Teknooloojiyad maqaarka qofka weyn dhalinyaranimo u soo celineyso oo la soo saaray

Sawir muujinaya Unugga ay Saynisyahannadu dib u soo nooleeyeen

Xigashada Sawirka, Fátima Santos

Qoraalka sawirka, Unugga ay Saynisyahannadu sheegeen dib u soo nooleyntiisa iney ku guuleysteen
Published

Saynisyahanno Cilmi-baadhis sameeyey ayaa sheegay iney ku guuleysteen soo nooleynta unugyada maqaarka kaasoo suuragelinaya qofka 53 jirka maqaarkiisa in laga dhigo sida qof 23 jir ah.

Saynisyahannada Jaamacadda Cambridge ayaa sheegay iney rumeysan yihiin in unugyada kale ee jirkana sidaa lagu sameyn karo.

Ujeeddada ay Saynisyahannada Cilmi-baadhistan ay u sameeyeen waxay ku sheegeen si ay xal ugu helaan cudurrada da'da ka dhasha sida Macaanka, Wadna Xanuunka iyo Neerfaha.

Teknooloojiyaddan ayaa 25 sano ka hor marki ugu horreysay lagu tijaabiyey neef ido ah oo tijaabada lagu sameeyeyna lagu guuleystay.

Kooxda Cilmi-baadhistan sameysayna waxaa hoggaaminayaye Barafasor Wolf Rick oo ka tirsan machad hoos taga Jaamacadda Cambridge.

Wolf wuxuu BBC u sheegay teknooloojiyaddan cusub ee lagu soo nooleynayo maqaarka qofka waxay qofka ka caawineyso da' kasta oo uu ku jiro isaga oo aan wax cudur ah la kulmin cimriga uu ilaahey ugu talogalay inuu caafimaad ku noolaado.

Neefkan oo Teknooloojiyaddaasi lagu tijaabiyey wuxuu ka badqabaa cudurrada da'da la xiriira ee ku iman lahaa

"Arrinta noocan ah in muddo ah ayaan ku taameynay inaan mar un ku guuleysanno. Cudurra badan waxay dadku haleelaan qofka marka uu da' noqdo, marka waxaa farxad aan la soo koobi karin noo ah aadanah inaan dhibkaa ka samata bxinno," ayuu yiri.

Hase yeeshee, Wolf Rick wuxuu sheegay natiijada cilmi-baadhistooda inkasta oo lagu daabacay wargeyska eLife haddana in cilmi-baadhistan si buuxda loo hirgeliyo geliyo ay jiraan howla qabya ah oo u baahan in la dhammeystiro.

Fikirka cilmi-baadhista maqaarka qofka da'da ah in dhalinyaranimo loo soo celiyo wuxuu yimid 1990-yadii. Waxaana fikirkaasi lahaa Cilmi-baadhayaal Edenburg ka soo jeeday.

Fikrka Teknooloojiyaddan cusub oo xilligaa soo billaabatay marxalado kala duwanna soo martay, kooxda uu hoggaaminayo Barafasoor Reck waxay u suuragelisay maqaarka haweeney 53 jir ah iney ka dhigaan, maqaarka qof 23 jir ah oo kale taasoo ka dhigan in unugga maqaarki gaboobay 30 sano dhalinyaranimo dib loogu celiyey.

Syringes

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Qoraalka sawirka, Cell-replacement treatments using cloning technology have still to be developed

"Marki aan maqlay maqaarki aan daraasadda in mudda ah ku sameyneynay ayaan ku guuleysanna 30 sano dhalinyaranimo inaan ku soo celinno farxaddi aan dareemay lama qayaasi karo," ayuu yiri Barafasoorka.

Cilmi-baadhista aan sameynay inaan si buuxda u meel marinnana waxaa naga hortaagan arrima dhowr ah, maadaamaa ay jiraan howla qabya ah oo aan dhammeystireyno.

Mar haddii tijaabada aan ku guuleysannay waxaan hadda ka shaqeyn haynaa sidi saameynta teknooloojiyaddaasi ay keeni karto aan u yareyn lahayn.

Tallaabbada xigtana waxay noqoneysaa cilmi-baadhista marki hore ku koobneyd maqaarka oo keli ah inaan u sii ballaadhinno xubnaha kale ee jirka bani aadamka sida Murqaha, Beerka iyo Unugyada dhiigga.

"Waxaanna rajeynayaa wakhti aan fogeyn in teknooloojiyaddan oo dhammeystiran ay suuqa soo geli doonto dadkuna ay ka faa'ideysan doonaan. Cilmibaadhistan cusubna waxay jawaab u noqon doontaa su'aashi ahayd ma laga yaabaa in la helo teknoolojiyad suuragelisa duqnimada jirka baniaadamka ku timaaddo qaab kaniin la liqo ha ahaado ama qaab kale in looga hortago " ayuu yiri Barafasor Wolf Rick oo ka tirsan machad hoos taga Jaamacadda Cambridge.