Dowladda UK oo waddan ku yaalla bariga Afrika dib ugu soo celinaysa tahriibayaal

Dad badan oo mahaajiriin ah ayaa sanad walba dhanka badda ka gala UK

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dad badan oo mahaajiriin ah ayaa sanad walba dhanka badda ka gala UK
Published

Dowladaha Ruwanda iyo Ingiriiska ayaa lagu wadaa in ay saxiixdaan heshiis dhanka socdaalka ah oo ku saabsan in dadka sida sharci darrada ah ku soo galay Britain la geeyo RUwanda.

Qaar ka mid ah dadka magangalyo-doonka ayaa la gayn doonaa dalka Rwanda si codsiyadooda looga baaraandego, sida uu dhigayo qorshaha cusub ee dowladda Britain.

Rai'sul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa lagu wadaa inuu daaha ka rogo qorshahani, ka hor inta aysan xoghayaha arrimaha gudaha Priti Patel heshiis dhanka socdaalka ah la saxiixan dalka Ruwanda.

Golaha Qaxootiga ayaa dhaleeceeyay siyaasaddan oo ay ku tilmaantay "mid naxariis darro ah" waxayna ku baaqeen in dib u eegis lagu sameeyo.

Xisbiga shaqaalaha aya dhankooda sheegay in qorshahani uu yahay mid "aan shaqayn karin, islamarkaana uu yahay mid loogu talagalay "in lagu carqaladeeyo" ganaaxa Mr Johnson ee jabinta sharciyada Covid-19.

Xisbiga Liberal Democrats ayaa dhankiisa sheegay in hindisahan uu yahay mid "qaali ku ah canshuur-bixiyeyaasha, iyadoo aan waxba laga qaban joojiyo marinnada khatarta ah ama la dagaallanka kooxaha tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka magangalyo-doonka".

Heshiiska ayaa la filayaa in dowladda Rwanda lagu siin doono wajiga hore lacag dhan £120 milyan , balse dadka ka soo horjeeda mashruucan ayaa sheegay in lacagta ay intaasi ka badan doonto.

Khudbad uu ka jeedin doono Kent, Mr Johnson waxa uu ku doodi doonaa in loo baahan yahay in la qaado tallaabo lagu joojinayo "dadka wax tahriibiya kuwaasi sababa dhimashada tahriibayaal badan oo badda ku dhinta.

Sannadkii hore, 28,526 qof ayaa inta la ogyahay ka gudbay kanaalka Ingiriiska iyagoo raacay doomo yaryar, halka 2020 ay ay tiradu ahayd 8,404.

Qiyaastii 600 oo qof ayaa ka tallaabay kanalkaasi Arbacadi. Mr Johnson wuxuu sheegay in tiradaasi ay gaari karto 1,000 maalintii muddo toddobaadyo gudahood.

Ra'iisul wasaaraha ayaa ku dhowaaqi doona qorshe lagu doonayo in ciidamada badda loogu gacan geliyo kanaalka, si looga hortago dadka wax tahriibiya.

Tallaabooyinka ayaa qayb ka ah qorshaha mustaqbalka fog ee dowladda ee ah in ay "dib ula soo noqoto maamulka socdaalka sharci darrada ah" ka dib markii ay UK ka baxday midowga Yurub.