SmartWater: Maaddo haddii dumarka lagu buufiyo ay adkaaneyso in wax la yeelo

Qofkii ugu horreeyay oo ku sugan dalka UK ayaa la xiray kadib markii lagu helay in uu geystay tacaddiyada ka dhanka ah dumarka, waxaana qofka lagu ogaaday in xadgudubkaas uu sameeyay markii lagu buufiyay maaddada SmartWater, teknooloojiyaddan waxaa tijaabinaya ciidamada booliiska iyadoo la rajeynayo in la ilaaliyo haweenka badqabkooda.
Maaddadan ayaa kusii sugnaaneysaa maqaarka banii'aadanka iyo dharkaba ilaa lix toddobaad ama ka badanba, waxay fududeyneysaa in la helo macluumaadka la xiriira qofkii dambiilaha ahaa iyadoo la eegayo maddadan dareeraha ah ee lagu buufiyay.
Dhibbanaha, oo ku sugan Galbeedka Yorkshire, waa mid ka mid ah in ka badan 200 oo haween ah oo ku nool England oo haatan guryahooda dhigtay maaddadan, waxay ku jirta gasacad iyadoo ay ku buufinayaan gacan-qabsiga albaabka iyo albaabbada guryaha iyo dabin otomaatig ah oo buufinaya dareeraha haddii qof uu ku soo dhawaado guriga.

Sarkaalka guud ee dambi baarista ee galbeedka Yorkshire, Lee Berry, isla markaana keenay fikraddan ayaa BBC u sheegay in "Tacaddiyada ka dhex dhaca qoyska ay adagtahay in la ogaado iyadoo dadka dambiyada geystana badankooduna aan dacwad lagu soo oogin"
"Haddii si dhab ah qofka dambiilaha ah loo beegsado iyadoo la adeegsanayo seyniska, waxaan gacanta ku dhigi karnaa qofkaas marka uu kusoo laabto meeshii uu wax ka geystay, waxaana kala saari karnaa dambiilaha iyo dhibbanaha"
"Waxaan ku oraneynaa dambiilaha, haddii aad dib ugu laabato goobtaas, waxaad jebisay shuruudahan markaa si cilmiyeysan ayaa lagu beegsanayaa"
Ciidamada Booliska ee Galbeedka Yorkshire, South Yorkshire iyo Staffordshire ayaa dhamaantood adeegsanaya qalabkan, kaasoo qiimihiisu yahay £150, taasoo qayb ka ah tallaabooyinka lagula dagaalamayo rabshadaha qoyska.
Rabshadaha ka dhex dhaca qoyska waxay saameeyaan ragga iyo dumarka labadaba.
Inta badan dhibbanayaasha isticmaalaya qalabkan waxay booliska u sheegeen in amni ay dareemayaan.
Booliska UK waxay wadaan dadaallo xooggan oo wax looga qabanayo rabshadaha ka dhex dhaca qoyska ee saameeyo dumarka iyo gabdhaha, DS Berry waxaa ku rajo weynyahay in ciidamada ay adeegsan doonaan qalabka si loola dagallaamo tacaddiyada ka dhaca guryaha.

Muddo sanado ah maaddada SmartWater waxaa loo isticmaalayay in lagu ilaaliyo hantida iyo ka hortagga tuugada, dareerahan aysan isha qaban waxaa lagu arki karaa nalal awood leh iyo tooshashka ay isticmaalaan booliska.
Tusaale ahaan, haddii hanti la xado isla markaana marka dambe dib loo helo, waxaa la heli karaa qofkii iska lahaa hantidaas ee laga xaday waa haddii qalabkaas lagu sameeyo baaritaan cilmiyeysan.
Nin kasoo jeedo deegaanka Wakefield, ee galbeedka Yorkshire dalka UK ayaa tacaddiyo u geystay saaxibtiisii hore kaas hadda ka hor la siiyay amar ah in uu bannaanka ka maro, markii uu damcay in uu guriga soo galo, waxay ku buufisay dareerahan sirta ah.
Dareerihii SmartWater wuxuu ka caawiyay saraakiisha booliska inay soo qabtaan ninka booliska ah iyagoo ku raadinayay dareerihii sirta ahaa ee lagu buufiyay.
Waxaana lagu xukumay 24 toddobaad oo xarig ah.

Rachael Oakley, oo ah agaasimaha maaddada SmartWater waxay sheegtay in dareerahan loo adeegsan karo baaritaanada dambiyada si lamid ah kameerooyinka CCTV-ga.
"SmartWater waxa ay ka kooban tahay walxo dhif iyo naadir ah oo la isku daray oo aan si dabiici ah looga heli karin meel kasta oo adduunka ka mid ah, dhalo kasta waxa ku dhex jira xaddi kala duwan, qeyb kastana waa mid gaar ah, markaa waxaan si gaar ahaaneed u ogaan karnaa qeyb kamid ah dareeraha sirta ah"
"Xogteena waa isku xirka baaritaanka ee kuugu xireysaa qofkaas"












