Hooyo Ukraine u dhalatay: "Waxaan wadada ka soo qaaday meydka wiilkayga oo la dilay"

Iryna Kostenko
Published

Dhacdooyinka argagaxa leh ee laga soo warinayo colaadda Ukriane ayaa sii kordhaya, kadib markii ciidamada Ruushka ay ka baxeen deegaanno ku xeeran caasimadda Kyiv.

Iryna Kostenko ayaa ka warrantay murugada ay ka qaaday geerida wiilkeeda oo ay sheegtay inay dileen ciidamada Ruushka ee ka dagaallamaya afaafka hore ee Kyiv.

Waxaa lagu magacaabi jiray Oleksei, waxaana lagu dilay garaash uu ka shaqeynayay 10-kii March.

"Xanuun badan ayay igu reebtay geeridiisa. Hadda ma haysto cid kale oo aniga uun baa dunida ku haray. Waxa uu ahaa nin dhalinyar oo 27 jir ah, noolal wanaagsan ayuuna doonayay," ayay u sheegtay BBC.

Hooyadan oo gurigeeda ka carartay markii ay ku soo dhawaadeen ciidamada Ruushka ayaa sheegtay in markii ay ku soo noqotay ay la kulantay burbur baaxad leh oo loo geystay hoygeeda.

Meydka wiilkeeda ayay ka soo qaaday halkii lagu dilay, waxaana ay soo saartay gaari gacan.

"God baan u qoday, waxaana meydkiisa ku duubay roog si aanay eeyada u cunin. Ma helin naxash aan ku aaso," ayay tiri Iryna.

Sidoo kale, Tanya Nedashkivska ayaa meydka seygeeda ka heshay qeybta hoose ee guri ku yaalla magaalada Bucha.

Vasyl Ivanovych oo ka tirsanaa ciidanka badda ee Ukraine ayaa la jir dilay ka hor inta aan madaxa laga toogan.

Motyzhyn oo u dhaw magaalada Bucha ayaa waxaa laga helay xabaal wadareed lagu aasay dad u badan rayid. Waxaa kamid ah meydadka haweeney mayor ahayd iyo qoyskeeda.

Dadka magaaladaas ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay dilayeen masuuliyiinta ay qabtaan, gaar ahaan kuwa diida inay la shaqeeyaan.

Ruushka ayaa lagu eedeeyay inuu dembiyo dagaal ka geystay Bucha, eedeyntaas oo ay beenisay xukuumadda Moscow.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay geysteen falal arxan darro ah oo ka daran kuwii lagu bartay ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

Muuqaallo ay baahiyeen ciidamada Ukraine ayaa muujinaya wax u eg qolal ay askarta Ruushka ku ciqaabi jireen dadka oo ku yaalla magaalada Bucha. Qolalka ayaa waxaa ka muuqday meydad dad saf la geliyay, kadibna dhabarka laga toogtay, sida uu sheegay ciidanka.

Dad ka badbaaday magaalada Bucha ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay taangiyadooda jiirsiiyeen dad u xirnaa, kadibna ay meydadkooda uga dhaqaaqeen wadooyinka. Warar qaar ayaa sheegay in dad waayeel ah lagu hor laayay ehaladooda.

Madaxda Galbeedka ayaa cambaareeyay xasuuqa la sheegay inuu ka dhacay deegaannada u dhaw Kyiv, waxaana ay ku baaqeen in Ruushka lagula xisaabtamo falalkaas. Qaarkood ayaa ballan qaaday inay maxkamada dembiyada adduunka ka caawin doonaan sidii ay u baari lahayd gabood fallada lagu eedeeyay ciidamada Ruushka.

Duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa hadda xooggiisa ka socda bariga iyo koonfurta waddankaas, kadib markii ciidamadiisa uu kala baxay deegaannada u dhaw caasimadda Kyiv.