Ruushka oo loogu awood sheegtay magaalo Ukraine ku taala

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Hay'ad cilmi-baaris oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in muddo 11 todobaad ah oo Ruushku dagaal ka waday Ukraine uu ku guuldareystay inuu go'doomiyo magaalada Kharkiv, wuxuuna hadda u muuqdaa inuu diiradda saarayo sidii iyaga oo bad qaba uu ugala bixi lahaa ciidamadiisa guudahaan gobalka.

Bartamaha magaalada Kharkiv ayaa si weyn loo duqeeyay intii uu socday duulaanka Ruushka, waxaana ku dhintay boqolaal qof oo rayid ah. Qabsashada Kharkiv waxay ahayd mid ka mid ah yoolalka muhiimka ah ee Ruushka.

Khudbadii ugu dambeysay ee muuqaal ah, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelinsky wuxuu sheegay in ciidamada Ukraine ay sameynayaan wax walba oo suurtagal ah si ay dalka u xoreeyaan. Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada Ukraine ayaa ku guuleystay inay la wareegaan qaar ka mid ah tuulooyinka uu Ruushku horey u qabsaday.

Codsiga xabbad-joojinta iyo wadahadalkii ugu horreeyay ee khadka taleefanka ee wasiirrada difaaca ee Ruushka iyo Mareykanka

Waddamada reer galbeedka ayaa sare u qaaday baaqooda ku aadan in Ruushka uu ku dhawaaqo xabad joojin dagaalka ka dhanka ah Ukraine.Wadahadal qaatay hal saac oo dhanka qadka taleefoonka ah oo uu la yeeshay Wasiirka Difaaca Ruushka Sergei Shoigu, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayuu ku baaqay in si deg deg ah loogu dhawaaqo loona dhaqan geliyo xabad joojinta.

Waa xiriirkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Wasiirada Difaaca Mareykanka iyo Ruushka tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine bishii Febaraayo ee sanadkan.Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in baaqaasi uu ku yimid codsi ka yimid dhanka dowladda Mareykanka.

Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo dagaalka isagoo khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Mr. Olaf Scholz waxa kale oo uu soo hadal qaaday mas'uuliyadda hoggaamiyaha Ruushka ee ilaalinta cuntada adduunka. Dagaalka Ukrain ayaa horseeday koror aad u weyn oo dhanka cuntada ah meelo kala duwan oo adduunka ah.

Vadim Shishimarin haddii lagu helo dambiga loo haysto waxaa lagu xukumi doonaa xabsi daain

Xigashada Sawirka, Reuters

Maxkamadeynta askari Ruush ah oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dambiyo dagaal

Ukraine ayaa dhanka kale bilowday inay dacwad kusoo oogto askari Ruush ah oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dambiyo dagaal. Tani waa tijaabadii ugu horeysay ee nooceeda ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine. Askari 21 jir ah oo u dhashay dalka Ruushka ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu dilay qof rayid ah oo aan hubaysnayn.

Vadim Shishimarin ayaa ka qaybgalay dhageysi horudhac ah oo ka dhacay Kiev. Hadii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay waxaa lagu xukumi doonaa xabsi daa'in.Ukraine ayaa sheegtay in ay agsoontahay kumannaan dambiyo dagaal ah oo ay suurtagal tahay in Ruushku uu ka gaystay gudaha Ukraine. Ruushka ayaa beeniyay eedaymaha la xiriira inuu dad rayad ah laayay hase yeeshee dowladdu kama aysan hadlin maxkamadeynta askarigooda.

Dacwad oogayaasha Ukraine ayaa sheegay in Mr. Shishimarin uu watay gaari la soo xaday isaga iyo askar kale oo ku suganaa waqooyi bari Ukarine markii uu la kulmay nin 62 jir ah oo baaskiil watay oo isticmaalayay taleefankiisa.Sida ay sheegeen dacwad oogayaasha, waxaa lagu amray inuu toogto qofka rayidka ah si looga ilaaliyo in uu sheego halka ay ku sugan yihiin askarta Ruushka.

Ma cadda qaabka loo xiray askarigan. Mr. Shishimarin ayaa kaliya magaciisa ka xaqiijiyay maxkamada kamana hadlin eedeymaha loo soo jeediyay. Maxkamadeyntiisa ayaa lagu wadaa in ay bilaabato todobaadka soo socda. Boqolaal meydad ah ayaa laga helay deegaano ay horey u qabsadeen ciidamada Ruushka. Qaar ka mid ah xulafada Ukraine sida Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa Ruushka ku eedeeyay xasuuq.

Isu diyaarinta dagaal cusub oo hor leh

Wasiirka difaaca ee Ukraine ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka uu u diyaar garoobo weji cusub oo dheer oo dagaal, markaas oo ay tahay in laga fogaado khaladaadka tirada badan. Alexei Raznikov ayaa sheegay in Ukraine ay hadda haysato hub wanaagsan, oo uga yimid saaxiibada reer galbeedka iyo mid gudaha ah , ayna rajeynayaan in ay abaabulaan hal milyan oo muwaadiniin Ukraine ah si ay uga qayb qaataan dagaalka.

Ku xigeenka ra'iisul wasaaraha Ukraine Irina Varschuk ayaa sidoo kale sheegtay in wada xaajoodka hadda lala galayo Ruushka ee lagu doonayo in ciidamada Ukraine looga saaro warshadda birta ah ee lagu go'doomiyay ee Mariupol uu yahay mid aad u adag, waxaana laga yaabaa in natiijadu aysan qof walba farxad gelin.