Muslimiinta iyo Hinduuga: 'Walaalkay anigoo baryaya ayuu ninkeyga ku dilay hortayda'

Ashreen iyo ninkeeda

Xigashada Sawirka, UGC

Qoraalka sawirka, Ashreen iyo ninkeeda
Published

Ashreen illinta way joojin waysay markii ay ka sheekaynaysay dhacdadii ninkeeda lagu dilay xilli ay goob joog ahayd.

"Aad baan u baryay walaalkay, balse ma uusan joojinin garaacidda uu ku samaynayay ninkayga. Bir ayuu la dhacayay waxaana la dilayay nin kale oo toori watay. Ma jirin qof awood u helay inuu badbaadiyo ninkayga. Waxaan isku guursannay jacayl," ayay tidhi iyadoo la hadlaysay BBC-da.

Ashreen Sultana walaalkeed oo lagu magacaabo Syed Mubeen Ahmed iyo nin kale oo ay qaraabo yihiin oo magaciisa lagu sheegay Masood Ahmed ayaa lagu eedeeyay in ay dileen seygeeda, Dalipuram Nagarajo, oo ay ku weerareen bartamaha waddo ku taalla magaalada Hyderabad.

Qoyska gabadha ayaa ka cadhaysnaa go'aanka ay iyadoo Muslim ah ku guursatay nin Haysta Diinta Hinduuga.

Dilka ninkaas, oo fiidnimadii Arbacada ka dhacay waddo mashquul ah oo ku taalla magaalada Hyderabad, ayaa argagax geliyay dhammaan dadka deegaanka.

Falkan ayaa ka dhacay meel wax yar u jirta xafiiska dowladda hoose ee Sarwar Nagar.

Nagaraju iyo Ashreen ayaa is jeclaa tan iyo markii ay iskuulka dhiganayeen. Jacaylkooda ayaa sii socday ilaa markii ay jaamacadda u gudbeen. Hase yeeshee Ashreen walaalkeed ayaa markii dambe ka war helay xiriirkooda.

Ninka ay gabadha walaalaha yihiin ayaa meherad macmacaanka lagu iibiyo ku leh xaafadda Balangar ee magaalada ​​Hyderabad, sida ay boolisku sheegeen.

Booliska Hyderabad

Ashreen aabeheed ayaa mar hore geeriyooday, waxayna la noolayd hooyadeed iyo walaalkeed. Nagarajo ayaa isaguna kasoo jeeday bulshada Dalit, waalidiintiisuna waa muusikiisteyaal kasoo jeeda deegaanka Waqarabad. Sidoo kalena waxaa qudhiisa la dhalatay gabar.

Marar badan ayuu Ahreen walaalkeed ku gooddiyay inuu soo afjari doono xiriirkooda. Bishii January ee sanadkan, Nagaraju waxa uu mar kale la kulmay gabadhan waxayna si wadajir ah u go'aansadeen in ay is guursadaan.

Ashreen way ogayd in walaalkeed uusan raalli ka noqon doonin arooskeeda, sidaas awgeed waxay go'aansatay in ay ka tagto guriga. Waxa ay guriga uga tagtay telefoonkeedii, si aysan qoyska ugu suurtagelin in ay wax macluumaad ah ka helaan meesha ay aadday.

Walaalkeed wuxuu dacwad ku saabsan gabadha la waayay u gudbiyay saldhigga booliska ee Balanagar. Markii ay boolisku la xiriireen lamaanaha, ayna ogaadeen in ay yihiin labo qof oo qaan gaar ah, qoyska ayay u sharraxeen sida aysan arrintaasi sharciga uga hor imaanaynin.

Lamaanaha ayaa macbad hindidu leeyihiin oo ku yaalla Hyderabad isku guursaday 31-kii bishii January.

Masood Ahmed (midig) iyo Syed Mubeen Ahmed
Qoraalka sawirka, Masood Ahmed (midig) iyo Syed Mubeen Ahmed

"Waxaan aaday saldhigga booliska, waxaana halkaas kula kulmay gabadha hooyadeed iyo walaalkeed," ayay tidhi hooyada dhashay wiilka la dilay.

"Waxaan u sheegay hooyada in aysan walwalin, maadaama aniguba aan gabar leeyahayna aan gabadheeda ula dhaqmi doono sidii gabadh aan dhalay oo kale," ayay sii raacisay hadalkeeda.

Arooska kaddib waxaa billowday qorshe dil ah oo loo diyaarinayo Nagaraju, sida ay sheegtay xaaskiisa.

Markii ay naftooda u cabsadeen waxay ka guureen magaalada Hyderabad. Balse shan maalmood ka hor inta uusan dilku dhicin ayay laamanahan soo laabteen iyagoo ku fikiraya in xanaaqii qoyska uu dhammaaday.

Marka uu dilku dhacayay waxaa dhacdada oo dhan duubtay kaamiro CCTV ah oo ku xirnayd meel u dhow halkaas.

Muuqaal laga arkayo Ashreen oo isku dayaysa inay ninkeeda badbaadiso ayaa ku faafay baraha bulshada, arrintanina waxay maalmihii lasoo dhaafay si wayn u qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta Hindiya.