaha ayay sida la filayo u badan tahay inuu guddigu maanta ku dhawaaqo.

Natiijooyinka Doorashada Kenya ee 2022

Si uu u guuleysto wareegga hore, murashaxu waa inuu helo 50% lagu daray hal ee codadka la dhiibtay iyo ugu yaraan 25% codadka 24 ka tirsan 47 deegaan


Cusbooneysiintii u dambeysay 15/08/2022, 18:59:28 EAT

Natiijooyinka rasmiga ah ee ee IEBC

Murashax Cod
William Ruto
50%
50.5%
7,176,141
William Ruto
7,176,141
Kenya Kwanza Alliance
Codad: 7,176,141
Ugu yaraan 25% codadka waddanka 39/47
Raila Odinga
48.8%
6,942,930
Raila Odinga 6,942,930
Azimo la Umoja Coalition
Codad: 6,942,930
Ugu yaraan 25% codadka waddanka 34/47
George Wajackoyah
0.4%
61,969
George Wajackoyah 61,969
Xisbiga Roots
Codad: 61,969
Ugu yaraan 25% codadka waddanka 0/47
David Mwaure
0.2%
31,987
David Mwaure 31,987
Xisbiga Agano
Codad: 31,987
Ugu yaraan 25% codadka waddanka 0/47
Murashaxiinta kale
0.6%
93,956
Murashaxiinta kale 93,956
1px transparent line

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Xudduuddaha Kenya, Wafula Chebukati wuxuu haystaa maalmo xaddidan oo toddobo ah si uu u shaaciyo natiijooyinka, kuwaas oo ka soo billaabanaya maalinta codeynta.

Waqtigaas dastuuriga ah wuxuu ku eg yahay berri oo Talaado ah, saacaddu marka ay tahay 5PM xilliga Afrikada Bari.

Halkee la kala marayaa?

Natiijooyinka hordhaca ah waxay muujinayaan in William Ruto uu tartanka ku hoggaaminayo tirooyin aan sidaas u badneyn.

Iyada oo lagu salaynayo tirada badan ee codadka la hubiyay ee laga helay deegaan-doorashooyinka waxaa la rajaynayaa in guddiga doorashadu uu hubiyo 50 deegaan-doorasho oo harsan ilaa maanta gelinka dambe.

Raila iyo Ruto

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haddii mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha loollamaya ay caddaato inuu soo baxay, waxay u badan tahay in ay dabbaal-dagyo sameeyaan taageerayaashiisa - balse keliya IEBC ayaa si rasmi ah u caddeyn karta qofka guuleystay.

Xaqiijinta natiijooyinka foomamka 34 A iyo 34 B ayaa la dhameystiray.

Wararka been-abuurka ah iyo doorashada

Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa beenisay warar la faafiyay oo ku saabsanaa in madaxweynaha dalkaas Joe Biden uu u hambalyeeyay Raila Odinga inuu noqday madaxweynaha shanaad ee Kenya.

War-saxaafadeed ay safaaraddu soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay bayaan ku faafay internet-ka oo loo saarinayay dowladda Mareykanka.

Maxaa xigi kara natiijada?

Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa la filayaa in uu soo saaro foom 34 C oo ah foomka ku dhawaaqista guusha, kaddibna uu soo saaro foomka 34 D, kaas oo lagula wareejin doono madaxweynaha la doortay xaflad ka dhaceysa Bomas.

Si uu wareegga koowaad ugu guulaysto tartanka madaxtinnimada, murashaxu wuxuu u baahan yahay:

  • in uu helo in ka badan kala bar dhammaan codadkii laga dhiibtay dalka oo dhan
  • inuu helo ugu yaraan boqolkiiba 25 codadka laga dhiibtay ugu yaraan 24 gobol.

Haddii kale waxaa la galayaa wareeg labaad oo codbixin ah, kaas oo sharcigu uu yahay inuu dhaco 8da Sebteembar.

Haddii uu mid ka mid ah xisbiyada ku qanci waayo natiijada, wuxuu haystaa 7 maalin inuu ku soo gudbiyo codsi uu uga soo horjeesanayo doorashada madaxtinimada.

Garsoorku waxa uu haystaa 14 maalin si uu go'aan uga gaaro dacwadda laga billaabo maalinta la xareeyay.

Yaa ku tartamaya Kenya?

Wax ka ogow musharrixiinta madaxweynaha Kenya

Dooro musharrax si aad u aragto taariikhdiisa

Raila Amollo Odinga

Isbaheysiga Azimio la Umoja

  • 77 jirkaan waxaa uu wax ka soo bartay jaamacadda farsamada ee Magdeburg ee loo yaqaano (Otto-von-Guericke Magdegburg) oo ku taalla Jarmalka.
  • Wuxuu ku tartamayaa xisbiga Isbahaysiga Azimio
  • Tani waa markiisii shanaad ee uu tartamayo. Wuxuu soo tartmay: 1997, 2007, 2013 iyo 2017
  • Odinga waa mid ka mid ah halyeeyadii u soo dagaalamay dimuquraadiga Kenya. Horay ayaa loo xiray.
  • Wuxuu noqday ra'iisul wasaare intii u dhaxeysay 2008 - 2013
  • Odinga wuxuu masuul ka ahaa mashaariic waawayn oo ay fulisay dawladii Kibaki, sida koronto galinta deegaanada miyga iyo mashruucii wadoooyinka
  • Kobcinta dhaqaalihiisa isaga oo sameynaya maal galinta ganacsiyo yaryar iyo qaybta warshadaha wax soo saara
  • Bixinta adeegyo caafimaad oo aasaasi ah
  • Tsiilaadka ciyaaraha iyo horumarinta bulshada
  • Kadib isku day afgambi oo dhacay 1 dii Agoosto ee sanadkii 1982 dii, Raila Odinga waa la xiray waxaana ku dhacay xukunno kala duwan, oo ay ka mid tahay khaa'inul wadanimo oo ah tii loo xiray iyada oo an cadeyn loo hayn. Gudiga dib u heshiisiinta iyo cadaaladda dhabta ah ayaa loo sheegay sanadkii 2011 in Odinga uu xariir lalahaa maskaxdii ka dambeysay afgambiga. Odinga marwalba wuu iska diidayay in uu ku lug lahaa afgambiga - Kaydka Taariikhda Kena

William Samoei Ruto

Isbaheysiga Kenya Kwanza

  • 55 jirkaan ayaa haysta shahaadada PhD oo uu ka diyaariyay Cilmiga Beeraha iyo Xaywaanka oo ku dhigtay jaamacadda Nairobi
  • Wuxuu u tartamayaa xisbiga Midowga Dimuquraadiyadda oo xulufo la ah ( Xisbiga Kenya Kwanza)
  • Wuxuu hugaamiyo u ahaa ururka sumcad xumadu ku dhacday ee Youth for Kanu '92 (YK'(92)
  • Wasaaradiisu waxay ahayd tan ugu wanaagsan xukuumadii ay ka tirsanayd xilligii uu ahaa Wasiirka Beeraha
  • Wuxuu noqday madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Kenya tan iyo markii la badalay dastuurka sanadkii 2010 kii
  • Wuxuu ahaa xildhibaan matala Wuqooyiga Eldoret sanadihii 1997 - 2007
  • Sanadkiiba $424 malyan oo doolar ayuu u quundeyn doonaa ganacsiyada yaryar
  • Wuxuu aasaasi doonaa santuuqa waxbarashada qaran oo bixiya cuntooyinka ardeyda
  • Wuxuu si buuxda u dhaqan galin doonaa sharciga jinsiga ee 3 meelood 2 isaga oo haween ka dhigay kala bar golahiisa wasiirada
  • 2008 dii maxkamadda Sare ee Kenya aya ku amartay mudane Ruto in uu soo ceelinyo beer 100-acre ah uuna bixiyo $62,500 oo uu siinayo Adrian Muteshi, oo ah beeraleey ku eedeeyay in uu xoog uga qaatay dhulka kadib doorashadii 2007 dii. - Sharciga Kenya
  • 2011 kii Ruto wuxuu wajahay dacwad ku aadan saddex dambi oo ka dhan ah bani'aadanimada: Dil, barakicin iyo dad uu si qasab ah uga soo waday deegaano iyo caddibaad uu u geystay dadweynaha taas oo la geeyay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah. Shan sano kadib maxkamadda ayaa lashay dawcadaha iyada oo sheegtay in eedeymuhu aysan haysan cadeymo ku filan

George Wajackoyah

Xisbiga Roots Party

  • 61 jirkaan ayaa laba mastar oo ku saabsan sharciga kahaysta jaamacadaha Warwick iyo Baltimore
  • Wajackoyah ayaa u tartamaya xisbiga Roots Party.
  • Wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan Laanta Khaaska ah xilligii dawladii Daniel Moi ka hor intii aan lagu qasbin in uu dalka isaga tago isaga oo ka cararaya dacwado ay ku soo oogi lahaayeen madaxdu.
  • Wuxuu aasaasay shirkad qareenada sannadii 2018
  • Wuxuu arrimaha sharciga iyo dhaqaalaha ka barayay jaamacada ku yaalla Mareykanka iyo Kenya
  • Sharciyaynta in maandooriyaha marijuana loo adeegsado wax soo saarka warshadaha
  • Inuu ka dhiga maalmaha shaqada Isniin ilaa iyo Khamiis
  • Caafimaad bilaash ah iyo taageerada dadka waawayn, kuwa jilicsan iyo haweenka uurka leh

David Mwaure Waihiga

Xisbiga Agano Party

  • David Mwaure wuxuu u tartamaya xisbiga Agano Party
  • Waa hugaamiyaha xibiga Agano
  • Wuxuu haystaa shaadada koobaad ee jaamacadda oo ka diyaariyay sharciga oo ka dhigtay jaamacadda Nairobi iyo shahaadada labaad oo uu ka diyaariya hugaaminta
  • Waa qareen sare isaga oo ku shaqeynayay sharciga in kabadan soddon sano.
  • Wuxuu leeyahay shirkad ka shaqaysa sharciga isaga oo marar kala duwan u tartamay kuraas siyaasadeed
  • Wuxuu aasaasay xisbiga Agano sanadkii 2006 dii
  • La dagaalanka musuqa
  • Abuurista shaqooyin
  • Dib u soo celinta hantida Kenya ee dibada ku maqneyd
1px transparent line

Haddii xisbiga ka soo horjeestay natiijada ay dacwaddiisu meel-marto waa in doorasho cusub lagu qabtaa 60 maalin (3 bil) gudahood, taas oo ka billaabanaysa marka la laalo natiijada.

Haddii aan si cad loo helin guuleyste waxaa lagu dhawaaqi karaa wareeg labaad, waana in lagu qabtaa 30 maalin gudahooda laga billaabo taariikhda codbixinta ee hore.

Qabashada Xafiiska

Murashaxa guuleystay wuxuu xafiiska la wareegi karaa haddii aan la gudbin codsi ka dhan ah natiijada, Talaadada koowaad, oo ah 14 maalin kaddib ku dhawaaqida natiijooyinka - (30ka Agoosto 2022).

Haddiise la gudbiyo codsiga lagu diiddan yahay natiijada, wuxuu madaxweynaha la doortay xafiiska ku wareegi karaa Talaadada koowaad, 7 maalin kaddib marka ay maxkamaddu ku dhawaaqdo in ay doorashadu ansax tahay - (22-ka Nofeembar 2022).

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xilka ka degaya kaddib markii uu dhameystay labo xilli. Waxa uu taageeray ninka ay muddada dheer loollamayeen ee Raila Odinga, halkii uu ka taageeri lahaa ku xigeenkiisa oo ahaa William Ruto.