Fallaagada TPLF oo aqbashay xabbad joojintii xukuumadda Itoobiya ku dhawaaqday

Published

Xoogagga fallaagada ah ee ka dagaallamaya woqooyiga Itoobiya ayaa ogolaaday xabbad joojin ay dowladdu ku dhawaaqday oo suurto gelinaya in gargaar loo gaadhsiiyo malaayiin qof oo u baahan gargaar degdeg ah.

Ma jiro wax gargaar ah oo la gaadhsiiyay gobolka Tigray tan iyo badhtamihii bishii December, iyadoo dowladda lagu eedeeyay in ay go'doomisay. Waxay se iyadu ku eedaynaysaa xoogaga falaagada ah.

Fallaagada TPLF ayaa sheegay inay ixtiraami doonaan xabbad joojinta ilaa inta gargaarku dib u bilaabmayo oo ah "waqti macquul ah oo go'an".

Dagaalka oo socday 16 bilood ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof. In ka badan laba milyan oo qof ayaa lagu ka barakacaan guryahooda.

Madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ka soo jeeda gobolka Tigray ayaa ku tilmaamay xaaladda halkaa ka jirta inay tahay mid masiibo ah.

Bishii Jeeniweri, ayaa hay'adda Qaramada Midoobay ee cuntada WFP sheegtay sheegtay in ku dhawaad 40% dadka Tigrayga ah ay la ildaran yihiin waxa ay ku sheegtay "cunto la'aan aad u daran". Waxa kale oo la ogaaday in kala badh dhammaan dumarka uurka leh iyo kuwa naaska nuujiya ay hayso nafaqo darro.

Ilaa sagaal milyan oo qof ayaa u baahan gargaar Tigray iyo gobollada deriska la ah, kuwaas oo sidoo kale ay saameeyeen dagaallada.

Gobolka Tigray ayaa sidoo kale waxaa soo loo soo celiyey isgaadhsiinta adeeggii Internetka oo muddo ka go'anaa.

Dad aan tiradooda la garanayn ayaa gaajo iyo dawo la'aan ugu dhintay. Xaaladuhu aad bay u xumaadeen, xitaa dhakhaatiirta ayaa lagu qasbay inay dawarsadaan cunto.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 100 gawaarida xamuulka ah loo baahan yahay si ay gargaar maalin walba u geeyaan gobolka.

Maraykanka, UN iyo Midowga Yurub ayaa dhamaantood soo dhaweeyay xabbad joojinta, ka dib markii uu booqasho ku tagay dalka Itoobiya ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield.

Warbixin ay soo saartay Khamiistii, ayay dowladdu ku sheegtay in xabbad joojintu ay tahay "mid aan la cayimin" oo " isla markiiba dhaqan galaysa ", balse waxay intaas ku dartay inay hagaajin doonto nolosha dadka ku nool waqooyiga dalka haddii tallaabadaas laga jawaabo.

Waxay ugu baaqday ciidamada Tigreega inay "joojiyaan gardarrada dheeraadka ah oo ay ka baxaan meelaha ay qabsadeen ee gobollada deriska la ah".

TPLF waxay sheegtay "inay sameyn doonto wax walba oo ay sameyn karto si loo xaqiijiyo in joojintan colaadeed inay guul tahay".

Dagaalku wuxuu qarxay Noofambar 2020 ka dib dhawr bilood oo ay xiisad u dhaxaysay maamulada federaalka iyo kooxda TPLF, ee maamulaysay gobolkaa waqooyi ee Itoobiya ee Tigray.

Todobaadyo gudahood ayuu ra'iisul wasaare Abiy Axmed sheegay in colaadda la soo afjaray markii ciidamada federaalka ay qabsadeen caasimadda gobolka ee Mekelle. Balse kooxda TPLF ayaa markii dambe la dagaalantay waxayna dib ula wareegtay gacan ku haynta inta badan gobolka Tigray.

Markii ay fallaagada dib ula wareegeen Mekelle bishii June ee la soo dhaafay, Mr Abiy waxa uu ku dhawaaqay xabbad joojin hal dhinac ah. Balse kooxda TPLF ayaa sheegtay in aysan taasi ilaalin doonin ilaa loo aqoonsado maamulka sharciga ah ee Tigray.