Colaadda Ukraine: 'Waxaan arkay askari Ruush ah oo aabbahay tooganaya'

Xigashada Sawirka, Family picture
Abbaaro 11:00 taariikhdu markii ay ahayd 17 March, Yuriy Nechyporenko iyo aabbihii, Ruslan, ayaa baaskiil ku dhex watay gudaha dhismaha maamulka Bucha halkaas oo gargaar lagu bixinayay. Korontada, gaaska iyo biyaha ayaa la jaray, waxyaabaha daruuriga ahna way ku yaraayeen magaalada, oo ka mid ah meelihii ugu horreeyay ee ay galeen ciidamada Ruushka mar ay ku sii siqayeen caasimadda Kyiv.
Yuriy iyo aabbihiis ayaa rajeynayay inay soo qaataan daawo iyo cunno. Yuriy ayaa sheegay in askari Ruush ah uu istaajiyay isaga iyo aabbihiis kaddibna ay durbadiiba gacmaha kor u taageen.
Mar uu telefoonka kula hadlay BBC-da isagoo ay garab joogtay hooyadiis Alla, ayaa 14 jirkan wuxuu ka sheekeeyay wixii dhacay ee xigay. "Waxaanu u sheegnay inaynaan sidan wax hub ah oo aynaan khatar ku ahayn iyaga," ayuu yiri.
"Kaddib aabbahay ayaa isoo jalleecay, waana xilligaas marka ay toogteen… Labo jeer ayaa xabadka laga toogtay, halka uu wadnuhu ku yaallo. Kaddibna wuu dhacay."
Markaas, wuxuu wiilku sheegay, in askariga uu isna ka toogtay gacanta bidix dhulkana uu ku dhacay. Isagoo dhulka yaalla ayuu sheegay in mar kale la toogtay, markanna garabka ayaa laga toogtay.
"Beerka ayaan u jiifay, ma arki kareyn waxa hareerahayga ka dhacayay," ayuu yiri Yuriy. Askariga, ayuu sheegay, inuu mar kale xabbad riday, isagoo u waday madaxiisa. "[Balse] rasaastu waxay ka dhex baxday funaanaddeyda."
Yuriy ayaa sheegay in askarigu uu mar kale rasaas riday, markanna uu madaxa aabbihii kaga dhuftay. Balse Ruslan mar hore ayuuba geeriyooday. "Waan baqayay, aniga oo dhulka jiifa gacantuna ay igu hoos jirto. Waxaan arkay inaan dhiig baxayay," ayuu yiri.
Waxay ahayd wax yar kaddib markii uu askarigu taangi gadaashii galay, markii uu Yuriy soo kacay oo uu baxsaday, sida uu sheegay.

Xigashada Sawirka, Family picture
BBC si madax bannaan uma aysan xaqiijin warka Yuriy, balse waxay ku soo aadeysaa xilli ay soo baxayaan caddeymo dheeraad ah oo ku saabsan dembiyada ay galeen ciidamada Ruushka markii ay gacanta ku hayeen Bucha iyo magaalooyin kale oo dhaca waqooyiga Kyiv.
Gudaha Bucha keliya, meydadka rag dhintay ayaa lagu arkay waddooyinka, badankoodna dhaawacyo xooggan ayaa ku yaallay. Qaarkood gacmaha iyo lugaha ayaa gadaal looga xiray halka qaarkoodna taangi la dul marsiiyay.
Inta badan meydadka waxaa lagu arkay Yablonska St, oo 2km (hal meyl) u jirta waddada la sheegay in Ruslan lagu dilay.

Hooyada Yuriy, Alla, ayaa BBC u sheegtay inay u baxday si ay u soo eegto seygeeda kaddib markii wiilkeeda uu guriga yimid una sheegay waxa dhacay. Waxay u heysatay in laga yaabo in Yuriy uu khalad fahmay, isla markaana uu Ruslan dhaawac yahay, una baahan yahay daaweyn.
"Wiilkeyga wuxuu iga baryay inaan bixin," ayya tiri Alla. "Wuxuu ii sheegay inay anigana i dili doonaan."
Markii ay isku dayday inay waddada ku lugeyso, ayay sheegtay, in deriskeeda ay istaajiyeen. "[Waxay] ii sheegeen inaan sii socon, iyagoo sheegay in ciidamada Ruushku ay dilayeen cid walba oo ku sugan halka ay maamulaan."
Subixii xigay, Alla ayaa caawinaad ka heshay hooyadeed. Iyagoo xirtay maryo cad cad, waxay aadeen aaggii toogashadu ka dhacday. Hooyadeed ayaa la hadashay saraakiisha Ruushka waxaana u suurto gashay inay gudbaan. Ugu dambeyn waxay soo qaateen meydkii Ruslan, guriga ayayna keeneen.
Sawir laga soo qaaday meydka oo qeyb laga daboolay, ayna soo qaadday Alla ayaa lala wadaagay BBC, wuxuuna muujinayaa mid caddeyn u ah sheekada Yuriy. Waxaa ka muuqda rasaas kaga taalla dhanka midig ee xabadka, meesha u dhow wadnaha.
Ruslan, oo ahaa qareen wuxuu ahaa 49 markii la dilayay. "aad ayuu uga dhex muuqday bulshada," ayay tiri Alla. "Iskama joogi jirin hallkaas oo iskama sugi jirin. Ee si mutadawacnimo ah ayuu dadka u caawin jiray."
Waxay ku aaseen beerta qoyska.
Yuriy ayaa sheegay in askarigii dilay aabbihii uu ahaa Ruush. Dharkiisa wuxuu ahaa cagaar tiq ah, sida uu sheegay, waana dharka u gaarka ah ciidamada Ruushka. "Waxaan arkay in jaakaddiisa ay afka Ruushka ugu qorneyd 'Ruuushka,'" Ayuu yiri.
"Khatar kuma aanan ahayn militariga, waxaynu ahayn rayid, xiran maro cad oo taas muujineysa," ayuu yiri Yuriy. "Waa wax nacasnimo weyn ah."












