Maxaan ka ognahay xarunta gaaska ee Barzan ee Qadar oo uu ka dhacay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac?

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Ugu yaraan 13 shaqaale oo Pakistani iyo Hindi ah ayaa ku dhintay, halka 66 qof oo kale oo jinsiyado kala duwan leh ay dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay xarunta gaaska ee Barzan ee ku taalla magaalada warshadaha ee Ras Laffan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qadar ayaa sheegtay in xarunta ugu weyn ee lagu farsameeyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ay la kulantay "shil farsamo" habeenkii Axadda, gudaha aagga warshadaha ee Ras Laffan. Qaraxa ayaa sababay in cirka magaalada uu isu beddelo midab oranji ah.
Saad Sherida Al-Kaabi, Wasiirka Tamarta ee Qadar, ayaa sheegay in qaraxu uusan saameyn doonin dhoofinta gaaska iyo shidaalka ee dalka, isagoo intaa ku daray:
"Tani waxay ahayd shil u dhacay si lama filaan ah, mana ahayn fal burburin ama weerar cadowtinnimo."
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay wali baarayso sababta rasmiga ah ee qaraxa ka dhacay xarunta Barzan, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in aysan jirin wax khatar deegaan ah oo ka dhalatay dhacdada.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay inay adag tahay in hadda la go'aamiyo waqtiga dib loogu bilaabi doono hawlaha xarunta.
Wuxuu xusay in xarunta si buuxda loo xiray tan iyo Diseembar 2025 sababo la xiriira dayactir degdeg ah oo loo baahday, isla markaana dib loo howlgeliyay markii ugu horreysay labo maalmood oo keliya ka hor qaraxa.
Dhacdadan ayaa sare u qaadday walaaca ku saabsan amniga xarumaha tamarta ee gobolka, maaddaama Barzan ay qayb muhiim ah ka tahay nidaamka gaaska ee Qadar.
Xarunta Barzan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dekedda Ras Laffan waxaa loo tixgeliyaa dekedda macmalka ah ee ugu weyn adduunka, sidoo kalena waxay martigelisaa xarunta ugu weyn ee dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee la dareereeyey (LNG) ee caalamka. Hore ayaa sidoo kale loo sheegay in ay bartilmaameed u noqotay weerarro laga soo qaaday Iran.
Xaruntani waxay ku taallaa magaalada warshadaha ee Ras Laffan, waxayna tahay xarunta ugu weyn ee shirkadda QatarEnergy ee soo saarista iyo dhoofinta gaaska LNG. Waxay leedahay awood wax-soo-saar oo dhan 77 milyan oo tan sanadkii, taas oo ka timaadda 14 khad oo wax-soo-saar ah.
Xarunta Barzan waxay hore u awoodi jirtay inay soo saarto 1.4 bilyan cubic feet oo gaas ah maalintii, taas oo loo isticmaalo koronto, biyo nadiifin, iyo warshado gudaha dalka ah.
Waxay sidoo kale soo saartaa ethane, condensates, LPG (gaaska dareeraha ah ee batroolka), iyo sulfur, kuwaas oo loo adeegsado suuqyada gudaha iyo kuwa dhoofinta.
Intii lagu jiray dagaalladii u dhexeeyay United States iyo Israel oo ka dhanka ahaa Iran, dekedda Ras Laffan ayaa la sheegay inay waxyeello culus ka soo gaartay weerarro is-difaac ah, taas oo ku qasabtay shirkadda inay daadgureyso ku dhowaad 10,000 shaqaale oo ka shaqaynayay goobaha badda iyo kuwa dhulka.
QatarEnergy ayaa sidoo kale hakisay wax-soo-saarka 2 March, taas oo keentay in la joojiyo qiyaastii shan meelood meel (1/5) wax-soo-saarka LNG ee caalamka. Dhoofinta ayaa dib loo bilaabay dhowaan.
Shirkaddu waxay sheegtay in dayactirka xarunta uu keeni doono hoos u dhac wax-soo-saar oo gaaraya 12.8 milyan oo tan LNG ah muddo u dhaxaysa 3 ilaa 5 sano.
Shirkadda ExxonMobil ayaa leh 7% saamiga mashruuca Barzan, halka 93% ay leedahay dowladda Qatar iyada oo loo marayo QatarEnergy.
Qadar iyo Iran waxay si wadajir ah u wadaagaan kaydka gaaska ee weyn ee North Field / South Pars, waxaana Qadar ay ka mid tahay dalalka ugu waaweyn ee dhoofiya gaaska LNG, iyadoo ay la tartamayaan Mareykanka, Australia, iyo Ruushka.

Xigashada Sawirka, EPA
Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee shilka, waxaana Saad Sherida Al-Kaabi uu xaqiijiyay in dhammaan dadka ku dhintay qaraxa ay u badnaayeen shaqaale ka kala yimid Hindiya iyo Pakistan.
Qaraxii dhacay Axaddii ayaa sababay gariir ka dhacay daaqadaha, waxaana laga dareemay bartamaha magaalada Doha, taas oo cabsi gelisay dadka ku nool meel ka badan 70 kiiloomitir (43 mayl) u jirta Ras Laffan.
Dib u bilaabidda hawlaha gaaska dabiiciga ah ee la dareereeyey (LNG) waa howl aad u adag, maaddaama ay jirto hab qaboojin tartiib ah oo si ula kac ah loo sameeyo si looga fogaado shoog kulayl. Qalabka LNG laguma shidi karo ama laguma bilaabi karo hal mar; waa in si tartiib tartiib ah loo howlgeliyaa.
Qaboojintu waa tallaabada ugu muhiimsan ee habka dareerinta gaaska, taas oo gaaska u beddesha dareere iyadoo lagu qaboojinayo ilaa ku dhowaad -162°C.















