Moskva: Maxaan ka ognahay markabka Ruushka ee la weeraray?

Xigashada Sawirka, Reuters
Markabka Ruushka ee xambaara gantaallada ayaa "si xun ay waxyeello u soo gaartay" shaqaalihiisa ayaana lagu qasbay inay isaga baxaan, sida a baahisay warbaahinta Ruushka.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in rasaastii saarneyd markabka Moskva uu qabsaday dab aan noociisa sharraxaad laga bixin, balse markabkan dhererkiisu yahay 186 mitir ayaa weli sabbeynaya.
Ukraine ayaa sheegtay in markabka ay ku weerartay labo ka mid ah gantaalladeeda Neptune.
Markabkan oo 510 shaqaale qaada ayaa horkacayay weerarkii ciidamada badda ee Ruushka a ka geysteen Ukraine, isagoo ah astaan muhiim u ah militariga.
Maalmihii hore ee dagaalka Moskva ayaa soo shaac baxay kaddib markii ciidamada xadka ee Ukraine ee difaacayay Jasiiradda Masaska ee Badda Madow ay is soo dhiibaan - taas oo ay raadiyaha u mariyeen farriin diidmo.
Maxay labada dhinac leeyihiin?
Xalay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa soo saartay bayaan ay ku tiri "markabka aad ayay waxyeello u gaartay. Dhammaan shaqaalaha waa la daad gureeyay".
Waxay wasaaraddu sheegtay in dab qabsaday markabka la xakameeyay ayna ka saraayaan badda dibna ugu celinayaan xeebta, iyadoo intaas ku dartay in weli uu sabbeynayo.
Moscow ayaa qaraxa u sababeysay dab aan faahfaahin laga bixin, iyadoo aanan marna soo hadal qaadin weerar gantaal.
Balse Ukraine ayaa sheegtay inay mas'uul ka tahay weerarka markabka, iyadoo sheegtay inay ku weerartay gantaal cusub oo dhowaan lagu sameeyay Ukraine, isla markaana markabku uu quusay.
Qoraal la soo dhigay barta Facebook, ayaa saraakiisha Ukraine waxay sheegeen in dadaallada samatabixinta ee Ruushka ay carqaladeeyeen rasaas ku dhex qaraxday markabka iyo cimilada oo xumeyd.
BBC ma xaqiijin karto sheegashooyinka labada dhinac.

Niyad-dhiska Ukraine - Falanqeyn
Tani waxay dib u dhac muuqda ku tahay dadaalka dagaal ee Ruushka, sababo militari iyo mid niyadda ah labadaba.
Markabka Moskva waa mid qadiimi ah, waana mid xilliyadii Soofiyeetka qaadi jiray gantaallada balse wuxuu ahaa markabka astaanta Ruushka ee Badda Madow tan iyo sanadkii 2000.
Markabkan dagaal ee qaada 12,500 tan ayaa qeyb ka ahaa maraakiibta Ruushka ee ilalaada ka hayay dekadda Odesa ee Ukraine.
Wuxuu doonaba ha sababee dabka weyn - ee Ukraine ay sheegtay in ciidamadeeda ay labo gantaal ku weerareen - musiibada ku dhacday markabkan mar laga heebeysan jiray ee Moskva ayaa arrin caddaalad ah looga arki doonaa Ukraine.
Arrintan waxaa sidoo kale laga yaabaa inay sababto in maraakiibta dagaal ee Ruushka ay gudaha usii galaan badda iyagoo ammmaankooda ka fekeraya.


Xigashada Sawirka, Maxar Technologies
Muhiimad intee la ek ayuu leeyahay Moskva?
Markii hore waxaa lagu sameeyay gudaha Ukraine xilligii Soofiyeetka, markabka ayaa shaqo bilaabay horraantii 1980-meeyadii sida laga soo xigtay warbaahinta Ruushka.
Markabkan gantaallada qaada ayay hadda kahor xukuumadda Moscow geysay dagaalkii Suuriya isagoo lagu raray qalab difaac oo u socday ciidamada badda ee Ruushka ee dalkaas.
Wuxuu qaadi karaan dhowr hub oo nooca maraakiibta ka hortaga ah iyo hub kale, sida ay wararku sheegayaan.
Moskva waa markabka labaad ee ugu weyn kuwa Ruushka ee la ogyahay in si ba'an loo waxyeeleeyay tan iyo intii uu duullaanku billowday.

Maxaa difaac ah oo uu heystaa Moskva?
Mrakabkan waa kan saddexaad ee ugu weyn kuwa Ruushka ee shaqeynaya waana mid ka mid ah kuwa sida aadka ah loo difaaco, sida uu BBC-da u sheegay Jonathan Bentham oo ah khabiir ciidamada badda oo ka tirsan Machadka International Institute for Strategic Studies.
Markabka ayaa waxaa ku rakiban hannaanka difaaca cirka iyadoo haddii uu si habboon u howlgalo uu fursado badan u heysto inuu iska difaaco gantaalka Neptune.
"Moskva waa inuu lahaadaa hannaan difaaca cirka oo heerkiisu yahay 360. Hannaanka CIWS ayaa gantaal ridi kara 5,000 oo wareeg daqiiqaddii," sida uu sheegay Mr Bentham.

Xigashada Sawirka, Reutes
Gnataallada Neptune
Saraakiisha militariga Kyiv ayaa sheegay in Moskva ay ku weerareen gantaalka Neptune ee lagu sameeyay gudaha Ukraine.
Waxaa sameeyay injineerrada militariga Ukraine iyagoo ka falcelinayay khatarta ciidamada Ruushka ee Badda Madow, kaddib sheegashadii Crimea sanadkii 2014.
Sida laga soo xigtay wargeyska Kyiv Post, ciidamada badda ee Ukraine ayaa waxay gantaalladaas Neptune ee ilaa 300km wax ka weerari kara heleen bishii March ee sanadkii hore.
Tan iyo markii uu duullaanku billowday Ukraine ayaa gargaar militari ka heshay xulafadeeda Galbeedka, waxaana ka mid ahaa gantaallo ka hortaga diyaaradaha iyo kuwa taangiyada ka hortaga oo ay ku kacayso lacag dhan £100m oo ay dowladda UK ku dhawaaqday toddobaadkii hore inay u direyso dalkaas.
Awood uu ku leeyahay Badda Madow
Markabkan dagaal ayaa "astaan u ah awoodda ay ciidamada badda ee Ruushka ku leeyihiin Badda Madow," Michael Petersen oo ka tirsan Russia Maritime Studies Institute ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.
"Moskva ayaa bartilmaameed u ahaa Ukraine tan iyo intii uu dagaalku billowday. In la arko isagoo si xun ay waxyeello u soo gaartayna...waxaan filayaa inay niyad-dhis fiican u noqon doonto dadka Ukraine."

Xigashada Sawirka, MAX DELANY/AFP
Militariga Ruushka ayaa ku xoogganaa Badda Madow tan iyo qabsashadii Crimea sanadkii 2014, wuxuuna joogitaankiisa halkaas u adeegsaday inuu ka soo qaado duullaanka.
Guutadiisa Badda Madow ayaa dagaalka ku caawisay awoodda in gantaallada maraakiibta ka hortaga lagu gano mee walba oo Ukraine ka mid ah, wuxuuna muhiim u ahaa taageeridda isku dayada Ruushka uu kula wareegayo Mariupol.
Jasiiradda Masaska
Maalmihii hore ee duullaanka Ruushka Moskva ayaa qabsaday warbaahinta caalamka kaddib markii ay saraakiil Ukraine u dhashay oo ku sugnaa xeebta Badda Madow ay is soo dhiibaan.
Markii ay ciidamada si adag u diideen iyagoo farriin raadiyaha u marsiiyay, ayaa waxaa markii hore loo qaatay in ciidamadaas xadka la dilay balse xaqiiqdii waa la afduubtay.
Ciidamada ayaa markii dambe la sii daayay tan oo qeyb ka ahayd is dhaafsiga maxaabiista ee Ruushka dabayaaqadii March, militariga Ukraine ayaana taliyahooda guddoonsiiyay abaalmarin.

Xigashada Sawirka, Ukraine Postal Service

Dagaalka Ukraine: Warar dheeraad ah













